tgindex
Naafada Caashaqa

Dhagar-qabayaasha aannu jeclaanayoow nabadiinno.๐Ÿ’”๐Ÿ˜ฅ

ะŸะพัะปะตะดะฝะธะน ะฟะพัั‚
12 ะฐะฒะณ.
ะŸะพัะปะตะดะฝะตะต ั‡ั‚ะตะฝะธะต
15 ะฐะฒะณ.
ะŸะพัั‚ะพะฒ ะทะฐ ะฝะตะดะตะปัŽ
2
ะ’ัะตะณะพ ะฟะพัั‚ะพะฒ
20
ะขะธะฟ
ะพั‚ะบั€ั‹ั‚ั‹ะน
ะฏะทั‹ะบ
so
ะ’ ะบะฐั‚ะฐะปะพะณะต ั
13 ะฐะฒะณ.
ะŸะพะดะฟะธัั‡ะธะบะธ
2ย 668
+13 ะทะฐ 4 ะดะฝ.
ะกัƒั‚ะบะธ
+5
+0,19%
ะะตะดะตะปั
โ€”
ย 
ะœะตััั†
โ€”
ย 
ะŸั€ะพัะผะพั‚ั€ะพะฒ ะฝะฐ ะฟะพัั‚
581
20 ะฟะพัั‚ะพะฒ
ะ’ะพะฒะปะตั‡ั‘ะฝะฝะพัั‚ัŒ
21,8%
ะบ ะฟะพะดะฟะธัั‡ะธะบะฐะผ
ะŸะพัั‚ะพะฒ ะฒ ะดะตะฝัŒ
0,3
ะฒัะตะณะพ 20
ะฃะฟะพะผะธะฝะฐะฝะธะน
18
ะบะฐะฝะฐะปะพะฒ
ะžั…ะฒะฐั‚ ั€ะฐะทะผะตั‰ะตะฝะธั
ะพั†ะตะฝะบะฐ
1/24ััƒั‚ะบะธ ะฒ ะปะตะฝั‚ะต
85
1/48ะดะฒะพะต ััƒั‚ะพะบ
97
1/72ั‚ั€ะพะต ััƒั‚ะพะบ
105

ะžั†ะตะฝะบะฐ ะฟะพ ะฟั€ะพัะผะพั‚ั€ะฐะผ ะฝะตะดะฐะฒะฝะธั… ะฟะพัั‚ะพะฒ: ะฟะพัั‚ ะฝะฐะฑะธั€ะฐะตั‚ ะฟะพั‡ั‚ะธ ะฒัั‘ ะทะฐ ะฟะตั€ะฒั‹ะต ััƒั‚ะบะธ.

ะŸะพัั‚ั‹

  • Waxa aan kaa rabaa in aadan bulshada aad u tagtay ku dhex milmin oo aadan baahin ee aad ahaato qofkii aad ahayd amaad rabtay noloshaada. Waan dhiman karaa hortaaโ€”waadna dhiman kartaa hortay; waxa aan rabaa haddaan kaa hor dhinto ereyna ha ahaatee in aan wax uun kuu reebo. Nolosha aad hadda bilawday waxa ay wadataa oo aad wajihi doontaa caqabado iyo adaygyo aadan filayn, laakiin waxa aad ahaan doontaa waxa aad noqoto; waxa aadna istaagi doontaa meesha aad is istaajiso, wax walba oo jiraalkaaga naqshadaynaya oo qurxinayaa adiga ayay kaa go'aan ee haynaga dayicin saaxiib. Waan ku jeclahay Eebbe haku jeclaado e, naftaydan yari raalli bay kaa tahayโ€” Rabbi raalli ha kaa noqdee. Illaahay ha kula jiro oo garabkaaga ha ahaado. Illaahay ammaanadiisa ayaan kugu hallaynayaa, Eebbe ha inna kulmiyo innaga oo riyooyinkeennii rumaynnay Insha Allah, is arag iyo kulan xiiso leh saaxiib. Waan ku jeclahay marwalba meelwalba iyo marxalad walba saaxiib, waan kugu faanayaa goor iyo goobwalba. Cabdiwaasac Ducaysane, 10 August, 2026; Jigjiga, Ethiopia

