Wanaag Bile
Статистика"إنَّمَا الأعْمَالُ بِالنِّيَّاتِ ، وَإنَّمَا لِكُلِّ امْرِئٍ مَا نَوَى" «اللَّهُمَّ رَبَّنَا اجْعَلْ أعْمَالَنَا خَالِصَةً لِوَجْهِكَ الكَرِيمِ» " Waari Meysidee Wax Ha Kaa Haraan ".
- Последний пост
- 8 нояб.
- Последнее чтение
- 15 авг.
- Постов за неделю
- 0
- Всего постов
- 20
- Тип
- открытый
- Язык
- арабский
- В каталоге с
- 15 авг.
- 1/24сутки в ленте
- —
- 1/48двое суток
- —
- 1/72трое суток
- —
Оценка по просмотрам недавних постов: пост набирает почти всё за первые сутки.
Посты
"Caqli maleh Qofaan cadaab ka Alle ka cararin ". Sh Nuur Cali Jaamac ╭┈───────── ╰┈➤. #WanaagBile.
Fadliga Jimcaha Awgiis Aan Badino Saliga Xabiibkeena Muxamed {ﷺ♥️}
قال عبد الله بن عمر رضي الله عنه: "يا بني، إن البر شيء هين: وجه طليق، وكلام لين." Waxaa laga soo weriyey Cabdullaahi ibn Cumar (RC) inuu dhihi jiray: Wiilkaygiiyow, birriga (wanaagga) waa arrin fudud: Weji furan iyo hadal macaan. Akhlaaqda wanaagsan waa hibo iyo fadli uu Alle siiyo qofkii uu doono ee addoomadiisa ka mid ah. ╭┈───────── ╰┈➤. #WanaagBile.
{ مَّنْ عَمِلَ صَـٰلِحًا فَلِنَفْسِهِۦ ۖ وَمَنْ أَسَآءَ فَعَلَيْهَا ۗ وَمَا رَبُّكَ بِظَلَّـٰمٍ لِّلْعَبِيدِ }. Ruuxi camal fiican fala wuxuu u falay Naftiisa, Ruuxii xumaan fala wuxuu dhibay Naftiisa, Eebaheena ma aha dulmiyaha Addoomada. ╭┈───────── ╰┈➤. #WanaagBile.
Bisha Dhulxijjah (Dhu al-Hijjah) waa mid ka mid ah bilaha ugu fadliga badan ee sanadka Islaamka, gaar ahaan 10-ka maalmood ee hore. Waa bil weyn oo barakeysan, waana tan uu ku jiro xajka iyo Ciidda Al-Adxa. Fadligeeda waxaa ka mid ah: 1. Toban maalmood oo Allaah ugu jecel yahay cibaadada - Nabi Muxammad (SCW) wuxuu yiri: *"Ma jiraan maalmo camal wanaagsan oo Alle la jeclaado sida camalka lagu sameeyo tobanka hore ee Dhu al-Hijjah."* (Bukhari) 2. Maalinta Carafo (9-ka Dhu al-Hijjah) - Waa maalinta ugu fadliga badan sanadka Muslimka ah. - Dadka aan xajinayn, soonka maalintan wuxuu ka dhaafayaa dambiyada sanadkii hore iyo kan soo socda. 3. Ciidul-Adxa (10-ka Dhu al-Hijjah) - Waa ciid weyn oo Muslimiintu u dabaal-degaan. - Waxaa la qalaa xoolaha (udhiyah/qurbaan) si loo xasuusto halgankii Nabi Ibraahim (CS). 4. Xajka - Waa bisha uu dhaco Xajka — tiirka shanaad ee Islaamka. Dadka Muslimiinta ah ee awooda leh ayaa u safra Maka si ay u gutaan Xajka. 5. Xuska Alle- Waxaa lagu dhiirrigeliyey in la yiraahdo: "Subxaanallaah, Alxamdulillaah, Laa ilaaha illallaah, Allaahu Akbar"* si joogto ah inta lagu jiro maalmahaas. Gunaanad: Tobanka hore ee Dhu al-Hijjah waa fursad dahabi ah oo lagu kordhin karo cibaadada, ducada, sadaqada, soonka iyo falalka kheyrka ah. ╭┈───────── ╰┈➤. #WanaagBile.
