Khaalid Baarleex
СтатистикаKu soo dhowoow boggan. ✍️ Halkan waxa aan ku soo gudbiyaa waxyaabaha aan is dhaho dheef ayey leeyihiin, hanoqoto war, maqaal ama muuqaal manfac leh courses-ka iyo suuqyada online-ka ah. 🔥 @https://t.me/khalidbaarleex
- Последний пост
- 13 авг.
- Последнее чтение
- 13 авг.
- Постов за неделю
- 2
- Всего постов
- 30
- Тип
- открытый
- Язык
- so
- В каталоге с
- 13 авг.
- 1/24сутки в ленте
- 89
- 1/48двое суток
- 101
- 1/72трое суток
- 110
Оценка по просмотрам недавних постов: пост набирает почти всё за первые сутки.
Посты
видео или голосовое, без подписи
Cidna ha ka dayrin, naftaadaana ha ahaatee… Naftaada iyo dadka kale toona haka dayrin, hana ku xisaabin wax-tar la’aan. Waxa suurta-gal ah in wax aad la yaabto oo aad u qaadan weydaa, kaaga soo baxo qof aanad kaba filayn. Maahmaahyo cajab ah ayay ka leedahay bulshada Soomaalidu arrintan, iyaga oo inoo dhiteeyay sooyaal badan oo ay u soo joogeen. Mahadhooyinka ay bulshada Soomaalidu kala wariyaan waxa ka mid ah: “Ninowna, ha u dayrin adhi gabadh dul loogu sido.” Oo ay u jeedaan qoyska xoolo yar haysta ee xoolahaasi uga dayacmayaan cid la’aan, haddiiba Ilaahay ugu deeqo ilmo dusha loogu xambaarsan yahay — haka dayrin — waayo, waxaa la arkaa in ilamahaasi koco, xoolahaana isaga looga aayo. Waxa kale oo la mid ah: “Nin dad leh iyo nin dameero leh midna lama xanto.” Aan kuugu iftiimiyo [ fikradda ] dhacdo maalin dhaweyd na dhex martay aniga iyo wiil ganacsade ah… Waa ganacsade ka shaqaysta dharka celiska ah, deegaanada qaarna looga yaqaan (WHO DIDE), waxaana uu rogrogayay waxoogaa kooban oo ilaa $2,000 ah. Subax ayuu booqday bakhaar uu leeyahay nin ka ganacsada isla dharka celiska ah. Bakhaarku waa bakhaar aad iyo aad u weyn. Dhexdiisa waxa is dhaafaya boqolaal shaqaale ah, mararka qaarna waxa aad arkaysaa gaadiid yaryar oo dhex socda bakhaarka gudihiisa. Wiilkii dadaalayay ayay mar kaliya muraayaddu jabtay, oo bilaabay in uu si hoose iskula sheekaysto: Waxaana uu naftiisii kula xanshaashaqay , - Maxaan ka daalayaa? Bal halka rag marayaan iyo waxaan wadwado isla eeg!” “Suuqaba haddii ragani joogaan, maxaan iska daalinayaa? Berri hore ayaa lagu kala tagay tan.” Maalmo ka dib ayuu, isaga oo niyad-jabsan, ila kulmay. Waxa uu i tusay muuqaal uu kasoo duubay bakhaarka uu la ashqaraaray, niyad-jabkana ku riday. Markaas ayaan ku idhi: “Hal su’aal aan ku waydiiyo: intee in le’eg ayuu suuqa ku jiray ganacsadahaasi?” Waxa uu igu yidhi: “Afartan ama kontonkii sano ee u dambeeyayba shaqadan ayuu ku jiray.” Waxaan waydiiyay: “Adiguna intee ku jirtay?” Waxa uu yidhi: “Sanadkii labaad ayaa ii sii dhammaanaya.” Waxaan ku idhi: “Haddaba, shaqo afartan sano laga shaqaynayay sidee bay ula mid noqon kartaa mid laga shaqaynayay laba sano?” Weligaa tallaabadaada koowaad ha barbar-dhigin tallaabada boqolaad ee qof kale. Ka faa’iidayso qofka kaa horreeya, adiga oo is waydiinaya: “Maxaan ka baran karaa?” “Maxaan ka faa’iidaysan karaa?” Caalimka kaa wayn caabidka kaa horeeya maalqabeenka ku qarinaya intaa midna ha barbardhigin xaalkaaga kuu gaarka ah Waxa la arkaa, oo suurta-gal ah, in aad gaadho inta aad arkayso toban laabkeed. —Hamza Habiib. ✍️
