Koryaal
СтатистикаKoryaal TV 📺 Warar 📰 | Madadaalo 🎭 | Dhaqan 🌍 | Siyaasad 🏛 | Ganacsi 💼 | Dhaqaale 💰 | Wacyigelin Diini 🕌 Geeska Afrika, Afrika & Caalamka 🌐
- Последний пост
- 25 дек.
- Последнее чтение
- 14 авг.
- Постов за неделю
- 0
- Всего постов
- 20
- Тип
- открытый
- Язык
- so
- В каталоге с
- 14 авг.
- 1/24сутки в ленте
- —
- 1/48двое суток
- —
- 1/72трое суток
- —
Оценка по просмотрам недавних постов: пост набирает почти всё за первые сутки.
Посты
Ma ogtahay in Moobilku sababo dab ka kaca Guriga... Taliyaha Ciidanka Dabdamiska iyo Samatabixinta Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili oo sharaxaya halkan ka daawo.
Sawir qaadahan wuxa uu muuqaal ka duubayaa dusha sare ee diyaarad uu saarnaa oo dulmaraysay badda, u fiirso waxa sidaa u galayo wajigiisa waa xooga dabaysha.
Muuqaallo laga baahiyay labo qabiil oo ku dagaallamay dalka Papua New Guinea, oo ku yaal koonfur-galbeed ee Baasifigga ayaa warbaahinta qabsaday, kaddib markii la arkay in dagaalka labada qabiil dhex maray ay hub ahaan u adeegsadeen qaanso, fallaar iyo waraf. In ka badan 12 qof ayaa dhaawacyo culus ay ka soo gaareen dagaalkan, kuwaasoo qaarkood fallaarta ay ka gashay indhaha, sida uu baahiyay telefishinka Press Tv. Dalka Papua New Guinea, ayaa ka mid ah meelaha aysan wali noloshan casriga ah ee dhibta iyo dheefta wada leh gaarin.
Dhacdadan oo maalintii sabtida ka dhacday magaalada shabwa ee dalka Yemen ayaa haysta baraha bulshada ee ay ku kulmaan dadka Yementu, dhacdada ayaa u dhacday in ninkan loo haysto dalka oo la odhan jirey Amiin Nasser Baxaaj uu diley nin ka soo jeeda qabiil la yidhaahdo Alasuud kadibna uu baxsaday oo u galay qabiil sadexaad, sida uu yahay dhaqanka qabiil ee ay ka siman yihiin Yementa iyo soomalidu, Amiin waxaa ka daba tegey aabihii iyo odayaashii qabiilka uu ka dhashay iyo odayaal dhexdhexaad ah oo ka soo jeeda qabiilka sadexaad ee uu ugu tegey maganta si ay u soo qabtaan oo u hor keenaan cadaalada iyaga oo ka feejigan in ay isku dhacaan labada qabiil Baxaaj iyo Alasuud, odayaashii qabiilka Baxaaj oo ay weheliyaan odayaashii dhexda ahaa iyo Amiin aabihi waxa ay Amiin gacanta u geliyeen qabiilka Alasuud. Arinta la yaabka iyo filan waaga noqotay ee laga wada xumaaday ayaa ah in qabiilka Alasuud markii Amiin loo geliyey gacanta aanay samayn sidii la filaayey
Qaab dhismeedka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, Tan waa soo jeedinta koowaad.