  • DHALASHO AAN DHAB AHAYN! Wax aynnu ku wada naalnaa hal geed oo laamihiisu badan yihiin, waxa se aynnu ka simmanahay dareen kasta oo labo qof oo saaxiibbo ah soo mara; muddo shan sanno ah baynnu is naqaannaa, jirid kasta oo noloshu innoo dhigtay ayaynnu wadajir ugu dabbaalannay, waa sababta aan adiga illaa maanta aan saaxiibka kaaga dhigtay. Saaxiib in ka badan erayga saaxiib baad u qalntaada inaan ku idhaa, laakiin se waxa aad tahay qayb la ii abuuray! Haa waa la ii kaa abuuray. Waxa aynnu soo qaadnnay habeenno adag oo aad garab ii ahayd; kuma illoobi doono xataa qabriga ayaan kugu dhex xasuusan doonaa. Waxa aan aqoon buuxda u leeyahay boqollaal wax oo aad ii tahay, waa macquul in aad ka yaabto boqollaal, laakiin wax aadan qiyaasi karin baad runtii ii tahay waanan ku jeclahay saaxiib. Waxa aan is barannay wakhti aan kala daadsanaa oo aan baahsanaa; aniga oo dusha qof dhisan uga muuqda. Waxa aad i dhegaysatay kolkaan dhegtaada dareenkaaga iyo doorkaaga u baahnaa. Waxa aad i jeclaatay kolwalba iyo korriin walba. Waxa aad ii noqotay dawo aan dhakhtaradu bixin, dadkuna ku hammiyin heliddeeda. Goor walba oo aan ka cawdo dunida hawlaheeda iyo kadeedka nolashaโ€” waxad ahayd cidda keliya een igu xukumin marxaladahayga iyo dhawrka qof ee wakhtigu iga dhigay. Mustaqbalkaaga waxbarasho, farxadeed, dhoof ama guur wuxu ii yahay himilo iyo hadaf aan diyaar u ahay in kaalintayda buuxiyo, tillaabo kasta oo guuleedna waxa ay ii tahay reynreyn aadan dareemayn. Waan jeclahay inaan qeyb ka ahaado noloshaada idilkeed haddii aanan ka noqonna waxan jeclahay inta aan noloshaada ka ahay inay qurxanaato oo bidhaanto. Ma malayn kartid inaad heer gaadhaa waxa ay iiga dhigan tahay oo kuuma sheegin ama ma sawiran kartid oo ima noqon kartid waan isu cammirayaaye haygu qoslin! Haye dheh. Waxa aan ku rejo weynahay oo ku kalsoonahay kartidaada; waan ogahay inaad kasoo dhalaali doontid meelwalba oo aad tagto. Waan aaminsanahay inaad nolosha marwalba guulaysanaysid. Waan aqaan qofka adag ee kartida badan ee aad tahay. Waan ogahay miskiinnimadaada iyo daacadnimadaada. Waan aqaan hawlkarnimadaada iyo halyeynimadaada, haddana waxa aan rabaa inaan kula dardaarmoโ€”maaddaama aan kala fogaannay oo aynaan ogayn goorta aan is arki doonno goobta aan ku kulmi doonno iyo sida aynnu isku heli doonno. Waxa aan rabaa inaad ogaatid inaan marwalba kula jiro, xataa haddii aanan kula joogin. Waxa aan rabaa inaad aammintid inaan maalmaha culus dabada kaa riixayo si aad hore ugu socotid; inaan ku dhegaysanayo, marka aad cadhaysan tahay. Inaan kaa aamuso markaad u baahantay aamuska, kula joogayo markaad garab iiga baahan tahay, kula farxo maalmaha aad faraxsan tahayโ€”aadan keligaa ahayn maalmaha aad murugsaysan tahay, aan ilinta kaa tirayo marka aad oydo, kula ilmaynayo mar kasta oo aan culays kaa dareemo, xataa haddii aadan ii sheegin, ku jeclaanayo, xataa haddii aan dhimanno, kugu faano xataa haddaad saaxiibbo iga wanaagsan yeelato, ku oggolahay xataa haddaad i diiddo, ku taageero xataa haddii aadan ii baahnayn, kuu hagarbaxayo xataa adoo guulaystay! Waxa aan kaa rabaa inaad ku guulaysato nolosha idilkeed khaasatan xidhiidhka Eebbe iyo waalidka, walaalaha aad ka weyn tahay mas'uuliyaddooda u guntato, u diyaar garawdo la dagaallanka wakhtiga iyo meesha aad ku cusub tahay, ka gudubto waxwalba oo dadka ku adag. Waxa aan kaa rabaa inaad xasuusnaato qof walba oo hal waxna ha ahaatee wanaag ku siiyey; kuu rejeeyay ama kula doonay, inaad cafiso cid walba oo ku dhaawacdey ku dhibtay ama aad dhibsatay. Waxa aan kaa rabaa muraayadda aan iska dhex arkayo ee adiga ah inaad marwalba ii nadiifiso. Waxa aan kaa rabaa inaad u halganto xaqaaga waxa aad rabto iyo riyadaadda. Waxa aan kaa rabaa inaad rumayso doonistaada iyo damacaaga ku aaddan nolosha. Waxa aan kaa rabaa inaad lugahaaga ku istaagto marwalba waxa aan kaa rabaa inaad ii ahaato walaal faraxsan kalsooni isu qaba oo jecel horumarka.

