tgindex
FAHANKA NOLOSHA 🌍💕

FAHANKA NOLOSHA 🌍💕

Статистика

Waqtigu cidna ma beddelo..lakin Waqtigu wuxuu daaha ka qaadaa runta qof walba,!!! halkaan ugu imaaw qoraallo qulubtaada soo jiita sawiraan indhahaaga soo jiita,🥰🥰🌹. FAHANKA NOLOSHA fadlan, JOIN dheh) tallo wixi aad rabto( 👉 @macruuf1

Последний пост
11 авг.
Последнее чтение
15 авг.
Постов за неделю
2
Всего постов
22
Тип
открытый
Язык
so
Категория
Книги (по похожим)
В каталоге с
13 авг.
Подписчики
11 089
−16 за 2 дн.
Сутки
−7
−0,06%
Неделя
 
Месяц
 
Просмотров на пост
633
16 постов
Вовлечённость
5,7%
к подписчикам
Постов в день
0,3
всего 22
Упоминаний
7
каналов
Охват размещения
оценка
1/24сутки в ленте
285
1/48двое суток
326
1/72трое суток
352

Оценка по просмотрам недавних постов: пост набирает почти всё за первые сутки.

Посты

  • #Musiibada_baraha_bulshadu ku hayso dhalinyarada. Sidee qofku wax u qabsan karaa isagoo sidaas waqti badan ku luminaya? Sidee qof maalin kasta u raaci karaa dantisav Facebook, isagoo daawanaya story-yada, reels-yada, isla markaana mar kasta rogaya wararka cusub; dabadeedna u gudbaya Messenger si uu uga jawaabo farriimaha loo soo diray? Kadib wuxuu u gudbaa WhatsApp, wuxuu uga jawaabaa qofkii la soo xiriiray, wuxuu daawadaa status-yada, qaarna wuu ka faalloodaa. Markaas wuxuu u gudbaa Instagram, si uu u arko faallooyinka lagu qoray sawirkiisii ugu dambeeyay, wuuna uga jawaabaa. Intaas kadibna wuxuu bilaabaa inuu daawado muuqaallada, stories-ka iyo reels-ka, ugu dambayntiina wuxuu uga jawaabaa farriimaha Instagram-ka. Markuu intaas dhammeeyo, wuxuu furaa YouTube, wuxuuna daawanayaa muuqaal ku saabsan qof hebel oo xaaskiisa ka sameeyay kaftan ama prank; isagoo leh: “Kaftan aan caadi ahayn, ha seegin!” Markuu muuqaalkii dhammeeyana wuxuu u gudbaa muuqaallo kale oo gaagaaban, isagoo midba midka kale ka daba rogaya. Ogeysiisyaduna ma dhammaanayaan; midba meel ayuu qofka uga yeerayaa, meelba meel ayuu uga jiidayaa. Intuu wareeggan ku dhex wareegayo barahaas kala duwan, isla markiiba wuxuu dib uga bilaabayaa bilowgii: Facebook ayuu mar kale furayaa! Haddaba sidee qofkani wax u qabsan karaa? Qofkan oo ah hab-dhaqanka ay ku nool yihiin dhallinyaro badan, marka laga reebo kuwa Alle u naxariisto, sidee buu: Shaqadiisa u gudan karaa? Waxbarashadiisa u dadaali karaa oo naftiisa bulshada dhexdeeda kor ugu qaadi karaa? Salaadihiisa u ilaalin karaa? Xuquuqda qoyskiisa u gudan karaa? Wirdiisa Qur’aanka u akhrisan karaa? Jimicsigiisa u samayn karaa? Xifdinta Qur’aanka u bilaabi karaa? Cilmiga shareecada u baran karaa? Xirfad cusub u baran karaa? Buug cusub u akhrisan karaa? Noloshiisana wax ugu kordhin karaa? Sidee buu uga bixi karaa nolosha khiyaaliga ah ee muuqaalka, is-muujinta iyo faanka aan xaqiiqda ku dhisnayn, una bilaabi karaa nolol dhab ah oo qiimo leh? Kadib haddana qofkani wuxuu yimaadaa isagoo ka cabanaya nolosha, nasiibkiisana ka tiiraanyaysan! Runtii wuxuu run sheegay Nebigeenna ﷺ markii uu yiri: “Laba nimco ayaa dad badan lagu khasaaraa: caafimaadka iyo firaaqada.” 🤍 Walaalkayow, ka faa’iidayso inta kaaga hartay! Alle kaalmo ka dalab. hana isdhiibin. Ha lumin waqtigaaga; waayo waxa maanta kaa lumaya berri dib kuuguma soo noqonayo. #madal_waacid #Facebook. #soomalia@FAHANKANOLOSHA35

