tgindex
TIJAABI MASKAXDAADA

TIJAABI MASKAXDAADA

Статистика

Majeceshahay su'aalaha diinigaa maxiisaysaa guugaalaysiga,!? Hadaba halkaan waxaad ka helee su'aalo cajiiba ku cajab galiya guugaleysi aadan horay u arag, Horay ugaar oo (JOIN DHEH 👇 Cabasho ama farriin inta iigu soo dir

Последний пост
15 авг.
Последнее чтение
15 авг.
Постов за неделю
5
Всего постов
22
Тип
открытый
Язык
so
Категория
Книги (по похожим)
В каталоге с
13 авг.
Подписчики
9 609
−5 за 2 дн.
Сутки
−5
−0,05%
Неделя
 
Месяц
 
Просмотров на пост
495
22 постов
Вовлечённость
5,2%
к подписчикам
Постов в день
0,7
всего 22
Упоминаний
1
каналов
Охват размещения
оценка
1/24сутки в ленте
54
1/48двое суток
61
1/72трое суток
66

Оценка по просмотрам недавних постов: пост набирает почти всё за первые сутки.

Посты

  • 15 авг.12из caaqilmufakirah

    Qofkii Salaadda Subax waqtigeeda dayaca, wuxuu dhaawacay maalintiisa, wuxuuna lumiyay barakadeedii. Ibnu Qayyim (Alle ha u naxariistee) wuxuu yiri: “Bilowga maalintu waa dhallinyaranimadeeda, dhammaadkeeduna waa gabowgeeda. Qofku wuxuu ku barbaaraa waxa uu ku dhaqmo, wuxuuna ku dhintaa isagoo sidaas ku sugan. Haddii qofku ku barbaaro dayaca Salaadda Subax, wuxuu sii ahaanayaa mid dayaca.” Dadka Salaadda Subax tukada waxay helaan faa’iidooyin uusan qofka hurdaa heli karin: Wajibnimadedu: Waxay kaa dhigaysaa qof ku jira ilaalinta iyo damaanadda Alle. Sunnadeeda: Labada rakcadood ee Sunnada kahoreysa salad Subax waxay ka khayr badan yihiin adduunka iyo waxa ku jira. Allow naga yeel kuwa ilaaliya Salaadda Subax, waqtigeedana ku tukada. Aamiin. 🤲

  • #تاكيدات - Oh Allah, make us among those who got what they wished for. - اللهم اجعلنا من الذين نالوا ما تمنوا 🦋🦋🦋