  • Farriin Waan kuu xiisay runtii. Waxa aan u xiisay: daryeelkaagii, wanaaggaagii, naxariistaadii, ixtiraamkaagii, iyo waanadaadii. Waxa aad ahayd qof aan wakhtiyada adag garab ka raadsado si aan u dareemo inyar oo farxadda. Ma jeclayn in wakhtigu inna kala fogeeyo hadda na qoraalka Rabbi ayaa waxwalba ka weyn. Eebbe godka ha kuu nuuriyo; abaalkaagana janno ha ka dhigo. Toddobada sanno ee uu xidhiidhkeennu socday waxa ay noqotay summad qalbigayga ku taal. W/Q Qodax Daaโ€™uud.

  • ๐— ๐—ฎ ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—ท๐—ผ๐—ผ๐—ด๐˜๐—ฒ๐˜† ๐—”๐—ฎ๐—น๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜๐—ฒ๐—น๐—ฒ๐—ด๐—ฟ๐—ฎ๐—บ ๐—ผ๐—ผ ๐˜„๐—ฎ๐—พ๐˜๐—ถ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐—บ๐—ฎ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐—ฏ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐˜† ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ๐—ป๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ผ ๐—ณ๐—ฎ๐—ฎ๐—ถ๐—ฑ๐—ผ ๐—จ'๐—น๐—ฒ๐—ต ๐—ป๐—ผ๐—น๐—ผ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ, ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ป ๐—ต๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐˜‚๐˜‚ ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐˜…๐˜‚๐—น๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—น, ๐—ธ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜‚๐—ด๐˜‚ ๐—ณ๐—ฎ๐—ฎ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐˜๐—ฒ๐—น๐—ฒ๐—ด๐—ฟ๐—ฎ๐—บ ๐—ผ๐—ผ ๐—ป๐—ผ๐—ผ๐—ฐ ๐—ธ๐—ฎ๐˜€๐˜๐—ฎ ๐—น๐—ฒ๐—ต, ๐Ÿ’ฏ ๐—ฆ๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ณ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ผ, ๐—ก๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐—ฏ๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—”๐—พ๐—ฟ๐—ถ๐˜€๐˜๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ฑ ๐—ป๐—ผ๐—พ๐—ผ ๐—ฏ๐˜‚๐—น๐˜€๐—ต๐—ผ ๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ป๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐˜…๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป ๐Ÿ‘‡ @dhiiriye @Enjoy_boy1 @wadnojacayl @LAMAANe24h @Cilmu_nafsi_10 @HoygaShekoyinka @Saxiibka_Nolosha @udhawoow_allaah @HOYGAJACAYLKA @Aqoonta_kaa_maqan @Xikmadoiyodhiirigalin @Jowharadi_qalbiga143 Adminย - @Zaxiibka_nolosha https://whatsapp.com/channel/0029VbBOipoEquiVwbpZGE1Z

  • Marka aynu kulano qorraxda ayaa kasoo bixi meel aan looga baran kana dhici meel aan looga baran, Roob ma hiigaan ahi haddii uu ina hayay, hal mar buu qaadi, sidiiyoo aan meeshan dhibic roob ahi ku dhicin. Haddey abaar daba dheeraatay jirtay, hal mar baa lagu war heli raxmadii alle oo da'aysa. Abaartiibaa isu bedeli barwaaqo. Markaa kama baqayo dhimashada, keliya waxa aan ka baqayo ayaa ah in aynu dib u kulmi weyno W/Q @SekeriYe Haldoor

