Haween & Hooyanimo
СтатистикаHOOYO WAX BARATAY WAA BULSHO WAX BARATAY. U Gaar Ah Dumar🎀
- Последний пост
- 13 авг.
- Последнее чтение
- 15 авг.
- Постов за неделю
- 2
- Всего постов
- 29
- Тип
- открытый
- Язык
- so
- В каталоге с
- 13 авг.
- 1/24сутки в ленте
- 31
- 1/48двое суток
- 35
- 1/72трое суток
- 38
Оценка по просмотрам недавних постов: пост набирает почти всё за первые сутки.
Посты
قال العلامة محمد البشير الإبراهيمي رحمه الله: (إن الإعراض عن الزواج فرار من أعظم مسؤولية في الحياة). آثاره | ج ٣ص ٢٩٦ In guurka laga jeesta, waa carar laga cararaayo mas'uuliyada ugu wayn nolosha.
Inantu saaxiib wiil ah ma leh, saaxiib wax barasho ama shaqo ahna ma leh, iyo inaadeer walaalka la siman, iyo habar wadaag ay soo wada koreen toonna, cid maxaarim teeda ah mooyaane cid kale oo xidhiidh saaxib tininimo ka dhaxeen kara ma jirto. Ninkana sidoo kale, dhamaan albaabadaas oo dhani kharaab ayey sababayaan, sharci ahaan na ma bannaana. wixii sax ahina waa sax xita hadaad kaliga aad samaynayso, wixii khalad ahina waa khalad xita dadku haday wada sameeyaan. - آلاء نصيف بتصرف
Guriga guuleysta ma aha guri aan xeerar lahayn, mana aha guri xorriyad xadaysan lahyn ; balse waa guri ay isku dheelli-tiran go'aan adag, naxariista iyo isfahamku. Sidaas ayay carruurtu ugu koraan iyago awood u leh inay noloshooda hoggaamiyaan, oo aan ku tiirsanaanin dadka kale. — Dr. Cabdulcasiis Al-Muqbil
Adigoo kaligaa fadhiya, qalbigaaga ka dheh: لا إله إلا الله وحده لا شريك له Waxaa laga yaabaa inay sabab u noqoto inaad Jannada ku gasho!
без подписи
Dhibaatooyin badan oo qoysaska ka dhex dhacda laguma xalliyo falcelin degdeg ah ama qofku inuu naftiisa u hiiliyo xilliga uu xanaaqsan yahay. Waxa uu u baahanyahy ilaalinta xidhiidhka qoysnimo dulqaad, xikmad, garasho, iyo in ajarka Alle laga rajaysto. Immisa khilaaf ayaa ku sigtay inuu dumiyo qoys, balse waxaa damiyay hal eray oo xikmad leh, samir qurux badan, ama iska indhatirid la mahadiyo. Immisa go'aan ayaa lagu gaadhay daqiiqad cadho ah, dabadeedna keenay qoomamo dheer, maxaa yeelay qofkii gaadhay ma uusan siin naftiisa waqti ay ku degto, mana uusan eegin cawaaqibka isagoo adeegsanaya garasho. Taas micnaheedu ma aha in la aamuso oo dulmiga ama xuquuqda laga tanaasulo. Ujeeddadu waa in dhibaatooyinka lagu maareeyo degganaansho, laguna miisaamo miisaanka Shareecada iyo caqliga, ee aan lagu miisaamin xanaaq iyo dareen kacsan. Waxa ugu weyn ee arrintaas lagu kasban karo waa in ajarka Alle la rajaysto. Qofka og in samirkiisa, dulqaadkiisa, dadaalkiisa dib-u-heshiisiinta, iyo xakamaynta cadhadiisu ay dhammaantood u kaydsan yihiin Alle agtiisa, waxaa u fududaanayaa inuu u adkaysto waxa ku dhacaya, wuxuuna noqdaa mid go'aan gaadha oo keena maslaxad, kana hor taga dhibaato. Sidaas darteed, deggenaanshaha iyo ka fiirsashadu waa sababaha lagu helo tawfiiqda, xikmaduna waa nimcooyinka ugu qiimaha badan, halka ajarka Alle la rajaynayana uu yahay waxa ugu weyn ee qalbiga ku sugmo xilliyada dhibaatooyinka iyo imtixaannada. _ الميثاق الغليط
