Xadiiska Maanta
Статистикаساهم في نشر الحديث طاعةً للنبيِّ ﷺ: نضَّرَ اللهُ امرأً سَمِعَ مقالتي فوَعَاها وحَفِظَها وبَلَّغَها. التواصل: https://t.me/Axmeddawlad
- Последний пост
- 14 авг.
- Последнее чтение
- 15 авг.
- Постов за неделю
- 6
- Всего постов
- 21
- Тип
- открытый
- Язык
- арабский
- Категория
- Книги (по похожим)
- В каталоге с
- 13 авг.
- 1/24сутки в ленте
- 271
- 1/48двое суток
- 310
- 1/72трое суток
- 334
Оценка по просмотрам недавних постов: пост набирает почти всё за первые сутки.
Посты
يجزيكَ عَشراً عَن صَلاتِك مَرّةً و تَنالُ عِزّاً في الحياةِ مُقِيما.
Nebigu {ﷺ} waxa uu yidhi: “ILAAHAY ayaan ku dhaartaye in Alle hal qof dartaa ku soo hanuuniyo ayaa kaaga khayr badan geela kiisa cas cas”. –Bukhaari iyo Muslim. Xadiisku waxa uu tilmaamayaa ruuxu in uu sabab u noqdo hunuunka cid kale in ay wax wayn tahay oo fadli badan ku suganyahay Carabtu geela cas cas ayaa ay aad u jeclaayeen, sidaas darteed ayaa geelii ay jeclaayeen loogu tusaaleeyay si fahanka loogu soo dhaweeyo. Xadiiska waxa laga qaadanayaa boorin la innagu boorrinayo in dadka khayrka loogu yeedho laguna dedaalo hanuunintooda. Ruuxa sababtaada ku hanuuna, Ilaahay dartiina aad uga jeeday wixii khayr ah ee uu sameeyo in lamid ah ayaa adigana laguu qorayaa. Markaa wax aanad camalkaaga ku gaadhi karin ayaad dadka wax sheegooda ku gaadhi kartaa, haddii aad Ilaahay dartii wax ugu sheegayso. Qofka dadka wanaagga tusinayaana waxa uu la ajar yahay midka wanaaggaa sameeya, sida uu sheegay Nebigu SCW. 📌𝑺𝒊𝒊 𝑭𝒂𝒂𝒇𝒊 𝑿𝒂𝒅𝒊𝒊𝒔𝒌𝒂; iskuday ugu yaraan in aad hal qof sii gaarsiiso. https://t.me/XadiiskaMaanta
𝗤𝗮𝗮𝗯𝗸𝗮 𝗹𝗮 𝗶𝘀𝗸𝘂 𝗱𝗶𝗶𝗻𝘄𝗮𝗮𝗻𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗕𝗮𝗿𝗻𝗮𝗮𝗺𝗶𝗷𝗸𝗮 𝗤𝗼𝗿𝗿𝗮𝗮 (برنامج قراء). 𝐋𝐢𝐧𝐤-𝐠𝐚 𝐥𝐚 𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐝𝐢𝐢𝐰𝐚𝐚𝐧𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨. 🔗 رابط التسجيل: https://qorra-org.com/ConditionsRegistration
Fursaddii aad ku xifdin lahayd Qur'aanka! Barnaamijka Qorraa (قراء) waa barnaamijkii aad Qur'aanka ku xifdin lahayd si bilaash ah meel kasta oo aad dunida ka joogto. Barnaamijku waxa uu ka koobanyahay saddex qaybood: 1. Muddo Lix bilood ah in aad ku sugto Qur'aanka kuna qaybto adiga oo maalin kasta qaybaya afar bog. Marxaladda lixda bilood ah waxa lagaaga baahanyahay in aad xafido afar bog maalintii kuna celceliso bog kasta marka aad xafido kaddib 15 jeer. 2. Muddo Sannad ah in aad Qur'aanka ku sugto kuna qaybto adiga oo maalin kastana qaybaya labo bog. Marxaladda sannadka ah waxa lagaaga baahanyahay in aad xafido oo aad qaybto maalin kasta laba bog oo Qur'aan ah marka aad xafido kaddibna aad ku celceliso 20 jeer bogiiba. 