Nabi Muxamed ﷺ Ayaa lagu yiri: " إنك ميت وإنهم ميتون " . "Adiga waad dhimaneysaa iyaguna wey dhimanayaan." Meeshas uma baahna maal iyo wax lamida waxaad lageleysaa uun camalkaaga ha xumaado ama ha wanagsanado. Inta aan lagu xisaabin is xisaabi SUBAX WANAAGSAN. ╭┈───────── ╰┈➤. #WanaagBile.
اللهم احفظ الصومال واجعلها في امانك واحسانك . اللهم احفظ الصومال من شر الاشرار و كيد الفجار . اللهم رد كيدهم في نحورهم . اللهم احفظ الصومال من كل سوء ومكروه وفتنه . اللهم احفظها من كيد الكائدين من الارهابين والخونة والمرتزقة واعوانهم ومن وراءهم . اللهم احفظ الصومال ورجاله المخلصين الأوفياء . اللهم آمين يارب العالمين 🤲🤲🤲 🇸🇴🇸🇴🇸🇴 ╭┈───────── ╰┈➤. #WanaagBile. ٢٦/رمضان/١٤٤٦
без подписи
RAMADAN KAREEM☪️ Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka Islaamka waxaan idiin ku hambalyeynaynaa munaasabadda barakaysan ee bilashada bisha Ramadaan. Alle ha inaga aqbalo acmaasha wanaagsan. ╭┈───────── ╰┈➤. #WanaagBile.
Jimca wannagsan , ku dadaal saliga nabiga, tasbiixda, taxmiida, tagbiirta, qura,aan akhriska iyo nadaafada jirka.❤️ jimca Wanaagsan. ╭┈───────── ╰┈➤ #WanaagBile.
Jaahil ayaa dhahay: “Qofka aan ku raadinin, lama raadsado.” Rasuulkii Alle (Sallallaahu Calayhi Wasallam) wuxuu dhahay: “ Xiriiri cidda ku jarta, iska cafi cidda kugu gardaroota, oo wanaaji cidda ku xumaysa.” ╭┈───────── ╰┈➤. #WanaagBile.
DHAB UGA FIKIR. Dhab uga fikir waxa Niyaddaada Ku jira iyo waxa si muuqata kaaga dhacaya , maxaa yeelay labaduba Alleeysan ka qarsoonaan Karin wuuna kaa abaal marinayaa. { قُلْ إِن تُخْفُوا مَا فِي صُدُورِكُمْ أَوْ تُبْدُوهُ يَعْلَمْهُ اللَّهُ ۗ وَيَعْلَمُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ ۗ وَاللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ } U sheeg in waxa ay laabahooda Ku qarinayaan iyo waxa ay muujisanayaan Alle isku si u wada ogyahay labadubana Aakhiro ayeey kaaga horreeyaan waana lagaa abaal Marin doonaa waana sababta aan kuu leeyahay dhab uga fikir. ╭┈───────── ╰┈➤. #WanaagBile.
без подписи
اللهم اجعل هذا البلد آمناً.🤲 Allah SWT Ha unaxariisto Inta ku dhimaty inta dhawacna alle ha caafiyo 🤲😭 Shabaab iyo inta Af ku taageraysabo Maalin weyn baa dambeesa oo rabbul caalamiin kahortaganyhy markaas bee ka jawabi doonan sababta shacabkas musliminta ah dhiigoda ubaneesten ? ╭┈───────── ╰┈➤. #WanaagBile.
Allah SWT ha u naxariisto Ismaaciil Haniyah. wuxuu qaadday Wado ay adag tahay in qof hadda jooga uu qaaddo. Waxaa la dilay caruurtiisii iyo caruurtii uu awoowaha u ahaa isma dhiibin, intabadan dalalka aduunka oo idil ayaa ka soo xirtay albaabadooddii hadana isma dhiibin, sumad kasta oo xun oo ay qof ku shaabadayn karayeen sida argagaxisnimo, IWM.. way ku shaabadeeyeen hadana Maanta markii uu shahiiday qof kasta oo damiir muslimnimo uu ku jiray geeridiisu waxay ku noqotay Musiibo iyo naxdin si gaar ah u taabatay. Allah SWT Ha u gargaaro walaalha Muslimiinta Reer Falastiin 🇵🇸, Cadowgane Alle haka dul qaado 🤲. ╭┈───────── ╰┈➤. #WanaagBile.