Ku kaalmeeya carruurtiinna inay idiin sama-falaan, taasina waxay ku timaaddaa la dhaqmid wanaagsan, naxariis iyo dabacsanaan, dhiirrigelin, iyo hadal wanaagsan oo qalbiyadooda dhisa. – Cabdulmaalik Al-Qaasim
без подписи
Waxaan weli marar badan la kulmaa dad dabeecaddoodu jilicsan tahay, kalsoonidooduna hooseyso, cabsi badanna ka buuxdo. Waxa ay dhammaantood wadaagaan in ay soo mareen carruurnimo adag, dhaleeceyn joogto ah in ay la kulmeen, iyo dayac dhinaca jacaylka iyo dareenka ah. Fadlan carruurtiinna ha ku badinina dhaleeceynta. Dhiirri geliya, u oggolaada inay qaldamaan, waayo qaladku waa qayb dabiici ah oo waxbarashada ka mid ah. Siiya ammaan iyo kalsooni, maxaa yeelay adkaysiga nafsaaniga ahi wuxuu ku dhismaa jawi ay carruurtu ku dareemayaan jacayl, daryeel iyo ammaan. – Dr. Usaama Al-Jaamic
•• قد يخذلُك الناسُ في موضعٍ كنتَ واثقًا منهم فيه، لتعرفَ على مَن كنتَ متّكئًا حقًّا. فكم واحدٍ يقولُ: «حسبيَ اللهُ»، بلسانِه، وقلبُه معلَّقٌ برجلٍ يعرفُ اسمَه ورقمَه. فالخذلانُ في ظاهرِه كسرٌ للظهر، وفي حقيقتِه نقلٌ للسَّند من يدٍ تعجزُ إلى مَن بيده كلُّ شيء. سبحانه، ما قدرناه حقَّ قدره. ••
"Haweeneydu ha ogaato in dhib kasta iyo xanuun kasta oo ku dhaca xilliga uurka, dhalmada ama korinta iyo daryeelka carruurta, uu yahay sabab Alle kor ugu qaadayo darajooyinkeeda, kana kafaaraggudayo dembiyadeeda, haddii ay arrintaas ajar uga rajayso Alle Subxaanahu wa Tacaalaa." Sheekh Maxamed bin Saalix Al-Cutheymiin (Alle ha u naxariistee).
Mid ka mid ah khaladaadka ugu xanuunka badan ee lagula dhaqmo haweeneyda uu ubadku ka daahay ama aan Alle weli ubad siinin, waa in loo maleeyo inay ka xaasidayso haweeney kasta oo uur leh ama carruur haysata, ama laga cabsado inay isha wax ku dhufan karto. Haa, waxaa laga yaabaa inay qalbigeeda ka dareento murugo oo ay jeclaan lahayd nimcada ay dadka kale haystaan, waana dareen bani'aadamnimo oo dabiici ah. Laakiin xanuunku ma aha xasad, mana aha in ubad la'aantu ay ka dhigan tahay qalbi xun ama niyad xumo. Immisa haween ah oo ubad loo qaddarin hadana qalbigeedu ka buuxo jacayl iyo naxariis, una farxda farxadda dadka kale, una ducaysa in Alle u barakeeyo. Sidaas darteed, u naxariista, hana ku sii kordhinina xanuunkooda tuhumo iyo eedayn. Alle oo keliya ayaa og waxa quluubtu xambaarsan tahay iyo samirka ay nafuhu la tacaalayaan.
أشغلوا أولادكم بما ينفعهم في الدنيا والآخرة أشغلوهم بحفظ القرآن والأحاديث.. وأكثروا من الدعاء لهم.. مقبلين على زمن فتن نسأل الله فيه الثبات :( -قال ابن الجوزي: كان السلف إذا نشأ لأحدهم ولدٌ شغلُوه بحفظ القرآن وسماع الحديث فيثبُتُ الإيمانُ في قلبه.
Waxaa ka mid ah akhlaaqda Islaamka: Inaadan qof weydiinin wax adiga aan ku khusayn, ama uu ka qarinaayo. Haddii uusan isagu kuu sheegin ama kuu furin arrintaas, adigana kuma khusayso. Tusaalooyin: - Goormaad guursanaysaa? - Immisa mushahar ayaad qaadataa? - Immisa ayaa kuu soo gasha? - Maxaad ka shaqaysa? Qofka Muslimka ah wuxuu ka tagaa waxa aan isaga khusayn, wuxuuna ilaaliyaa asturnaanta iyo sharafta dadka kale. Nabigu ﷺ wuxuu yidhi: "Qofka Islaamkiisu wanaagsanaado waxaa ka mid ah inuu ka tago waxa aan isaga khusayn."