Sucuudiga oo baraf kada ay Gobolka Tabuuk xiliyadan lagu jiro qaboobaha aya baraf badan ka daaa Wadanka Sacuudiga
Waa sheeko run ah, waxay ka dhacday Sucuudiga sida la sheegay. Nin baa xaaskiisa uga shakiyey in uu jin durreeyey, kaddibna wuu kaxeeyey oo nin sheekh ah buu u geeyey si uu Quraan ugu akhriyo. Markuu ku akhriyey ayuu jinkii ka dhex qayliyey haweenaydii, wuxuuna yidhi waan ka baxayaa, laakiin shardi baan ku xidhayaa? Sheekhii wuxuu ku yidhi bax shardi la'aan. Jinnigii: horta iga dhegayso shardigayga marka hore. Sheekhii: haye sheeg. Jinkii: Waan ka baxayaa, laakiin waxaan gelayaa ninkeeda!! Ninkii baa isaga oo argagaxsan meeshii ka booday. Sheekhii: Maya, ma gelaysid ee bax. Jinnigii: ma ogtahay sababta aan u doonayo in aan ninka u galo? Sheekhii: Maxaad u doonaysaa? Jinnigii: ninku ma tukado! Sheekhii: Waar ma dhabbaa, waxa uu sheegayaa? Ninkii: Waan tukadaa wallaahi, waa beentii! Sheekhii: Jinniyow dhegayso, ka bax, gurigooda agtiisa fadhiiso, haddii uu tukan waayo gal. Jinnigii: haye. Muddo kaddib, ayay haweeneydii la soo xidhiidhay sheekhii, oo u mahad celisay, wuxuuna weydiiyay xaalka ninkeedii. Waxay tidhi: Isagaa fura albaabada masjidka!! kkkk Sheekhii intuu aad u qoslay ayuu saaxiibadii oo la fadhiya ku yidhi: jinkii waxaannu u dirnay shaqadii "Hay'addii wanaag farista iyo xumaan reebista" kkkk Waxa la sheegay in aanu gabadha jin ba ku jirine ay sheekha kula heshiisay sidii uu ninkeedu u tukan lahaa! Kkk Qaar badan baa u baahan in uu jin galo si ay u tukadaan kkkk Dumarow raggiina salaadda ku ilaaliya. Xigasho : Dr abdiqani beder
без подписи
Channel name was changed to «Koryaal»
Sababta ay waddooyinka diyaaraduhu u leexleexdaan halkii ay toos u ahaan lahaayeen. ———————- Waa qaab la jaanqaadaya qaab-dhismeedka dhulka. Xagga xisaabta, waxaan ognahay in masaafada ugu gaaban ee u dhexeysa laba dhibcood ay tahay xariiq toosan, laakiin tani waxay khuseysaa oo keliya dusha siman, sida nuqul warqad oo kale . Markii aan tixgelinno qaabka kubbadda u eeg ee dhulka, masaafada ugu gaaban ee u dhexeysa laba dhibcood waxay noqoneysaa xariiq qaloocsan oo loo yaqaan geodesic. Fikraddan waxay ka timid Xisaabta Riemannian, taasoo ku habboon sagxadaha qaloocsan. Qorsheeyayaasha duullimaadyadu waxay adeegsadaan habkan si ay u qorsheeyaan waddooyinka ugu gaaban si loo yareeyo wakhtiga iyo shidaalka la isticmaalo. Waddooyinkan geodesic-ka ah waa waddooyinka ugu wax-ku-oolka badan marka laga eegayo dhulka sida kubbada oo kale ah. Sidaa darteed, halkii diyaaraduhu ay si toos ah ugu duuli lahaayeen sida aan ka aragno khariidadaha fidsan, waxay raacaan waddooyin qaloocsan kuwaasoo dhab ahaantii ah waddooyinka ugu gaaban ee suurtagalka ah. Sidaas darteed, waddooyinka duullimaadyadu waxay caddeyn u yihiin qalooca dhulka. Waddo kasta oo diyaarad raacdo waxay u muuqan kartaa mid aan caadi ahayn, balse dhab ahaantii waa tan ugu dhakhsaha badan uguna fudud ee laga heli karo meerahan dhulka." Waa sababta qofka luuqluuqa maraa uga hor dheereeyo qofka tooska socodkiisa sii watay."