3. Muddo Labo sanno ah in aad Qur'aanka ku xafido maalin kastana aad xafido hal bog. Marxaladda labada sanno waxa lagaaga baahanyahay in aad xafido hal bog oo Qur'aan ah maalin kasta kuna celceliso halkaa bog marka aad xafido kaddib 25 jeer. Wixii faahfaahin ah ee intaa ka baxsan qolada barnaamijka ayaa ku siinaysa kuna hagaysa oo kuu fududaynaysa sidii aad Qur'aanka ku xifdin lahayd. Barnaamijka diiwaangelintiisa shalay ayaa la furay 09-08-2026, ilaa 21-08-2026 ayaa uu furnaanayaa ee ha laga faa'idaysto Insha Allaah. 📌𝗤𝗮𝗮𝗯𝗸𝗮 𝗹𝗮 𝗶𝘀𝗸𝘂 𝗱𝗶𝗶𝗻𝘄𝗮𝗮𝗻𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗕𝗮𝗿𝗻𝗮𝗮𝗺𝗶𝗷𝗸𝗮 𝗤𝗼𝗿𝗿𝗮𝗮 (برنامج قراء). https://t.me/XadiiskaMaanta/3484 𝐋𝐢𝐧𝐤-𝐠𝐚 𝐥𝐚 𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐝𝐢𝐢𝐰𝐚𝐚𝐧𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨. 🔗 رابط التسجيل: https://qorra-org.com/ConditionsRegistration ➥Qofka dadka wanaagga tusinayaana waxa uu la ajar yahay midka wanaaggaa sameeya, sida uu sheegay Nebigu SCW. (الدال على الخير كفاعله). ـــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــ https://t.me/XadiiskaMaanta
видео или голосовое, без подписи
Nebigu {ﷺ} waxa uu yidhi: “Waxaa idiin ku khayr badan kiinna Qur’aanka barta ee dadka bara”. –Bukhaari Xadiiska waxa laga qaadanayaa qofka innoogu khayr badan in uu yahay qofka Qur'aanka bartay ee dadka baraya. Waxa aad ogsoonaataa qofka aad bartay aayad ka mid ah kitaabka ILAAHAY ajarkeeda ayaad helaysaa inta aayaddaa qofkaasi uu akhrinayo. Bal kawaran qofka Faatixadii uu ku tukan lahaa aad u saxday? Maalintii ugu yaraan 17-jeer ayuu akhrinayaa qofka salaadaha faralka ah uun tukada ee aan wax sunne ah raacinin. Haddii uu sunnayaasha raacinaya ka sii fadli badan. الدال على الخير كفاعله ـــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــ 📌𝑺𝒊𝒊 𝑭𝒂𝒂𝒇𝒊 𝑿𝒂𝒅𝒊𝒊𝒔𝒌𝒂; iskuday ugu yaraan in aad hal qof sii gaarsiiso. https://t.me/XadiiskaMaanta
“Naftaada kula sabir la jirka kuwa Rabbigood baryaya aroor iyo fiidba iyaga oo raadinaya wajigiisa; indhahaagana iyaga ha ka lalin adiga oo doonaya quruxda nolosha adduunyada; hana addeecin mid aan qalbigiisa moogaysiinnay xuskayaga oo raacay hawadiisa arrinkiisuna ahaaday habow (baadiyoow).”
يجزيكَ عَشراً عَن صَلاتِك مَرّةً و تَنالُ عِزّاً في الحياةِ مُقِيما.
Nebigu {ﷺ} waxa uu yidhi: “Alle, malaa’igta, iyo inta samaawaadka iyo dhulka ku sugan, xataa qudhaanjada godkeeda ku jirta iyo kalluunkuba waxa ay u ducaynayaan macallinka dadka baraya khayrka”. 📌𝑺𝒊𝒊 𝑭𝒂𝒂𝒇𝒊 𝑿𝒂𝒅𝒊𝒊𝒔𝒌𝒂; iskuday ugu yaraan in aad hal qof sii gaarsiiso. https://t.me/XadiiskaMaanta
Rasuulku {ﷺ} waxa uu yidhi: “Cajiib badanaa arrinka mu’minku! Arrinkiisa oo dhan waa khayr, cid aan mu’minka ahaynna taas ma laha — haddii barwaaqo soo gaadho wuu shukriyaa, markaasay khayr u noqotaa; haddii dhibaato haleeshana wuu sabraa markaasay khayr u noqotaa”. –Muslim. 📌𝑺𝒊𝒊 𝑭𝒂𝒂𝒇𝒊 𝑿𝒂𝒅𝒊𝒊𝒔𝒌𝒂; iskuday ugu yaraan in aad hal qof sii gaarsiiso. https://t.me/XadiiskaMaanta
Dheh: Ma idiin ka warrannaa kuwa ugu tacab khasaarka badan? Waa kuwa dedaalkoodii ku lumay nolosha adduunyada, iyaga oo isu haysta in ay wanaag samaynayaan.