  • ๐— ๐—ฎ ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—ท๐—ผ๐—ผ๐—ด๐˜๐—ฒ๐˜† ๐—”๐—ฎ๐—น๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜๐—ฒ๐—น๐—ฒ๐—ด๐—ฟ๐—ฎ๐—บ ๐—ผ๐—ผ ๐˜„๐—ฎ๐—พ๐˜๐—ถ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐—บ๐—ฎ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐—ฏ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐˜† ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ๐—ป๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ผ ๐—ณ๐—ฎ๐—ฎ๐—ถ๐—ฑ๐—ผ ๐—จ'๐—น๐—ฒ๐—ต ๐—ป๐—ผ๐—น๐—ผ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ, ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ป ๐—ต๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐˜‚๐˜‚ ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐˜…๐˜‚๐—น๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—น, ๐—ธ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜‚๐—ด๐˜‚ ๐—ณ๐—ฎ๐—ฎ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐˜๐—ฒ๐—น๐—ฒ๐—ด๐—ฟ๐—ฎ๐—บ ๐—ผ๐—ผ ๐—ป๐—ผ๐—ผ๐—ฐ ๐—ธ๐—ฎ๐˜€๐˜๐—ฎ ๐—น๐—ฒ๐—ต, ๐Ÿ’ฏ ๐—ฆ๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ณ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ผ, ๐—ก๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐—ฏ๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—”๐—พ๐—ฟ๐—ถ๐˜€๐˜๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ฑ ๐—ป๐—ผ๐—พ๐—ผ ๐—ฏ๐˜‚๐—น๐˜€๐—ต๐—ผ ๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ป๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐˜…๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป ๐Ÿ‘‡ @dhiiriye @Enjoy_boy1 @wadnojacayl @LAMAANe24h @Cilmu_nafsi_10 @HoygaShekoyinka @Saxiibka_Nolosha @udhawoow_allaah @HOYGAJACAYLKA @Aqoonta_kaa_maqan @Xikmadoiyodhiirigalin @Jowharadi_qalbiga143 Adminย - @Zaxiibka_nolosha https://whatsapp.com/channel/0029VbBOipoEquiVwbpZGE1Z

  • ๐— ๐—ฎ ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—ท๐—ผ๐—ผ๐—ด๐˜๐—ฒ๐˜† ๐—”๐—ฎ๐—น๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜๐—ฒ๐—น๐—ฒ๐—ด๐—ฟ๐—ฎ๐—บ ๐—ผ๐—ผ ๐˜„๐—ฎ๐—พ๐˜๐—ถ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐—บ๐—ฎ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐—ฏ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐˜† ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ๐—ป๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ผ ๐—ณ๐—ฎ๐—ฎ๐—ถ๐—ฑ๐—ผ ๐—จ'๐—น๐—ฒ๐—ต ๐—ป๐—ผ๐—น๐—ผ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ, ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ป ๐—ต๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐˜‚๐˜‚ ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐˜…๐˜‚๐—น๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—น, ๐—ธ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜‚๐—ด๐˜‚ ๐—ณ๐—ฎ๐—ฎ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐˜๐—ฒ๐—น๐—ฒ๐—ด๐—ฟ๐—ฎ๐—บ ๐—ผ๐—ผ ๐—ป๐—ผ๐—ผ๐—ฐ ๐—ธ๐—ฎ๐˜€๐˜๐—ฎ ๐—น๐—ฒ๐—ต, ๐Ÿ’ฏ ๐—ฆ๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ณ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ผ, ๐—ก๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐—ฏ๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—”๐—พ๐—ฟ๐—ถ๐˜€๐˜๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ฑ ๐—ป๐—ผ๐—พ๐—ผ ๐—ฏ๐˜‚๐—น๐˜€๐—ต๐—ผ ๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ป๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐˜…๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป ๐Ÿ‘‡ @dhiiriye @Enjoy_boy1 @wadnojacayl @LAMAANe24h @Cilmu_nafsi_10 @HoygaShekoyinka @Saxiibka_Nolosha @udhawoow_allaah @HOYGAJACAYLKA @Aqoonta_kaa_maqan @Xikmadoiyodhiirigalin @Jowharadi_qalbiga143 Adminย - @Zaxiibka_nolosha https://whatsapp.com/channel/0029VbBOipoEquiVwbpZGE1Z

  • Waqtiyada aan kula joogo ma rabo in ay dhammaadaan. waxaan rabaa in daqiiqadaha aan wada joogno weligood aanay dhaqaaqin.

  • Waligay ma ilaawi doono sidaad iigu faraxday, mana ilaawi doono xanuunkaad ii keentay, markaad macasalaamaysay noloshayda. Waxaan kuu rejaynayaa qofkii iga fiicnaa ee aad dartii iiga dhaqaaqday, inuu ku wanaajiyo. Waxaan kuu rejaynayaa noloshii aan ku siiyay ee aad dhibsatay, mid kasii wanaag badan in aad hesho. Waxaan kuu rejaynayaa sidii aan sharaftaada u ilaalin jiray ee aan ixtiraamka badan kuu siinayay in laguu ilaaliyo, laguuna siiyo mid aad u wayn. Waxba kuuma qabo qalbiga; Eebbe ha ku ilaaliyo.

  • Habeen danbe barnaamij qiimo badan ayay akaademiyadda Qalindhuux innoo soo agaasintay. Madashu waa Masaf Space.