Internetku malaayiin dhalinyaro ah ayuu siiyay fursado ay ku heleen dhaqaale xalaal ah iyagoo aan u baahan in ay ka baxaan guryaha. Waxa kaloo uu u furay albaabo ballaadhan oo ah hal-abuur, hindise iyo waxbarashaba, hase ahaatee dhibku ma aha fursad yarida ee waa jiho lumidda. Dhalinyaro, saacadaha internetka haka dhigina kuwo ku baxa baadbaadhis iyo daawasho, halka ay suurtagal ka tahay in aad u beddeshaan shaashaddan idin hortaalla daaqad aqoon, ila dhaqaale iyo garoon hal-abuur. Barta xirfad, horumariya hibo, raadiya baahiyaha dadka, iskuna daya in aad xal u raadisaan. Maanta, fursaduhu way ka dhow yihiin sidaynu u malaynayno, balse uma tagaan cidda sugaysa ee waxa hela uun cidda waxbaranaysa, cidda tijaabinaysa, cidda adkaysanaysa iyo cidda wax bilaabaysa. Prof. Abdikar Bakaar. Turjume: Obsiiye
Trump ayaa yiri: “Waxaan idiin sheegayaa, haddii ay [Dimuqraadiyiintu] talada la wareegaan, waxaa laga yaabaa inaan noqdo madaxweynihii ugu dambeeyay ee Jamhuuri ah.” Maxaa keenay hadalka Trump? Hadalka Trump wuxuu ku soo beegmay xilli walaac weyn uu ka jiro gudaha Xisbiga Jamhuuriga, gaar ahaan xubnaha u tartamaya kuraasta Aqalka Wakiillada iyo Senate-ka. Jamhuuriyiintu waxay wajahayaan cadaadis siyaasadeed oo sii kordhaya, iyadoo qayb ka mid ah shacabka Mareykanka ay dhaliilayaan sida xisbiga u maamulayo dalka, gaar ahaan siyaasadaha Trump ee la xiriira dagaallada iyo faragelinta Mareykanka ee colaadaha dibadda. Qaar ka mid ah dadkii hore u taageeri jiray Jamhuuriga ayaa sidoo kale bilaabay inay taageeradooda kala noqdaan xisbiga. Waxay Trump ku dhaliilayaan inuu ka leexday qaar ka mid ah ballanqaadyadii uu sameeyay xilligii ololaha doorashada. Mid ka mid ah ballanqaadyadii ugu waaweynaa wuxuu ahaa in Trump uu Mareykanka ka fogeyn doono dagaallada dibadda, isla markaana uu mudnaanta siin doono arrimaha gudaha iyo danaha shacabka Mareykanka. Hase yeeshee, dadka dhaliilaya siyaasaddiisa waxay aaminsan yihiin in go’aannadii dambe ee Trump ay Mareykanka geliyeen xaalad ka duwan tii uu ballanqaaday, taasoo keentay in qaar ka mid ah codbixiyayaashii hore u taageeri jiray Jamhuuriga ay u jeestaan Xisbiga Dimuqraadiga. Haddii doorashada dhexe ee November ay Dimuqraadiyiintu ku guuleystaan aqlabiyadda labada aqal ee Congress-ka, Trump wuxuu wajihi karaa cadaadis siyaasadeed oo weyn inta ka harsan xilli-madaxweynenimadiisa. Arrintaas waxay sidoo kale adkeyn kartaa dadaal kasta oo Xisbiga Jamhuurigu doonayo inuu ku sii hayo Aqalka Cad doorashada madaxweynaha. Sidaas darteed, hadalka Trump wuxuu ka tarjumayaa walaac ka jira gudaha Xisbiga Jamhuuriga oo ku saabsan in natiijada doorashada dhexe ay saameyn weyn ku yeelan karto mustaqbalka xisbiga iyo awoodda uu ku sii hayn karo madaxtinimada Mareykanka ama dib loogu dooran karo musharrad ka socda Jamhuuriga. –Wariye Sare iman jama. ✍️
Trump ayaa markii ugu horreysay si cad u sheegay in Xisbiga Jamhuuriga uu wajahayo khatar siyaasadeed oo weyn, taas oo keeni karta in isaga uu noqdo madaxweynihii ugu dambeeyay ee Jamhuuri ah haddii Xisbiga Dimuqraadigu uu la wareego aqlabiyadda labada aqal ee Congress-ka Mareykanka, marka ay dhacdo doorashada dhexe ee la qabanayo 3-da November 2026.
