tgindex
Fahan Guud

ربي يقول ^^ولقد كرمنا بني ءآدم^^ Alle(swt) wuxu leeyahay ^^waxaa dhab ah inaan karaamaynay aadmiga^^ xagan waxad ka heli kartaa hadalo murti leh,qawlka eebe iyo murtiyo kale oo noloshaada wax ka badali doona insha allah💫💫 Naga mid noqo👇

Последний пост
14 авг.
Последнее чтение
15 авг.
Постов за неделю
3
Всего постов
22
Тип
открытый
Язык
so
В каталоге с
13 авг.
Подписчики
2 660
+12 за 3 дн.
Сутки
+10
+0,38%
Неделя
 
Месяц
 
Просмотров на пост
299
22 постов
Вовлечённость
11,2%
к подписчикам
Постов в день
0,4
всего 22
Упоминаний
1
каналов
Охват размещения
оценка
1/24сутки в ленте
55
1/48двое суток
63
1/72трое суток
67

Оценка по просмотрам недавних постов: пост набирает почти всё за первые сутки.

Посты

  • Inaad ogaato inaad kaligaa tahay waxay kuu dhowaynaysaa Eebbe, waayo waxaad garanaysaa in cidda kaliya ee dhabta ah ee aad leedahay ay tahay isaga, dadka kalena ay yihiin socoto noloshaada soo martay. Jimceysan! 🌿💚

  • 11 авг.77из Q0RM0

    Sixir aan ogayn! 001 Soo koobida Buugaagta. Dunidii aan cududeeda lahayn ,maamulkeeduna inoo taxna qarniyo , xataa daruurteeda aan ku lahayn "أَمْطِرِي حَيْثُ شِئْتِ، فَسَيَأْتِينِي خَرَاجُكِ "Meeshii aad doonto ku dhibic (ku da' ), way ii iman doontaa canshuurteeda iyo khayraadkeeguba"   ma sixir aan ogaynbaa yimid?, halkee lanooga yimid?, yaa noo yimid? sidee lanoogu yimid? Maxaa muslimiinta dib dhigay? , maxaase horrow mariyay qayrkood? لماذا تأخر مسلمون؟ ولماذا تقدم غيرهم؟ Hal minute gudaheed ayaan ku sheegi karnaa 1milyan oodhibaato , taasna waxa ay ku tusaysaa dhibta jirta baaxadeeda! 1. Waxa uhoreeya ee dib dhigay muslimiinta waa jahli taas oy ku wareereen kala saarida khamriga iyo khalka! ,jaahilnimada dhabta ah ee qofku ka arradanyahay waxwali waxa ka dhib badan jaahilnimada nuska ah , waayo qofka jaahilka ah ilaahay marka uu usoo diro qof caalim ah oo hagga wuu adeeca, laakiin qofka jaahilnimo-nuseedka ahi ma oga in uu wax ka dhimanyahay , mana aqbalo in uu yidhaah xaqiiqda ah "ma aqaan" , Inlagugu fidneeyo qof wada waalan ayaa ka khayr roon in lagugu fidneeyo qof nus waalan ,.   2. Buun-Buuninta Madaxda iyo is hoosaysiinta culimada, Madaxda qaarkood oo marray hillin wixii ay doonayaan waafajiya diinta , una dhexmara culimada iyaga oo fatwoonaya , cidii ka hor imatana ladilayo ama xabsi guntii la dhigayo , culimadii qaarna waxa ay mareen wadadaas liidata oy noqdeen "link" dhexdhexaadiye sidda hadaladii madaxda , una tanaasula madaxda halka uu islaamku u igmaday culimada in ay toosiyaan madaxda iyo amiirada , barisamaadkii waxa ay utaagnaayeen culimadu sida ay maanta madaxdu utaaganyihiin baarlamaanka casriga ah ; waxa ay hagayeen umadda; waxa ay xakamaynayeen talaabooyinka boqorka; waxa ay kor uqaadi jireen marka ay Dawladu ku xadgudubto sharciga , kamana biqi jirrin in ay walwal galiyaan madaxda!   3. Quusta iyo Baqdinta balaadhan ee gudaha muslimiin badan ku baahday! Fullaynimada iyo Quustu waa laba cudur oo aad uxunxun , waxaana dhashay muslimiin umaleeya una arka yurubiyaanka kuwa kasareeya lagana guulaysan karrin marwali , una haysta iska caabin wali oolagula kaco gaalada ay tahay mid ku danbaynaysa dhicisow , wayna addag tahay in ay guulaystaan dad horaanba aaminsan in ay kasarrayn karrin qayrkood, waxa aana cudurdaar ka dhiganaa in ay iman doonto maalin ka wacan sidan!.   4.  Muslimiintu waxa ay lumiyeen sababtii ay ku hantidayeen hoggaanka kuwii ka horreeyay , waxa ay yimaden dhulkii oo asnaab iyo jahli qarqiyay 50 sano gudaheenda waxa ay qabsadeen kala nus dunida . Hadii aan si dhab ah ubaarnana waxa aan ogaanaynaa waxaas halkaas gaadhsiiyay in uu maanta maqanyahay si magac uyaal ah haba iskaga yaalee ,. Waxa ay ku odhanayaan sawka alle swt yidhi   " waxa uu ahaaday xaq in aan ugargaarno mu'umininta"  وكان حقا علينا نصر المؤمنين aaway haye gargaarkii?  Hadii alle swt uyidhi aayada shuruud la'aan oo ka baxsan in ay noqdeen muslimiin waxa ay noqon lahayd yaab dullaysigan maanta umada ku habsaday , laakiin aayadaha Qur'aanka ku jira ma aha kuwo iska hor imanaya, Ilaahna ma ahha mid baajiyay ballankiisii, Qur'aankuna ma beddelmin se Muslimiinta laftooda ayaa ah kuwa isbeddelay, maxayna noqon kartaa ugargaarida dad aan shuriidiiba buuxin.Waxa aan ku gunaanadi hadalkii ibnu sucuud "Waxa aan ka cabsanayo ma aha dadka shisheeyaha ah, ee waxa aan ka cabsanayo waa Muslimiinta laftooda."