  • Aad baan u jeclaa inaan ku daryeelo, ku siiyo jacayl xad dhaaf ah; marwalba garabkaaga ahaado. Waxaan jeclaa dhib iyo dheef inaan kula qaybsado, ku ilaashado. Murugada kaa dhawro ku siiyo danayn xad dhaaf ah, laakin waxaad noqotey ruux danihiisa ka fikira agtaadana aanan ka helayn wax muhiimad ah. Waxaad isiisey xanuun iyo dhawac aad u daran, sidaadas ooy tahay weli waxaad tahay qayb ka mida wadnahayga; magacaagu wuxuu ku qoran yahay qalbigayga oo si farshaxan keh ayuu ugu daabacan yahay. Waxaan jeclaa inaan noqdo wershadda farxaddaad adigu se waxaad ii arkaysay dhaawacaga. weli waxaan kuu rejaynaya nolol wanaagsan farxad iyo inaad noqoto qof guuleysta inkastoon anigu jeclaa inaan noqdo qofka ka danbeeya guulahaaga, laakiin may dhicin ugu danbeyn i faraxsanow qofkii aan jeclaayow.

  • Sow ma ogid anigu aragaaga aad ayaan ugu farxaa, nayaayiro aan lasoo koobi karayn ayaan aragaaga ka helaa. Qof kasta shay ayaa ku lammaan oo ruuxdiisa ku mataanaysan, anigu taas waan ogahay oo waa muuqaaga aan garaadkayga ka maqnaan, had iyo goor, waad i horjoogtaa. Waad igu lammaan tahay, weli ma maqashay weedhii ahayd โ€œLabadii ruux ee isjecelba arwaaxdooda ayaa midowda.โ€ Waa midow aan gaadhin kii suufiga ahaa, waase mid ka yaraha duwan balse ay isku tilmaan yihiin. Ma midoobaan oo qudha xataa waa ay isu ekaadaan, isku dabeecad ayay noqdaan, way is dareemaan, way isku dhaygagaan, way isku ololaan, iskuna soo reemaan, mar walba. Adiguna tabtaas oo kale ayaad aniga ii tahay gacallo.

  • HIR EDITING CENTER Ma lee dahay buug, maqaal, ama qoraal aad rabto in si xirfad leh loo tifaftiro loo na habeeyo? Hir Editing Center waxa ay kuu diyaarisay adeegyo tayo sare leh oo kaa caawinaya in qoraalkaagu noqdo mid looga shaqeeyay si waafaqsan xeerar qoraalka ka hor daabacaadda. Adeegyadayada Shirkadda Hir waxaa ka mid ah: 1. Tifaftirka buugagga. 2. Hagaajinta naxwaha iyo higgaadda qoraalka. 3. Quraaridda iyo habaynta qoraalka. 4. Naqshadaynta jaldiga buugagga. 5. Talabixinta qoraallada ka hor daabacaadda Haddii aad rabto in qoraalkaagu noqdo mid loo tifaftiro si heer sare ah, nagala soo xidhiidh: ๐Ÿ“ฑ WhatsApp: +https://wa.me/qr/FM2UELHNLS3UP1 ๐Ÿ“˜ Facebook: https://www.facebook.com/profile.php?id=61564691742003 ๐Ÿ“ง Email: hirediting60@gmail.com

  • Feminism-ka iyo Soomaalida. Dhowrkii sannaba Soomaalida waxaa ka dhax kaco aragtiyo diimeed, kuwa dhaqan, ama doodo qabyaaladeed oo badankood ka yimaado dad aanan aqoon iyo fahan fiican ka haaysanin mawduuca ay ka hadlayaan haddana xagjir ku ah. Maalmahaan waxaa social media-ha Soomaida ka kacsan aragtida dumarnimada. Sidda caadiga ah Soomaalida waa bulsho patriarcal ah dhaqan ahaan, laakiin ma ahan bulsho dumarka dhib gaar ah ku heeysa sida carabaha ama Afghanistan oo kale. Dhibka dumarka Soomaalida haaysto inta badan waxuu ka yimid dowlad la'aanta, mana ahan wax ku kooban dumarka ee caruurta, waayeelka, dadka baahiyaha gaarka ah qabo iyo dadka la heeyb sooco intaba dulmiga wuu haaystaa. Aragtida feminism-ka Soomaida waxeey noqotay dumar leh ragga maxuu taraa ? Nin yaa u baahan ? Guurku nolol ma aha dumarka ayuu foolxumeeya Bla bla. Qoraayadii weyneeyd ee reer France Simone De Beauvoir oo aragtida feminism-ka hooyo u ah markii aay dumarka yurub u qoreeysay buugga The Second Sex oo aay guurka iyo raggaba ugu direeysay waxeey habeen walbo warqado jaceyl iyo rabitaan xad dhaaf ah u qoreeysay jilaagii weynaa Claude Lanzmann, qoraalada labadooda ka dhaxeeyay oo 2018 la faafiyay waxaa ku cad in Simone laheyd โ€œWaxaan rabaa in aan xaaskaada noqdo, cuno ku kariyo, guriga ku hagaajiyo, laabtaada ku seexdo. โ€œ Saxaafada iyo buuggaagtana waxeey ku laheyd ragga ka fogaada dumarnimo ma jirto, guurka ma ahan wax dumarka ku hamiyaan raggana waa cadawgiina nololeed. taas oo muujinaysa in qofku mararka qaar leeyahay fikir guud iyo nolol gaar ah oo kala duwan. Gabdhaha yaryar ee aragtidadaan feminism-ka ah lagu waalaayo ha ogaadaan in dumarka hor boodaayo howshaa ay sidii macalimadooda simone De Beauvoir u laba bogleenayaan nolol kalena si hoose u raadinayaan. Marka yeeyna madaxa idinka wasaqeeynin kooxdaan daalan, diintiina ayaa idin ilaalisay idina dhawrtay, dhibaatooyinka bulsho ee jirina ma hagaagayaan ilaa dowladnimo dadka kala xadeeyso la helo, sidii taas lagu heli lahaa ka qeyb noqda. Caynaanshe

