HINDISE
СтатистикаALLE S.W.T Wuxuu yidhi (فاقصص القصص لعلهم يتفكرون). Umad aan garanayn taariikhdeeda ma Ma wanaajiso qaabaynta mustaqbalkeeda. Qofka Taariikhda Akhriya ma galo qalbigiisa quusasho waligii! Aduunkana wuxuu u arkayaa in ay tahay maalmo kaliya.
- Последний пост
- 14 авг.
- Последнее чтение
- 15 авг.
- Постов за неделю
- 13
- Всего постов
- 28
- Тип
- открытый
- Язык
- so
- Категория
- Книги (по похожим)
- В каталоге с
- 13 авг.
- 1/24сутки в ленте
- 27
- 1/48двое суток
- 30
- 1/72трое суток
- 33
Оценка по просмотрам недавних постов: пост набирает почти всё за первые сутки.
Посты
HINDISE pinned «https://youtu.be/CVEDoyjaOgE?si=Fl9W2CvfOZiNqWPt»
https://youtu.be/CVEDoyjaOgE?si=Fl9W2CvfOZiNqWPt
Alle wuu u oofin lahaa dhaartiisa. Haddii aad awooddo inuu kuu dambi-dhaaf weydiiyo Alle, sidaas samee.” Maalmihii ayaa sii socday, Rasuulka Alle ﷺna wuu geeriyooday. Dabadeed Uways wuxuu yimid Madiina isagoo la socda wafdigii dadka Yemen, xilligii khilaafada Cumar bin Al-Khaddaab رضي الله عنه. Cumar رضي الله عنه mar kasta oo wafdi ka yimaado Yemen wuxuu weydiin jiray: “Ma idinku jiraa Uways bin Caamir?” Ugu dambayn wuu helay Uways. Wuxuu weydiiyay magaciisa, qabiilkiisa iyo calaamaddii uu Nabigu ﷺ ku sheegay inuu leeyahay & inkale, wuxuuna xaqiijiyay inuu yahay Uwayskii Nabigu ﷺ ka hadlayay. Markaas ayuu Cumar رضي الله عنه ku yiri: “ dambi-dhaaf ii weydii Rabbigey.” Uways wuu la yaabay, wuxuuna si is-hoosaysiin leh ugu jawaabay: “Adigu waxaabad tahay saxaabigii Rasuulka Alle ﷺ, waxaana habboon inaad adigu ii ducayso.” Laakiin Cumar wuxuu u sheegay wixii uu Rasuulka Alle ﷺ ka maqlay. Markaas Uways wuxuu Alle uga baryay Cumar inuu Alle u dambi-dhaafo. Uways wuxuu aad u necbaa sumcadda iyo in dadka laga dhex garto. Markii dadku gartaan cidda uu yahay, wuxuu u guuri jiray meel kale, isagoo doonaya in camalkiisu Alle dartiis uu ahaado oo keliya, mana doonayn ammaan iyo bogaadin dadka ka timaadda. Sidaas ayuu Alle u sharfay oo magaca ugu qaaday nin aan haysan maal iyo mansab, balse lagu sharfay samafalka uu hooyadii u sameeyay, ikhlaaskiisa iyo daacadnimadiisa uu Rabbigiis kula dhaqmay. Mararka qaar Alle wuxuu kor u qaadaa darajada addoon aysan dadku aqoon, laakiin samada looga yaqaan cibaadadiisa iyo ikhlaaskiisa. Wanaagga waalidka loo sameeyo wuxuu ka mid yahay sababaha ugu waaweyn ee qofku Alle agtiisa darajo sare ku gaaro, halka ikhlaaskuna yahay sirta lagu aqbalo camallada. Haddii aad akhriska dhammaysay, ku sali Xabiibkii Alle, Muxammad ﷺ.