  • 11 авг.63из Q0RM0

    без подписи

  • 8 авг.1033из Q0RM0

    Awdal laga keenyey Ololog dheerey Il bari lagaga oriyey; Geesi geel keeniyo Gaari xirataa Galool lagu daahyay Geedba geedka u dheer Laga garaacyeey Galool muray mullaaxdiisey; Waa hees-hawleed.

  • 𝗠𝗮 𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗷𝗼𝗼𝗴𝘁𝗲𝘆 𝗔𝗮𝗹𝗹𝗮𝗱𝗮 𝘁𝗲𝗹𝗲𝗴𝗿𝗮𝗺 𝗼𝗼 𝘄𝗮𝗾𝘁𝗶 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗺𝗮𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 𝗯𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗿𝗮𝗮𝗱𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗮𝗻𝗻𝗮𝗮𝗹𝗼 𝗳𝗮𝗮𝗶𝗱𝗼 𝗨'𝗹𝗲𝗵 𝗻𝗼𝗹𝗼𝘀𝗵𝗮𝗮𝗱𝗮, 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗻 𝗵𝗮𝗹𝗸𝗮𝗻 𝗸𝘂𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝘅𝘂𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗹𝗮𝗹, 𝗸𝗮𝗻𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮 𝘂𝗴𝘂 𝗳𝗮𝗮𝗶𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝘁𝗲𝗹𝗲𝗴𝗿𝗮𝗺 𝗼𝗼 𝗻𝗼𝗼𝗰 𝗸𝗮𝘀𝘁𝗮 𝗹𝗲𝗵, 💯 𝗦𝗵𝗮𝗿𝗮𝗳 𝗶𝘆𝗼 𝗸𝗮𝗿𝗮𝗮𝗺𝗼, 𝗡𝗮𝗴𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗶𝗶𝗿 𝗔𝗾𝗿𝗶𝘀𝘁𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮𝗺𝗶𝗱 𝗻𝗼𝗾𝗼 𝗯𝘂𝗹𝘀𝗵𝗼 𝘄𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗻𝗮𝗴𝘂 𝘅𝗶𝗿𝗮𝗻 👇 @dhiiriye @Enjoy_boy1 @wadnojacayl @LAMAANe24h @Cilmu_nafsi_10 @HoygaShekoyinka @Saxiibka_Nolosha @udhawoow_allaah @HOYGAJACAYLKA @Aqoonta_kaa_maqan @Xikmadoiyodhiirigalin @Jowharadi_qalbiga143 Admin - @Zaxiibka_nolosha https://whatsapp.com/channel/0029VbBOipoEquiVwbpZGE1Z

