tgindex
Xafso carap🍁👸

Xafso carap🍁👸

Статистика

Nagu so biir MHDSANID 🍁❤

Последний пост
11 авг.
Последнее чтение
14 авг.
Постов за неделю
1
Всего постов
20
Тип
открытый
Язык
und
В каталоге с
13 авг.
Подписчики
2 115
−1 за 1 дн.
Сутки
−1
−0,05%
Неделя
 
Месяц
 
Просмотров на пост
518
20 постов
Вовлечённость
24,5%
к подписчикам
Постов в день
0,1
всего 20
Упоминаний
0
каналов
Охват размещения
оценка
1/24сутки в ленте
59
1/48двое суток
67
1/72трое суток
72

Оценка по просмотрам недавних постов: пост набирает почти всё за первые сутки.

Посты

  • #Musiibada_baraha_bulshadu ku hayso dhalinyarada. Sidee qofku wax u qabsan karaa isagoo sidaas waqti badan ku luminaya? Sidee qof maalin kasta u raaci karaa dantisav Facebook, isagoo daawanaya story-yada, reels-yada, isla markaana mar kasta rogaya wararka cusub; dabadeedna u gudbaya Messenger si uu uga jawaabo farriimaha loo soo diray? Kadib wuxuu u gudbaa WhatsApp, wuxuu uga jawaabaa qofkii la soo xiriiray, wuxuu daawadaa status-yada, qaarna wuu ka faalloodaa. Markaas wuxuu u gudbaa Instagram, si uu u arko faallooyinka lagu qoray sawirkiisii ugu dambeeyay, wuuna uga jawaabaa. Intaas kadibna wuxuu bilaabaa inuu daawado muuqaallada, stories-ka iyo reels-ka, ugu dambayntiina wuxuu uga jawaabaa farriimaha Instagram-ka. Markuu intaas dhammeeyo, wuxuu furaa YouTube, wuxuuna daawanayaa muuqaal ku saabsan qof hebel oo xaaskiisa ka sameeyay kaftan ama prank; isagoo leh: “Kaftan aan caadi ahayn, ha seegin!” Markuu muuqaalkii dhammeeyana wuxuu u gudbaa muuqaallo kale oo gaagaaban, isagoo midba midka kale ka daba rogaya. Ogeysiisyaduna ma dhammaanayaan; midba meel ayuu qofka uga yeerayaa, meelba meel ayuu uga jiidayaa. Intuu wareeggan ku dhex wareegayo barahaas kala duwan, isla markiiba wuxuu dib uga bilaabayaa bilowgii: Facebook ayuu mar kale furayaa! Haddaba sidee qofkani wax u qabsan karaa? Qofkan oo ah hab-dhaqanka ay ku nool yihiin dhallinyaro badan, marka laga reebo kuwa Alle u naxariisto, sidee buu: Shaqadiisa u gudan karaa? Waxbarashadiisa u dadaali karaa oo naftiisa bulshada dhexdeeda kor ugu qaadi karaa? Salaadihiisa u ilaalin karaa? Xuquuqda qoyskiisa u gudan karaa? Wirdiisa Qur’aanka u akhrisan karaa? Jimicsigiisa u samayn karaa? Xifdinta Qur’aanka u bilaabi karaa? Cilmiga shareecada u baran karaa? Xirfad cusub u baran karaa? Buug cusub u akhrisan karaa? Noloshiisana wax ugu kordhin karaa? Sidee buu uga bixi karaa nolosha khiyaaliga ah ee muuqaalka, is-muujinta iyo faanka aan xaqiiqda ku dhisnayn, una bilaabi karaa nolol dhab ah oo qiimo leh? Kadib haddana qofkani wuxuu yimaadaa isagoo ka cabanaya nolosha, nasiibkiisana ka tiiraanyaysan! Runtii wuxuu run sheegay Nebigeenna ﷺ markii uu yiri: “Laba nimco ayaa dad badan lagu khasaaraa: caafimaadka iyo firaaqada.” 🤍 Walaalkayow, ka faa’iidayso inta kaaga hartay! Alle kaalmo ka dalab. hana isdhiibin. Ha lumin waqtigaaga; waayo waxa maanta kaa lumaya berri dib kuuguma soo noqonayo. #madal_waacid #Facebook. #soomalia@FAHANKANOLOSHA35