  • https://t.me/Dhambaalad Walks hala garab galo

  • Hoos u dhaca janaalka waa share garayn la_aantiina guys and friends 🧡

  • #Musiibada_baraha_bulshadu ku hayso dhalinyarada. Sidee qofku wax u qabsan karaa isagoo sidaas waqti badan ku luminaya? Sidee qof maalin kasta u raaci karaa dantisav Facebook, isagoo daawanaya story-yada, reels-yada, isla markaana mar kasta rogaya wararka cusub; dabadeedna u gudbaya Messenger si uu uga jawaabo farriimaha loo soo diray? Kadib wuxuu u gudbaa WhatsApp, wuxuu uga jawaabaa qofkii la soo xiriiray, wuxuu daawadaa status-yada, qaarna wuu ka faalloodaa. Markaas wuxuu u gudbaa Instagram, si uu u arko faallooyinka lagu qoray sawirkiisii ugu dambeeyay, wuuna uga jawaabaa. Intaas kadibna wuxuu bilaabaa inuu daawado muuqaallada, stories-ka iyo reels-ka, ugu dambayntiina wuxuu uga jawaabaa farriimaha Instagram-ka. Markuu intaas dhammeeyo, wuxuu furaa YouTube, wuxuuna daawanayaa muuqaal ku saabsan qof hebel oo xaaskiisa ka sameeyay kaftan ama prank; isagoo leh: “Kaftan aan caadi ahayn, ha seegin!” Markuu muuqaalkii dhammeeyana wuxuu u gudbaa muuqaallo kale oo gaagaaban, isagoo midba midka kale ka daba rogaya. Ogeysiisyaduna ma dhammaanayaan; midba meel ayuu qofka uga yeerayaa, meelba meel ayuu uga jiidayaa. Intuu wareeggan ku dhex wareegayo barahaas kala duwan, isla markiiba wuxuu dib uga bilaabayaa bilowgii: Facebook ayuu mar kale furayaa! Haddaba sidee qofkani wax u qabsan karaa? Qofkan oo ah hab-dhaqanka ay ku nool yihiin dhallinyaro badan, marka laga reebo kuwa Alle u naxariisto, sidee buu: Shaqadiisa u gudan karaa? Waxbarashadiisa u dadaali karaa oo naftiisa bulshada dhexdeeda kor ugu qaadi karaa? Salaadihiisa u ilaalin karaa? Xuquuqda qoyskiisa u gudan karaa? Wirdiisa Qur’aanka u akhrisan karaa? Jimicsigiisa u samayn karaa? Xifdinta Qur’aanka u bilaabi karaa? Cilmiga shareecada u baran karaa? Xirfad cusub u baran karaa? Buug cusub u akhrisan karaa? Noloshiisana wax ugu kordhin karaa? Sidee buu uga bixi karaa nolosha khiyaaliga ah ee muuqaalka, is-muujinta iyo faanka aan xaqiiqda ku dhisnayn, una bilaabi karaa nolol dhab ah oo qiimo leh? Kadib haddana qofkani wuxuu yimaadaa isagoo ka cabanaya nolosha, nasiibkiisana ka tiiraanyaysan! Runtii wuxuu run sheegay Nebigeenna ﷺ markii uu yiri: “Laba nimco ayaa dad badan lagu khasaaraa: caafimaadka iyo firaaqada.” 🤍 Walaalkayow, ka faa’iidayso inta kaaga hartay! Alle kaalmo ka dalab. hana isdhiibin. Ha lumin waqtigaaga; waayo waxa maanta kaa lumaya berri dib kuuguma soo noqonayo. #madal_waacid #Facebook. #soomalia@FAHANKANOLOSHA35

  • 21 июл.443из FAHANKANOLOSHA35

    🌿 Mustaqbalka Ummaddu Wuxuu Ka Bilaabmaa Guriga Waxa ugu weyn ee maanta ummadda loo qaban karo ma aha maal iyo dhismo oo keliya, ee waa barbaarinta ubadka lagu koriyo Towxiidka iyo Caqiidada Saxda ah. Ilmaha yaqaan Rabbigiis, jecel cilmiga, ku dheggan xaqa, kana cabsada Alle, wuxuu noqonayaa qof aan fitnuhu ruxin, shakiyuhuna marin habaabin. Ku barbaari carruurtaada: 📖 Towxiidka iyo Caqiidada Saxda ah. 🎓 Jacaylka cilmiga. 💪 Himilo sare. 🤝 Mas'uuliyad. 🗣️ Geesinimada ku hadalka xaqa. 🌱 Maanta waa carruur; berrina waa culimadii, hoggaamiyeyaashii iyo dadkii Alle ummadda ku hagaajin lahaa. "Dib-u-hagaajinta ummaddu waxay ka bilaabataa guri lagu barbaariyo Towxiid sax ah iyo iimaan adag." اللهم أصلح أبناء المسلمين، واجعلهم قرة عين لوالديهم، وانفع بهم الإسلام والمسلمين.

  • 19 июл.419из FAHANKANOLOSHA35

    Qofkaa daaima musxafka wuxuu noqdaa quraan ku soconaya dhulka,.! Qofka hela saxibtinimada quraanka ma heli doono saxib ka wngsan,. Noloshaada nuur mubarak ah qiyamahana waa shafecahaga ! حلقة نافع المدني لتصحيح التلاوة . #Ku_soobir, 610711831

  • 17 июл.447из FAHANKANOLOSHA35

    Intee qof ayaa wali intarnetku isticmaalaa oo wali iyagu isticmaalin, Intaas aad aragtaan waxay isticmalen internetka waxay ka badbaadeen in internetku isticmaalo,!! Waxaa mahdin mudan culimada oo iyaguna waaqiciga fahmeen oo sida masajiddi aaladaha internetka kadhigay oo camiray Cilmi iyo nuurna kushubeen alx

  • 13 июл.480из FAHANKANOLOSHA35

    Salaadda Subax (Fajr), dadka Jannada u hamuun qaba! Ogaada Faralka Salaadda Subax: Qofkii tukada wuxuu gelayaa ilaalinta iyo damaanadda Alle. Sunnada Fajrka:ka horeysa Waxay ka khayr badan tahay adduunka iyo waxa ku dhex jira oo dhan. Qur'aanka Fajrka: Waxaa ka markhaati kaca malaa'igta habeenka iyo malaa'igta maalinta. "Qur'aanka waaberigana waa mid ay malaa'igtu ka soo qayb gasho." (Suuradda Al-Israa': 78) Salaadda Subax: Waa mid ka mid ah sababaha lagu mutaysto in Alle ﷻ lagu arko Jannada.