. ♦️« وقد جعل الله سبحانه العزّ قرين طاعته، والذلّ قرين معصيته » 📖|• ابن القيم | الداء والدواء ص (٤١٩) ♦️ "Alle Subxaanahu watacaalaa wuxuu karaamada iyo cizzada la lamaanaysiiyay addeeciddiisa, halka dulliga iyo hoos-u-dhaca uu la lamaanaysiiyay caasinnimadiisa
بسم الله الرحمن الرحيم WAA DARSIGEENII 40AAD EE TARBIYADA CARUURTA
Waxyaabaha ugu khatarta badan ee xasilloonida qalbiga kaa xada waa in ceebaha dadka ay noqdaan waxa ugu weyn ee maskaxdaada ku mashquulsantahy. Mid ayaad la socota, mid kalena khaladaadkiisa ayaad ururinaysa, gef kasta oo laguu geystayna waad xasuusanaysa, ilaa naftu ay ka buuxsanto qadhaadh, qalbiguna cidhiidhi noqdo, waxaadna ilaawaysa su'aasha ugu muhiimsan: Aniga naftayda se maxaa iga qaldan? Taas macnaheedu ma aha in dadku aanay gefin, ama in dulmiga la iska indho tiro, ama xuquuqda laga tanaasulo. Laakiin dhibaatadu waxay bilaabantaa marka daba-galka khaladaadka dadka kale uu noqdo hab nololeed, oo aad mar walba isu aragto qofka la dulmiyey, dadka kalena aad u aragto sababta murugadaada. Fikirka noocaas ahi wuxuu hor istaagaa isbeddelka, waayo qofka aaminsan in dhibaatadu gebi ahaanba bannaanka ka jirto oo ay kaga imanyso, ma raadin doono waxa uu naftiisa ka sixi karo. Mu'minka dhabta ahi mar walba wuxuu is weydiiyaa: - Maxaa Ilaahay iga doonayaa xaaladdan? - Sideen naftayda u daahirin karaa? Sideen xumaanta ugu jawaabi karaa si Rabbigay raalli uga noqdo? Halkee ayaan ka gaabiyey oo u baahan inaan is saxo? Alle wuxuu yidhi: ﴿وَلَا تَزَكُّوا أَنفُسَكُمْ هُوَ أَعْلَمُ بِمَنِ اتَّقَى﴾. (Suuradda An-Najm: 32)» Salafkii wanaagsana waxay ka cabsan jireen ceebaha naftooda in ka badan inta ay ku mashquuli jireen ceebaha dadka kale, maxaa yeelay waxay ogaayeen in hagaajinta qalbigu ay tahay jidka guusha. Ha ka dhigin doorkaaga nolosha inaad dadka daba-gasho oo khaladaadkooda tiriso. Marka hore naftaada hagaaji. Haddii Alle qalbigaaga hagaajiyo, wuxuu ku siin doonaa aragti sax ah, caddaalad iyo naxariis, wuxuuna kaa nasin doonaa daalka aan dhammaadka lahayn ee daba-galka khaladaadka dadka. Qalbiyadu kuma bogsadaan hadal badan oo ka sheekeenta dulmiga dadka ay kaa galeen, ee waxa ay ku bogsadaan u dhowaanshaha Alle, daacadnimada la jihaadka nafta, wanaajinta tuhunka laga qabo Rabbi, iyo ku camal-falka waxa nafta anfac u leh adduun iyo aakhiraba. Dr. Nuur An-Nomaan
Inaad hal qof ka sugto inuu kuu noqdo "wax kasta" oo aad u baahan tahay, waa waddada ugu dhow ee keenta niyad-jab weyn. Qofka bisil dareen ahaan wuxuu baahiyihiisa shucuureed ku qaybiyaa xidhiidho ammaan ah oo kala duwan: aabbe, hooyo, walaal, walaashii, saygii ama xaaskiisa, saaxiib iyo saaxiibad... Sidaas awgeed, hal qof lama saaro culayska inuu daboolo dhammaan baahiyaha nolosha, taasina waxay ka dhigtaa xidhiidhada kuwo dheellitiran oo sii waara. MAXMUUD (ABU-CAADI)
без подписи
"Qofka Muslimka ah waxaa waajib ku ah inuu hagaajiyo akhlaaqdiisa, dadka oo dhan uu kula dhaqmaayo, qoyskiisa, ehelkiisa, kuwa uu la nool yahay, iyo saaxiibbadiisaba. Akhlaaqdaas wanaagsan waxaa loogu xisaabin doonaa Ajar Maalinta Qiyaame Alle agtiisana, waxaana loogu dari doonaa miisaanka camalladiisa wanaagsan." SH.Saalih al-Fawzan — Kitaabka Al-Kabaa'ir