  • 21 июл.220из FAHANKANOLOSHA35

    🌿 Mustaqbalka Ummaddu Wuxuu Ka Bilaabmaa Guriga Waxa ugu weyn ee maanta ummadda loo qaban karo ma aha maal iyo dhismo oo keliya, ee waa barbaarinta ubadka lagu koriyo Towxiidka iyo Caqiidada Saxda ah. Ilmaha yaqaan Rabbigiis, jecel cilmiga, ku dheggan xaqa, kana cabsada Alle, wuxuu noqonayaa qof aan fitnuhu ruxin, shakiyuhuna marin habaabin. Ku barbaari carruurtaada: 📖 Towxiidka iyo Caqiidada Saxda ah. 🎓 Jacaylka cilmiga. 💪 Himilo sare. 🤝 Mas'uuliyad. 🗣️ Geesinimada ku hadalka xaqa. 🌱 Maanta waa carruur; berrina waa culimadii, hoggaamiyeyaashii iyo dadkii Alle ummadda ku hagaajin lahaa. "Dib-u-hagaajinta ummaddu waxay ka bilaabataa guri lagu barbaariyo Towxiid sax ah iyo iimaan adag." اللهم أصلح أبناء المسلمين، واجعلهم قرة عين لوالديهم، وانفع بهم الإسلام والمسلمين.

  • 19 июл.225из FAHANKANOLOSHA35

    Qofkaa daaima musxafka wuxuu noqdaa quraan ku soconaya dhulka,.! Qofka hela saxibtinimada quraanka ma heli doono saxib ka wngsan,. Noloshaada nuur mubarak ah qiyamahana waa shafecahaga ! حلقة نافع المدني لتصحيح التلاوة . #Ku_soobir, 610711831

  • 27 июн.371из FAHANKANOLOSHA35

    Xilligan ay macaasidu si fudud ugu faaftay nolosha dadka, qofka naftiisa ka ilaaliya dambiga kana dheeraada xumaanta, wuxuu la mid yahay xiddig weyn oo ifaya mugdiga dhexdiisa. Waa iftiin ay dad yar uun arkaan, laakiin qiimihiisu aad buu u weyn yahay. Walaal, waxaad haysaa jidka ugu wanaagsan ee la maro. Ha ka leexan, duruufo kasta ha ku soo maraan, waqti kasta iyo xaalad kasta. Ku samir xaqa, maxaa yeelay dhammaadka jidkan waa raallinimada alle iyo liibaan adduun iyo aakhiro.

  • 23 июн.321из caaqilmufakirah

    Bisha Muxarram waa bisha ugu fadliga badan bilaha xurmada leh. Waxaa gaar ahaan qiimo weyn leh maalmaha Taasuucaa (9-ka Muxarram) iyo Caashuuraa (10-ka Muxarram). 🔹 Caashuuraa waa maalintii uu Alle badbaadiyey Nabi Muuse (CS) iyo ummaddiisii, halaagayna Fircoon iyo ciidankiisii. Markii Nabigu ﷺ yimid Madiina ayuu arkay Yuhuudda oo sooman maalintaas, markaas ayuu yiri: "Anagaa Muuse idinka xaq badan." Dabadeedna wuu soomay, ummaddiisana wuu faray inay soomaan. 🔹 Nabigu ﷺ wuxuu sheegay fadliga weyn ee soonka maalintaas: "Waxaan Alle ka rajaynayaa in soonka maalinta Caashuuraa uu noogu dhaafo dambiyadii sannadkii horreeyey." ( Muslim ) 🔹 Si looga duwanaado Yuhuudda, loona khilqafo Nabigu ﷺ wuxuu damcay inuu ku daro maalinta sagaalaad, isagoo yiri: "Haddii aan noolaado sannadka dambe, waxaan soomi doonaa maalinta sagaalaad." ( Muslim ) ✅ Sida ugu fiican waa: In la soomo 9-ka iyo 10-ka Muxarram (Taasuucaa iyo Caashuuraa). Ama 10-ka iyo 11-ka. 🌷 Waa fursad qaali ah oo Alle ku dhaafo dambiyada yaryar ee sannadkii tagay, laguna nooleeyo sunnadii Nabigeenna Muxammad ﷺ. Ha moogaan fadligan weyn, kuna dhiirrigeli ehelkaaga iyo asxaabtaada inay soomaan Taasuucaa iyo Caashuuraa. اللهم أعنا على ذكرك وشكرك وحسن عبادتك، وتقبل منا صالح الأعمال. Aamiin.

  • 19 июн.280из caaqilmufakirah

    u oggolaan maalintaadu inay dhaafto adigoon Qur’aan la saaxiibin! Haddii ay ku seegto akhrinta Qur’aanka, ha ka tegin dhagaysigiisa. Qur’aanka oo la dhagaystaa waa cibaado ajar leh. Mar kasta oo uu qofku dhegaysigiisa badiyo, waxaa u kordha iftiin uu Maalinta Qiyaame la kulmi doono. Waxaa laga weriyey Ibnu Cabbaas (RC) inuu yiri: "Qofkii dhegaysta hal aayad oo ka mid ah Kitaabka Alle, waxay u noqonaysaa iftiin Maalinta Qiyaame." Sidaa darteed, qalbigaaga yanuu ka madhnaan Qur’aanka; akhri haddii aad awooddo, haddii kalena dhegayso, waayo Qur’aanku waa nuurka qalbiyada iyo hanuunka nolosha. 🌹📖