  • Socdaal bilaa jiho ah ayaad bari u soo qaadday kaas ayaanad Boorame ku soo gashay. Nolashii godadka, darbiyada, maqaayadaha ilaa kursigan ayaanad ka soo martay. Waa kan inaadeerkaagii la guu ballanshay. Waa nin ay ladnaanta hantidu ka muuqato. Waa nin gaaban da ahaanna dhexaad ah. Waxa uu daystay gadhka shaarubkuna waa uu xiiray surwaalkana waa uu gaabsaday. Aad buu xaaraanta u neceb yahay se qabiilkiisa intaas wuu boorriyaa oo dhexda u xidhan yahay in ay soo dhacsadaan xaqa kaga maqan reerkan ay dawladda wada yabyabteen laakiin isa siiyay. Jimcayaasha oo uu khudbadda ka akhriyo masaajid ku yaalla Jarka aad buu ugu nuuxnuuxsadaa caddaaladdarrada xukuumaddan. Waa kaas inaadeerkaa. Waa kan ku horfadhiya ee kursiga weyn isu wareejinaya koofidda cad ee daldaloollada yaryar lehna hagaajisanaya. Xogtaada waa uu hayaaye waa kaas waraaqahaaga oo aan micne badan u samaynayn baadhbaadhay kuguna ammaanay inaad jaamacadda kaga baxday dhibcaha sidaas u badan. Waa kaas ballan kuu qaaday ah in uu wiiggan wasiirka ka dhammayndoono adna aad Sabtidan teeda u timaaddid. Aw Qodax; 14.March.026

