tgindex
Boqortooyada_Garashada🍀☀️🤴

Boqortooyada_Garashada🍀☀️🤴

Статистика

#Aqoon guud #Sooyaalka islaamka #xoggo #Murti #ogow wax cusub #Cadawgeenu wa ayo?

Последний пост
6 авг.
Последнее чтение
15 авг.
Постов за неделю
0
Всего постов
21
Тип
открытый
Язык
so
В каталоге с
13 авг.
Подписчики
2 022
−6 за 4 дн.
Сутки
−2
−0,10%
Неделя
 
Месяц
 
Просмотров на пост
1 549
21 постов
Вовлечённость
76,6%
к подписчикам
Постов в день
0,0
всего 21
Упоминаний
0
каналов
Охват размещения
оценка
1/24сутки в ленте
47
1/48двое суток
53
1/72трое суток
58

Оценка по просмотрам недавних постов: пост набирает почти всё за первые сутки.

Посты

  • Ma tahay arday oo ma doonaysa inaad turkiga ku tagto si fudud, Hadaba SomApply waxay kaa caawinaysa inaad hesho aqbalaada-jaamacadaha turkiga private iyo kuwa dawli ahba mudo ka yar 14 bari dalbo hada aqbalaada jaamacadaha turkigoo adigoo akoon ka furanaya linkigan https://www.somapply.com/ kadib markaad dekumintiskaga submit garayso noogu reeb fariin whatsapkeena +905527907294 si aan kuugu hawl-galno si dag dag ah . wixii faah faahina oo intaasi dheer nagala soo xiriir talafeen numberka whatsppka ah ee SomApply.com +905527907294 ama email = somapplyofficial@gmail.com

  • Lafaha kalxanta. Lafaha kalxantu, waa lafaha Alle SWT uu ku sheegay suuradda 75-aad ee Qur'aanka kariimka ah ee Al-qiyaamah, aayadda 26-aad. Wuxuu Alle sheegay in marka naftu(ruuxdu) gaarto lafaha kalxanta ay taasi tahay calaamad muujinaysa dhammaadka nolosha qofka. Lafaha kalxantu, waxay ku yaallaan dusha laabta iyo qoorta hoosteeda, qof kasta wuxuu leeyahay laba kalxamood (mid bidix ah iyo mid midig ah), labada kalxamood dhexdooda bayna naftu(ruuxdu) sii martaa marka ay ka baxayso jirka qofka. Waxyaabaha ay gaarka la tahay lafta kalxantu waa: => Waa lafta dheer ee keliya ee jirka bini’aadamka ku taal si jiif ah (ballac ahaan), halka lafaha kale ee dhaadheer badankood ay u yaallaan si toosan. => Waa lafta dheer ee keliya ee jirka bini’aadamka ka mida ee asalkeedu yahay xuub (membranous bone), halka lafaha dhaadheer badankood ay ka samaysmaan carjaw (cartilage). Ugu dambayntii, aayadaha Alle SWT qur'aanka uga sheegay iyo tafsiirkooda. كَلَّا إِذَا بَلَغَتِ التَّرَاقِيَ (26) "Haka joogaan(beeninta aakhiro iyo adduunyo jacaylka), marka ay gaarto(naftu) kalxamaha." وَقِيلَ مَنْ ۜ رَاقٍ (27) "Oo la yiraahdo qofkeebaa ku tufaya(daawaynaya qofkaan sii dhimanaya)" وَظَنَّ أَنَّهُ الْفِرَاقُ (28) "Oo uu yaqiiniyo(qofkii sii dhimanayey) waxa ku dhacay in uu yahay tagitaan(ka tagitaan noloshii adduunyo)" وَالْتَفَّتِ السَّاقُ بِالسَّاقِ (29) "Oo uu ku marmo kubku, kubkii kale" / "arrintii adduunka ay ku maranto tii aakhiro." إِلَىٰ رَبِّكَ يَوْمَئِذٍ الْمَسَاقُ (30) "Rabbigaa xaggiis baa maalintaa kaxayn ahaatay(meesha la isu kaxaynayo waa Alle xaggiisa) Sow ma ogid! qofka marka nafta laga qaadayo in laga soo billaabaa lugaha, si uusan uga cararin xanuunka geerida. Sow ma ogid! xanuun adduunka uu noole xanuunsado in uu ugu xanuun badan yahay xanuunka uu xanuunsado nooluhu marka uu sii dhimanayo, waana xanuun sugaya inta nool oo dhan marka Alle laga reebo. Waynoow Allahayoow🤲🏿, dambi-dhaafkaaga, raalli-ahaanshahaaga, khaatumo wanaagsan, janno fardawsa iyo inaan Nabi Muxammad NNKH jannada kula rafiiqno baannu ku waydiisanaynaa.