Abuu Hurayra RC waxa uu yidhi: “Khaliilkaygii {ﷺ} waxa uu ii dardaarmay: in aan bil kasta saddex maalmood ka soomo, labo rakcadood oo duxa ah, iyo in aan witir tukado inta aanan seexan ka hor”. –Bukhaari iyo Muslim Xadiiska waxa laga qaadanayaa fadliga ay…
Abuu Hurayra RC waxa uu yidhi: “Khaliilkaygii {ﷺ} waxa uu ii dardaarmay: in aan bil kasta saddex maalmood ka soomo, labo rakcadood oo duxa ah, iyo in aan witir tukado inta aanan seexan ka hor”. –Bukhaari iyo Muslim Xadiiska waxa laga qaadanayaa fadliga ay leedahay bil kasta in saddex maalmood laga soomo, waxaana sii fadli badan saddexda maalmood in ay noqdaan Ayaamul Biid. Ayaamul Biid: waa maalmaha dayaxu uu aadka u cadyahay ee uu buuxo, waa maalmaha dayaxu 13aadka, 14aadka iyo 15aadka uu yahay. Waxa kale oo xadiiska laga qaadanayaa labada rakcadood ee salaadda duxada ah in aan laga tegin ee la tukado. Salaadda duxadu: waa salaad barqada la tukado oo sunne ah. Laba rakcadood ayaa ugu yar siddeed rakcadood ayaana ugu fadli badan, waana laga badin karaa oo ilaa 12 ayaa la gaadhsiin karaa. Waxa kale oo Nebigu {ﷺ} kula dardaarmay in uu witriyaysto inta aannu seexan ka hor. Witriga iyo labada rakcadood ee salaadda subax ka horreeya waa sunnayaasha ugu fadliga badan.
Rasuulku {ﷺ} waxa uu yidhi: “Ilaahay ka baqa oo ubadkiina u caddaalad sameeya”. –Bukhaari. Xadiisku waxa uu leeyahay Qiso! Saxaaxbiga Nucmaan ibnu Bashiir RC waxa uu yidhi: Aabbahay ayaa xoolihiisa wax kamid ah igu sadaqadaystay oo isiiyay. Hooyaday Camra…
Rasuulku {ﷺ} waxa uu yidhi: “Ilaahay ka baqa oo ubadkiina u caddaalad sameeya”. –Bukhaari. Xadiisku waxa uu leeyahay Qiso! Saxaaxbiga Nucmaan ibnu Bashiir RC waxa uu yidhi: Aabbahay ayaa xoolihiisa wax kamid ah igu sadaqadaystay oo isiiyay. Hooyaday Camra bintu Rawaaxah ayaa waxa ay ku tidhi: “Ma raalli noqonayo ilaa aad markhaati geliso Rasuulka Ilaahay waxa aad siisay Nucmaan”. Aabbahay ayaa i kaxeeyay oo Rasuulka {ﷺ} ii geeyay si uu u markhaati geliyo waxa uu isiiyay. Rasuulku {ﷺ} waxa uu ku yidhi: “Miyaad ku samaysay sidaas ubadkaaga oo dhan”? Aabbahay waxa uu ku yidhi: maya Rasuulku {ﷺ} waxa uu yidhi: “Ilaahay ka baqa oo ubadkiina u caddaalad sameeya”. Lafdi kale waxa ku sugnaa in Nebigu {ﷺ} uu ku yidhi: “Ha i markhaati gelinin haddii ay sidaas tahay, waayo anigu kama markhaati kacayo dulmi”. 📌𝑺𝒊𝒊 𝑭𝒂𝒂𝒇𝒊 𝑿𝒂𝒅𝒊𝒊𝒔𝒌𝒂; iskuday ugu yaraan in aad hal qof sii gaarsiiso. https://t.me/XadiiskaMaanta