  • Haddii daacad unoqoshada wadanka lagu hagardaamoobayo, hanti beelna laga dheefayo laguna gaajoonayo saw in la damaaciyaa gar kuma biyo shubanayso. caqliga dhawbaa sidaas ku leh, se caqliga wax garadka ahi wuxuu kuugu jihaynayaa dhabe kaasba ka dheer goormay ahayd xaqa dadkoo la duudsado gar, se goormay noqotay gar in dayaca xileed ee jira lagu daroorsado xoolaha maatida, waa kuwaas wada yaaban ee indhaha igu gubaya dabadeedna idhahaya uunkaa uwada dhan waxaas ee ani maxa iga dhinac marshay ? Iyada lafteerkeeda jawaab Doon ah ! :- Dawzah

  • 6 авг.1022из Q0RM0

    Ku salliya Nabiga ﷺ, lagayaaba in ku salligiisu noqdo sabab lagaaga faydk walbahaarka, laguna qaado dhibaatada. صلّوا على النبي ﷺ، لعلّها تكون سببًا في تفريج الهموم ورفع البلاء ❤️ اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

  • Waxaan daqiiqad ka hor kuu sheegay inaad qalbigayga xaday, Haa, tani waa sax. Si kastaba ha ahaatee, waxaan ilaaway inaan kuu sheego inaad wax kale iga xaday!...waa maskaxdayda.. maskaxdayda oo aan waxba ka fikirin adiga mooyee. ~ Dostoevsky to his wife. |

  • Marka ay noqoto dhinaca aqoonta iyo ka falloodkeeda, waxaynu uqaybsanay laba qaybood uun qaar wax inay qodqodaan diyaar u ah iyo qayb damacsan wixii la qodqoday inay dadaan, iyadoo ay ina seegtay qaybtii ugu mudnaydba. Waxaan ku suganahay barxad ka qaawan qodqod aqooneed oo miyir qaba  iyo isla dayday xaleed oo bad qaba. Waxaan qirsanahay inaan nahay bulsho ku cusub aqoonta la sheego iyo ifafaalaheedaba mana lihin aqoon naf leh oo ku kaydsan luuqadeena afeed, taasina doorkeeda ka ciyaartay dayaca baahsan. Sarta aan jeexe maalin kuma fikirin inaan banaanka ka istaago se taagtayda iyo tabtaydaba waxaan ku ururinayaa siddii aan ugu qanci lahaa !!! Miyaynan ahay ?! :- Dowzah

  • - Oo hantiwadaaggu waa maxay ?" - Waa sinnaan dhan walba ah." - Oo macnaheedu waa maxay?" - Waxii dhib ah oo loo wada dhidido iyo waxii dheef ah oo dheri lagu wada karsado. - Waar ma idinka dhab baa? Taasi waa jannadii la sheegi jiraye dunida ma laga samayn karaa?" - "Maxaa looga samayn kari waayay?" - "Dabadeed yar iyo weyn inta guntiga iyo googgaradda la gaabsaday ayaa shaqo loo dareeray. 'Iskiin wax u qabsada nolosha waa udub dhexaadkiiye!' Fiidkii ayaa la isu soo hoyday, mise wax dabka la saaraba la ma hayo, gabannadiina gaajo ayay halkan iyo halkeer la daadsan yihiin." - "Dherigii la sheegayay mee?" - "Madaxtooyada ayuu jiraa ee idinku biyo cabba oo seexda." - "Wadaagga la sheegayaa ma waxaas baa? Ilaahay waxaan ugu dhaar galay dherigaa xun meesha aan ku arkaba waa in aan ka la jebiyaa!" " waa dibu socod qabta oo dila!" QALINKA :- IBRAAHIM HAWD Berri aynu damacnay inaan dhardhaaro kulaalno se hor iyo dabbaba aynu ugu qalaamo rogmanay dheeftii aan helnayna ay noqotay laf dhuunta noo jiifta ilaa hadda!

