Akhris iyo Ogaansho📚📖
СтатистикаWaxaad halkan ka Helaysaa buugaag noloshaada wax ka badalaya.📚❤️
- Последний пост
- 3 июл. 2025 г.
- Последнее чтение
- 13 авг.
- Постов за неделю
- 0
- Всего постов
- 20
- Тип
- открытый
- Язык
- so
- В каталоге с
- 13 авг.
- 1/24сутки в ленте
- —
- 1/48двое суток
- —
- 1/72трое суток
- —
Оценка по просмотрам недавних постов: пост набирает почти всё за первые сутки.
Посты
Waxaana lagu kaftamaa: haddii aad doonayso in aad fikradda jacaylka baabi’iso bayoloji ahaan u fasir. Culumada cilmiga noolaha ama bayolojigu jacaylka waxay ku macneeyaan in uu yahay shaqo si makaanik ah uu jirku u qabto (=Love hormone). Laakiin dadka badankoodu anbiyada iyo abwaannada ayay ka jecel yihiin Darwin iyo xertiisa. Dadkuna inta ay fuliyaan waxa maskaxdoodu u sheegto in ka badan waxay fuliyaan waxa dhaqanka iyo diintu ay u sheegaan, oo inta ay garaadkooda tixgeliyaan waxaa ka badan inta ay doonista bulshada tixgeliyaan. Waxaa jira labo ulajeeddo oo xiriir loo sameeyo. Ulajeeddada hore ee xiriirka loo sameeyaa waa in cidda xiriirka la la yeelanayo laga rabo in wax laga helo. Ulajeeddada labaadna waa in cidda xiriirka la la yeelanayo wax lagu darsado. Marka cid xiriir loola yeesho si wax looga helo, xiriirkaasi jacayl ma dhalo ee danaysi aan waarin baa laga helaa. Laakiin marka ulajeeddada xiriirku ay tahay in wax la wadaago, noloshu waa wanaagsanaataa, oo waxaa laga gaaraa liibaan iyo guul lagu naalloodo. Jacayl ha raadin ee adigu jacayl noqo. Marka aad jacayl raadiso niyad jab baad la kulmaysaa, waayo cid naftaada ka baxsan oo ku siin karta jacaylka aad raadinaysaa ma ay jirto. Hase ahaatee, marka aad adigu jacayl tahay oo aad diyaar u tahay in dadka kale –wadar iyo waaxidba- aad ugu deeqdo farxad iyo jacayl, waxaa dhici karta in dadka kalena ay jeclaadaan in ay jacaylka iyo farxadda kugula daartaan, oo sidaas ay wax kuugu biiriyaan. Waana tii la yiri “Gacmo is dhaafa baa galladi ka dhalataa.” Aan qalinka dhigo, hadalkana ku soo gunaanado oraahda Mahatma Gaandi ee tiraahda: “Maalinta awoodda jacaylku ay ka qaalib noqdo jacaylka awoodda ayaa dunidu nabad arkaysaa /The day the power of love overrules the love of the power, the world will know peace.”
Waa jacaylka markuu duugoobaba dib isu cusboonaysiiya. Xaqiiqadiina waxa nolosha dhadhanka iyo quruxda u yeelaa waa jacaylka. Ruux walbaa wuxuu halgan ugu jiraa si loo jeclaado. Waxa nolosha iyo geeridu ay ku kala geddisan yihiinna waa jacaylka, oo qofku wax buu jecel yahay ama waa meyd socda (أو من كان ميتا فأحييناه). Waxaana la yiraahdaa: qofku jacaylka ka hor waa ‘walax’, markuu wax jeclaadana waa ‘wax walba’, jacaylka ka dibna waa ‘waxba yahay’. Feylasuufkii Albert Camus-na waxaa laga hayaa in uu yiri: “Haddii aan akhlaaqda buug ka qori lahaa, waxaan qori lahaa buug 100 bog ka kooban, 99 iyaga oo maran baan ka tegi lahaa, bogga ugu danbeeyana waxaan ku qori lahaa ‘Anigu waxaan aqoonsanahay hal waajib oo qura, waana in wax la jeclaado/ I recognize only one duty, and that is to love’”. Jacalyka dadku sheegto badankiisu waa nooca loogu yeero ‘Jacaylka kalluunka’. Waa ruux danaysi dabada ka riixayo, laakiin jacayl aan carrabka dhaafsiisnayn ku ugaaranaya. Sida la wariyey nin kalluun ku cashaynaya baa waxaa la weydiiyey: Maxaad kalluunka u cunaysaa? Ninkiina wuxuu ku jawaabay “Maxaa yeelay kalluunka waa jeclahay!” Markaana qofkii su’aasha weydiiyey baa wuxuu ku yiri: “Kalluunka waad jeceshahay, waana sababtaas midda kugu bixisay in aad biyaha ka soo saarto, oo aad shiisho, dabadeedna aad cunto. Ha ii sheegin in aad kalluunka jeceshahay .. waxaad jeceshahay naftaada, kalluunkuna dhadhan macaan buu kuu leeyahay, sidaa darteedna waxaad diyaar u tahay in aad disho oo aad cunto.” Inta badan jacaylka dadku sheegtaa waa noocaas loo yaqaan ‘jacaylka kalluunka’. Wiil ama gabar ayaa wuxuu arkayaa qof cajabiya, oo ugu muuqda in uu haqabtiri karo baahidiisa jireed iyo tiisa