DAGAALLADA CAALAMKA
Статистика- Последний пост
- 14 авг.
- Последнее чтение
- 15 авг.
- Постов за неделю
- 8
- Всего постов
- 21
- Тип
- открытый
- Язык
- so
- Категория
- Книги (по похожим)
- В каталоге с
- 13 авг.
- 1/24сутки в ленте
- 428
- 1/48двое суток
- 490
- 1/72трое суток
- 529
Оценка по просмотрам недавних постов: пост набирает почти всё за первые сутки.
Посты
اللَّهُــمَّ صَلِّ وَسَـــلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَـــا مُحمَّد ﷺ
DEG DEG: DAAWO diyaarad dagaal oo ah nooca F-16 oo ay lahaayeen ciidanta cirka Turkiga ayaa ku burburtay gobolka Yalova ee waqooyi-galbeed Turkey. Diyaarada ayaa xilliga ay burburaysay waxay ku jirtay hawlgal tababar ah. Duuliyihii ayaa ka booday diyaarada inta aysan burburin.
DAAWO: Xilli ay dunidu ku mashquulsantahay dagaalka Maraykanka iyo Iran, waxay Yuhuudu sii xoojinaysaa xasuuqa shacabka Gaza. Muuqaalku waa duqayn ay Yuhuudu u geysatay teendhooyinka shacabka Gaza halkaas oo ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac badan.
DAAWO: Dab xooggan ayaa ka kacay warshada korontada magaalada Zawiya ee galbeedka Libya kadib markii lagu weeraray diyaarad isqarxisa noo loo yaqaano FPV. Waa weerarkii sadexaad oo warshadan loo geysto muddo 3 maalin gudaheed ah. Ilaa hada lama oga cidda weerarka geysanaysa, mana jirto cid sheegatay masuuliyadda.
DAAWO: Waa diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin ciidanka Maraykanka oo dulmaraysa meel u dhow xuduudka badda wadanka Iran. FG: Dhawr jeer ayay Iran soo riday diyaarado noocaan ah iyo kuwa darooniska ee Maraykanka.
видео или голосовое, без подписи
DEG DEG: Qarax ka dhacay magaalada Banghazi ayaa lagu dilay Major General Fawzi Al-Mansouri oo ahaa madaxii sirdoonka ciidanka taabacsan Khaliifa Xaftar ee ka taliya bariga Libya. Qaraxa oo ahaa mid lagu dhejiyay gaariga sarkaalka ayaa ka dhacay afaafka hore ee gurigiisa.
Assalamu calaykum. Isku soo laabasho wacan. Waxaan dib u billaabaynaa tabintii wararka dagaallada caalamka.
DAAWO: Iran waxaa ka billaabatay tababar dumarka lagu siinayo isticmaalka hubka fudud, xilli laga cabsi qabo in duullaan dhulka ah ay Maraykanka iyo Yuhuuhu ku qaadaan gudaha wadanka.
SAWIR: Duqaynta Yuhuuda waxaa lagu dilay hogaamiye sare oo lagu magacaabo Cizi-diin Al-xaddaad, oo ahaa taliyihii guud ee ciidanka xarakada Xamaas. Duqaynta ayaa sidoo kale waxaa ku shahiiday xaaskii hogaamiyaha iyo gabar yar oo ay dhaleen.
DEG DEG: Diyaaradaha Yuhuuda ayaa duqeeyay guri dabaq ah oo ku yaalla Gaza. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in duqaynta lagu dilay taliye sare oo ka tirsan ciidanka xarakada Xamaas.
DEG DEG: Waxaa lagu dhawaaqay xabad joojin mudadeedu tahay 2 isbuuc taas oo ay kala saxiixdeen wadamada Maraykanka iyo Iran. Hishiiska oo ay ka soo shaqaysay Pakistan ayaa sidoo kale waxaa soo dhaweeyay Yuhuuda. FG: Hishiiska waxaa ku jira in sidoo kale Yuhuudu joojiso duqaymaha ay ku beegsanayso Lubnan, balse Yuhuudu arinkaas way diiday, waxayna sii wadaa duqaymaha. Duqayntii ugu dambaysay waxay geysatay daqiiqado yar kahor waxayna la beegsatay gaari Ambalaas ah oo marayay koonfurta Lubnaan.
DEG DEG: Daawo rag hubaysan ayaa weeraray qunsuliyada Yuhuuda ee magaalada Istanbul ee wadanka Turkey. Booliska Turkiga ayaa sheegay inay dileen raggii weerarka geystay, dhankoodana ay 2 sarkaal ka dhaawacmeen.
DAAWO: Diyaaradaha dagaalka Yuhuuda ayaa duqeeyay kaniisad ay leeyihiin Yuhuuda ku nool Iran oo ku taalla caasimada Tehran.
SAWIR: Duqayn culus oo lala beegsaday garoonka diyaaradaha Meher Abad ee wadanka Iran.
DAAWO: Trump oo ku hanjabay inay Iran oo dhan hal habeen dhulka la simi doonaan. FG: Arinkaas waxay dad badan u fahmeen hanjabaad la xiriirta in Maraykanku isticmaali doono hub Nukliyeer ah hadiiba ay dhab ka tahay hanjabaadaasi.
DEG DEG: Duqayn ka dhacday Tehran ayaa waxaa lagu dilay Ayatullah Cali Reda Carafi oo ahaa ninka labaad ee dhanka hoggaanka diiniga ah ugu sareeya wadanka Iran. Wuxuu ka mid ahaa saddexdii hoggaamiye ee uu ka dardaarmay Cali Khamenei inay wadanka sii hoggaamiyaan, wuxuuna dhanka masuuliyada ku xigay hoggaamiyaha cusub ee Iran Mujtaba Khamenei. FG: Waxa la isku raacsanyahay in ay jiraan jawaasiis heer sare ah oo ay Yuhuuda iyo Maraykanku ku dhex leeyihiin dawlada Iran, kuwaas suurtagelinaya in la laayo hoggaanka sare ee wadanka.
DEG DEG: Duqayn ayaa lala beegsaday warshada sifaynta bartoolka Babko ee wadanka Baxrayn.
DEG DEG: Duqayn ayaa lala beegsaday warshada sifaynta bartoolka Babko ee wadanka Baxrayn.
SAWIR: Ninkan waa masuulka ka tirsanaa Xisbullah ee lagu dilay duqaynta Yuhuuda. Wuxuu soo qabtay xilal dhanka ciidanka oo aad ugu muhiim ugu ahaa ururka. Wuxuu ka soo dagaalamay wadanka Suuriya halkaas oo uu hogaaminayay ciidankii Xisbullah ee garab siinayay xukunkii Bashaar Al-Assad ee la dagaalamayay kooxaha Sunniga ah.