Uways Al-Qarni (Alle ha u naxariistee) wuxuu ku noolaa Yemen. Ma ahayn nin maalqabeen ah, mana ahayn qof mansab ama sumcad ku dhex lahaa dadkiisa. Laakiin wuxuu Alle agtiisa caan ku ahaa ikhlaaskiisa iyo wanaagga uu hooyadii u samayn jiray. Uways wuxuu aad u jeclaa inuu u hijroodo Madiina si uu u arko Rasuulka Alle ﷺ oo uu hortiisa fariisto. Hase yeeshee, wuxuu lahaa hooyo da’ ah oo aan haysan qof kale oo u adeega oo daryeela marka laga reebo isaga. Sidaas darteed, wuxuu ka hormariyay u samafalka iyo adeecidda hooyadii rabitaankiisa gaarka ah. Loomana qorin inuu la kulmo Rasuulka Alle ﷺ. Si kastaba ha ahaatee, Nabigu ﷺ wuxuu asxaabtiisa uga warramay fadligiisa isagoo weli Yemen jooga. Nabigu ﷺ wuxuu yiri: “Waxaa idiin iman doona Uways bin Caamir isagoo la socda wafdi ka mid ah dadka Yemen, kana soo jeeda Murād, dabadeedna Qaran. Waxaa ku dhacay baras, wuuna ka bogsaday marka laga reebo in yaroo la eg dirham oo ku hadhay jirkiisa. Wuxuu leeyahay hooyo uu si wanaagsan ugu samafalo. Haddii uu Alle ku dhaarto
بكثرة الصلاة على النبي ﷺ تُقضى الحوائج وتزول الهموم وتُغفر الذُّنوب وتنحلُّ العُقد وتُفتح المغاليق وتتيسر المعاسير وتتحقق الأمنيات صلوا عليه وسلموا تسليماً ❤️
Riwaayaduhu waxay sheegayaan in qaar ka mid ahi ay yiraahdeen: “Yaa naga mid ah oo inta uu fuulo gurigan dabadeedna dhagax korka kaga sii dayn kara Maxamed oo dili kara?” Rasuulka Alle ﷺ wuxuu markaas fadhiyey meel ku dhow darbiga mid ka mid ah ayuuna ku tiirsanaa dhabarkiisu. Intii ay xaaladdu sidaas ahayd, waxyigu wuxuu Rasuulka Alle ﷺ u sheegay waxa ay damacsanaayeen. Markaas ayuu Rasuulka Alle ﷺ ka kacay meeshiisii, wuxuuna ku noqday Madiina. Kadib wuxuu u diray farriin ah inay Madiina ka baxaan, markii ay caddaatay khiyaanadii ay damacsanaayeen. Wuxuu siiyey muddo ay ku diyaargaroobaan oo ay uga baxaan magaalada. Banu Nadiir waxay bilaabeen inay isu diyaariyaan bixitaanka. Laakiin Cabdullaahi ibn Ubay ibn Saluul ( Amiirkii Munaafiqiinta) ayaa arrintooda ogaaday, wuxuuna u diray qof u sheega: “Ha ka bixinina guryihiinna. Aniga iyo dadkayga Carabta ah waanu idinla garab dagaallami doonnaa. Haddii la idinka saaro, annaguna waan idinla bixi doonnaa.” Banu Nadiir waxay ku kalsoonaadeen ballanqaadkiisa, sidaas darteed waxay ka noqdeen go'aankii ay ku bixi lahaayeen. Kadib waxay galeen oo isku difaaceen qalcadahooda. Rasuulka Alle ﷺ ayaa markaas isaga iyo saxaabadiisu u baxeen, waxayna hareereeyeen qalcadahooda, waxaana ku bilowday go'doomintii. Muslimiintu waxay Banu Nadiir go'doomintaas ku hayeen maalmo. Cabdullaahi ibn Ubay wuxuu u ballanqaaday inuu u soo gurmanayo, laakiin ma uusan keenin gargaarkii uu ballanqaaday. Banu Nadiir waxay sugayeen ciidankii loo ballanqaaday, laakiin wax gargaar ah uma imaan. Go'doomintii ayaa ku adkaatay, ugu dambayntiina waxay Rasuulka Alle ﷺ ka codsadeen inay Madiina ka baxaan, iyagoo qaadanaya hantidooda inta ay geeluhu qaadi karaan, balse aan hubka la qaadan. Codsigoodii waa la aqbalay. Sidaas ayay Banu Nadiir