Waxaa laga yaabaa in meesha ugu xiisaha badan ee istaraatiijiyadda cusub ay tahay hadalkii Hakan Fidan. Fidan wuxuu sheegay in Iiraan ay mustaqbalka si fiican uga dhex muuqan karto isbahaysigan amni, laakiin ay tahay in Tehran ay dhisto kalsoonida dalalka gobolka isla markaana ay wax ka beddesho qaar ka mid ah siyaasadaha iyo dhaqamada ay gobolka kaga dhex muuqato. Wuxuu sidoo kale sheegay in qaab-dhismeedka amni ee gobolka uu yahay inuu noqdo mid loo dhan yahay, oo aan loo dhisin xero cusub oo ka dhan ah cid kale. Himiladiisu, sida uu sheegay, waa madal iskaashi goboleed oo ugu dambayn ay ku jiri karaan inta badan dalalka gobolka. Taasina waxay ka dhigan tahay in heshiiska maanta uusan khasab ahaan noqonayn Sunniga oo ka dhan ah Shiicada,balse uu noqon karo bilowga nidaam amni oo ay quwadaha gobolka ku dhisaan heshiisyo iyo dano wadaag ah. Muxuu iskaashigan ka beddelaya xisaabta Israa’iil? Haddii heshiisku sii xoogaysto oo dalal kale ku soo biiraan, Israa’iil waxay wajihi kartaa xaalad cusub. Waxay horey u la macaamili jirtay dalal awood leh oo mid walba lahaa siyaasad amni oo gaar ah. Laakiin haddii Turkiga, Sacuudiga, Pakistan iyo mustaqbalka dalal kale ay yeeshaan hannaan wadajir ah oo difaac iyo isku-duwid leh, waxaa adkaan karta in quwad kasta si gaar ah loo cadaadiyo ama loo go'doomiyo. Sidaas darteed, dhabar-jabka ugu weyn ee Israa’iil ma aha heshiiska milatari ee maanta oo keliya,waa fikradda ka dambaysa heshiiska oo ah in dalalka gobolka ay bilaabaan inay iyagu dhistaan nidaamkooda amni. Taasi waxay wiiqi kartaa siyaasad kasta oo ku dhisan in quwadaha gobolka mid mid loo kala fogeeyo. Maxay tani uga dhigan tahay Mareykanka? Heshiisku sidoo kale waa fariin ku socota Washington. Muddo dheer amniga Khaliijka iyo Bariga Dhexe wuxuu si weyn ugu tiirsanaa awoodda Mareykanka. Laakiin hadda dalalka gobolka waxay u muuqdaan inay doonayaan inay yeeshaan awood difaac oo iyaga u gaar ah, iyagoo weli sii wadan kara xiriirkooda Washington. Si kastaba ha ahaatee, guusha heshiiskan waxay ku xirnaan doontaa awoodda saddexda dal ay u leeyihiin inay ka gudbaan kala duwanaanshaha siyaasadeed, una beddelaan heshiiska warqad ku qoran una rogaan iskaashi dhab ah oo dhinaca difaaca, sirdoonka, dhaqaalaha iyo farsamada ah. Haddii taas la gaaro, heshiiska Maka wuxuu noqon karaa mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee dib-u-habeynta amniga Bariga Dhexe, isla markaana beddela sida gobolka looga fahmo awoodda, iskaashiga iyo isu-dheelitirka quwadaha. –iman jama. ✍️
Heshiiska difaaca ee maanta magaalada barakaysan ee Makka ay kala saxiixdeen Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan , wuxuu ka dhiganyahay calaamad muujinaysa in khariidadda amniga Bariga Dhexe ay si weyn isu beddelayso. Qodobka ugu muhiimsan ee heshiisku waa in weerar hubaysan oo lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal loo aqoonsanayo weerar lagu qaaday dhammaantood, waxayna uga jawaabayaan si wadajir ah oo sidoo kale ay isku difaacayaan. Saddexda dal waxay sidoo kale ku heshiiyeen xoojinta iska-caabbinta wadajirka ah, amniga wadajirka ah iyo iskaashiga difaaca. Taasi waxay heshiiska