Nabigu {ﷺ} waxa uu yidhi: “Ha caayina oo wax ha ka sheegina asxaabteyda, haddii midkiin uu bixiyo buurta Uxud oo dahab ah, ma gaadhayo midkood mud uu bixiyay ama badhkii”. –Bukhaari iyo Muslim. 𝐌𝐮𝐝𝐤𝐮 (مد): waa qofka labadiisa sacab oo la isu geeyay mugood, qofka ay waliba gacmihiisu dhexdhexaadka yihiin. Xadiisku waxa uu inoo tilmaamayaa haddii midkiin uu bixiyo buurta Uxud oo dahab ah, in aanu gaadhayn ajarkiisu ajarka mud ama mud badhkii oo uu bixiyay mid kamid ah asxaabtii Nebiga {ﷺ}. Qofka caaya ama wax ka sheega saxaabada fadligoodu sidaa yahay, Alle iyo Rasuulkiisuna ay sidaa u ammaaneen, waxaan shaki ku jirin in uu Ilaahay iyo Rasuulkiisa ku been abuuranayo, aayadaha iyo axaadiista suganna inkirayo. Saxaabada Nebiga {ﷺ} in wax laga sheego ama la duro, oo la caayo wax sahlan ma aha, waayo qofka saxaabada duraya ee wax ka sheegayaa waa qof diinta duraya oo wax ka sheegaya! 📌𝑺𝒊𝒊 𝑭𝒂𝒂𝒇𝒊 𝑿𝒂𝒅𝒊𝒊𝒔𝒌𝒂; iskuday ugu yaraan in aad hal qof sii gaarsiiso. https://t.me/XadiiskaMaanta
Suuradda Al-Kahfi waxaa Nebigu (ﷺ) innoo sunneeyay Jimce kasta in aynu akhrino oo ay nuur iyo ilays innoo ahaanayso ilaa Jimcaha xiga.
Rasuulku (ﷺ) waxa uu yidhi: “Bakhaylku waa qofka agtiisa la iga xuso ee aan igu sallin”. Xadiiskan waxa laga qaadanayaa in salliga Nebiga (ﷺ) lagu dedaalo, gaar ahaan mar kasta oo Nebiga (ﷺ) la xuso ama la soo hadal qaado ama sifadiisa ama magaciisa la sheego. Culimada qaar waxay ka daliishadeen xadiiska mar kasta oo Nebiga (ﷺ) la xuso ama la soo hadal qaado in lagu salliyaa inay waajib tahay. صَلُّوا عَلَيْهِ وَسَلِّمُوا تَسْلِيمَا... اللَّهُــمَّ صَلِّ وَسَـــلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَـــا مُحمَّد ﷺ . الدال على الخير كفاعله ـــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــ 📌𝑺𝒊𝒊 𝑭𝒂𝒂𝒇𝒊 𝑿𝒂𝒅𝒊𝒊𝒔𝒌𝒂; iskuday ugu yaraan in aad hal qof sii gaarsiiso. https://t.me/XadiiskaMaanta
Rasuulku {ﷺ} waxa uu yidhi: “Ruuxa tukada labada qab-qabaw jannada ayuu galayaa.”. –Bukhaari iyo Muslim. Labada qab-qabaw waa Salaadda Subax iyo Salaadda Casar. Xadiiska kale Nebigu {ﷺ} waxa uu yidhi: “Naar ma galaayo ruux tukaday cadceedu intaanay soo bixin ka hor iyo intaanay dhicin ka hor.” –Muslim. Xadiiskan waxa aynu ka qaadanaynaa fadliga Salaadda Subax iyo Casar. Labadan salaadood waxa fadliga gaar ah loogu tilmaamay in wakhtiga Salaadda Subax badanaa qofku waxa uu ku jiraa hurdo macaan. Wakhtiga Casarkiina waa wakhti badanaa dadku ay ku mashquulsanyihiin dhammaystirka shaqadii maalinnimo. Sidaas daraadeed qofka ilaaliyay labadan salaadood waa qof ilaaliyay salaadihii kalena. الدال على الخير كفاعله ـــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــ 📌𝑺𝒊𝒊 𝑭𝒂𝒂𝒇𝒊 𝑿𝒂𝒅𝒊𝒊𝒔𝒌𝒂; iskuday ugu yaraan in aad hal qof sii gaarsiiso. https://t.me/XadiiskaMaanta
Sharaxa Xadiiska (سبق المفرّدون).mp3