  • سر التغيير هو أن تركز كل طاقتك وجهودك في بناء النمط الجديد وليس في محاربة النمط القديم.

  • Iisheega wax aan lagu iibsan karin maal

  • 27 июн.676из FAHANKANOLOSHA35

    Xilligan ay macaasidu si fudud ugu faaftay nolosha dadka, qofka naftiisa ka ilaaliya dambiga kana dheeraada xumaanta, wuxuu la mid yahay xiddig weyn oo ifaya mugdiga dhexdiisa. Waa iftiin ay dad yar uun arkaan, laakiin qiimihiisu aad buu u weyn yahay. Walaal, waxaad haysaa jidka ugu wanaagsan ee la maro. Ha ka leexan, duruufo kasta ha ku soo maraan, waqti kasta iyo xaalad kasta. Ku samir xaqa, maxaa yeelay dhammaadka jidkan waa raallinimada alle iyo liibaan adduun iyo aakhiro.

  • 23 июн.592из caaqilmufakirah

    Bisha Muxarram waa bisha ugu fadliga badan bilaha xurmada leh. Waxaa gaar ahaan qiimo weyn leh maalmaha Taasuucaa (9-ka Muxarram) iyo Caashuuraa (10-ka Muxarram). 🔹 Caashuuraa waa maalintii uu Alle badbaadiyey Nabi Muuse (CS) iyo ummaddiisii, halaagayna Fircoon iyo ciidankiisii. Markii Nabigu ﷺ yimid Madiina ayuu arkay Yuhuudda oo sooman maalintaas, markaas ayuu yiri: "Anagaa Muuse idinka xaq badan." Dabadeedna wuu soomay, ummaddiisana wuu faray inay soomaan. 🔹 Nabigu ﷺ wuxuu sheegay fadliga weyn ee soonka maalintaas: "Waxaan Alle ka rajaynayaa in soonka maalinta Caashuuraa uu noogu dhaafo dambiyadii sannadkii horreeyey." ( Muslim ) 🔹 Si looga duwanaado Yuhuudda, loona khilqafo Nabigu ﷺ wuxuu damcay inuu ku daro maalinta sagaalaad, isagoo yiri: "Haddii aan noolaado sannadka dambe, waxaan soomi doonaa maalinta sagaalaad." ( Muslim ) ✅ Sida ugu fiican waa: In la soomo 9-ka iyo 10-ka Muxarram (Taasuucaa iyo Caashuuraa). Ama 10-ka iyo 11-ka. 🌷 Waa fursad qaali ah oo Alle ku dhaafo dambiyada yaryar ee sannadkii tagay, laguna nooleeyo sunnadii Nabigeenna Muxammad ﷺ. Ha moogaan fadligan weyn, kuna dhiirrigeli ehelkaaga iyo asxaabtaada inay soomaan Taasuucaa iyo Caashuuraa. اللهم أعنا على ذكرك وشكرك وحسن عبادتك، وتقبل منا صالح الأعمال. Aamiin.

  • 21 июн.463из FAHANKANOLOSHA35

    Meqa 7 bo ayaad ka soosari kartaa sawirkaan

  • 19 июн.517из caaqilmufakirah

    u oggolaan maalintaadu inay dhaafto adigoon Qur’aan la saaxiibin! Haddii ay ku seegto akhrinta Qur’aanka, ha ka tegin dhagaysigiisa. Qur’aanka oo la dhagaystaa waa cibaado ajar leh. Mar kasta oo uu qofku dhegaysigiisa badiyo, waxaa u kordha iftiin uu Maalinta Qiyaame la kulmi doono. Waxaa laga weriyey Ibnu Cabbaas (RC) inuu yiri: "Qofkii dhegaysta hal aayad oo ka mid ah Kitaabka Alle, waxay u noqonaysaa iftiin Maalinta Qiyaame." Sidaa darteed, qalbigaaga yanuu ka madhnaan Qur’aanka; akhri haddii aad awooddo, haddii kalena dhegayso, waayo Qur’aanku waa nuurka qalbiyada iyo hanuunka nolosha. 🌹📖