siinaysaa hannaan la mid ah isbahaysiga reer galbeedka ay isku ilaaliyaan ee NATO. Isbahaysigan cusub ayaa yeelanaya xog-haye guud iyo xarun dhexe , waxaana hadda la soo jeediyay Sacuudiga inuu qaato doorka martigelinta xarunta dhexe ee isbahaysigan cusub, si la mid ah sida Belgium u yahay halka ay ku taal xarunta dhexe ee NATO. Maxaa saddexdan dal isu keenay? Wada-hadallada saddexda dal waxay socdeen muddo dheer, waxaana qorshuhu horey u jiray ka hor dagaalladii ugu dambeeyay. Laakiin qalalaasaha iyo dagaallada is daba jooga ah ee gobolka ayaa si weyn u dardargeliyay baahida loo qabo qaab cusub oo amni oo ay quwadaha gobolka laftoodu hoggaamiyaan. Sacuudiga wuxuu wajahay weerarro iyo khataro kaga imanaya dhinacyo kala duwan, waxaana xitaa maanta la soo weriyay digniino ku saabsan weerarro isku-duuban oo ay maleeshiyaad xiriir la leh Iiraan ka fulin karaan waqooyi iyo koonfur Sacuudiga. Turkiga dhankiisa wuxuu muddo dheer ku doodayay in Bariga Dhexe u baahan yahay qaab amni oo goboleed, halkii amniga gobolka gebi ahaanba loogu tiirsanaan lahaa quwadaha dibadda. Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa horey u sheegay in dalalka gobolka ay u baahan yihiin nidaam amni oo iyaga u gaar ah, kaas oo ku dhisan kalsooni iyo iskaashi. Wuxuu xitaa sheegay in heshiisku mustaqbalka noqon karo mid ay ku soo biiraan dalal badan oo gobolka ah, isagoo ku tilmaamay himilada ugu dambaysa inay tahay madal iskaashi goboleed oo ballaaran. Heshiiskan xooggiisu wuxuu ka imaanayaa in saddexda dal aysan isku awood ahayn, balse ay is-dhammaystirayaan. Turkiga wuxuu leeyahay warshad difaac oo horumarsan iyo ciidan ka tirsan NATO. Pakistan waa quwadda keliya ee Muslimka ah ee si rasmi ah u leh hub nukliyeer ah, waxayna leedahay ciidan khibrad dheer u leh hawlgallada milatari. Sacuudiguna wuxuu leeyahay awood dhaqaale oo weyn, miisaan ciidan oo culus iyo muhiimad juqraafiyeed iyo tamareed oo gaar ah. Marka saddexdan awoodood la isku xiro, heshiisku wuxuu ka gudbayaa iskaashi diblomaasiyadeed oo keliya, wuxuuna abuuri karaa dallad amni oo cusub. Maxay tani uga dhigan tahay Israa’iil? Halkan ayuu heshiisku ku yeelanayaa macnaha ugu weyn ee istaraatiijiga ah. Sanadihii la soo dhaafay, Israa’iil waxay si weyn uga shaqaynaysay in ay ka hortagto in Bariga Dhexe ay ka samaysmaan isku-xirnaan ciidan iyo siyaasadeed oo awood u leh inay xaddido awooddeeda. Laakiin maanta waxaa soo baxaya xaalad ka duwan tii hore,Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah ugu tallaabay qaab difaac oo saddex geesood ah. Tani waxay Israa’iil u tahay caqabad istaraatiiji ah, gaar ahaan haddii heshiisku mustaqbalka ballaarto. Laakiin marka laga eego miisaanka awoodda gobolka, heshiisku wuxuu si dabiici ah u saameynayaa xisaabta Israa’iil, sababtoo ah wuxuu abuuri karaa awood Muslim ah oo isku xiran oo ka xoog badan xiriirradii kala go’naa ee hore. Qasa iyo dagaalka Iiraan: dardargeliyeyaasha isbeddelka Dagaallada Qasa iyo Iiraan waxay qayb ka noqdeen deegaanka istaraatiijiga ah ee heshiiskani ka dhashay. Xasuuqii ka dhacay Qasa wuxuu sii xoojiyay aragtida ah in nidaamkii hore ee amniga gobolka uusan siin dalalka gobolka dammaanad ku filan. Dagaallada iyo weerarradii ballaarnaa ee Iiraan iyo jawaabihii militari ee gobolka waxay sii muujiyeen sida ay colaadda hal dal uga gudbi karto xuduudaha oo dhan. Qodobka ugu yaabka badan: albaabka Iiraan ma xirna
