CILMI RAADIS CHANNEL
СтатистикаKu Soo Dhawaw CILMIRAADIS Waa Channel Aqooneed Lagu Daabaco Si Maalinle ah Qoraalo Xikmadaysan Kuna Dhiirigalinaya Iyo Qisooyin. Wixii talo ah👇👇ama cabasho @Abuusaciidbot
- Последний пост
- 27 мая
- Последнее чтение
- 13 авг.
- Постов за неделю
- 0
- Всего постов
- 20
- Тип
- открытый
- Язык
- so
- В каталоге с
- 13 авг.
- 1/24сутки в ленте
- —
- 1/48двое суток
- —
- 1/72трое суток
- —
Оценка по просмотрам недавних постов: пост набирает почти всё за первые сутки.
Посты
Ciid mubaarik تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال
Hayska fadhin adoo aamusan ee .Tasbiixso(subxaana laah) .Taxmiidso(al xamduli llaah) .Takbiirso(allaahu akbar) .Tahliisho.(laa ilaaha illa laah) Waxaan.galnay maalmihii aduunyada Ugu fadliga badnaa acmaasha saalixaa Kudadaal
https://vt.tiktok.com/ZSxj1PD3Y/
أقبلت خير ايام السنه ف اجتهدو❣️ Maalmihii ugu khayrka badnaa noo bilowdey aan dadaalno.
Dhulku wuxuu isu diyaarinayaa Maalinta Carafo, dadka oo dhanna waxay sugayaan maalintan qalbiyo ka buuxa rajo 🌦️❤️🩹. Maalinta Carafo ma aha maalin caadi ah; waa maalin aad dareemaysaan in wax walba oo gudaha idinka ah ay deggayaan, oo aad leedahay rabitaan aad ku furtaan wixii qalbigiinna ku jira Ilaahay hortiisa adigoon cabsi iyo labalabayn lahayn 🥹🌦️♥️. Waa maalin aad ku dareemaysaan inaad u dhowdihiin degganaanta, iyo in daalka oo dhan ee aad soo martay uu isbeddeli karo hal daqiiqo, naxariista Eebbe darted ♥️🌱. Waxa aan ugu jeclahay Maalinta Carafo waa dareenkeeda gaarka ah—mid aan la mid ahayn maalin kale. Xitaa dadka ku jiray daal, fikir ama murugo, maalintan waxay ugu timaaddaa sidii nasasho qarsoon oo qalbiyadooda dejisa ❤️🩹🌿. Waxaan u arkaa maalin qofka ka caawisa inuu dib isu habeeyo gudaha, dib u eego waxyaabo badan oo noloshiisa ah, isla markaana dareemo inuu haysto fursad cusub—rajo, isbeddel, iyo bilowyo qurux badan 🥹♥️🌦️. Waxay u eg tahay in dhammaan hammiyadii aynu qalbiga ku sidnay muddo dheer ay maalintan noqdaan kuwo ka dhow sidii hore. Waxaa jira dareen qurux badan marka qofku is diyaariyo ka hor, qoro waxa uu rajaynayo, kuna noolaado qalbigiisa sida inay dhab ahaan u dhacayaan ♥️. Waayo maalmahan ma aha kuwo iska gudba oo keliya; waa maalmo reeba raad gudaha qofka xitaa marka ay dhammaadaan ♥️⛅🌿. Waxaan jeclahay fikradda ah in qof walba galo Maalinta Carafo isagoo ku dheggan rajo, si kasta oo duruufihiisu yihiin, iyo si kasta oo ay u daahday waxa uu rajaynayo 😢♥️. Sababtoo ah maalintan waxay dib u soo nooleysaa dareenka ah in noloshu weli leedahay kheyr badan, iyo in qalbiyadeenna, si kasta oo ay u daalaan, ay mar walba jiraan waqtiyo noo soo celinaya degganaanta iyo farxadda mar kale 🌿🌦️🥹♥️.