nafsadeed, markaasuu wuxuu la soo boodayaa hebel ama heblo waa jeclahay. Ma jeceshahay mise dan baa kaa gashay? Ma adiga ayaa taada ka fakeray mise qofka kale dantiisa iyo waxa uu rabo ayaad ka fakartay? Qofkaas waxa wadaa jacayl ma aha ee waa hunguri, qofka kale ayaa wuxuu ugu muuqdaa in uu yahay jaranjaro uu dantiisa ku gaari karo. Qofkaasi wuxuu jecel yahay naftiisa, jacaylkiisuna wuxuu la mid yahay midka uu sheegtay qofka kalluunku u malabsanayaa. Waa jacayl la mid ah kan waraabuhu wananka u qaado. Feylasuufkii Friedrich Nietzsche oo jacaylka wax badan ka yirina, wuxuu ku dooday in dadku qofka ay ku andacoonayaan in ay jecel yihiin ay u arkaan sida alaab ay leeyihiin, oo ay doonayaan in ay u maamulaan sida badeeco ay suuqa ka soo iibsadeen oo kale. Jacaylka dhabta ahi waa bixin. Waa in qofka kale sida uu yahay iyo waxa uu jecel yahay aad ku oggolaato. Dhibkuna ma aha in aan lagu jeclaan, laakiin waa in adigu aadan wax jeclaan. Maxaa yeelay jiritaankaaga ayaa ku xiran in aad wax jeclaato (=To be is to love). Nebiga (scw) oo ka warramay jacaylka uu u hayo afadiisii Khadiijo-na wuxuu yiri: “Waxaa la igu irsaaqay jacaylkeeda /إني رزقت حبها”. Waxaa xusid mudan, in falaasifada qaarkood ay ku doodeen in aalaaba raggu ay galmada daneeyaan, halka dumarku aalaaba ay jacaylka ka daneeyaan. Sidaa darteedna, dumarka la’aantood dunida jacayl kama jireen, oo jacaylku waa hawl xooggeeda ay haweenku qabtaan. Weeraha tilmaanta wanaagsan ka bixiya jacaylka waxaa ka mid ah oraahda Ingiriiska ah ee ‘fall in love’. Waa oraah si run ah uga tarjumaysa macnaha jacaylka. Jacaylka runta ah waa lala dhacaa ee lala ma duulo. Jacaylku farxad uma aha sida Spinoza uu sheegay, laakiin sida Aflaadoon uu sheegay jacaylka xanuun baa wehelin kara, oo ifka laguma helo jacayl nabdoon oo khatar ka maran. Run ahaantiina, falaasifo uu ka mid yahay Shoobinhawar waxay qabaan in jacaylku uu yahay dabin dabeecaddu u dhigto dadka si taran u yimaado, bini’aadamkuna u waaro. Dhanka kale, weeraha marin habaabinta xanbaarsan marka mawduuca jacaylka laga hadlayo waxaa ka mid ah weedha Ingiriiska ah ee ‘Jacayl samaynay/making love’, iyada oo la tilmaamayo galmo samayn. Oraahdaani waa sarbeeb, laakiin waa sarbeeb dhaawacaysa fikradda jacaylka. Galmadu waa qayb muhiim ah oo nolosha ka mid ah, laakiin kolka mawduuca jacaylka si guud loo eego waxay ka noqonaysaa wax aad u yar.
Ma doonayo in aan dareemo in aan gurigayga joogo, balse waxaan doonayaa in aan dareemo in aan joogo dhaxdin nabada ah, oo xeeb qurxoon ku taal.” Waxaan xasuustaa in mar aan safar ku jirey, aan garaacay taleefankii xaaskayga, laakiin waxaa iga qabtay wiil aan dhalay oo markaas 12 jir ahaa. Kolkaan wax yar is waraysannay buu wuxuu igu yiri: Aabbe is deji (=weedhii uu adeegsay waxay ahayd ‘Aabbo! calm down!’). Maxaa jira? Shalaylee naga tagtay. Haddaan shalay idinka tageyna? Waxaad ii waraysanaysaa sidii aan muddo dheer is moogayn. Markaas baan ku baraarugay in uu igu jirey dareen tebid ahi, oo aan mar hore u xiisay! Suugaanta jacaylka ah kuwa ugu filka weyn waxaa ka mid ah heesta Baybalka lagu xusay ee lagu magacaabo “Heesta Saleebaan /Song of Solomon”. Heestaan inkasta oo ay Baybalka ku soo aroortay, haddana waxaa lagu doodaa in hees diini ah aysan ahayn, ee ay tahay hees caashaq ah. Heestaan ninka caashaqu hayaa isaga oo tilmaamaya qofta uu caashaqay ayuu wuxuu ku leeyahay: “Waxaad tahay ceeb ka saliim ah / There is no flaw in you”. Waxaana la rumaysan yahay in sebankii Saleebaan ka hor ilaa iyo maantada la joogo kuwa wax caashaqaa ay tilmaantaas adeegsadaan. Jacaylku sida la isla qiray, wuxuu leeyahay indho la’aan muddo lala arki waayo nuqsaanta cidda la jecel yahay. Hase ahaatee, xaqiiqadu waxay tahay in uusan jirin insaan ceeb ka saliim ahi, oo ruux kasta wuxuu leeyahay nuqsaan lagu dhaliilo. Waana middaas sababta dhalisa kufaa kaca jacaylka ku yimaada. Jacayl aan marna caro lahayn lama wadaagi kartid