  • صلّوا على النبي ﷺ، لعلّها تكون سببًا في تفريج الهموم ورفع البلاء ❤️

  • Bari samaadkii bari samaadkii tolow maxay ahayd samaanta baryahaas na saaqday ma jahligii lafaruuga ahaa iyo xadrooyinkii laga nafdayi jirey, ma gumaadkii dhaxdeena aloosnaa, ma takoorkii jinsiga, ma duudsigii xaqa, ma xoriyaddii reer guuraanimada mise barwaaqo sooranki gu'yaasha kala qaadi jirin. Dadku waa dadkii caqliguna waa isla kii oo halkii wali ku xayiran iyada oo jiilba jiil usoo sacab saaray tabtii uu ugaws qaniinsana. waxa kaliyee isbadalayna uu noqday masaafada aan ujirsanay miyigii asal ahan la innagu ogaa annaagoo usoo hayaanay magaalooyinka. si kasta oy noogu kala soocmaan baadilka iyo xaqu isla tabtii ayaynu meel dhawraynaa waxa ina haysta isla xeerintii awowyaasheen fadhiidka ka dhigtay se ummada aan dhab unoqon aqoonta iyo iftiinkeeda iyaduna dhab uma noqoto oo waa taas inagu saydhisay bartii ayku saydhisay kuwii aan ka keenay hanaanka siloon . Sow nagan sideenii uun jaantiyo cidhibta isla la' sownaga isla tabtii uun iiftiinka yareen imaansanaba isla sacabadeena ku xabaalayna. Goormaan samayn!!! se goormaan samaan doonaa waa Si alle.!!! Markastoon isku dayno inaan ku fano inaan ka dhalanay dad noloshu liicin oo hal adayg leh waxaa kugu hawaarsanaya maankaagana himilada ka duminaya hab dhaqan koogaas qaawan iyo farfiiqoogaas kas iyo kamma kala aqoon. Tolkay way faanayeen se wax lagu faano ma arag markaan dhaxdooda soo hawaarsaday waxay tirinaayeen Baydad tookh leh se indhahaygu ma arag tibaaxdaas. dhinac kasta waxaa hadheeyay duudsi umadeed, damac qofeed iyo dayac masuuliyadeed heer xataa ay helayn inta mustaqbalka inay bidhaansadaan hanka uraadinaya dufan ay kaga dhaxan hadhaan waxaan yaqiinsaday in loo badheedhay se badhaadhe la samirsanayo. Qalinka:- Dowzah

  • Sidee ayuu qofku usawiran karaa xaqiiq ka maqan aduun aragiisa ?!! miyayna adkayn inaad isku daydo inaad ku qeexdo erayo iyo tilmaamo isbiirsaday arrimo ka madhan maankiisa qofeed ha la yaabin falcelinaha kasoo noqonaya dhankiisa qofka caynkaasa isla sida aad ula amakaagsan tahay ayuu ula anfariirsanyahay xaqiiqadan xataa humaagiisa ka maqan maskaxdiisuna sinaba ay uga qaadi karin cabbir muqaaleed waayo in lagu yaso waxaynu u aragnaa dhamaanteen iswaa qofeed iyo madhnaan qalalow ah ma jiro qof innaga mid ah oo  jecel in maankiisa laga soo qaado xaabo xarr galay oo maraysaa dhamaadkii gu'geega mid kasta oo innaga mid ah cod hoose ayuu isku leeyahay xul ayaad tahay mana rabo in muqalkaas laga madoobeeyo. - Waa sababta reer miyigu ugu tookhaan aqoonta farsamo ee  guryo dhiska, rarka ratiga reer guuraaga, soohida xadhkaha, ku aroorka dameeraha, dabarida xoolaha, lisida caanaha, lulida dhiisha, ugida gaawaha, dhaashinka subaga iyo dharkii hidaha halka anagu waxaas u dheehano wax kama jiraan quruumo hore. Anagoo kasoo qaadayna sheekada reermiyiga quurumo albaabka loo awday qarniyaddi laga soo talaabsaday een wax kasta ka dhaxbaadhno ilbaxnimada casriga ah ee tiknolojiyada iyo cilmi baadhisyada tiro beelka ah. Markaan dheehano waxaan la yaabnaa inay uunka saaranyihiin agnaano aan qalin iyo buug isdul qaban maankoogana ay ku qofilanyihiin khuraafaado lasoo dhaafay halka iyaggu aynoo dheehdaan uun quruumo fargaalka bartay dhaqankana saydhiyay hidahana saan madow ku ah iyagoo ku hadaaqaya hilinkii waad dayacdeen hawadiinaad raacdeen halbeegiina waad ka madhan tihiin lakiin xaqiiqadaa ah in kastoo adduun aragaaga qabyo ka ah inay ku dhamaystirayso. Miyaanan cadayn karin in la iigu xudun aasay miyi.. ?!! :- Dowzah

  • - Marlayba natiijada doodu kuma xidhna yaa gar ku taagnaa yaase gartiisii la duudsiyey oo wadnaha farta lagaga dhalaaliyey se qiimayntu waxay u dhaga nuglaataa cida ugu aftahansan, ugu cod karsan, ugu xogaha cadcad ee fahansan waaqica uu abaarayo, dalinada uu ka dusayo iyo qaamuska afmaalnimo ee uu adeegsanayo. - dhamaanteen waxaynu fadhiga uga kacaynaa ciddii awood uyeelata inay nugu qanciso waxay lasoo shir tagtay :- Afkaa wuxuu gooyo weeyi