  • Habeenbaas Xalay hurdo fiican ma aadan helin. Dareenno badan oo xasuusuhu soo beerqaadeen ayaad ka ledi wayday. Xusuus! Horta aslanba maxaynnu xasuusannaa? Wax walba oo nolasheenna soo maraa ma xasuus baa? Mise qaybaha wanaagsan ama kuwa xun uun baa xasuus ah? Oo nolashaaduba miyayna labadaas uun ahayn? Waxaad ka gam'i wayday habeen fog oo ka mid ah habeennadii nolashaada soo maray. Waa habeen dhererkiisu ka dheeraa habeennada caadiga ah ee nolashaada. Ma aadan xanuunsanayn mana aadan caafimaad qabin oo labadaas maxaa u dhexeeya? Waxa aad ku dhalatay miyi waana aad ka soo hayaantay adiga oo aadan garanayn meesha aad u socoto laakiin nolal raadis ah. Dadkuba sidaas bay u hayaamayeen bilaa jiho oo waxa ay raadinayeen nolol. Miyigu ma nolal xumayn se colaadihii sokeeye ayaa idin kala dilay idinna waad isdisheen. Dadkaas isdilay ama la dilay ayuu aabbahaa ka mid ahaa; hooyadaana way umulraacday dhalaahadaadii. Sidaas baad weligaaba u ayaandarrayd. Ayaandarrada iyo ayaanbadnida miyaa lagu dhashaa? Kollay asalku waa ayaan oo ah hoodo haddii dhacdooyinkaagu xumaadaanna waad ayaandaran tahay, haddii ay wacnaadaanna waad ayaanbadan tahay. Marka dhacdooyinkaaga nolasha ee dadka kale gaysteen ayaa labadaas kala go'aamiya. Boorame ayaad soo gashay firxadkii. Waa iska tuulo ay ka muuqdaan dagaalladii sokeeye. Iyaduba waa ay ayaan daran tahay oo waxaa loo dumiyay in dadkeedu taageersanaayeen dawladdii dhisnayd. Sidaas baa mar horena Axmaaro loogu dunshay. Ayaandarrada aad ka siman tihiin ayaa kuu doortay malaha. Habeenno badan baad darbiyada magaalada u hooyatay; habeenno ka sii badanna godadka qashinqubka. Maalinkaaga oo dhan waxaad ku dhammaysatay u xalidda weelashada makhaayadaha si aad hambada uga xalaashato. Sidaas baad ku noolayd. Boorame hayb cayiman ayaa u badan adigu se dan kama lihid. Nolal baad u baahan tahay. Saaka waxa aad u kallahday mid aad ilmaadeer tihiin oo ka mid ah madaxda Wasaaradda Hantidhowrka. Waxa aad gashatay kabo aad ka soo xadday xalay taraawiixdii masaajidka Saaweer. Dhowr shey oo aan uskag ahayn ase duug ahna inta aad kala xulatay ayaad labadii aad islahayd waa ay ugu bilic san yihiin ka soo gashatay. Adeerkaa, Soomane, ayaa ninkan ballanshay darraad markii uu ka qaadayay magta dhagartii uu Ina Haybe gaystay. Aad buu kaagala dardaarmay oo uu u sheegay inuu agoonkaagan meeleeyo. Sidaas baa la isku wada meeleeyaa. Shan sano ka hor waa adigii ka baxay Jaamacadda Eelo adiga oo xooggaaga iyo xiniintaada kaga baxay fakaltiga dhaqaalaha. Sidaas baad habeenkiinna waxbarashada u aadaysay maalintiina aad kabaha dadka ugu baalashaysay ka soo horjeedka Masjid Harawa. Halkaas ayaad ka soo saaraysay lacagta jaamacadda; habeenkiinna aad u dheelmanaysay guriga adeerkaa Cusmaan. Cusmaan waxa uu ahaa dada labaad ee kayar aabbahaa. Xilligii aabbahaa la dilay ku maqnaa magaalada Adis Ababa halkaas oo uu wax ka soo bartay. Soo noqashadiisii ayuu la yimid isaga oo wata naag uu Hereriyad idiinku sheegay taas oo hadda Wasaaradda Caafimaadka ka shaqaysa. Isagu waa jeeble oo kuma shaqeeyo waxii uu soo bartay. Dadka oo dhan ayaa sidaas ah ee keli kuma aha. Isaga ayaana nolashaada la wareegay beri fog. Sidaas ayaanad wax ku baratay. Aabbahaa habeenbaas ayaa la dilay. Reeraha aad is-hayseen ayaa idinku soo duulay. Waa ay idinka hub badnaayeen. Waxa ay haysteen hubkii ay kula dagaallamayeen Dawladdii Siyaad. Idinka waxaa la idinku xantaa in aad aqoonyahanno tihiin haddana wax ma soo kordhisaan ee wax waa hore laga tegay ayaad dadka uga lexejeclo badan tihiin. Waa sidaas aqoontiinnu. Runta ayaa se ah in dadka kale sida ay juhalo, culumo, fadqalalle, iyo aqoonyahanba u lee yihiin ayaad u leh dihiin. Inta badanna idinka ayaaba soomaalida kale ka juhalo badan illayn waxa aad rumaysan tihiin beenta iyo khuraafaadka ay reeraha kale dhisaan e. Hubkaas aydaan aqoonta u lahayn ayaa abbahaa dilay habeenkaas. Isla habeenkaas ayay xusuusta nolashaadu ka bilaabmataa. Habeenkaas ayaad ka soo lugaysay tuulo Afyar oo aad hadda ogaatay in ay 153km galbeed kaga beegan tahay Boorame.