  • 01-01-1448 هـ اللَّهُمْ اجْعَلِهُ عَامَ خَيْرٍ وَبِرَكَةٍ وَأَمْنِ وَإِيمَان، وَوَفْقْنَا فِيْهِ لمَا تُجِبُّ وَتَرْضَى كل عام وأنتم بخير

  • جهاد عمر بن الخطّاب مع النبيّ شارك الفاروق عمر بن الخطّاب -رضي الله عنه- مع رسول الله -صلّى الله عليه وسلّم- في جميع المشاهد والغزوات، حيث إنّه لم يتخلّف عن أي موقعةٍ مع نبيّ الله، وقد كان له -رضي الله عنه- الكثير من المواقف في مشاركاته بالجهاد في سبيل الله؛ فقرة اصحاب النبي ﷺ ثانياً الخليفة #الفاروق_عمر_بن_الخطاب_رضي_الله_عنه #تقديم_بالتوحيد_نرفع_عزتنا #رسالة_اليوم 🔺🔻

  • 11 июн.614из caaqilmufakirah

    Kuwani gumaystayaasha fasahaadinta ku haya Gaza, ee daadinaaya dhiigga shacabka, duminaaya masaajidda, kuna xadgudbaya xurmada iyo karaamada dadka; waxay dedejinayaan halaaggooda, dhammaadkooda iyo ciqaabtooda adduunka ka hor tan Aakhiro. Annagu marnaba kama shakino ballanka runta ah ee Alle ﷻ uu ka sheegay: ﴿وَإِنْ عُدتُّمْ عُدْنَا﴾ "Haddii aad ku noqotaan xumaanta, Annaguna waan idiinku celinaynaa ciqaabta." Sidoo kale kama shakino hadalka Alle ﷻ: ﴿كُلَّمَا أَوْقَدُوا نَارًا لِّلْحَرْبِ أَطْفَأَهَا اللَّهُ﴾ "Mar kasta oo ay shidaan dab dagaal, Alle wuu damiyaa." Ilaahayow, waxay dib ugu noqdeen dulmi, kibir iyo fasahaad, ee ku ciqaab ciqaab adag. Ilaahayow, ku sallid kuwaa dhadhansii cadaab xun. Ilaahayow, dami dabkooda, fashili qorshahooda, ceebna ku rid. Ilaahayow, hoos u dhig oo guul darraysii cid kasta oo ka gaabisay garab istaagga walaalahayaga mu’miniinta ah ee Gaza, kuna cidhiidhi kuwa ku cidhiidhiyey. Ilaahayow, Adigaa Xoog Badan, Adigaa Adkaade ah. Xasbunallaahu wa nicmal-wakiil. 🌸

  • 8 июн.612из FAHANKANOLOSHA35

    Qur’aanku ma aha oo keliya il lagu kasbado xasanaad, balse waa manhaj nololeed oo dhammaystiran. Waa magangelyo laga galo fitnooyinka, waana xasillooni iyo sugnaan lagu helo xilliyada imtixaanka iyo dhibaatada. Waxanu dawo u yahay waxa qalbiyada ku jira. Qofkii ku dhegganaada waa la hanuuninayaa, qofkii ku adkaystana Alle ayaa ku filnaanaya oo ka kaafinaya wax kasta. 💗📖 اللهم اجعل القرآن ربيع قلوبنا ونور صدورنا. 🤲🏻🌹 #حلقة_نافع المدنى لتحفبظ القرءان والتصحيح التلاوة

  • 5 июн.558из FAHANKANOLOSHA35

    🌷 Jumco Wanaagsan 🌷 اللهم صل وسلم على نبينا محمد ﷺ Maalin barakeysan oo fadligeedu weyn yahay. Ha iloobin: 🤲 Duco badan 📖 Akhriska Suuratul Kahf 🌿 Saliga Nabiga ﷺ 🕌 U diyaar garowga salaadda Jumcaha Alle ha inaga dhigo kuwa ka faa'iidaysta kheyrka maalintan barakeysan. Jumco Wanaagsan dhammaantiin. 🤍