uga baxeen guryahoodii. Waxay qaadanayeen xitaa albaabbada guryahooda iyo wixii alaab ah ee fudud ee ay qaadi karaan. Qaar ka mid ahna waxay gacmahooda ku duminayeen guryahooda, si ay uga qaataan wixii ay awoodaan inay la baxaan. Waxay ka baxeen Madiina, badankoodna waxay u jihaysteen Khaybar, halka qaar kalena ay tageen Shaam. Sidaas ayuu ku dhammaaday joogitaankii Banu Nadiir ee magaalada Madiina. Hantidooduna waxay noqotay fay’ uu Alle u soo celiyey Rasuulkiisa ﷺ. Ma ahayn qaniimo ay Muslimiintu ka heleen dagaal ka dib, balse waxay ahayd hanti Muslimiinta u soo gashay kaddib markii Banu Nadiir laga saaray deegaankoodii. Suuradda Al-Xashr ayaa soo degtay iyadoo xusaysa dhacdadan. Alle wuxuu yiri: ﴿هُوَ الَّذِي أَخْرَجَ الَّذِينَ كَفَرُوا مِنْ أَهْلِ الْكِتَابِ مِنْ دِيَارِهِمْ لِأَوَّلِ الْحَشْرِ﴾ “Isagaa ah Kan ka saaray kuwii gaaloobay ee ka tirsanaa Ehelu Kitaabka guryahooda, markii ugu horreysay ee la isu ururiyey.” Kadib suuraddu waxay xustay sidii loo saaray iyo qalcadihii ay lahaayeen, iyo sida ay ugu malaynayeen inay qalcadahoodu uga ilaalinayaan ciqaabta Alle. Alle wuxuu yiri: ﴿مَا ظَنَنتُمْ أَن يَخْرُجُوا وَظَنُّوا أَنَّهُم مَّانِعَتُهُمْ حُصُونُهُم مِّنَ اللَّهِ فَأَتَاهُمُ اللَّهُ مِنْ حَيْثُ لَمْ يَحْتَسِبُوا وَقَذَفَ فِي قُلُوبِهِمُ الرُّعْبَ﴾ “Ma aydinaan malayn inay bixi doonaan, iyaguna waxay u maleeyeen in qalcadahoodu ka ilaalinayaan Alle; laakiin Alle wuxuu uga yimid meel aysan filayn, wuxuuna qalbiyadooda ku riday cabsi.” Sidaas ayay Banu Nadiir uga baxeen Madiina, waxaana halkaas ku dhammaaday qisadoodii magaalada. Dhacdadoodii iyo faahfaahinteediina waxay ku xafidnaadeen Qur’aanka iyo kutubta Siirada. Hantidoodii waxay noqotay qayb ka mid ah faygii ugu horreeyey ee Alle u gaar yeelay Rasuulkiisa ﷺ. Wuxuu qayb ka mid ah ku bixin jiray nolosha iyo masruufka ehelkiisa, wixii soo harayna wuxuu ku bixin jiray danta Muslimiinta. Haddii aad akhriska dhamaysay, ku sallii Xabiibkii Alle Muxammad ﷺ.
Rasuulka Alle ﷺ iyo Banu Nadiir waxaa ka dhexeeyey heshiis iyo ballan-qaad. Waqtigaas, waxaa la dilay laba nin oo ka tirsanaa Banu Caamir, iyadoo qoomkooda iyo Muslimiintuba ay lahaayeen heshiis iyo ballan-qaad. Rasuulka Alle ﷺ ayaa u baxay dhanka Banu Nadiir, isaga oo ay la socdaan qaar ka mid ah saxaabadiisa, si uu uga dalbado inay ka qayb qaataan bixinta diyada labada nin, sida uu heshiisku dhigayay. Camr ibn Umayyah Ad-Damri ayaa labada nin dilay, kaddib markii uu horay u dilay laba nin oo mushrikiin ahaa. Markii uu ogaaday in labadii nin ee uu dilay ay ahaayeen dad heshiis lala galay, waxaa waajib noqotay in Rasuulka Alle ﷺ uu bixiyo diyadooda. Rasuulka Alle ﷺ wuxuu la fariistay Banu Nadiir, isaga oo sugaya inay fuliyaan wixii uu ka dalbaday. Waxay muujiyeen inay oggol yihiin si fiicanna way u qaabileen. Laakiin waxay bilaabeen inay si qarsoodi ah uga tashadaan arrin kale. Waxay go'aansadeen inay khiyaano sameeyaan.
Qisadii 14aad : Dadku ma arkaan Salaadaada & Soonkaaga ee Waxay arkaan...?!