видео или голосовое, без подписи
видео или голосовое, без подписи
видео или голосовое, без подписи
видео или голосовое, без подписи
𝗛𝗲𝘀𝗵𝗶𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗠𝗮𝗸𝐤𝐚: 𝗦𝗮𝗱𝗱𝗲𝘅 𝗾𝘂𝘄𝗮𝗱𝗼𝗼𝗱 𝗼𝗼 𝗠𝘂𝘀𝗹𝗶𝗺 𝗮𝗵 𝗼𝗼 𝗱𝗵𝗶𝘀𝗮𝘆𝗮 𝗾𝗮𝗮𝗯 𝗰𝘂𝘀𝘂𝗯 𝗼𝗼 𝗮𝗺𝗻𝗶 𝗼𝗼 𝗕𝗮𝗿𝗶𝗴𝗮 𝗗𝗵𝗲𝘅𝗲 𝗮𝗵
𝐀𝐈 𝐤𝐮𝐦𝐚 𝐟𝐚𝐡𝐦𝐨 𝐦𝐚𝐫 𝐰𝐚𝐥𝐛𝐚 𝐬𝐚𝐱? Isticmaal AIM Framework: 𝐀 = 𝐀𝐜𝐭𝐨𝐫, 𝐃𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚 Tusaale: “U shaqee sida khabiir suuq-geyn.” 𝐈 = 𝐈𝐧𝐩𝐮𝐭, 𝐗𝐨𝐠𝐭𝐚 Tusaale: “Waxaan leeyahay shirkad AI Consulting ah.” 𝐌 = 𝐌𝐢𝐬𝐬𝐢𝐨𝐧, 𝐇𝐚𝐰𝐬𝐡𝐚 Tusaale: “Ii samee qorshe content 30 maalmood ah.” 𝐓𝐮𝐬𝐚𝐚𝐥𝐞 𝐠𝐮𝐮𝐝: “U shaqee sida khabiir suuq-geyn. Waxaan leeyahay shirkad AI Consulting ah. Ii samee qorshe content 30 maalmood ah.” Doorka + Xogta + Hawsha = AIM. —Abdirizaaq ilkacase
El-Sayed,haddii uu ku guuleysto doorashada guud ee bisha November, wuxuu noqon doonaa qofkii u horreeyay oo Muslim ah ee taariikhda Mareykanka ka mid noqda Golaha Senate-ka. Warbaahinta iyo gudaha Mareykanka ayaa aad loo hadal hayaa doorashada hordhaca ah ee Abdul El-Sayed uu ku soo baxay,sabab la xiriirta inuu sidoo kale ka guuleystay kooxda u ololaysa Israa’iil ee AIPAC, kuwaasoo $60 milyan ku bixiyay si looga guuleysto Abdul El-Sayed , waxayna lacagtaa $30 milyan oo ka mid ah ay ku maalgeliyeen haweenayda Haley Stevens oo gudaha xisbiga dimuqraadiga kula tartantay Abdul El-Sayed , taasoo natiijada ka soo baxday doorashadan ka dhigtay dharbaxo lagu dhuftay Israa’iil oo diidan qof Muslim ah oo siyaasadeeda ka soo horjeeda inuu isku sharraxo golaha Senate-ka, iyadoo guul-darradan ay wajahday Israa’iil loo arkay inay mar kale muujinayso sida dadweynaha Mareykanka ay uga hortagayaan dhinacyo ay saameyn ku leedahay Israa’iil inay doortaan. –iman jama.
Abdul El-Sayed, oo ah dhakhtar 41 jir ah oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Masar, isla markaana marar badan si cad u sheegay Israa’iil inay xasuuq ka wado marinka Qasa ayaa maanta la xaqiijiyay inuu ku guuleystay inuu noqdo musharraxa xisbiga Dimuqraadiga ee ee kursiga Senate-ka Mareykanka ee gobolka Michigan, isagoo doorashada dhacaysa November kursigan kula tartamaya musharraxa ka socda xisbiga Jamhuuriga ee Mike Rogers.
[4] Career Pivot Mapper “Use my CV to create 5 realistic career-pivot paths. For each path, include the starting role, transferable experience, missing skills, recommended projects, likely salary range, and a 30-day transition plan.” Convert one existing background into 5 practical career directions with clear first steps for the next month. [5] Best-Fit Industry Scanner “Analyze my experience and identify 10 industries where my skills could be valuable. Rank them by hiring demand, compensation, remote-work potential, career growth, and how easily I could enter without starting from zero.” Find 10 new industries in under 15 minutes and expand your search beyond one overcrowded job market.