без подписи
Bisha Soonqaad waxa ay dhalanaysaa habeenka uu Jimcuhu soo galayo oo ku beegan 28 Febraayo, marka ay saacaddu tahay 3:44 aroornimo. Galabnimada Jimcaha marka ay qorraxdu dhacayso bisha cimrigeedu waxa uu noqonayaa 14 saac iyo 40 daqiiqo, waxa ayna qorraxda ka danbaynaysaa nus saac. Bariga dhexe iyo bariga Afrikaba suurtagal noqon mayso in galabta Jimcaha qalab la'aan isha mutuxan lagu arko bisha, hase ahaatee waxaa lagu arki karaa teleskoob. Sidaa awgeed waxaa la soomi doonaa oo bisha Soonqaad bilaabanaysaa maalinta Sabtida oo ku beegan 1-da Maarso. Guud ahaan dalalka Carbeed iyo inta badan dalalka Islaamka maalintaas ayaa laga soomi doonaa, balse waxa ay ku kala duwanaan doonaan maalinta ciidda, oo Sucuudiga iyo dalalka ku xiran waxaa laga soomi doonaa 29 beri, waxaana laga ciidi doonaa 30-ka Maarso, halka qayb kale oo ka mid ah dalalka Carbeed laga soomi doono 30 beri, lagana ciidi doono 31-ka Maarso. Sawirka hoose waxaa uu tusinayaa sida galabta Jimcaha dalalka dunida looga arki doono bisha Soonqaad. Meelaha cad ee aan midabka lahayn lagama arki doono bisha. Meelaha uu marsan yahay midabka buluugan, oo ay ka mid yihiin barifa Afrika iyo bariga dhexe, waxaa bisha lagu arki doonaa teleskoob oo keli ah. Galbeedka Afrika oo uu marsan yahay midabka soosaliga ah waa suurtagal in qalab la'aan isha mutuxan lagu arko bisha haddii jawigu yahay mid saafi ah. Waqooyiga Ameerika oo uu midabka cagaaran marsan yahay si fudud ayaa isha mutuxan loogu arki doonaa bisha marka ay dhacayso galabnimada Jimcaha.
без подписи
Quraanka Kariimka ah waa kitaabka ugu muhiimsan ee kownkaan yaalla, waana hage nololeed oo mudan in si joogto ah loo akhriyo loona barto. Waxaa jira dhowr apps oo dadka ka caawiya akhriska iyo fahamka Quraanka. Waxaan jeclaystay inaan idinla wadaago app aad ii soo jiitay oo lagu magacaabo Quranly. Markii iigu horreysay waxaan ku arkay WhatsApp status-ka saaxiibkay Abdirahmaan( Tolka Bhai ), xilli uu nala wadaagay qayb kamid ah kitaabka, taas oo muujisay interface-kiisa cajiibka ah iyo challenge-ka uu leeyahay app-ku. Mudada kooban ee aan isticmaalayay Quranly, wuxuu igu dhiirrigeliyay inaan si joogto ah u booqdo app-ka si aan u akhriyo Quraanka mar kasta oo aan firaaqo helo. Wuxuu leeyahay astaamo badan oo u fududeynaya adeegsadaha inuu si joogto ah u akhriyo Quraanka, la socdo xasanaadka/ajarka, isla markaana si wanaagsan ula falgalo kitaabka Alle. Qaar kamid ah features-ka cajiibka ah ee aan ku arkay app-ka: Interface aad u qurux badan: Naqshadeyntiisu way ka duwan tahay apps-ka Quraanka ee aan horay u arkay, adeegsadahana kama caajiso. La socodka horumarka akhriska: Quranly wuxuu si qurux badan kuu tusayaa inta aayadood, bogag, iyo xasanaad aad kasbatay muddada aad akhrinaysay. Tani waxay kaa caawinaysaa dhiirrigelin joogto ah si aad akhriska u sii waddo. Dejinta yoolal la xiriira akhriska: Waxaad qorsheyn kartaa inta aayadood ee aad rabto inaad maalin kasta akhriso iyo waqtiga aad rabto inuu ku xasuusiyo. Markii la gaaro xilliga aad dejisay, wuxuu kuu soo dirayaa alert/reminder si aad u xasuusnaato. Tarjumaad iyo tafsiir: Quranly wuxuu leeyahay qayb tarjumaad iyo tafsiir ah si aad u fahanto macnaha aayadaha aad akhrinayso. Wuxuu taageeraa dhowr luqadood, balse nasiib darro kuma jiro