Maalin maalmaha kamida ayuu nebigu soo marey wadadii balse muu arag wax dhibaateeya wax geeda wax qodxo ah wuu yaabay nabigu, ninkii ayuu raadiyay wuuse waayay saxaabadii ayuu weydiiyay waxay u sheegeen inuu ninkaasi xanuusanayo! Halkuu nabigu ka farxi lahaa wuu booqdey halkuu ka aargudan lahaan laabtuu ninkii u qaboojiyay xaaladiisa ayuuna ka waraystay Waxaana la sheegaa in ninkii halkii ku islaamay diintiina ku qaatay. Qisadan kutubta siirada ayaa aad usoo weriya sugnaansheheedana kutubtaas ayaynu u daynaynaa Salaama Saaxiibayaal اللهم صل وسلم وبارك على نبينا محمد
Yara suureyso inaad leedahay jaar xun aan ku jeclayn, bale si kasa ugu xeeldheeraanaya in uu adiga ku dhibaateeyo mar kasta oo aad soo marto gurigiisa, taa badalkeeda aad adigu u sabreyso si wanaagsanna aad ula dhaqmayso. Waxaa lasoo weriyaa qiso caana oo ah in nin yahuudi ahi daris la ahaa nabiga N.N.K.H ninkaasi marwalba inta uu soo qaado xaabo, geedo, jilif, qodxo iwm ayuu guriga nabiga hor dhigi jirey ilaa wadadada uu marayo si nabigu ugu dhibmuto dariiqaas kolka uu salaada usoo baxo ama anficida Ummada. Caado ayay ninkaa arrintaasi la noqotay heer uu la qabsadey joojinna karayn ilaa uu soo wada xaabiyo qodxahaas wadadana ugu daadiyo, waxaase suure ahayd in nabigu ka aarguto amaba uu saxaabada amro inay nin kaas dhibtiisa ka qabtaan balse muu samayn. Diinta uu nabigu sidaa inay dhaqantahay ayuu tusayay ee aysan ahayn wax afka laga sheegto.
https://youtu.be/I6yyddegomg?si=Nwwg0gyTSOd17nzL
Ayaa wakhti u helaya wiil yar oo xitaa garanaya waxa uu wiilkaasi jecelyahay, xasuusanaya shimbirkiisa, weydiinaya xaalkiisa. Rasuulku umuu arkeyn in la hadalka lodkaa yaryari aysan wax qiima ah lahayn. Mana uusan u tixgelinayn mashaacirta wiilkaas shay aan qiime lahayn. Balse wuxuu ogaa in qalbiga inankan yari aad U xanuunsanayay. Halkanina waxaynu ka qaadan karraa Darsi muhiima aabe & hooyo kasta & cid kasta oo la tacaamulaysa oo la dhaqmaysa dhallaanka yaryar. Ma jirto wax la yidhaahdo muhiim yar marka arrinku ku tacalluqo qalbiga insaanka. Hadaba noqo mid raxiima oo naxariista oo u naxariista Dhallaankiisa, ehelkiisa & qaraabadiisa, dadka aad is hurantihiin & kuwa kale. Xasuusana in dadka kii u weynaa nebigeena uu ahaa ka ugu naxariista badan. اللهم صل وسلم وبارك على نبينا محمد
Magaalada madiina waxaa joogey Wiil yar oo magiciisu yahay Abuu Cumeyr, Rasuulka N.N.K.H aad buu wiilkaas u yaqaanay wuuna la kaftami jirey. Wiilkaasina Wuxuu iska lahaa oo uu ku madadaalan jirey shimbir yaroo uu aad u jeclaa, aad ayuu shimbirkaasi uga warheyn jirey heer shimbirkaasi u noqdey wiilkaa caalamkiisa yar ee uu farxada kulasoo hirto. Laakiinse maalin maaalmaha kamida... Shimbirkii ayaa geeriyoodey. Laga yaabaa in arrinku iska fudud yahay marka lagu eego indhaha dadka waaweyn, laakiinse ma sahlanayn marka indhaha fariidkaa yar lagu fiiriyo. Abuu Cumeyr aad ayuu uga murugoodey Shimbirkaas uu waayay. Rasuulka N.N.K.H ayaana soo agmarey, wiilkii mase iska indha tirin nabigu bale wuxuu muhiimad gaara siiyay mashaacirta & dareenka wiilkaas si dabacsan ayuu ula hadlay wuxuuna weydiiyay shimbirkiisii. Wuxuu nebigu N.N.K.H ku yiri: Abaa Cumeyroow shimbirkaagii nuqeyr ahaa maxaa helay? U fiirso mawqifkaas 🥹... Rasuulkii Ilaahay N.N.K.H hogaankii Ummada
Wuxuu yiri Suubanuhu N.N.K.H: Maxaad ii ogeysiin weydeen geerideeda?! Kadibna wuxuu weydiiyay qabrigeeda wayna tuseen. Rasuulku waa tagay qabrigii haweenayda wuuna kusoo tukadey. Halkan u fiirso... Haweenay aan lahayn wax caannimo oo la sheego, haweenay aanla aqoon, shaqo kooban ka qaban jirtey masjidka kadibna dhinatay oo dadku u maleeyeen in arrinku sidaa ku dhamaadey. Laakiinse Rasuulku N.N.K.H ma uusan eegin booska ay bulshada kaga jirtey , bale muhiimad gaara ayuu siiyay, markuu ogaadey geerideedana: ma uusan ku gaabsan in wakhtigu dhamaadey bale wuxuu markiiba aadey qabrigeeda wuuna kusoo tukadey. Qisadan waxay xambaarsantahay farriin weyn camalka aad maanta hayso ee aad u aragto inuusan lahayn wax caqiibo ah waxaa laga yaabaa Alle agtiisa inuu ku weynyahay فلا تحقرن من المعروف شيئا Wanaaga ha yaraado ama ha badnaadee ha yaraysan weligaa! Sarreeyuhu wuxuu yidhi: وما تفعلوا من خير فإن الله به عليم Khayr & wanaag kastood fashaanba Alle waa mid ogaal badan.