  • Saacado kooban kadib waxaan udabaal dagi doona xuska maalin igu dheer. waxaan xadhiga udabri doona xasuus da' jirsatay anoo baalka ufuraya isla iyadii oo iska xaadirinaysa gu' cusub waxaan dib uqodqodi doona saacado kooban kadib kalgacayl gu'yaal dhawr ah jirsaday wali waxaan xasuusta oo maankayga ku ladhan kadiskii ay ku curatay iyo badhaadhihii ay ku danbaysay anigoo xoogaha sugaan ah isku daraya oo leh Bisharadiii axdiga Bishii todobaad Balantaan lahayn Wax baajiya ka dhawr Miyeyna cadayn inay july igu dheertahay 🫂🫀

  • 11 июл.1 57114

    Mawjadaha fikirkaaga qotoda dheer waxaad dhax mushaaxaysa adigoo nooquudenimadeeda laguu cimaamaday goor aan habeen ahayn dharaarna ka dheer waayaabe tolow miyey udhaxaysay ?! Kaalay adba garo bal waakaase !!. - waxaan qori doona ilaa dhamaadka wayahayga sheeko u qalanta maqaamkayga kama dhadhansan doontid baqdin iyo lunsanaan toona se bog kastoo kamida waxaad indhaha ka qaadi doonta adoo ubogsan halganka lagu xardhay ey waaya aragnimadu weheliso, ha iwaydiin sababta nafta loo colaysto kolay waa camalkeede. - heeey!! Nayaa dowsah waxaabad modaa inaa korkeeda laga suuldhabaalaynayo waaxay maahsanaantu eedo..?! - malaha qaska laguu abuuray oo camal kale ma lihid ha ubixin eedo safar gaaban ayaan baxay ayey ahyde. - Kulahaa oo kalay yaray safarka sidaan ku ogaa malaga badalay xaaasha allow magantaa..!!! Haaaye usidaa caloosha eedo 😁 :- Dowzah

  • 10 июл.22541из MUFAKAR1

    Mararka qaar qof ayaad si lama filaan ah isu barataan. Wadahadalladii ayaa noqda kuwo qalbiga taabta, waxaana dhexdiinna ka dhasha ballan ah in maalin la kulmi doono. Laakiin noloshu mar walba ma raacdo qorshaha dadka. Qofkii wuxuu u safraa magaalo fog, masaafaduna waxay kala dhex dhigtaa jid dheer. Ballantii la sugayay dib bay u dhacdaa, maalmo ayaa isu beddela toddobaadyo, toddobaadyana bilo. Inkasta oo wakhtigu dheeraado, rajadu ma dhamaato. Farriin kasta iyo xusuus kasta waxay sii hurisaa rajadii ahayd in maalin uu la kulmi doono. Waxaa la yidhaahdaa: "Masaafadu waxay kala fogeysaa jidhka, balse haddii qalbiyadu is doonayaan, ballantu way timaaddaa xitaa haddii ay raagto." Kayd. ❤️✨

  • “Dorraad ma xasuusan karo waxaan dibin daabyo falay, sheley kama daacad noqon dantayda wixii ahaa , hadeerse si dowgu yahay dibaan ka ilaawaya”. -HADRAAWI(AHUN)

  • Qofka aad noqon doontid 5 sano ka dib waxa ay ku xidhantahay waxyaabahan: 1- Cuntada aad cuntid. 2- Buugta aad akhridid. 3- Cinwaannada aad la socotid ee Follow garaysid. 4- Warbaahinta aad ku taxantahay. 5- Khibradaha aad heshid. 6- Asxaabta aad la fadhiisatid. 7- Shaqooyinka aad qabatid. 8- Lacagta aad maalgashatid. 9- Deegaanka aad ku sugantahay. 10- Caadooyinka aad leedahay ee ku ilaalisid. 11- Hadafyada aad dejisid. 12- Aaminaada aad leedahay. 13- Nafhurka aad samaysid. ~ Sandheere

  • Wada hadalada qotoda dheer, isxaal waraysiga saacadaha qaata, isla lafagurida micnaha leh, faaqidaada goobta dhacdooyinka isdaba maray salka ay ku hayaan waa kuwa horseeda hanaqaadka midho dhalka leh isla goortaasna ay ku curtaan guulaha jirintaankoogu daa'imo taaas badalkeeda aamuska tiro beelka, la gooni noqoshada xaladeed, is tuhunka farfiiqu weheliyo waa seeska kala taga xidhiidhada  bulsheed ay ka curtaan isla markaana laga dheefo burburka xadhko goosadka ah. Aar hadda ma ila haysaan ?!