  • 11 июн.361из caaqilmufakirah

    Kuwani gumaystayaasha fasahaadinta ku haya Gaza, ee daadinaaya dhiigga shacabka, duminaaya masaajidda, kuna xadgudbaya xurmada iyo karaamada dadka; waxay dedejinayaan halaaggooda, dhammaadkooda iyo ciqaabtooda adduunka ka hor tan Aakhiro. Annagu marnaba kama shakino ballanka runta ah ee Alle ﷻ uu ka sheegay: ﴿وَإِنْ عُدتُّمْ عُدْنَا﴾ "Haddii aad ku noqotaan xumaanta, Annaguna waan idiinku celinaynaa ciqaabta." Sidoo kale kama shakino hadalka Alle ﷻ: ﴿كُلَّمَا أَوْقَدُوا نَارًا لِّلْحَرْبِ أَطْفَأَهَا اللَّهُ﴾ "Mar kasta oo ay shidaan dab dagaal, Alle wuu damiyaa." Ilaahayow, waxay dib ugu noqdeen dulmi, kibir iyo fasahaad, ee ku ciqaab ciqaab adag. Ilaahayow, ku sallid kuwaa dhadhansii cadaab xun. Ilaahayow, dami dabkooda, fashili qorshahooda, ceebna ku rid. Ilaahayow, hoos u dhig oo guul darraysii cid kasta oo ka gaabisay garab istaagga walaalahayaga mu’miniinta ah ee Gaza, kuna cidhiidhi kuwa ku cidhiidhiyey. Ilaahayow, Adigaa Xoog Badan, Adigaa Adkaade ah. Xasbunallaahu wa nicmal-wakiil. 🌸

  • 25 мая431из FAHANKANOLOSHA35

    🌙 Fadliga maalinka 9-aad ee Dul-Xijjah (Maalinta Carafa) Maalintani waa maalinta ugu fadliga badan 10-ka hore ee Dul-Xijjah, waana maalin: Dembiyada la dhaafo Ducada la aqbalo Naarta dadka laga xoreeyo aad u badan yihiin Nabigu ﷺ wuxuu yiri: “Soonka maalinta Carafa wuxuu kaffaaro u yahay dambiyada sanadkii tagay iyo kan soo socda.” Sidoo kale wuxuu yiri ﷺ: “Ma jiro maalin Ilaahay addoomo badan uga xoreeyo naarta sida maalinta Carafa.” ✨ Waxyaabaha habboon in laga faa’iidaysto (Sunnooyin): ✅ Soonka maalinta Carafa (Qofka aan xajka joogin) ✅ Ducada badan Ducada ugu kheyr badan: “لا إله إلا الله وحده لا شريك له، له الملك وله الحمد وهو على كل شيء قدير” ✅ Takbiirta iyo dikriga badan الله أكبر الله أكبر لا إله إلا الله، والله أكبر الله أكبر ولله الحمد ✅ Qur’aan akhris iyo tawbad ✅ Salaadaha sunnada iyo nafliga badan ✅ Sadaqo iyo samafal ✅ Salaadda Fajarka si jamaaco ah iyo cibaado maalinta oo dhan 🌸 Waa maalin aan la dayicin, laguna dadaalo: Oohinta iyo khushuuca Cafis dalabka Ducada waalidiinta, muslimiinta, iyo naftaada اللهم بلغنا يوم عرفة ووفقنا فيه لصالح الأعمال 🤍

  • 21 мая392из xafso143

    Qacidda ayaa ah garo naftada yaan lagugu danaysan adna ha noqon danayste waa sida saxda haddi aadan ogolayn in lagugu danaysto cidna haku danaysan,

  • 17 февр.917из FAHANKANOLOSHA35

    ❤️Ramadan mubarak saaxibayaal Allha nagu irzaqo soomkeda iyo istageeda Bishana waa mirayad aan ku arki karno dhawaca aan isu gaysanay 12 bil laso dhafay

  • 30 янв.956из caaqilmufakirah

    Xasuusta mar walba oo aad si joogto ah u ilaaliso oo ugu celceliso (Qur’aanka) in uu kula jiri doono, kula dhiman doono, lagulana soo bixin doono. Qofkii dayaca oo fududaysta se wuu qoomamayn doonaa, mana la jiri doono kaliya mooyaane wixii uu si dhab ah u ilaashaday. Shekadi firsihi wixi malayacniga ahaa hebel ba yori heblaa tiri Ogow: mid ka mid ah mucjisooyinka Qur’aanka waxaa ka mid ah in uu si degdeg ah u baxo marka la dayaco. Malin walba aqri oo yeelo jadwal gaar ah Si aad xaafid u noqoto Iyaas saxibul_macruf✍️