Follow this link to join my WhatsApp group: https://chat.whatsapp.com/BUabS6HEF851tDLncxaoN1
https://vt.tiktok.com/ZSx15gRAf/
وَمَن يَتَّقِ اللَّهَ يَجْعَل لَّهُ مَخْرَجًا وَيَرْزُقْهُ مِنْ حَيْثُ لَا يَحْتَسِبُ ۚ وَمَن يَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ فَهُوَ حَسْبُهُ ۚ إِنَّ اللَّهَ بَالِغُ أَمْرِهِ ۚ قَدْ جَعَلَ اللَّهُ لِكُلِّ شَيْءٍ قَدْرًا Hadii Aan Wax Yar kayara Sharxo Ayaadkan . Taqwada (Cabsida Eebbe)😔☝️🏻 : Qof kasta oo ka dhowrsada wixii Eebbe ka reebay, kuna dadaala adeecistiisa, Eebbe wuxuu u furayaa albaab kasta oo ka xidhan, wuxuuna ka bixinayaa dhib kasta oo soo food sara . Rizqiga (Quudka)💰 : Qofka taqwada leh, Eebbe wuxuu u mariyaa masruufkiisa iyo baahidiisa meel aanu marnaba filayn (meel uusan xisaabsan). Tawakalka(Talasarashada eebe)🙏 Qofkii isku dhiiba Eebbe, taladana saarta isaga, Eebbe ayaa ugu filan kaalmo iyo difaac. Qofna uma baahna haddii Eebbe u yahay gabaad. Qaddarka(🙂) Wax kasta oo adduunka ka dhaca waxay leeyihiin waqti go'an iyo qaddar uu Eebbe horay u qoray. Waxba ma soo hor maraan, mana dib dhacaan iyada oo aanu Eebbe oggolaan. 🥰❤️✍🏽 https://chat.whatsapp.com/BhOB0ZipT6ZC4JRN127Ylj?mode=gi_t
https://vt.tiktok.com/ZS9sCRfSv/
Halkan ka dhagayso ama ka download garayso iyadoo mp3 ah Tafsiirka Quraanka Kariimka oo uu soo jeedinayo Sh. Cumar Faaruuq Raximahu-Allah. https://t.me/TafsiirkaShCumarFaaruuq
https://vt.tiktok.com/ZS9SvxrjN/
قال عبد الله بن المبارك رحمه الله: أول العلم النية ثم الاستماع ثم الفهم ثم الحفظ ثم العمل ثم النشر. C/llaah Ibnu Al-Mubaarak (رحمه الله), wuxuu ka hadlayaa sida cilmiga (aqoonta) loo qaato iyo tallaabooyinka uu maro. Niyad → Dhegeysi → Faham → Xifdin → Camal → Faafin ⚪️ Sharaxaad: 1. Niyadda (النية) → Marka hore cilmiga ku baro niyad wanaagsan (Ilaahay dartii faa’iido hanuun). 2. Dhegeysiga (الاستماع) → Kadib si fiican u dhageyso casharka sheekha ama ustadka. 3. Fahanka (الفهم) → Kadib fahan waxa lagu barayo micnihiisa iyo ujeedkiisa. 4. Xifdinta / Kaydinta (الحفظ) → Kadib xafid ama qoro si uu maskaxda u galo. 5. Camalka (العمل) → Kadib ku dhaqan wixii aad baratay. 6. Faafinta (النشر) → Ugu dambeyn la wadaag dadka kale bar ama gaarsii.
https://vt.tiktok.com/ZS9BSP8aY/
imaamu axmed wuxuu yiri ilaahay ha unaxriisto: iska saamax walal kaaga oo iska cafi muxuu kuu tarayaa inuu ilaahay cadaabo walal kaaga muslimka ah adiga sababtaada uu ku cadaabo ➡️ maxaa ka wanaagsan habeenki inaad seexato adigoo qof waliba khalad kaa galay aad iska cafido❗️ 👇👇👇 https://chat.whatsapp.com/BhOB0ZipT6ZC4JRN127Ylj?mode=gi_t
https://t.me/MadashaBuugmiir?livestream=ba9f0eaa10cf4b3451 Toos Falaanqaynta qormada( *Xasuuqii maktabaha Somalia : tabin labaad oo ku saabsan dagaalkii sokeeye*” by Hibaaq Nuur
https://vt.tiktok.com/ZS9YtUD1r/
Baro sirta carafta jirka: 1. Showerka kadib; jirka oo wali xoogaa joyan mari saliidda babayga ama lowska 🌿 2. Isku dar: Vaseline iyo miski ama cadar caraf badan kadibna marso dhegaha gadaashooda ☘️ 3. Kilkilaha: mari warango ama burka galeyda oo lagu qasay miski 🌿 4. Timaha: mari saliida qeybaha hoose ee ka daa saliida aad la dhigeyso ee aadan ka dhaqeyn ☘️ 5. Dharka: armaajada dharka gees yar ka dhig ama uga dheji suuf aad cadar marisay si dharkaaga uu caraf u yeesho 🌿 6. Afka: cadayga kadib ku luqluqo 3da waqti biyo aad la dhigtay dhega yare ☘️ 7. Lugaha: mari kareem oo ka ilaali qaleylka kuna dadaal nadaafaddooda 🌿 8. Si aad adiga oo carfaya usoo kacdo: qubeyso habeenki oo marso saliid aad ku dartay cadar ☘️ 9. Cab biyo badan iyo shaahyada dabiiciga ah ee carfiya jirka oo ka sameysan dhegayaraha qorfaha heylka iyo star aniseka 🌿 10. Carfi gogosha aad seexaneyso oo ku seexo dhar carfaya oo hurdada u gaar ah
إن خوف الله هو شجاعة وأن تكون عبدًا هو حرية وأن تكون متواضعًا هو شرف وأن تعرف هو إيمان Ilahay inaad ka cabsato waa _geesinimo_ inaad adoon unoqataana waa _xorriyad_ inaad isku dulaysaana waa _karaamo_ inaad gartaana waa _yaqiin_ Allow nagu gallad nimcadaas 🤲🏻🥲 👇👇👇 https://chat.whatsapp.com/BhOB0ZipT6ZC4JRN127Ylj?mode=gi_t
1. Ha ka cabsan qaladaad; qalad walba waa cashar kuu horseeda guul. 2. Maanta waa adag tahay, berri way ka sii adkaan kartaa, laakiin maalinta ku xigta waa qurux badan tahay. 3. Haddii aadan waligaa isku dayin, sidee ku ogaan kartaa inaad guuleysan karto? 4. Fursadaha waaweyn waxaa laga helaa meelaha ay dadka badankood ka quustaan. 5. Ha ka caban xaaladda, isku day inaad beddesho. 6. Dad caqli badan ayaad u baahan tahay, laakiin ka sii muhiimsan waa dulqaad iyo adkaysi.
Wadada Guusha:- 1)Bilow daacad ah (towbad). 2) Qalbi nool (iimaan). 3) Dhaqangelin ficil (camal). 4) Adkaysi joogto ah (toosnaan). 5) Faham sax ah (cilmi).