Waxay nadiifin jirtey Masjidka Nabiga N.N.K.H cidina maysan garanayn... Laakiinse Rasuulka Alle N.N.K.H ayaa weydiiyay saxaabada Magaalada madiina waxaa daganaa dad ay dadku arkaan marwalba & dad aanay ishu qaban waxaana dadkaasi kamia haweenay marwalba nadiifin jirtey masjidka nabiga si aamusan ayay uga shaqayn jirtey , maanay raadin jirey shuhro & caannimo lagana yaabaa in dadku ay soo agmaraan iyadoo masjidka nadiifinaysa balse aanay xitaa mageceeda aqoon dadkkaasi. Marka indhaha dad farabadani lagu eego haweenaydan waxay qaban jirtey hawl yaroo basiida oo aad u fudud, laakiinse waxay ka shaqa gali jirtey guri kamida guryaha Alle waana hawl inta badan aanay dadka kaga heli jirin sacabtum & amaan. Kadibna maxaa dhacay wey geeriyootey! Dad yar ayaa tabay arrinkuse aad uma weynayn oo geerideeda aad dadku iskumay weydiin, heer si hoose ay dadku u aaseen iyagoon rasuulka u sheegin geerideeda. Markay aaseen kadib ayuu nabigu weydiiyay aawey hebla? Waxay ugu warceliyeen way dhimatay!
Ninkii haa, Caa'ishana waan martiqaadey. Waa waafaqay nabigu arrinkaas waxayna labadoodaba ka qaybgaleen Casuumadii uu fidiyay ninkii ay dariska ahaayeen. Anas ayaa soo werinaya Ilaahay haka raali noqdee oo leh waxaan arkayay nabiga عليه الصلاة والسلام iyo Caa'isha Rcanhaa oo intay jidka sii marayeen kaftanka & sheekadu isugu baxayso si tartiib tartiib ahna isu riix riixaya iyagoo kusii socda guriga ninkay jaarka ahaayeen. Sidaas ayuu Nabigu N.N.K.H ku ahaa baydkiisa & gurigiisa maxabbo & kalgacayl ballan oofin & dareenka gacallihiisa, muujinta naxariis & jacayl laabxaadhan اللهم صل وسلم وبارك على نبينا محمد
Siduu Nabiga U Ilaalin Jirey Dareenka Gacallihiisa uu Jecel yahay?! Rasuulka N.N.K.H Wuxuu lahaa nin ay daris ahaayeen oo dhawaan islaamka qaatay , wuxuuna daganaa guri aad ugu dhow Guriga Sayyida Caa'isha Ilaahay haka raali noqdee. Wuxuuna ninkani aad ugu wanaagsanaa Maraqa , maalin ayuu Nabiga gurigiisa ku casuumay nabiga ayaa weydiiyay Tanina Isagoo Ujeeda Caa'ishana? Wuxuu ugu warceliyay : Maya, Rasuulkii Ilaahayoow Maan Casuumin iyada Casuumadu adiga ayay kugu egtahay. Rasuulku waa diidey Casuumadaas , Maadaama maalinkaasi ay ahayd maalintuu u hoyanayay Guriga caa'isha Rcanhaa. Maalmo kadib ayuu ninkii Markale Nabiga Casuumad ugu yeedhay ,nabiga ayaa weydiiyay tanina isagoo ujeeda Caa'ishana? Wuxuu yiri ninkii maya. Nabiguna markan waa diidey inuu casuumada ka qaybgalo kaligii iyadoo xaaskiisa Caa'ishana aysan ku wehelinayn dareenkeeda & mashaacirteeda uu ilalaalinayay awgeed. Mar sadexaad ayuu nabiga martiqaadey oo uu casuumay nabiguna intii in la eg ayuu weydiiyay ninkii ?
