Daryeel Qalbi 🦋
СтатистикаWaxa aynu akhristayaasha kula wadaagayna Erayo iyo xikmado dhiiri galin ah oo aynu kasoo aruurinay ilo kala duwan 😇🤍
- Последний пост
- 30 мая
- Последнее чтение
- 13 авг.
- Постов за неделю
- 0
- Всего постов
- 20
- Тип
- открытый
- Язык
- so
- В каталоге с
- 13 авг.
- 1/24сутки в ленте
- —
- 1/48двое суток
- —
- 1/72трое суток
- —
Оценка по просмотрам недавних постов: пост набирает почти всё за первые сутки.
Посты
Samir kasta gadaashii waxaa jira arrimo qurux badan, markaa aynaan degdegin; waxaa laga yaabaa in nala siiyo (nalagu arzuqo) waxa aan rabno."
Ilaahay hadaad tidhaahdid wuu ii hiilin wuuku hiilin hadaad tidhaahdid wuu iga hiilina wuu kaa hiilin
Waxaan arkay dhibaatada dunida oo qalbiga culaysisa, Waxaan soo maray waqtiyo aanan lahayn cid i dejisa marka laga reebo Allah, Waxaan maqlay waxa nafta xanuujiya, markaasna arrinkayga Allah ayaan u celiyey, Waxaan waayey waxyaabo aan jeclaa, markaasaan iri: Qaddarka Allah iyo waxa uu doono wuu sameeyaa, Marar badan waan jabey, ducadu se way i xoojisay, Noloshu way i daalisay, Qur’aankuna wuxuu ii noqday saaxiib, Dunidu markay igu cidhiidhiday, sujuuddu way ii waasacday, Ilmadaydana waxaan ku masaxay biyaha weysada, Waxaan hubay in dhibka ka dib uu jiro fudayd, Sideen u jabaa anigoo Allah ila jiro?
Waxa yiri Imaam Cali bin Abii Daalib (RC): Laba arrimood qari: Sirtaada ha u dhexayn naftaada iyo Rabbigaaga. Laba arrimoodna ku dadaal: Raalli-gelinta hooyadaa iyo aabbahaa. Laba arrimoodna gargaar ka raadso: Samirka iyo salaadda. Laba arrimoodna ha ka baqin: Rizqiga iyo geerida, maxaa yeelay waxay ku jiraan gacanta Eebbe. Laba arrimoodna waligaa ha xasusan: Wanaagga aad dadka u samayso, iyo xumaanta dadka kale kuu geystaan. Laba arrimoodna waligaa ha dayicin: Xuska Alle iyo diyaar-garowga aakhiro.
Markay aakhiro kuu weyn tahay, adduunyadu waxba kuuma ahaanayso — waa mataac yar oo dhammaanaya.
Ku kalsonow rabiga 🫀 Wlhi waligina kuma dayacayo Ayadaha quraankana uu firso adigay kugu socdane
Dadka ula dhaqan sida ugu wanaagsan, waayo dulqaadka iyo naxariistu waxay furaan quluubta, waxayna cadawga ka dhigi karaan saaxiibo. Raadadkaaga wanaagsan ayaa ah waxa ugu dambeeya ee hadha.
Ilhyow marba hadan adiga kuhaysto waxan kabaqayow majiro 🥰🫀
Qof walba meshu mudan yahay gee wayo ubaxa hadii biyaha laga badiyo wuu dhintaa…’🤍
Weli waan ka fogahay ninka aan doonayo inaan noqdo, balse aad ayaan uga sii fogahay wiilkii an ahaan jiray.
Mararka qaarkood waxyaabaha jebiya qalbigaaga ayaa haga jira aragtidaada.
"Waxaan ku arkaa adigoo cirka iyo meelaha fog eegaya, sugaya ballanta qorrax soo bixidda, waxaana indhahaaga ka muuqda qorrax dhaca murugada. U sheeg welwelka ku jabiyey qalbigaaga in uu dhammaanayo. Haddii habeenka murugada uu dheeraado, waaberigu wuxuu imaanayaa gadaashiisa. Waqti dhow xaqa ayaa ku soo noqonaya isagoo guuleysta, waxaana qori doonaa Alle arrin aad sugaysay."
ربما لا أحتاج إلى أي شخص ولكنني سأحتاج دائماً إلى والدي "I might not need anyone but I’ll always need my father 🥺" Waxaa laga yaabaa inaanan u baahnayn qofna, balse mar walba waxaan u baahnaan doonaa aabbahayga 🥺
Naftaydaay, haddii aad sabrato, sabir. Oo xasuuso in lagu abuuray dhibaato (adduunyo adag), halka jannada (Firdowsa) aysan lahayn dhammaad. Dhibaatada adduunka waa waqti kooban. Haddaba iska daa cabashada aad dadka u gudbinayso, oo ku celi: "Ahad! Ahad!" xilliyada xanuunka oo dhan. ❤️❤️🌹🌺
Wlhi malinta ilhy sidhab ah uu bartay baa sayid naftayda uu jecladay🥺🥰
‘Hooyaday waxay ahayd hooyo adag. Anigu waxaan ahay qofka aan maanta ahay iyada awgeed. Waligeed ma quusan, xitaa marka ay adkaatay. Wax kasta waxay u samaysay aniga dartiis.’”
Khasaara ugu wayn eed gaysanayso intaad noshahay waliba kana qomamaynaysid waxa weyaan inaad xumayso naf kuducaynaysey oo wax weliba oo wanagsan kula rabtey
Xiliyada adag ee noloshu kugu xidhidh tahay waxaa kulajoogayo un kuwi sida dhabta kujecel Kuwa kale way ka jeesan doonan Ee kalabaro dadka kuu roon ✍
Ma ahan inaad dadka oo dhan raaligeliso. Waxaad leedahay xaq aad ku tidhaahdo maya, xaq aad ku ilaaliso maskaxdaada iyo naftaada. Dadka aan qiimeyn jiritaankaaga, waxay mudan yihiin aamusanidaada
Gabadh kasta oo leh heerar nololeed oo sare iyo ixtiraam badan, waxaa ka dambeeya hooyo dadaalkeeda gelisay sidii ay gabadheeda ugu ilaalin lahayd farxad, badbaado, iyo inay hesho wax kasta oo ay u baahantahay nolosheeda. Hooyadu waa tiirka kobcinta nafta gabadha si ay ugu noolaato aduunka iyadoo qiimaheeda iyo sharafkeeda ilaalinaysa.