  • Jiilkeenna maanta 👥👤 Jiilkan maanta ah, oo reer Galbeedku dhammaan agabkiisa iyo hababkiisa kala duwan ku dadaalayo inuu ku dhex rido shahwooyinka, raaxada iyo madadaalada, kana mashquuliyo waajibaadka ka saaran diintooda, waxaan si buuxda u aaminsanahay inuu mar kale yeelan doono soo-noqosho xooggan oo dhinaca diinta ah. Sababtu waxay tahay in uu yahay jiil baraarugsan oo wax fahmaya. Sidaas darteed, soo-noqoshadiisu waxay noqon doontaa arrin yaab, layaab iyo fajac leh; waxaana markaas la dareemi doonaa qoomamo ku saabsan wixii la geliyay oo lagu khasaarshay madadaalo, fududeynta arrimaha diinta iyo ka fogeynta jiilka waajibaadkiisa. Waxa keliya ee laga doonayo culimada iyo ducaadda waa inay u jeestaan jiilkan, xiriir iyo is-fahamna la yeeshaan, oo aysan ka tegin. Sidoo kale, dhallinyaradu waa inay u dhowaadaan ducaadda, culimada, dadka cilmiga leh iyo dadka wanaagga ku dadaala, oo aysan ka fogaan sababo la xiriira waxa cadowga Islaamku faafinayo; sida inay culimada ku tilmaamaan xagjir, argagixiso, ama culimo daba-socota madaxda. Waayo cadowgu wuxuu fahmay in haddii ay dadka indhahooda ka ridaan dadka ay ku daydaan iyo hoggaamiyeyaasha wanaagsan, ay u fududaanayso inay ku ciyaaraan maskaxda bulshada, kana fogeeyaan dhaqankooda iyo diintooda, si ay u tirtiraan aqoonsigooda Islaamiga ah.

  • Rabiyow haddi uu jiro xaasid dhibsanaya inuu arko farxaddeena. ku irzaaq farxad uu ku halmaamo teena..

  • “Waxaad qaadanaysaa 1,000,000 oo dollar, laakiin shuruuddu waa inaadan arkin abtigaa/eedadaa iyo adeeradaa muddo hal sano ah. Ma aqbashaa mise waad diidaysaa?”

  • Qodobo muhiim ah marka la xifdinayo Qur’aanka: • Dhegayso qaybta aad xifdinayso ka hor intaadan bilaabin xifdinta. • Ku celceli qaybta marka aad xifdiso. • Si joogto ah u murajacee xifdigii hore. • Xifdigaaga u bandhig qof si wanaagsan u yaqaan Qur’aanka. • Alle ka bari gargaar iyo inuu xifdiga kuu sugo. • Sii wad xifdinta, xitaa haddii qadarka aad maalintii xifdiso uu yar yahay. • Samir, haddana samir, haddana samir. #Xufaada_Waxyiga Xalaqada Naafic Al-Madani Ku soo biir Diwangalintu waa mid furan 610711831

  • "Waxaa laga yaabaa inaanan awoodin inaan hagaajino wax walba, laakiin waxaan awoodnaa inaan ka fogaanno wax kasta oo qalbigeenna iyo niyaddeenna khalkhal geliya ama na dhaawaca." 🌺

  • Live stream finished (33 seconds)

  • Live stream started

  • Live stream finished (1 minute)

  • Live stream started

  • Maxaa faido ku jira ilmada Marba haddi ad aaminsanthy in qadarku waxqoran uu yahy..