  • без подписи

  • Markaa aragto dhaqamada iyo ficilada dadka qaar waxaad is arkeysaa adigoo Alle uga mahad celinaya tarbiyadda wanaagsan iyo akhlaaqda iyo caqliga saliimka ah ee uu ku siiyay ❤ Alhamdulillah Haben wangsan

  • без подписи

  • Hadii aanan lagaa Haynin Sawir qaawan ama Muuqaal foolxun ama aanan Lagaa Haynin wax ceeb ah Alxamdulilaah dheh. Taa Macnaheedu ma aha in aan ku faraxno gabdhaha iyo ragga xumaha Laga arkay, ama Social media lagu soo qarxiyay, aad baan uga xunnahay inta xumahooda banaanka la keenay, waana difaacayna inta lagu qaldamay ama la dulmiyay, Waligaa Cawro walaasha ama walaalka uu leeyahay ha faafinin hana ka qayb qaadanin faafinteeda. Ilaahay wuxuu yidhi isaga oo ka hadlaya kuwa Xumaha mu'miniinta faafiya إِنَّ الَّذِينَ يُحِبُّونَ أَن تَشِيعَ الْفَاحِشَةُ يَعْلَمُ وَأَنتُمْ لَا تَعْلَمُونَ oo Macnaheedu tahay in kuwa jecel in xumaantu ku faafto mu'miniinta dhexdooda ay leeyihiin cadaab aad u daran Adduun iyo Aakharaba.

  • без подписи

  • Jacaylka Dhabta ah Calaamadaha Lagu Garto Jacaylka dhabta ah ma ahan keliya farxad iyo qosol waa naf nafta kale u damqaneysa, waa kalsooni, waa sabir, waa dadaal labada dhinac ah. Calaamadaha ugu weyn ee jacayl dhab ah 1. Wuu ku fahmaa xitaa marka aadan hadlin. 2. Wuu ku maqlaa marka dunidu kaa jeesato. 3. Wuu kuu duceeyaa, xitaa markaad is khilaafteen. 4. Wuxuu ku barayaa inaad naftaada jeclaato. 5. Wuxuu kuu xasuusinayaa Ilaahay, marka ka foganayso. 6. Wuxuu u dulqaataa daciifnimadaada adigoo aan is qarin. 7. Wuxu daacad kuu yahay marka aadan joogin. F.G “Jacaylka wanaagsan wuxuu u baahan yahay labo qalbi oo daacad ah, labo af oo cafis yaqaan, iyo labo gacmood oo mar walba is qabsanaya xitaa marka wax walba ay adkaadaan.”