Af-Soomaali. Leaderboard: Meel aad ugala socon karto kaalinta aad ka gashay adduunka, gobolkaaga, ama saaxiibbadaada. Waxaad kula tartami kartaa dad kale, taas oo kugu dhiirrigelinaysa inaad joogtayso akhriska Quraanka. Streak system: Wuxuu leeyahay streak la mid ah midka Snapchat, balse si gaar ah u shaqeeya. Wuxuu tirinayaa inta maalmood ee xiriir ah aad Quraanka akhrisay. Haddii aad hal maalin ka maqnaato, streak-kaaga wuxu noqonayaa 0, taasoo kugu dhiirrigelinaysa inaadan maalinna seegin. Ugu dambeyn, Quranly, waa mid ka mid ah apps-ka ugu wanaagsan ee kaa caawin kara inaad si joogto ah u akhrido Quraanka. Wuxuu kugu dhiirrigelinayaa inaad la socoto xiriirka idinka dhaxeeya adiga iyo Quraanka, taas oo kaa dhigaysa qof si joogto ah u akhriya Quraanka. Haddii aad rabto inaad Quraanka si fudud oo waxtar leh u akhrido, Quranly waa doorasho aad u fiican. Bisha Ramadaan ee soo socota, wuxuu wax badan ka tari doonaa cibaadadaada. Soo dejiso oo ka faa’iideyso barnaamijkaan!
без подписи
Aragtida Dead Horse, waa ereybixin loo adeegsado in lugu sharaxo caqyliyadda iyo fekerka ay leeyihiin qaar ka mida shirkadaha iyo bulshooyinka, waana in lugu adkaysto in ay raacaan dhabbaha xal u helista wax aan suurtagal ahayn, halkii ay mushkiladda xal u heli lahaayeen ayay ku sii adkaysanayaan habab faashil ah oo ay mashruucyadooda ku badbaadin lahaayeen. Sidoo kale, waxa loo adeegsadaa in shirkadaha ama bulshooyinka ay ula tacaamulaan mushkilad cad oo muuqata sidii in ay tahay dhibaato aan la garanayn, halkii ay xaqiiqada qadhaadh qaadan lahaayeen; waxa ay isku madadaalinayaan xalal aan suurtagal ahayn. Waxa la sheegaa aragtidan faraska dhintay in ay ka timid xikmad ay lahaayeen Hindidii cascaska ahayd ee ku noolaa Dakoota, wax ay xikmaddaasi leedahay; “haddii aad ogaatid in aad fuushan tahay faras dhintay, istiraatiijiyadda ugu wanaagsan waa in aad ka degto.” Aragtidan faraska dhintay, waxa lugu muujiyaa mashruuc dhiigbax iyo hungow ku noqonaya shirkadda ama siyaasadda maamul duugoobay ama alaab iyo badeecad aan hadda dabooli karin baahida suuqa casriga ah ee isbeddelada dhijitaalka ah. halkii ay shirkaddu aqoonsan lahayd khaladkeeda ee ka ay joojin lahayd mashruucaas hungowga iyo fashilka ah, waxa ay shirkaddu sii kordhisaa agabkii barnaamijkaas loogu talogalay ama waxa ay beddeshaa shaqaalaha gacanta ku hayay oo shaqaale cusub ayay diwaangelisaa. 1. cabsida laga qabo isbeddelka iyo rabitaanka in lugu sii nagaado mandaqadda raaxada. 2. Aaminsanaanta in ay arrimuhu u sii socon doonaan si fiican, in kasta oo ay wax walba sii xumaanayaan. 3. Masuuliyad la’aan iyo qirashada fashilka. 4. La qabsiga Birokrasi iyo dib-u-dhigashada go’aamada muhiimka ah ama in xal u helidda dhibaatooyinka loo maro habab adag. Mid ka mida tusaalayaasha ugu wanaagsan ee aragtidan “Dead Horse” loo adeegsado waa shirkadda Kodak, shirkad Maraykan ah, oo samaysa iibinta agabyada karamadaha iyo duubitaanka filimada, waxa ugu weyn ee ay shirkaddani ku burburtay waa in ay la socon kari wayday isbeddellada tiknoolajiyadeed ee adduunka oo ay soo afmeertay in ay suuqa iskaga baxdo. Sidoo kale, waxa ka mida shirkada Nookiya oo lumisay booskeedii hoggaaminta suuqa aleennada, markii ay nidaamkeeda tiknoolajiyadeed waafijin kari wayday telefoonnada casriga ah.