qof aad aqal wadaagtaan, oo jikada iyo suuligu ay idinka dhexeeyaan. Waayo ma jiro qof mar walba malaa’ig ah, oo innaba wax la qoonsado aan samayn. Qofka doonaya in uu helo jacayl aan saacadna isdhimin, waxaa la gudboon in uu Alle ama cid dhimatay uu midkood caashaqo, labadaas baa laga yaabaa in caashaqoodu uusan nuqsaan yeelan. Alle iyo duulka dhintay sida aad doonto baad u la tacaamuli kartaa, maxaa yeelay labadaasi taageero kaagama baahna. Laakiin dadka nool sidaad doonto ulama dhaqmi kartid, waayo dadka nooli waxay u baahan yihiin taageeradaada. Eebbe iyo qofka xijaabtay haddii aadan muddo xusuusan, marka aad xusuusato ayaad xiriirkooda soo ceshan kartaa iyaga oo aan ku dareensiin in aad xumaysay. Laakiin, dadka nool sidaas lagama yeeli karo, oo caro iyo xisaabtan bay nafta kaaga qaadayaan. Xiriirka dadka nooli wuxuu u baahan yahay taxadar iyo feejignaan joogto ah, haddii kale waad isa seegaysaan. Taa macnaheedu ma aha in dadku xun yihiin, balse dabeecadda aadanaha ayaa ah in uu yahay noole aan dhamaystirnayn oo baahi iyo cillado leh, una baahan in la taageero. Taa awgeedna ma jiro qof qof kale baahidiisa si joogto ah u haqabtiri kara, oo mar kasta ka farxin kara. Aanna xusuusnaanno in xaasaska anbiyada, awliyada, boqorrada iyo xataa ilaahyadu aysan cabasho la’aan ahayn –(ruuxa akhriya taariikhda diimuhu wuxuu ogaanayaa in ilaahyadii ummadihii hore sida kuwii Giriigga iyo kuwa weli Hindidu caabudaan ay xaasaskoodu ka caban jireen). Barbaarta ku fekeraya in ay helaan gabdho aan iin lahaynna, waxaan kula talinayaa in ay sugaan xuuruciinta aakhiro, maxaa yeelay iyaga ayaa lagu sheegay in aysan lahayn wax la qoosado ama la saluugo. Barbaartu yay qalad iga fahmin, oo u qaadan in roomansiga oo dhan aan duminayo. Roomansiga waa loo baahan yahay, laakiin waxa buugta iyo filimaanta roomansiga ah ay ka warramaan iyo waaqica dhabta ah ee nolosha ka jiraa waa kala duwan yihiin. Qeys iyo Leylo, Roomiyo iyo Juuliyeet, Khasro iyo Shiiriin iyo ikhyaar kale oo badan oo roomansiga dunida caan ku ahi waa khayaal ka tarjumo baahida iyo rajada dadka, laakiin runta dhulka ka jirta kama ay tarjumaan. Yeelkadeede, nolosha oo dhan baa dhib ah. In nolosha la la halgamaana waxay ka dhigan tahay in la isku dayo in dhibka la la qabsado. Jacaylkuna noloshaas dhibka ah ayuu qayb ka yahay. Sida noloshu harjadka u tahay buu isaguna harjad iyo halgan ugu baahan yahay. Taa awgeed, jacaylka mirodhalka ah ee ifka lagu arkaa waa midka lagu mintido ee maalin dhada, maalinta ku xigtana dib u ubxiya.
Waana halkaas meesha hilowga jacaylka dadku uu ka soo jeedo, oo qafka wax jeceli waa dhaawac qayb jirkiisa ka maqan baadigoob ugu jira. In xaalku sidaas yahayna waxaa u daliil ah sida labada is jecel ay hab isu siiyaan, isuna dhunkadaan. Dhunkashada iyo hab siinta waxaa looga danleeyahay in qaybta kaa maqan lagula midoobo. Ummadaha oo idilna labka iyo dheddigga is calmada waxay ku tilmaamaan in ay is dhammaystirayaan. Feylasuufka runta calmaday isagu sheekoxariirahaas ma liqi karo, oo wuxuu ku khasban yahay in uu weydiimo ka keeno. Runtiina, dad badan baa u haysta in falsafadda iyo jacaylku aysan shaqo isku lahayn. Balse sida dhabta ah, falaasifadu sida uunka kale bay wax u jeclaadaan, isla markaana mawduuca jacaylku saami weyn buu ku leeyahay baaritaannada falsafadda, maxaa yeelay erayga falsafad macnihiisu waa ‘jacaylka runta ama jacaylka xikmadda’. Qoraallada maraajicda ah ee loo noqdo marka jacaylka laga hadlayana waxaa ugu horreeya buugga ‘Martiqaad’ (The Symposium /المأدبة) ee uu qoray feylasuufkii Giriigga ah ee Plato. ‘Martiqaad’ waa madal ay isugu yimaadeen dad badan oo ay ka mid yihiin falaasifo, gabyaa iyo halabuur kale oo dhammaantood ka qaybqaadanaya dood ku saabsan mawduuca jacaylka. Tusaale ahaan, weydiimaha falaasifadu ka doodeen waxaa ka mid ah; jacaylku ma wax macno leh baa mise waa ismoodiis dadku u baahdaan? Jacaylku ma jannaa mise waa cadaab (=Ma liibaan baa mise waa hoog)? Jacaylku ma naf-hurid baa mise waa naf-jeclaysi? Dhanka kale, marka qofku uu sheegayo in uu qof kale jecel yahay, qofka ma qof ahaantiisa ayuu u jecel yahay mise sifo iyo wax kale oo uu ku arkay buu ku jecel yahay, sida caqli, maal, qurux, … iwm? Guud ahaan, falaasifadu waxay isku dayaan in ay jacaylka caqliyeeyaan, laakiin sida dadka badankoodu ay og yihiin jacaylku waa nooc sixirka ka mid ah oo dhankiisa caaddifadda ayaa ka badan dhankiisa caqliga, waxaana la sheegaa in uu sarkhaan iyo suuxdin leeyahay. Xaqiiqadaas falaasifadu waa og yihiin, laakiin waxay isku qanciyaan in mawduuca wax laga dheefo marka si fiican loo lafa guro. Jacaylku sida uu ku tilmaamay gabyaagii carbeed ee Maxamuud Darwiish waa “beenteenna runta ah /الحب كذبتنا الصادقة”. Taa awgeed, jacaylka ugu macaan waxaa wadaagi kara labo aan isu dhaweyn ama xaataa aan is aqoon. Gabayada iyo sheekooyinka jacaylka ah ee ugu quruxda iyo quluudda badanna waxaa allifay wadaaddada suufiyada. Suufigu wuxuu gabay u tiriyaa jacaylkiisa, jacaylkiisuna waa Alle uusan weligi u arag sida walxaha maaddiga ah loo arko –(ugu yaraan arrinkaani wuxuu ku rumoobayaa wadaaddada suufiyada ee saddexda diimood ee Ibraahiimiga ah –Yahuudiyadda, Masiixiyadda iyo Islaamka). Waxaa taa dheer, in jacaylka suufigu uu damac ka maran yahay, oo suufigu Alle uma caashaqo janno uu ka dalbanayo ama ciqaab uu ka cabsanayo darteed, ee wuxuu u caabudaa in Eebbe uu cibaado iyo caashaq mudan yahay oo keli ah (ما عبدناك خوفا من نارك ولا طمعا في جنتك). Sidaa awgeed, waxaa la yiraahdaa ciddii doonaysa in jacaylkoodu uusan marna dhadin, waa in ay mar-mar ama xataa abidkeed ay ka dheeraataa cidda ay jeceshahay, oo ay badaha gadaashooda dhanbaallo dhaadheer isaga soo laliyaan –(dabcan farsamada casriga ah ee codka iyo sawirka sida fudud la isugu diri karaa arrinkaas wax bay ka beddelaysaa, oo jacaylku in uu raago iyo inuu dhaqso ku burburo labadaba way ka qaybqaadan kartaa). Feylasuufkii Bernard Shaw-na waxaa laga hayaa in uu yiri: “Waa doqonnimo in labo is jecel ay is guursadaan.” Oraah mar lagu sheego xadiis marna lagu sheego murti Carbeedna waxay tiraahdaa “Ha lagu jeclaadee booqashada yarayso /زر غبا تزدد حبا”. Soomaaliduna waxay tiraahdaa “Haddaad ammaan rabto waa la dhintaa ama waa la dheeraadaa.” Waxay ku warrameen in xaajigii Juxa ahaa uu jeer dhaxdin (=hoteel) degay. Shaqaalihii dhaxdinta ayaa waxay ku yiraahdeen “Soo dhawoow, waxaadna ogaataa in wax kasta aan u samaynayno si aad u dareento in aad gurigaaga joogto. Juxana wuxuu ugu jawaabay “Fadlan sidaa ha yeelina, waayo gurigayga waxaan uga soo tagay si aan maalmo uga carrogedisto.
Falsafadda jacaylka ...... Maanta waa 14kii Feebaraayo, waa maalintii jacaylka. Sidaa aawadeed, sadarrada soo socda waxaan wax yar ku gorfayn doonnaa falsafadda jacaylka. Waa hubaa, in akhristayaal badani ay isweydiin doonaan waxa ay tahay aqoonta iyo khibradda gaarka ah ee aan u leeyahay jacaylka ee fursadda ii siinaysa in aan ka hadlo. Been Allaa caayey oo ma jirto khibrad gaar ah oo aan jacaylka u leeyahay. Laakiin yaa yiri jacaylka waxaa ka hadla kuwa aqoonta iyo khibradda u leh? Runtii jacaylka waxaa ka hadla kuwa aan khibradda u lahayn, kuwa khibradda u lihi jacaylka kama hadlaan, waxna kama qoraan ee waa ku nooladaan. Dunida oo idil, suugaanta caashaqa ah waxaa curiya kuwa caashaqa ku fashilma. Cilmi Boodhari haddii uu jacaylka khibrad u lahaan lahaa oo uu ku guulaysan lahaa, gabayo jacayl ah ma uu tiriyeen, ee jannada jacaylka ayuu aayar iska daruuran lahaa. Ninkii Soomaaliyeed ee la weydiiyey: Hebelow xaaskaagu waa qolama? Waa kii ku jawaabay: "War sidaan isugu raysannayba ma anigaa i'ri abbaahaa waa kuma?!" Wadaadkii Ibnu Xasmi al-Andalusi (994-1064CD) buuggiisa “Kuusha qoolleyda /طوق الحمامة” oo lagu tiriyo in uu yahay kan ugu quruxda badan buugta carabiga lagu qoray ee jacaylka ka faallooda, bilowgiisa wuxuu ku leeyahay: “Jacaylku diinta munkar kuma ah, shareecaduna ma reebin, maxaa yeelay quluubtu waxay ku jirtaa gacanta Eebbaha sharafta iyo weynaantu ay u sugnaadeen, waxaana wax jeclaaday qaar badan oo ka mid ah khaliifyadii hanuunsanaa iyo imaamyadii toosnaa /الحب ليس بمنكر في الديانة ولا بمحظور في الشريعة، إذ القلوب بيد الله عز وجل وقد أحب من الخلفاء المهديين والأئمة الراشدين كيثر”. Erayga ‘jacayl’, wuxuu ka mid yahay erayda dareenka muujiya kuwooda loogu adeegsiga badan yahay. Taasoo jirta, haddana waxaa la yaab leh, in uusan jirin qof si buuxda u qeexi kara waxa jacayl yahay. Sababta arrinku sidaa u noqdayna waxaa lagu sheegay in afka iyo dareenka meelo kala duwan laga xukumo. Afka ama luqadda waxaa laga maamulaa dhanka bidix ee maskaxda, halka dareenka laga maamulo dhanka midig ee maskaxda. Sidaa darteedna, dareenka iyo erayada la doonayo in lagu cabbiraa si buuxda isuguma dhigmaan. Qofku wuxuu awoodaa in uu dad kala duwan mid kasta ku yiraahdo ‘waa ku jeclahay’, isaga oo dareenno kala geddisan dadkaas u haya. Tusaale ahaan, waalidkaa, walaalkaa ama walaashaa, wadeygaa, xaaskaaga, carruurtaada iyo dad iyo walxo kale ayaad sheegtaa in aad jeceshahay, laakiin jacaylka aad dadkaas iyo walxahaas u haysaa isku nooc ma ah, hal macne oo isku mid ahna kuuma laha. Taa waxaa weheliya, in aalaaba jacaylka lagu qeexo in uu yahay dhaqaaqa wadnaha, oo waatan fannaanadda Farxiyo Fiski ay ka cabanayso dhaglaynta wadnaha. Dareenka jacaylka ee wadnuhu la dhagleeyaa ma laha heer sugan, balse sida iimaanka ayuu kordhaa ama yaraadaa ama gebi ahaanba guraa. Jirkayaga, fekerkayaga, iyo duruufahayaguba si joogto ah bay isu beddelaan, isbeddelkooduna wuxuu keenaa isbeddelka dareenka jacaylka ee dadku ay wadaagaan. Giriiggii hore jacaylka waxay u qaybiyeen toddobo nooc, carabtuna waxay gaarsiiyeen 13 darajo iyo weliba ka badan. Sida dad badan ogyihiinna jacaylku waa indhoole aan la saadaalin karin. Ka hadalka jacaylka waxaa loo khushuucaa marka afka iyo dareenku ay isu soo dhawaadaan. Sababtaas darteed baana fannaanka iyo gabyaagu ka hadalka jacaylka uga badsadaan feylasuufka. Fannaanku wuxuu caashaqaa quruxda, feylasuufkuna wuxuu calmadaa runta. Fannaanku wuxuu ka duulaa sheekoxariirta tiraahda labada caashaqa wadaagaa bilowgii hore xagga Alle ayay mid ka ahaayeen, dabadeed waxay ku kala tagaan uurka hooyooyinka, laakiin jacaylka ayaa midnimadoodii asalka ahayd mar kale dib ugu soo celiya, oo jacaylku qaddar hore oo aan la baajin karin buu ku dhisan yahay. Tusaale ahaan, sheekoxariiraha Giriigga middood waxay sheegtaa in ruuxa aadamiga ahi asalkii hore ee abuurkiisa uu lahaa labo madax, afar gacmood iyo afar lugood, laakiin goor danbe ayaa ilaah u carooday, oo labo u kala dhanbalay. Wixii dhacdadaas ka danbeeyeyna dadku waxay bilaabeen in ay raadiyaan qaybta ka maqan.
E-Book gan group kaas ayaad ka helaysaa xikma books
Open this link to join my WhatsApp Group: https://chat.whatsapp.com/DXrAI3nNNCzFtpPhnPDEvr
Dhiganaha Qiraallada Mucaashaqiinta "Jacalka laguma hanto nacayb, isfahankana laguma helo xoog.." "Sharaftaaduna waa waxa aad adigu fasho uun, ee ma ahan waxa ay ehelkaagu sameeyaan." "Qofku waxa uu ku maamuusan yahay falalkiisa ee kuma maamuusna falalka dadka kale." "Qof kastaba waa in uu isku dayo in uu isagu is hagaajiyo, inta kalena uu tusaale subban u noqdo, ka hor inta aanu dadka noloshooda ku noqonin sidii garsoore eedaysane xukumaya." "Akhlaqaadu ma aha amarro iyo diidmooyin uun. Ma aha dabarro qayaxan uun, ee waa xeerka uu qofku u dejisto in uu ka xakameeyo damaca xayawaannimo ee gudihiisa basharku ah, waana xeerarka gacmihiisaas aadaminimo iyo naftiisaba siinaya xorriyadda ugu badan ee uu ku daanshoon karo." "Gabadhu Waa ruux, qalbi, dareen, caadifada iyo jiraal ooman oo nool, ee ma aha jidh nool oo la qiimaynayo uun." "Gaadhka ugu weyn ee inanta ilaaliyaa waa anshaxa aynnu ku beerno, ee ma aha aabbe laga baqayo iyo hooyo laga cabsanayo midna.