waxaanan doonayay wallaahida inuu waxoogaa yara istareexo oo uu yara nasto Maalinkii labaad ee godka khadnaqna rasuulku wuxuu kusoo noqdey baydkiisa isagoo doonaya inuu nasto , waxaana soo gaadhey markiiba khabar ah in khandaq ay dhibaato weyn ka jirto waxaa la arkay dhagax ballaadhan oo weyn oo cidi aysan awoodin inay jabiso! Dhagaxanina hadaan la jabin uu fursad siinayo cadowga iyagoo si yasiran oo fudud uga tallaabi doona oo madiina iman doona. Nabigu صلى الله عليه وسلم wuxuu kusoo laabtay khandaq wuxuuna la boodey faas weyn Darbad aad u xooggan oo uu Allahu akbar ku ladhayna wuu raaciyay markaasuu dhagixii Faniinay Nabigu markaa wuxuu yiri waxaa la i siiyay Mafaatiixdii (Furayaashii) Shaam. Yacni Mu'miniinta ayuu ugu bishaareynayaa nabigu inay furan doonaan maalin uun dhulka shaam. Faaskii ayuu mar labaad kor u qaadey markaasuu hadana Darbad awood weyn ku dhuftay dhagixii wuxuuna ku sidkey Allahu akbar markaasuu dhagixii dillaacay Wuxuu yiri nabigu : waxaa lay siiyay Mafaatiixdii Faaris Yacni Faaris ( Iiraan) waannu furan doknna idamka Alle. Darbad sadexaad ayuu rasuulku la tiigsadey dhagixii wuxuuna yiri nabigu Waxaa lay siiyay Mafaatiixdii Ruum (yurub).. Saxaabaduna Alle haka raali noqdee way taagan yihiinoo waxay maqlayaan kalmadaha nabiga afkiisa kasoo baxaya Isagoo nabigu yidhi ( dhammaan dawladahaa annagaa furan doonna) . Ficlanna way dhacdey oo waa la furtay badiba dawladihii marka laha reebo rooma talyaaniga oo mahdigu furan doono aakhiru samaanka. Hadaad halkan soo gaadhey Ku Salli nabiga عليه الصلاة والسلام اللهم صل وسلم على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين
Sayyida Caa'isha Rc ayaa inoo warramaysa oo waxay tiri : Maalin kamida maalmihii godka khandaq la qodayay ayuu rasuulku gurigiisii kusoo laabtay xilligii Fajarka isagoo daallan oo tabcaana. Waxay tiri: agtayda ayuu rasuulku soo fadhiistay waxyar kadibna dhabtayda ayuu kusoo dhacay waxaanna dareemay sanqadhii Hurdadiisa. Weligayna khandaq ka hor maan maqlin rasuulka oo dhag ah oo sanqadhi ka baxayso Waxyar kadibba albaabkaa qofi soo gargaraacay oo wuxuu yiri Assalaamu Calaykum , rasuulkii ayaa argagaxay oo sare u kacay kolkiiba isagoo mooday in cadowgii dulyimid. Wuxuu yiri nabigu waa kuma? Wuxuu ugu Warceliyay waa Sacad ibnu abii waqaas Rasuulkii Ilaahayoow. Wuxuu yiri : maxaa ku helay sacadoow? Ma duulkii baa yimid (cadowgii)? Wuxuu yiri : maya, waxaan u imid in aan hubiyo inaad wax u baahan tahay ee Maxaad I maraysaa Rasuulkii Ilaahayoow? Waxay tiri sayyida Caa'isha : maalinkaa maan ilaawin sacad! Maxaa yeelay Rasuulkoo dhabtayda ku jiifa ayuu sabab la'aan inta iskasoo galay toosiyay🤭
Qisadii 13aad : Lacagtuu soo shaqeeyay ayaa balliga lagaga tuurey ?!