  • 16 янв.902из caaqilmufakirah

    Farxadda Qur’aanka ma dhammaato; mar ayaad ku faraxdaa markaad si hufan u xafiddo aayad, Oo aad itqaaniso mar kalena markaad fahanto aayad, Macnaheeda markale markaad si fiican u xakameyso xifdiso isku xidhka suurad, marna markaad dhammayso juz. Waa farxado isdaba-joog ah, iyo raynrayn aan kala go’ lahayn. 🌧 #حلقة_نافع_المدنى #لتحفيظ_القرءان_الكريم #اخوكم اياس صاحب المعروف

  • 15 янв.799из FAHANKANOLOSHA35

    Dardaaran ku socota qofka raba xifdinta Qur’aanka balse ku adkaata: ✵ Ku dadaal ku-celcelinta; habeen iyo maalin, safar iyo deggenaanshoba, muddo toddobaad ah ama ka badan ilaa aad si dhab ah u xifdiso adigoon ku wareerin. 💎 Sida ay yiraahdeen culimada qiraa_atka: “Inaad si fiican u xifdiso waxa aad baranayso ayaa ka kheyr badan inaad badiso wax aad illoobi doonto.” ✵Ugu dambayn Aayadaha Qur’aanku waa hanuun iyo iftiin; Ilaahayna ka baryo inuu ku siiyo iftiinkiisa iyo hanuunkiisa. Si qalbigaada uu u galo iftinkaasi bishardi waa inaad toobad kento ka tagto macaasida, Waayo mugdi iyo ilays meel ma wada jogi karaan #حلقة_نافع المدني #لتحفيظ_القرءان Hamogaan xalaqada Laxidhidh 610711831

  • 13 янв.577из FAHANKANOLOSHA35

    “Barakada Qur’aanku waxay timaaddaa kaddib samir iyo ku dhegganaansho joogto ah. Qofkii naftiisa ku dadaala—even haddii uu maalin walba akhriyo ama xifdiyo dhowr bog oo yar—waxa Alle u furaa, joogtayntuna waxay gaarsiisaa ilaa juz’yo badan. Isku mid ma aha qof fadhiid ah oo dayacan, sugayana inuu helo wax ka mid ah neecawda Qur’aanka, iyo qof hurdo iyo waqti ka hura, kana dhiga daqiiqadihiisa kuwa ugu qaalisan Qur’aanka dartiis. Ka faa’iidayso cimrigaaga.” 🤲 Ilaahayow, nagu arsaaq xifdinta Qur’aanka iyo barakadiisa. #حلقة_نافع_المدنى #لتحفيظ_القرءان الكريم اخوكم اياس صاحب المعروف

  • 10 янв.561из FAHANKANOLOSHA35

    ❤️Gabar in la jeclaado waa fidrad dabici ah Lkin inaad asturto xifdiso waa ragannimo,😍

  • 10 янв.566из FAHANKANOLOSHA35

    "Qofka macasidu ka dhacdo ee dhalinyarada ah marku uu soo toobad keeno wuxuu noqdaa Xabiibullaah❤️😍

  • 29 дек.616из caaqilmufakirah

    ✍🏻رفع الله قدرڪم وبارڪ في عملڪم ،، وأسعد قلوبڪم النقية ،، وبارڪ الله في أيامڪم وسائر أوقاتڪم ،، ووهبڪم ڪل ما تحبون ،، وڪفاڪم شر ما تڪرهون ،، وملأ حياتڪم سعادة وحباً وسلاماً ،، أسأل الله العظيم أن يسعدنا وإياڪم في الدنيا والآخرة. 🌹

  • 27 дек.667из FAHANKANOLOSHA35

    😍Qayba ka mid ah aaydka ugu macaan kalamka ilahay ❤️oo wada cajib ah❤️

  • 26 дек.570из FAHANKANOLOSHA35

    🌿 Camallada ay habboon tahay in Muslimku ku dadaalo maalinta Jimcaha: ▪️ Inuu badiyo salaadda Nabiga ﷺ ▪️ Akhrinta Suuradda Al-Kahf ▪️ Inuu Alle ﷻ baryo xilliga ducadu la aqbalo Aan ka faa’iidaysanno saacadaha maalintan barakaysan..

  • 21 дек.567из caaqilmufakirah

    📢 OGAYSIIS Xalaqada Naafiic Al-Madani waxay qaadanaysaa arday cusub 📖 Waxaad ku baran doontaa saxidda dhawaaqyada Qur’aanka iyo xifdin sugan. Haddii aad rabto inaad Qur’aanka si sax ah u akhrido una xifdiso, fursaddan ha seegin 🌿 📲 Nala soo xiriir: [ @macruuf1