Pomodoro Technique ———————————————————————————————- Waa hab waxbarasho ama shaqo oo diiradda lagu saaro waqtiga si kor loogu qaado wax soo saarka. Waxaa sameeyay Francesco Cirillo 1980-meeyadii, waana hab shaqo oo lagu shaqeeyo qaybo waqtiyeedyo go'an ah oo shaqo ah, oo ay ku xigto nasashooyin gaagaaban. Halkan waxaa ku sharaxaya sida Pomodoro Technique u shaqeyso: 1. Dooro shaqada ama hawsha aad qabanayso: Waxaa laga yaabaa inay noqoto waxbarasho, shaqo la xiriirta, ama hawlo kale oo u baahan feejignaan sare. 2. Deji saacad 25 daqiiqo (tani waa hal Pomodoro): Inta lagu jiro 25-ka daqiiqo, waxaad ku shaqeynaysaa hawsha adigoon wax carqalad ah yeelan, waxaadna diiradda saareysaa hal arrin kaliya. 3. Samee nasasho 5 daqiiqo ah: Marka 25-ka daqiiqo dhamaadaan, qaado nasasho gaaban si aad maskaxdaada u nasiso. Waxaad sameyn kartaa dhaqdhaqaaq fudud, cabi kara shaah, ama wax kale oo nasasho ah. 4. Ku celi afar Pomodoros: Kadib markaad sameyso afar wareeg oo 25 daqiiqo ah (afar Pomodoros), qaado nasasho dheer oo u dhaxaysa 15-30 daqiiqo si aad maskaxdaada iyo jirkaaga u nasto. Ujeedada habkan waa in lagu xoojiyo diiradda iyo wax soo saarka, adigoo ka fogaanaya daalka la xiriira shaqo ama waxbarasho joogto ah oo waqti dheer qaadata. ————————————————————————————. https://nadiiracarab.blogspot.com/2024/09/pomodoro-technique.html
Xeerarka Nolosha: ✓Isdhuldhiggu meesha haddii aanu ku habboonayn waa dullinimo. ✓Cafisku mar haddii aan awood wax la isaga dhiciyo la lahayn waa taagdarro. ✓Ha samaynin waxyaabo xunxun, adiga oo isku haysta in aad akhlaaq suuban ku dhaqantay. ✓Farxaddu way ku dhaafaysaa, murugaduna sidoo kale. ✓Waxa ugu adag ee qalbi soo mara, waa in uu la saaxiibo qof baasaysi badan( dhanka xun wax ka eega ) oo jawiga kaa cakira. Hore ayaa loo yiri" qof farxaan ah la saaxiib, waad farxaysaaye!". ✓Waxyaabaha ay dadku kaa sheegaan waa aragtida ay kaa haystaan, ee haka dhigin waaqicaaga!. In uu qof ku yiraahdo faashil ayaad tahay, waa uun aragti aan xaqiiqo ahayn, haddii aadan adigu gudahaaga ka aaminsanayn in aad faashil tahay!.
MUGDIGA QIYAAMAHA maalinka qiyaamaha waxa la duubaya oo mesha ka baxayo qorraxda iyo dayaxa iyo dhamaan xidigaha bal suureyso meel an aysan qorax ka jirin dayax laheyn koronto laheyn mugdi ah ayada oo sidaas xaalada tahay ayaa wax jira dad gaar ah oo iftin heysta sida ilaahey ku sheegay qur aanka يَوْمَ تَرَى ٱلْمُؤْمِنِينَ وَٱلْمُؤْمِنَٰتِ يَسْعَىٰ نُورُهُم بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَبِأَيْمَٰنِهِم ((maalinkas waxa arkeysa mumininta iyo muminaatka oo nuur ama.iftiin horsocda midigtana ka socda )) hadaba sidee lagu helaa iftiinkaas ama.nuurkas nabiga csw waxa uu noo sheegay 8 sheey ama acmaal oo nuur ama iftiin ku noqonaya qiyaamaha waxana ka mid ah **salaata loo aado masaajida xilliyada mugdiga **suuratul kahfi oo la aqriyo jimcaha **sabarka badan **jihaad ilaahey dartiis ah **ilaahey dartiis qof lo jeclaado **salliga nabiga sc oo la badiyo nabiga scw waxa uu dhahay xadiithka ku qoran kitaabka arbaciinka الصلاة نور والصبر ضياء ((salaada wa nuur samirkana wa iftiin )) hadii uu samirka kugu yaryahay oo aadan ku sabrin qadarta ilaahey kana sabrin macsida dadkana aadan u sabrin ogaaw nuurkaga qiyaamaha inuu yaryahay
MA OGTAHAY Sababta qofka marka uu dhasho loogu adimo dhegta midig tan bidixna loogu aqimo sida ognahay salaada janaazada malahan adim iyo aqim waqtiga salada janaazadada la adimay lana aqimay wa markaa dhalatay waxana tahay shaqsi janaazadi lagu tukan laha la.adimay lana aqimay waxaana lagaaga baahan yahay waqtiga yar oo u dhaxeya salaad la aqimay iyo inta laga xeranaayo in aadan illowsho iyo ciyaar aadan gelin waqtigaasna maalayacni aadan ku lumin iyo wax ilaahey kaa fogeynaayo mar.hadii aa dhimato oo janaazada lagugu tukado fursad kale dib uma.helesid salaad la.aqimay dibna looma.dhigo ilaahey qaatumada hanoo wanaajiyo