без подписи
lahaa. Sidaan ognahay Kuuriyada waqooyi waxa saaran cunaqabatayn daran iyo xayiraado dhan walba ah balse waxay lacago badan ku helaan farsamooyinkan oo kale iyaga oo dhaca suuqyada dunida oo dhan, waxa ay sannad walba fuliyaan hawlgallo Cyber attack ah kuwaas oo sannad kasta ku dhaca lacag gaadhaysa hal bilyan oo dollar. Qaramada midoobay ayaa hore ugu eedaysay xukuumadda Kuuriyada waqooyi inay fuliyeen Hackers-koodu weeraro Cyber attack ah intii u dhaxaysay 2017-kii ilaa 2023-kii kuwaas oo dhacay lacag gaadhaysa $3 bilyan oo dollar iyaga oo sida la sheegay lacagtaas u adeegsaday kabista barnaamijkooda Nukliyeerka iyo samaynta gantaalada balaastiga ah ee qaaradaha ka gudba. Sawirku waa caasimadda Kuuriyada waqooyi ee Pyongyang. Hassan Mohamed
Kuuriyada waqooyi waa dal tiknaloojiyad ahaan go'doon ah balse dunida ka yaabiyey heerka ay ka gaadheen dhanka Cybersecurity-ga. Sannadkii 2016-kii waxa goor habeenimo ah isugu yimid guri ku yaalla caasimadda Jabbaan ee Tokyo dhallinyaro badan oo da'yar ah kuwaas oo kan ugu weyni uu ahaa soddon jir, goobta waxa ku sugnaa oo ay kula kumeen nin u sheegtay in uu ka mid yahay maafiyada ka jirta jabbaan kaddibna waxa uu dhallinyaradii u qaybiyey oo mid walba uu farta ka saaray kaadhadh bangi gaar ahaan Credit card-yo kuwaas oo aanay wax xog ahi ku qornayn. Ninkii waxa uu ku yidhi dhallinyaradii waxaad fulinaysaan hawlgal gaar ah idinkuna waxaad qaadanaysaan lacag khidmad ah, kaddibna waxa uu u tilmaamay inay tagaan dukaan caan ah oo faracyo badan ku leh dunida kaas oo ku yaalla xaafad walba oo dalka jabbaan ku taalla, dukaanadaas waxa la yidhaahdaa 7-Eleven. Waxa uu ku yidhi marka aad dukanadaas tagtaan waxa dukaan walba hortiisa yaalla ATM tilmaamaha noocaas ah leh kaddibna kaadhadhkan bangi ee aan idin siiyey ayaad u adeegsanaysaan ATM-yadaas isaga oo u sheegay inaanay meel kale u adeegsan kaadhadhkan bangi marka laga reebo dukaanada uu u tilmaamay oo keliya ee 7-Eleven-ka ah. Wuxuu u sheegay in hawgalku uu bilaabmayo berri subaxnimada, isaga oo ku yidhi berri marka uu waagu beryo mid walba oo idinka mid ahi waxa uu ka soo saarayaa ATM-yada kala duwan lacag gaadhaysa $900 oo dollar taas oo dabcan u dhiganta lacagta Yen-ka jabbaan, Sidoo kale waxa uu ku yidhi qof walba oo idinka mid ahi waa in uu 19 jeer oo keliya ku noqnoqdo ATM-yada, isaga oo intaa ugu daray in haddii aad labaatan jeer gaadhsiisaan lacag soo saarista in kaadhka bangigu uu