  • ‏وَإنَّ مِن مُذهِبَاتِ الأحزَان، كَثرةُ الصَّلاةِ علَى النَّبيِّ ﷺ. 🌹

  • Subax wngsan

  • Haddii Abuu Lahab uu maanta soo noqon lahaa si uu gabdhaha nool u aaso, waxaa dhici lahayd inuu khalad ahaan aaso kala bar wiilasha dhalinyarada ah! Haddaba dhalinyarada Muslimiinta ahow, haddii qaawanaanta iyo ismuujinta dumarku ay yihiin wax ay diidaan dadka leh dabeecad suuban iyo fitro sax ah, sidoo kale idinkuna xirashada dhar aan munaasib ahayn sida shaadh-gaaban (shorts), dhar aad u gaaban, iyo surwaallada jeexjeexan ee soo bandhiga qayb ka mid ah cawrada, waa arrin murugo leh oo indhaha dhibaysa. Arrintaasna shareecadu way reebtay, waayo waxay keenaysaa in qayb ka mid ah cawrada la muujiyo. Sidaas darteed, ha noqonina kuwo dusha u ridan dambiga kuwa idin eegaya iyo kuwa idinku dayda. Muuqaalkaaga iyo nadaafaddaada daryeel, laakiin ha u oggolaan in qurux-raadintu kaa qaaddo haybadda iyo sharafta ragannimada.

  • без подписи

  • Qofka si cad oo fagaare ah uga riddooba Islaamka, isla markaana dadka hortooda ka sheega inuusan diinta ku dhaqmayn ama uu diiday, haddii uusan toobadkiisa si cad u muujin, wuxuu ahaanayaa qofka lagu yaqaan riddo ilaa ay si muuqata uga caddaato inuu ka noqday. Gaalka asalka ah ee ixtiraama diimaha kale, cilmigiisa iyo aqoontiisa waxtarka leh waa laga faa'iidaysan karaa inta aysan ka hor imanayn shareecada Islaamka. Hase yeeshee, qofkii Muslim ahaan jiray dabadeedna riddoobay, Islaamkana inkiray ama aflagaaddeeyay, looma yeelo maamuus iyo tixgelin lagu qariyo riddooyinkiisa iyadoo lagu marmarsiyoonayo aqoon ama magac. Aqoontu ma asturto riddo, mana kor u qaaddo qofka haddii uu si cad u weeraray diinta Alle. Shaarka aqoonta lagu huwiyo kama sarreysiiyo xukunka riddo haddii uu ku sugan yahay. Waxaan ku faraxsanahay in bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyaradu, ay ka dhiidhiyaan isku day kasta oo lagu maamuusayo ama lagu hor keenayo qof ku xadgudbay karaamada Islaamka. ﴿وَلِلَّهِ الْعِزَّةُ وَلِرَسُولِهِ وَلِلْمُؤْمِنِينَ وَلَٰكِنَّ الْمُنَافِقِينَ لَا يَعْلَمُونَ﴾

  • без подписи

  • 🌻🕋🌻🌛🤲🏾🌜🌻🕋🌻 اللَّهُمَّ أَعْطِنا وَلاَ تَحْرِمْنا، وَكُنْ لَنا وَلاَ تَكُنْ عَلَيْنا، وَاخْتِم بِالصّالِحاتِ أَعْمالَنا، وَاشْفِ مَرْضانا، وَارْحَمْ مَوْتانا، وَبَلِّغْ فِيما يُرضِيكَ عَنّا آمالَنا، وَارْحَمْ ضَعْفَنا، وَاجْبُْر كَسْرَنا، وَلاَ تُخَيِّبْ فِيكَ رَجاءَنا، يا فَرَجَنا إِذا أُغْلِقَتْ الأَبْوابُ، يا رَجَاءَنا إِذا انْقَطعَتْ الأَسْبابُ، وَحِيلَ بَيْنَنا وَبَيْنَ الأَهْلِ وَالأَصْحابِ ، اللهم صل وسلم وبارك على سيدنا محمد صاحب السيرة العطرة ، والخصائص الباهرة ، والشمائل الآسرة ، والدلائل الظاهرة ، والفضائل الفاخرة وعلى آله وصحبه وسلم٠

  • Macquul maaha qof hees dhagaysanasyo, qof dhab ah inuu noqdo. Bilaa xikmad bilaa ruux waaye dhamaan ku wa hesha dhagaysto

  • 22 нояб.1 24592

    без подписи