  • خطبة الجمعة: { وَإِذ تَأَذَّنَ رَبُّكُم لَئِن شَكَرتُم لَأَزيدَنَّكُم وَلَئِن كَفَرتُم إِنَّ عَذابي لَشَديدٌ }[ إبراهيم: ٧ ] أركان الحياة خمسة: ١- العقل ٢- العلم ٣- التكنولوجيا ٤- القوة الإقتصادية ٥- القوة العسكرية Tiirarka Noloshu waa Shan: 1- Caliga 2- Cilmiga 3- Tiknoloojiyada 4- Cudud Dhaqaale 5- Cudud Milatari. Shanta tiir midka ugu horeeya: "Caqliga" asaga oo maaddo ceeriin ah ayuu Alle si siman u siiyay Aadmiga oo dhan. "العقل أعدل الأشياء قسمة بين الناس" ديكارت Dabadeed, dadkii, qaar baa caqligii kobciyay oo dhisay, si lamida sida murqaha jirka loo dhiso. Dabadeed, caqligii wuxuu u dhalay afarta tiir ee kale. Dabadeed, waxay heleen nolol karaamo leh. Halka dadkii, qaar ay caqligii inay kobciyaan iskaba daaye, ay cuuryaamiyeen. (Anqow ninkii isku dhiftaa asagaa u dhutiya). Dabadeed, ifka dulli bay ku joogaan iyo gacan hoorsi, sida Somalida oo kale. Kolka aadmiga la tirinayana, nambarka (0) bay qaataan ama ka hoos. Qoladaan dulliga dooratay Quraanku wuxuu u yaqaanaa ama ugu yeeraa (كالأنعام). Kaaga daran e, waa qolada ugu Quraan akhriska badan aadmiga oo dhan. Mar kasta ee lagu tartamo xifdiga Quraanka, ayagaa koobka qaada!!! Mufakiriinta fara ku tiriska ah ee beeshaan ka dhalatay waxay mashquul ku yihiin ka dhaadhicinta beeshooda "caqli baad leedihiin ee adeegsada"! Maalin dhaweyd baan ka faaiday post uu soo dhigay Sh. Cabdiqaadir Sh. Cali Fooxle, post-iga oo ahaa clip uu waa hore duubay wadaadka maxbuuska ku ah boqortoiyada Sacuudi, ee Xasan Almaaliki, uuna kaga hadlayay farqiga u dhexeeya labada eray ee Carabiga ah ee (الحمد) iyo (الشكر). Waxaan aad iyo aad ula dhacay sida uu u tafsiiray labadaa eray caalimka, mufakirka maxbuuska ahi! Wuxuu yiri "xami naqu" waa kolka ruuxu ama umadu afka ka tiraahdo "Alla mahadi" (الحمد لله). Shukrigu se waa kolka qofku ama umadu ay ku dhaqaado adeegsiga nicmada Alle siiyay. Kuwa dambe ayuu Alle amaanay oo la dhacsanyahay. Labada qoloba Alle wuxuu ka yiri: (لئن شكرتم لأزيدنكم ولئن كفرتم إن عذابي لشديد) (abaalka aan idiin galay ee caqligu ugu horeeyo hadii aad adeegsataan, tiirarka kale ee nolosha waad helaysaa. Hadii se aad caqliga cuuryaamisaan, asaagiin baad u hoosayn doontaan)! In Somalia sabool ahaato, Sweden na hodan ahaataa waa natiijo ka dhalatay nicmada caqliga oo lagu shukriyay iyo nicmadaas oo lagu kufriyay. { إِنّا هَدَيناهُ السَّبيلَ إِمّا شاكِرًا وَإِمّا كَفورًا }[ الإنسان: ٣ ] - Axmed Cali Hilowle

  • Waa maxay Boinkers, faa'iido se ma leedahay? Boinkers waa ciyaar ku dul dhisan Telegram, waxa aad qaab maadaysi iyo ciyaaro ku salaysan aad ku heli krtaa lacago coins ah oo suuqyad cryptocurrency-ga soo geli doona, taasoo u oggolaanaysa addeegsadayaasha inay kasbadaan lacagta $BOINK iyaga oo ciyaaraya game kala duwan. 🎮🎯 Sidee loo helaa coins-ka $BOINK? ✔️Wareejinta wheel-ka (spin) ✔️Gudashada hawlo maalinle ah ✔️Ka qaybgalka mini-games kala duwan ✔️Nidaamka casumaadda (Referral system) oo lagu kasbanayo wareegyo dheeraad ah Maxay faa'iido leedahay? Waa muhiim in la ogaado in $BOINK ay tahay lacag meme ah (memecoin), taasoo qiimaheedu aad u kala duwanaan karo oo ay suurtagal tahay inay aad qiimaheedu u kaco ka dib marka lasoo fasaxo. Ilaa hadda, ma jiro macluumaad rasmi ah oo sheegaya goorta ama haddii ay suurtagal noqon doonto in $BOINK lagu kala iibsado suuqyada waaweyn ee cryptocurrency-ga. HALKAN kaga biir Boinkers