Irsaaqad uu qofku heli lahaa ayuu ku waynaa danbiga uu galayo dartiis إنَّ العَبدَ ليُحرَمُ الرِّزقَ بالذَّنبِ يُصيبُه... الحديث Walaalka muslimka ahow ogow danbigu wuxuu sabab u noqdaa cariiri aduunyo iyo cadaab aakhiro Walaal dunuubta ka dheerow oo adeecida Allaah u dag dag. ╭┈───────── ╰┈➤. #WanaagBile.
Fadliga Soonka Caashuura: Nabigu wuxuu yiri: "Soonka maalinta Caashuura waxaan Ilaahay kaga Rajeynayaa inuu ku dhaafo danbigii sanadkii hore." maashaAllah. وعن أبي قتادة رضي اللَّه عنه ، أن النبي صلى الله عليه وسلم قال: " صيام يوم عاشوراء، أحتسب على اللَّه أن يكفر السنة التي قبله" . bal maxaa ka wanaagsan inuu Ilaahay kaa dhaafo danbiyadaadii sanadkii tagay oo dhan gaar ahaan kuwa yaryar sababtoo kuwa waaweyn Ilaahay wuxuu ku dhaafa toobad In lala yimaado. Ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu ina waafajiyo soonka maalintan iyo inuu inaga yeelo kuwa loogu danbi dhaafo danbiyadooda. Aamiin.🤲 ╭┈───────── ╰┈➤. #WanaagBile.
Hambalyo dhammaan umadda muslimiinta ah meel walba oo ay joogaan gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed dhalashada sanadka cusub ee hijriyada. Waxaan rajaynayaa in sanadkani bilow ah unoqdo sanad badan oo Nabad, Horumar iyo Isku duubni muslimiinta iyo Somali🇸🇴 ku dakayso xaalada adagna aan ka diga rogono insha allah. 1446هجري ╭┈───────── ╰┈➤. #WanaagBile.
Eid mubarak dhamantiin walalayaal, Farxad iyo cafimmaad ku ciida, Alle ha inaga aqbalo acmaasha wanaagsan🤲. عيد مبارك 🍂عيد الاضحى الله أكبر، الله أكبر، الله أكبر، لا إله إلا الله، الله أكبر، الله أكبر، ولله الحمد ╭┈───────── ╰┈➤. #WanaagBile.
Fadliga iyo soonka maalinta carafo. Maalinta Carafo waa Maalin uu Illaah (SW) ku Dhaartay weynideeda Daaraadeed, waa maalin uu rasuulkeena Muxamad(NNKH) umada islaamka faray inay soomaan. mar la waydiiyay uu yiri "soonka maalinta carafo waxaa loo dhaafaa dambiyadii sandkii hore iyo sanadka soo socda". Maalinta carafo waa maalintii la dhamaystiray diinta iyo nimcada uu Allaah (SW) ku maneeystay muslimiinta, waxaana soo dagay iyadoo carafo la taaganyahay aayado muslimiinta ugu bishaareynaya in diintoodii loo dhamaystiray. Maalinta carafo waa maalinka ugu badan ee uu Allah(SW) naarta dadka ka xoreeyo. Rabina adoomadiisa ugu dhow yahay,“Bukhaari iyo Muslim ay wariyeen inuu Nabigeena suuban Muxamad(NNKH) yiri:- "ma jirto maalin ka badan inuu Allah adoomanka ka xoreeyo naarta maalinta carafo ahayn". Maanta oo ah maalintii 9aad ee bisha Dul-Xijjah (carafo) ayaa ah maalin aad u weyn fadligeeda. Maanta waa maalinta ay Xujeeyda ay u diyaar garoobayaan inay istaagaan buurta Carafa, tasoo ka mid ah tiirarka uu Xajka ka kooban yahay kan ugu weyn, oo la’aantiisu uusan ansax noqonaynin xajka, sida uu Nabigeena Muxammad (NNKH) uu u yiriba: "Xajku waa Carafa". taasoo loola jeedo istaagga buurta Carafa. Ugu dambayntiina waxan eebaha awoodiisu sarayso ka baryayaa in uu naga mid dhigo aniga iyo dadka walaalahayga ah ee muslimiinta ah kuwa ka faaiidaysta maalinkaan ee loo dambi dhaafo. Ißraahim Haaji Salath ✍️📝 ╭┈───────── ╰┈➤. #WanaagBile.