  • Ayaantii aad iga carrawday ayaa caafimaad aan ku tamanniyo iigu dambaysay. Galaabtaas jawigaygu ma saxsanayn. Cabashooyin badan ayaan ka qabay dhankaaga oo aan rabay in aan kaala xaajoodo. Cabasha kasta oo aan qabay daawadeedu muuqaaga ayuu ahaa. Haddii aad mar qudha ii imaan lahayd waan illaawi lahaa murugada iyo depresion-ka igu hareeraysnaa. Galabtaas iima aadan iman. Xataa in aynnu ballansanayn ma aadan xasuusan. Ballantu waa rukni diiniya oo aad ilaalin jirtay se galabtaas ma aadan oofin. Ma waxa aad ka baqday in aan kula gorgortamo gacaliye mise in aan laabtaada ku ooyo? Xaasha! Ta hore ma sameeyeen se ta dambe anigu nafis baan ku dareemi lahaa. Waa sunnaha nolasha marka midkeen xanuunsado in aynnu cidlaynno oo aan dayrinno. Bani aadam baad u tahay yeellidda ficilkaas se aqbaliddiisa ayaan dheddig u ahay. Aniga oo qirsan qaddarka haddana qof aan ka filanayay ficilkaas ma aadan ahayn. Sariirta ku tiirsan gidaarka ee go'a cad lagu goglan ayaa hoy ii ah. Waan cidlooday gacaliye. Sida aad iiga dheeraatay ayay dadkiina iiga fogaadeen sababtuna waa in aan xanuunsanahay. Quruxdii, caraftii iyo dhoollacaddayntii aad igu ogayd dhammaantood waa ay doorsoomeen. Qof lafalafa ah, qubaysku uu ku yaryahay oo xataa haddii ay qubaysato uuna uskaggu ka dhammaan ayaan noqday. Sababta aad ii cidlaysan ma tan baa? Waa caadi. Nin baad u tahay raacidda carafta iyo qof shilis se qofka aad intaa ku xulatay marka uu waayuhu ka liico ha ku cidlayn. Waa iga codsi. Ha is odhan maaddaama oo ay xanuunsan tahay ayay ku jeceshahay e, xataa haddii aan caafimaadqabi lahaa kuma dayriyeen. Marnaba, hadda waa marnaba, ma yeeleen sida aad yeeshay. W/Q - Qodax Daaโ€™uud

  • Fu'aad Xaruur Waan ku jeclaaday jacayl bilaa shuruud ah. Hadalkaaga iyo dhawaaqaga aad sida maalin laha ah iila qabadsiisay waxa ay noqdeen waxa ugu muhiimsan noloshayda. Fariimahaguna waa quudka kaliya ee aan dheefto marka ay waxkale ii dhadhami waayeen. Farxadda aad i bartay ayaan ku dareemaya istareex. Waxa aan doonaya waxwalba oo kugu soo biira in aan kula qaybsado. Dabeecad walba oo aad lahaydna in aan wada jir u badalo inta ku dhibaysa. Farxadaada, xanaaqaaga, murugtaada, iyo waxwalba oo noloshaada kusoo biira in aan kula qaybsado ayaan doonaya gacalo. Guul waxa iigu filan la jirkaaga. Waxa aad tahay mustaqbalkayga, sharaftayda, iyo qofnimadayda. Waxa aan doonayaa in aan kuu buuxiyo boos walba oo aad noloshaada oo aad aadame uga baahan lahayd, marka laga tago booska labada waalid. Walaal, saaxiib, gacaliye, iyo asxaaba in aan kuu noqdo ayaan rabaa. Ballan walba oo aan kuu qadayna in aan kuu oofiyo ayaan doonayaa. Waxyar oo sir ah aan kuu sheego ee i dhagayso gacalka. Waxa aad tahay shakhsi aniga ii khaas ah. Ma rabo in aan dareemo cidlo iyo in aanan garab haysan midna. Dunidan adiga ayaan kaa xushay ee fadlan qalbiga ii ilaali. Kala fogaansheheenu yaanu noqon mid innaga faa'iidaysta oo inna dareen siiya masaafaada inno dhaxaysa. In aan wada joogno ku niyayso halka aad joogto. Aniguna sidoo kale nasiibkeygiiyeey. Jacaylku waa deeq Alle inna siiyay inaguna aynu tabcanay ee aynu ilaashano. Haddii aynu is ilaashan wayno laga yaaba qof adiga oo kale ah in aanu dib isoo marin, sidoo kale adna aanad helin aniga oo kale. Waa la iskugu keen talo galay fadlan gacantayda hasii dayn. Laabtada in aan ku jiro oo aan dhabtaada ku gam'o ayaan rabaa waliba si nabad ah. Gacaliso miyaan ku qaldanahay in aan sidan oo dhan kuu jeclaado? Miyaan ku qaldanahay in aan nolol maalmeedkayga dhammaantii aan ku qaato fikirkaaga? Miyaan se ku qaldanahay in aan ku ilmeeyo haddii aan kaa wayo xaaladaadii caadiga ahayd? Qoraalkan ma garanayo dareenka aan ku qorayo. Waxa aan ogahay un cabsidayda ugu wayn in ay tahay waayiddaada. Noloshana la'aanta waan ka baqayaa.. Fadlan aynnu midowno ee haye i dhe.