DAAWADA WISWISKA AMA.WISWAASKA imaamka la.yiraahdo imaam alnawawi waxa uu ku sheegay kitaabkiisa الاذكار ص(١٢٩) Asaga oo ka warinaayo caalimka la yiraahdo abuu saleymaan al daaraani waxa uu yiri hadii wiswaska ku dhibo waxa la is geliyaa shucuur farxaded sheydaanka waxa uu ka necebyahay malahan mu'minka inuu farxo wax uu ka jeceylyahayna malahan mu'minka inuu murugooda marwalba aad faraxdo waxey jab ku tahay sheydaanka la yiraahdo qannaas ee dadka wiswaasiya waxa ay kalo sheegeen culimada qofkii ka hari waayo wiswaaska oo ka cibaadeysan waayo in uu aayadan 7 jeer aqriyo taas oo daawo la tajribyeeyey u noqotay أعوذ بالله السميع العليم من الشيطان الرجيم إن يشأ يذهبكم ويأت بخلق جديد وماذا لك علي الله بعزيز ))
LUQADA ALLAH KUGULA HADLO OO WALI AADAN FAHMIN Xikmadan waxay leedahay رُبَّمَا أَعْطَاكَ فَمَنَعَكَ، وَ رُبَّمَا مَنَعَكَ فَأَعْطَاَكَ. Waxa laga yaabaa rabi inu wax ku siiyo wax ka qeyr badana laguu diido waxaana laga yaabaa inuu wax kuu diido si wax ka qeyr badan kuugu bedelo **Marka eegto sunanta koonka ilaahey ku maamulo nabiga csw marki ay magaaladi taaif dadkii daganaa ay dhagxeyen asagoo ilaahey ugu yareeyo in ka badan 10km ay ay eryanayen marki taas dhacday oo nabiga la murugooday waxuu allah ku karaameyey inuu u wado al israa wal micraaj asaga oo koray 7 samo ilaa carshiga *** nabi muuse marki uu fircoon ka cararay oo mudo 10 sano ah ari jir ahaa kadib markuu so laabtay ayaa xaaskiisa wadada fool ku qabatay meel mugdi oo cidlo ah asago dab raadinaya ayuu wax dab la moodo meel ka arkay markuu yimidna waxa u naadiyay allah rabul caalimiin asago noqday kaliimullah *** nabi yuusf walalahii ayaa ceel ku riday aabahi ka fogeeyay kadib adoon noqday xabsi galay ilaahey waxuu siiyay inuu waziir iyo la taliye ka noqdo dalka masar Xikmada ku xigta waxay leedahay إنَّما يُؤلِمُكَ المَنْعُ لِعَدَمِ فَهْمِكَ عَنِ اللهِ فيهِ inaat wax wayso waxay kuu xanuujineysa ilaahey ayadana fahmeynin tusaale qisadi qaaruun ee Qur'aanka lagu shegay markii la.halaagay oo dhulka lala jaray kuwii lahaa qaaruun nasiib badanaa waxay dhahen وَأَصْبَحَ الَّذِينَ تَمَنَّوْا مَكَانَهُ بِالْأَمْسِ يَقُولُونَ وَيْكَأَنَّ اللَّهَ يَبْسُطُ الرِّزْقَ لِمَن يَشَاءُ مِنْ عِبَادِهِ وَيَقْدِرُ ۖ لَوْلَا أَن مَّنَّ اللَّهُ عَلَيْنَا لَخَسَفَ بِنَا ۖ وَيْكَأَنَّهُ لَا يُفْلِحُ الْكَافِرُونَ (82) hadii uusan ilahey nagu manneysan lahen dhulka aya nala jarmi lahaa sida qaaruun qaaruun waxa maalka loo siiyay si loogu halaago halka kuwaan kale faqri looga dhigay si ay u badbaadan gadaal danbe ayayna ka fahmeen ogaaw marwalba oo culeys kula.so darso waxa aad u badan waxa lagu siin rabo Hada ka hor nin aya meel daganaa maalin walba Qur'aanka ayuu aqrin jiray waxuna heli jiray biilkiisa si dhib la.aan ah ilaahey ayaa dad uso adego u saqiri jiray maalinkii danbe subac talaado ayu aqriyay waxba ma helin maalinki xigay subac arbaca ah ayuu aqriyay waxba ma helin kii sheydaanka ahaa ayaa waswaas ku furay oo dhahay Qur'ankan ka tag ee dantaada ka raaco Waxa uu ugu jawabay intaas sano an ilaahey kalaamkiisa aqrinayay mana baahine ani ayay wax iga qaldan yahiin maalinkii qamiista aya waxa u yimid dad.safar ka yimid xoolo.aad u badana u wada ayago u sheegay in 2 maalin wadada kuso jireen xoolaha ay siiyen waxa uu 10 jeer ka badnaa waxi uu heli jiray sanadki markaasu yiri ilaahiyow maxaa ii fahamsiin waysay calool baahan inaa sidaan wax u siiso
CIBRO QAADASHO Qisada nabi muuse Qur'aanka waxa lagu sheegay in ka badan 100 jeer laga so bilaabo suuratulbaqara ilaa suuratulfajri Nabi muuse magaciisa Qur'aanka waxa lagu sheegay 136 jeer ama.ka badan Sababtu waa cibro qaadasho cajiiba ah ** nabi muuse waxa loo diray dowlad aad u xoog badan oo dalka masar ka talinesay fircoona madax ka ah bal qiyaas dowlad qarniyo jirtay awood ciidan mid dhaqaale nidaam taariiq wax kasta leh Tusaale adiga hada hadii laguu diro dalka raashka ama north korea adigo kaligaa ah lagu yiraahdo ilaahey ugu yeer hana xoreeyaan dadka ay xooga ku heestaan ** nabi muuse waxaa la amray inuu hugaamiye u noqdo shacab la qabsaday gumeysiga oo jaahiliin ah aadna fuley u ah ** nabi muuse waxaa lagu so dejiyay shareecadii ugu horreeysay ee dhulka la keeno lana amray in la fuliyo dhamaanted **** nabi muuse gadaashis waxa so baxay kumanaan kun oo nabiyaal ah oo asi taabacsan ilaa.laga so gaaro nabi ciise * nabi muuse imtixaanka waxu ku bilowday markii sidaan loo dhalay oo la doonayay in bartaas lagu dilo asago caruur ah * nabi muuse waxa loogu magac daray kaliiim oo si toos ah ilaahey ula hadlay ayado malaaik u dhaxeynin صلوات الله وسلامه عليهم أجمعين