[1] Hidden Role Finder “Analyze my CV and identify 15 job titles that match my experience, skills, achievements, and transferable abilities. Include roles outside my current industry and rank them by fit, salary potential, demand, and entry difficulty.” Discover 15 realistic career options in under 10 minutes instead of applying only to familiar positions. [2] Transferable Skills Translator “Review my CV and extract every transferable skill employers could value. Match each skill to suitable industries, departments, and job titles, then explain how my past experience proves I can perform those roles.” Turn one work history into 20–30 marketable skills and unlock careers you may already qualify for. [3] Qualification Gap Analyzer “Compare my CV with this target role: [PASTE JOB DESCRIPTION]. Show which requirements I already meet, which are partially covered, and which are missing. Suggest the fastest way to close each important gap.”
“Haddii aad xalay seexatay adigoon qaadan wax xanuun-baabiiye ah, Oo aad hurdada ka toostay adigoon xanuun ku kicin, Oo aad xaajo gudatay adigoon qof kale cawradaada kuu faydin Oo aad lugahaaga ku socon karto adigoon naafo ahayn, Markaas Ilaahay baan ku dhaartaye, waxaad ka taajirsan tahay boqorro badan oo dunidan jooga.” W/Q: Adham Sharqaawi. Turjume: khalid Baarleex.
Safarku wuxuu ku barayaa dulqaad, geesinimo iyo isku-filnaansho. Wuxuu ku tusayaa in guushu aysan ku iman raaxo, balse ay ka dhalato samir, dadaal iyo adkaysi. Wuxuu ku barayaa sida loo wajaho caqabadaha, sida loo aqbalo kala duwanaanshaha dadka, iyo sida qofku naftiisa ugu kalsoonaado. Waxaad ka tegaysaa dadkii ku jeclaa, kuwii yaqaanay magacaaga iyo shakhsiyaddaad. Waxaad u safraysaa dad aan ku aqoon, kuwo laga yaabo inay ku diidaan, kuwo aan soo dhowayn joogitaankaaga, iyo kuwo laga yaabo inay ka xumaadaan imaanshahaaga. Laakiin halkaas ayaad ka dhisanaysaa magac cusub, saaxiibtinimo cusub, waayo-aragnimo cusub iyo nolol cusub. Qof kasta oo dhallinyaro ah oo waliba nin ah, 100% waxan kula talinayaa in uu ka baxo guriga hooyadii. Intaan gurigiina joogtid halganka dhabta ah ee nolosha isma arkaysaa. Xusuusnow, geedku meel uu ku baxo ayuu ku weynaadaa, laakiin bini’aadamku meel uu u safro ayuu ku bislaadaa. Mararka qaarkood, tallaabada ugu geesisan ee aad qaaddaa waa inaad ka tagto wixii aad taqaanay si aad u gaadho wixii Alle kuu qoray. “Socdaalku wuxuu beddelaa meesha aad joogto; waayo-aragnimaduna waxay beddeshaa qofka aad tahay.” —Mohamed Saed Ayanle.
Waakii nabigu yidhi: “Haddaad nolosha qawadaan, nabadgala e' haajira." Waxyaabaha ugu qiimaha badan ee nolosha qurxiya waxa ka mid ah socodka iyo safarka. Qofku inta uu awoodo ha socdo, ha safro, ha arko adduunka. Mararka qaarkood safarku ma aha oo keliya beddelidda goobta aad joogto, ee waa beddelidda fikirkaaga, aragtidaada iyo qofnimadaada. Haddii waddanka, magaalada ama gobolka aad ku nooshahay ay noloshu kugu adkaato, ha ka baqan inaad safarto. Marar badan, albaabka rajadu wuxuu ku yaallaa meel ka baxsan halkii aad taagnayd. Safarku wuxuu ku tusayaa in adduunku ka weyn yahay dhibka aad maanta dhex joogto. Markaad safarto, waxaad ogaanaysaa shakhsiyaddaada dhabta ah. Waxaad garanaysaa awoodda Eebbe ku siiyey, waxaad ogaanaysaa waxa aad tari karto iyo inta aad u adkaysan karto duruufaha. Waxad u dul qaadanaysaa duruuf aanad u dul qaadateen intaad gurigiina joogtid. Waxaad dhadhaminaysaa macnaha nolosha, waxaadna indhahaaga ku arkaysaa halganka dhabta ah ee nolosho leedahay. …..