idinka xidhmi doono oo la xayirayo, Sidaas darteed waa in uu qof walba 19 jeer oo keliya uu lacagtaas ka soo saaraa ATM-ka taas oo halkii marba gaadhaysa $900 oo dollar. Sidoo kale Wuxuu u sheegay in halwgalkani uu soconayo maalin walba saddex saacadood oo keliya, laga bilaabo shanta subaxnimo ilaa siddeeda subaxnimo, Sidoo kale waxa uu u raaciyey in haddii mid iyaga ka mid ahi 19 jeer uu lacagtaas soo saaro ka hor inta aan la gaadhin siddeeda subaxnimo waa in uu sugaa ugu yaraan hal saacad oo danbe si uu mar labaad hawlgal kale u bilaabo oo haddana 19 jeer oo kale gaadhaysa, kaddibna wuxuu ku yidhi waxaad qaadanaysaan lacagta aad soo saartaan 10% halka 90% ee kale aad aniga ii keeni doontaan. Hawlgalkan oo socday dhowr maalmood ayaa dhallinyaradii waxay guud ahaan la baxeen lacag gaadhaysa $19 milyan oo dollar, goor danbe oo xeedho iyo fandhaal ay kala dheceen ayaa dawladdii jabbaan ay ka war heshay dunidan la xaalufiyey kaddibna daba-gal dheer oo ay samayeen waxay ogaadeen in kaadhadhkan bangi ee la adeegsaday oo la koobiyeeyey laga soo xaday bangiga ugu weyn qaaradda Afrika oo dhan ee ku yaalla dalka Koonfur Afrika kaas oo la yidhaahdo Standard Bank. Sidoo kale waxay ogaadeen in gebi ahaanba hawlgalkan xatooyo ay ka danbeeyeen sirdoonka Kuuriyada waqooyi iyaga oo shirqoolay dhallinyaradan jabbaaniiska ah si ay u fuliyaan hawlgalkan, waxaana xatooyadan farsameeyey dhallinyaro u dhashay dalka Kuuriyada waqooyi oo Hackers ah kuwaas oo ay ka danbeyso xukuumadda Kuuriyada waqooyi. Dhacdadan oo dadyowga jabbaan ay xilligaas la yaabeen ayaa xukuumadda jaabbaan waxay xilligaas u qabqabatay oo ay xidhay dhowr boqol oo qof oo ay ku tuhunsanaayeen dhacdhadan kuwaas oo ay ku eedeeyeen in sirdoonka Kuuriyada waqooyi ay u adeegsadeen dhacdadan, Sidoo kale dhammaan lacagihii lala baxay oo dhammi waxay ku dhacday jeebka xukuumadda Kuuriyada waqooyi. Xukuumadda Kuuriyada waqooyi iyo sirdoonkeeda oo kaashanaya Hackers-kooda halista ah ee ay carbiyeen ayaa fuliyey hawlgalkan aynu ka soo sheekeenay sannadkii 2016-kii iyaga oo xilligaas qorsheeyey inay xadaan kaddibna koobiyeeyaan xogta kaadhadhka sharciyeysan ee uu bixiyo bingaga ugu weyn qaaradda Afrika isla markaasna ah kan ugu weyn dalka Koonfur Afrika iyaga oo ka faa'idaystay galdaloolooyin amni oo ka jiray nidaamka bangiga kaddibna u adeegsaday inay lacagta kala soo baxaan ATM-yadan ku yaalla dalka Jabbaan oo qudhoodu galdaloolooyin amni
без подписи