QISO WADA SHEYKEYSI ILAAHEY IYO ADOONKIISA marki qiyaamaha la tago oo ay yimaadan dadka Christian ka ah oo yiraahdaan waxa aan caabudi jirnay nabi ciise sc nabi ciise aya ilaahey waydiinayaa sidan waxan ku jawabaya sida tan وَإِذْ قَالَ اللَّهُ يَا عِيسَى ابْنَ مَرْيَمَ أَأَنتَ قُلْتَ لِلنَّاسِ اتَّخِذُونِي وَأُمِّيَ إِلَٰهَيْنِ مِن دُونِ اللَّهِ ۖ قَالَ سُبْحَانَكَ مَا يَكُونُ لِي أَنْ أَقُولَ مَا لَيْسَ لِي بِحَقٍّ ۚ إِن كُنتُ قُلْتُهُ فَقَدْ عَلِمْتَهُ ۚ تَعْلَمُ مَا فِي نَفْسِي وَلَا أَعْلَمُ مَا فِي نَفْسِكَ ۚ إِنَّكَ أَنتَ عَلَّامُ الْغُيُوبِ (116) ilaahey waxuu leeyahay adiga miyaa dhahay iga dhigta aniga iyo hooyadey 2 ilaah allah ka sokow nabi ciise aya ku jawabaya subxaanaka xaq uma lahi inaa sidaas dhaho hadii ay dhacdayna inaa dhahayna wat ogtahay waxa nafteyda ku sugan mana ogi waxa naftaada ku sugan ilaaheyow waxa tahay mid aad u og geybka مَا قُلْتُ لَهُمْ إِلَّا مَا أَمَرْتَنِي بِهِ أَنِ اعْبُدُوا اللَّهَ رَبِّي وَرَبَّكُمْ ۚ وَكُنتُ عَلَيْهِمْ شَهِيدًا مَّا دُمْتُ فِيهِمْ ۖ فَلَمَّا تَوَفَّيْتَنِي كُنتَ أَنتَ الرَّقِيبَ عَلَيْهِمْ ۚ وَأَنتَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ شَهِيدٌ waxan ku dhahay adoomadada waxa aad ii fartay oo ahaa ilaahey caabuda rabigiina iyo rebigey waxana ka ahaa marqaati inti aan la joogay marki aad i oofsatayna adiga aya ilaalinayay adoomadada shey walbana adiga ilaaliya إِن تُعَذِّبْهُمْ فَإِنَّهُمْ عِبَادُكَ ۖ وَإِن تَغْفِرْ لَهُمْ فَإِنَّكَ أَنتَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ (118) hadii aad cadaabto wa.adoomadada hadii aad u dhaaftana adiga ah allah caziizka.ah oo xakiimka ah HADII UU AXAD KA BADBAADAYO SU AALO QIYAAMAHA WAXA KA BADBAADI LAHAA NABIYAASHA ILAAHEY KARAAMEYAY ILAAHEY HANA BADBAADIYO QIYAAMAHA
126 – إذا أردت أن ينفتح لك باب الرجاء فاشهد ما منه إليك وإذا أردت أن ينفتح لك باب الخوف فاشهد ما منك إليه XIkmada 126 waxa uu yiri hadii aad rabto rajadaaada xagga ilaahey ka dooneyso inay badnaato xasuuso nimcooyinka iyo qeyratka ilaahey ku siiiyay sabab la aan hadii aad dooneyso cabsida ilaahey iney kugu badnaato xasuusnow acmaasha maalin walba in ilaahey loo geynayo galabki iyo subaxdi
أكرمك ثلاث كرامات، جعلك ذاكرا له، و لولا فضله لم تكن أهلا لجريان ذكره عليك، و جعلك مذكورا به إذ حقق نسبته لديك، و جعلك مذكورا عنده ليتم نعمته عليك. Ximkada 248 waxa uu leeyahay qofka daakirka ah ilaahey waxa uu ku karaameyay 3 karaamo 1) inu kuu idmay inaa xusto hadii uusan ku qadari lahen ama.kuu idmi laheyn inan xusto ma.xasuusaten 2) inuu ilahey adi ku xuso marka xusto kadib sida quraanka ilaahey ku sheegay فاذكروني اذكركم 3) ilaahey inu ku baro malaaikta kuna aqoonsadan maadama ilaahey aad xustay daakirna aa tahay intaan karaamo waxa ku heshay aduunyada lama gaarin aaqiro iyo janno
kitaabkan waxaa ku qoran 254 xikmad oo anfacaya qofka daakirka ah ama caabidka ah si uu u fahmo kuna xasiliyo qalbigiisa dikriga iyo cibaadada xikmada 61 waxa uu leeyahay من لم يقبل على الله بملاطفات الإحسان قيد إليه بسلاسل الامتحان. micnaha iyo sharaxa waxa uu yahay Qofka muslimka oo ilaahey janno la doonayo hadii uu garan waayo qeyrka iyo nimcada ilaahey siiyay uuna uso degdegi waayo cibaadada iyo wadada ilaahey waxa lagu soo kaxeeyaa silsilado imtixaan iyo masiiboyin ah si uu uso cararo xagga ilaahna usoo aado
in ay kula dhalato gabar wa nimco ilaahey iyo hibo allah ku siiiyay nabi yuusuf sc waxa la dhashay 11 wiil iyo dhowr gabdhod hal gabar kama qeyb qaadanim shirqoolki loo maleegay talo iyo ficilna kuma laheynin Halka nabi muuse sc marki la.dhalay oo hooyadi u baqday sanduuqna ku riday si ay dil ugu badbaadiso kadiba wabiga raacisay waxaa baadi goobay dibna uso helay walaashiis ka wayn (وقالت لإخته قصيه فبصرت به عن جنب وهم لا يشعرون )سورة القصص اللهم اخفظنا أخواتنا واخوات المسلمين في كل مكان من الارض