  • https://t.me/cilminafsiga

  • Boortaqiisku wuxu weeraray Saylac laba jeer intii uu xukumayay boqorkii boortaqiiska ee lagu magacaabi jiray (Manuel 1, 1495-1521), duullaankii dhacay 1517 waxa isku beegmay dilkii boqorkii Cadal Garaad Maxfuud ee dagaalka kula jiray boqortooyadii xabasha iyo boortaqiiska oo qabsaday Saylac. Xaflado badan ayay samaysteen Xabashidu xilligaa, heeso badanna waa laga qaaday. Farxad awgeed boqorkii Xabashida ee Dived wuxu u qoray warqad boqor Mauel 1, waxa ku xusnaa warqadda: ( Saylac nala qabta oo qalcado nooga sameeye sidaan u helno marin badeed, waxay muslimiintu aaminsanyihiin in aanu burburin doonno Maka iyo Madiina, sidaa awgeed yoolkiinnu si fudud ayuu idiinku hirgalaya ku aaddan dhulka barakaysan). Taariikhdu isu eeka soomaaliduna dhoohana.

  • Jeelka (kawaanka dadka) #Saydnaaya ee Bashaar al-asad iyo Ciidankiisu ku jidh-dili jireen dadka reer Suuriya.

  • Alxamdu lilaah ugu dambayn Suuriya way xorowday, keli-taliskii dharagqabaha ahaa ee Bashar Assad waala riday saaka. ✌🏾💚😍

  • Waa muuqaalka muwaadin Suuriyaan ah oo dib ula midoobay hooyadii ka dib marka xalay la xoreeyey magalaada Xalab, Suuriya. Waxa kala irdheeyey hoyaadan iyo wiilkeeda dagaalka Suuriya ee ay malayshiyaadka Iiraan ee argagaxisada, ciidanka bashaar al-asad iyo ruushku gumaad iyo gaboodfalo arxandarro ah geysteen guud ahaan Suuriya.

  • إنا لله و إنا إليه راجعون Wuxuu shihiiday isagoo furinta dagaalka ku jira, iska Xamaas iyo mujaahidiinta e reer Qasa oo dhami waa wada Yaxye Sinwaar oo kale.

  • Jenaraalka guutada Qudus ee ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan oo la ogaaday inuu ahaa basaas u sheqeeeya Yuhuudda!! Guutada uu taliyaha u ahaa weligood Qudus iyo Falasdiin maalinna umay dagaalamin xoreyntooda se taa bedelkeeda waxay qayb laxaad leh ka qaateen xasuuuqa shacabka reer Suuriya loo geystay 2013 ilaa 2024.

  • Laba mujaahid oo wata qoryo fudud: dhimashada 10 sahyooni iyo dhaawaca 20 kale. 400 Gantaal oo balaastik ah : 0 dhimasho ! Gantaalo madaxtadii laga reebay bay soo tuureen Iiraan oo aan qarxaynba 😂😄

  • Qaasim Sulaymaani: ku soo dhawoow naarta jahannama sxb, kulayl iyo gaajo igu dishay meesha ee ii wehel yeel . Xasan: belaayo kuu wehel noqotay! Ma halkanaad iigu yeedhaysay weligaa?! Maxaa akhyaar naarta ku kulantay maanta 😂😁😂

  • Aaladan yar ee loo adeegsado isgaadhsiin ahaanta taas oo iskugu diro farriimaha gaagaaban ayaa maanta cadowga Yuhuuddu ku qarxiyeen 4000 kun oo ka mid ah ciidanka ururka argagaxisada ee Xisbuaat iyo raskaalo sar-sarre oo ka tirsan ururkan, aaladan oo ay iskula xidhiidhaan xubnaha kala duwan ee Xibulaat ayaa ahayd mid Yuhuuddu ku rakibeen walxo qarxo ka hor inta aan laga iibin argagaxisada Xisbulaat. Ilaahay baa dulmi-falayaashii isku garaacay oo dhexdoodii colaad ka furay. 😎🍿