Hidaayatu Rabi
СтатистикаDhiiragelin mida u wanaagsan waa in qofka Aakhiradiisa lagu booriyo.🌸💯
- Последний пост
- 25 июл.
- Последнее чтение
- 13 авг.
- Постов за неделю
- 0
- Всего постов
- 22
- Тип
- открытый
- Язык
- so
- В каталоге с
- 13 авг.
- 1/24сутки в ленте
- 1 082
- 1/48двое суток
- 1 239
- 1/72трое суток
- 1 337
Оценка по просмотрам недавних постов: пост набирает почти всё за первые сутки.
Посты
Haddii aad rabto in cadhadaadu yaraato, dadka ula dhaqan sida ay yihiin, hana ku qasbin inay noqdaan sida aad adigu jeclaan lahayd. Haddii kale, waxaad noloshaada ku qaadan doontaa cadho joogto ah oo aan cidina xitaa dareemin ama kula wadaagin. Barashada aqbalidda dadka sida ay yihiin waxay kuu horseeddaa deganaansho iyo xasillooni nafsiyeed.
❤️❤️
Dhammaantiin waxaan idin kugu hambalyaynayaa Curashada Sannadka Cusub 1448 Hijr Mid Khayreysan Allaha nooga dhigo.🤲
Only Prophet Mohammad (ﷺ) is our Role Model.♥️📌
Jadwalka quraanka 9-Maalmood ee dulxijjah #Allahhaynawaafajiyo.
Waxyaabo soo dhaweeya risqiga oo kuu fududeynaya nolosha: 🌷🌿 1. Suuratul baqara maalin walbo: Joogteynta suuratul baqara waxay kuu sahleysaa umuurahaaga waxayna kaa fogeyneysaa balaayada waxayna ducadaada ka yeeleysaa mid aqbal ah waxaadna ka heleysaa degenaan. 🌿🌷 2. Istiqfaarta: Ku cel celi adiga oo socda adiga oo fadhiya adiga oo howl haya adiga ayaana arki doono sida ay noloshaada u sahlanaato 🌷🌿 3. Sadaqada haba yaraatee: Sadaqeyso timir rooti canjeero lacag wax walba ood lillaahi u bixiso ood sadaqeysato qaab kale ayey kuugu soo laabanayaan sadaqadana waxay riixdaa oy kaa celisaa balaayada waxaana kuugu furmaya albaabada risqiga 🌿🌷 4. Qiyaamulleylka: Khaasatan saacadda ka horeysa salaadda subax wey ku badali doontaa noloshaadana dhanka fiican ayey u badali doontaa bi'idnillaah 🌷🌿 5. Ducada 🤲: Ducada waa sirta guusha ee wax walboo aad dooneyso, alle bari oo weydiiso wixi aad dooneyso oo u sheego baahiyahaaga, ducada waxay badashaa qadarta. #marwo
Qofka xanuunsan uma baahna oo keliya daawo, wuxuu u baahan yahay qalbi dareema xanuunkiisa. Marka aan si naxariis leh u garab istaagno, Marka an u muujino kalgacal iyo daryeel, waxaan siinaynaa wax ka weyn daawo waxaan siinaynaa rajo. Xanuunku jidhka ayuu daaliyaa, laakiin naxariistu waxay soo celisaa ruuxda. Hal duco, hal booqasho, hal eray oo jilicsan, waxay noqon kartaa sabab uu qofku ugu sii adkaysto nolosha. Aan noqono bulsho is garab istaagta, an noqono kuwo dareema, oo u naxariista kuwa nugul, maxaa yeelay wanaagga aan bixino maanta, wa badbaadada berri.💯
Niyada saafiga ahi waa arzaaq, wanaag kasta oo aad dadka kale ka rajaynayso, Ilaahay wuxuu kuu keenayaa mid ka weyn midka aa dadka ka fileeso🥰💯.
"Mid kasta oo inaga mida wuxuu leeyahay wuxuu dadka kaga soocanyahay ,ilaasho dhinaca aad ku wanaagsan tahay dadka kalena ha isku eekaysiin,ahow adiga ,lahaw dabeecadaada,waligaana hoos ha ugu dhigin naftaada barbardhiga dadka kale,sidaadaa ayaad ku wacantahay mar kasta ..!"🤍✨
Juma mubarak❤️ Ku celceli saliga Nabiga ﷺ Aqri Suuratu Kahf Ku dadaal istiqfaarta iyo ducada Allah ina waafajiyo saacatu ijaabah.🤲
عيد مبارك 🍂 Eid mubarak, dhamaantiin Farxad iyo cafimaad ku ciida, Alle ha inaga aqbalo acmaashii wanaagsaned an so samenay bisha Ramadan, cimri dheer iyo cafimad baa idin rajeenaa ciidaan ciideda kale Rabi Swt hana garsiiyo anago faraxsan insha Allah 🥰
ALLAHAYOW subaxan Khamiista ah ee maalinta u dambeysa Ramadaan, naga cafi dambiyadeena, noo naxariiso, naga aqbal soonkeena, salaadeena iyo camalkeena suuban, nagu sug diinta, noona wanaaji khaatumadeena. ALLAHAYOW ha naga bixin Ramadaan adigoon na cafin, naga qaadin dhibaatooyinka, dulmiga, fitnada, abaaraha iyo khilaafaadka, dalkeenana ka dhig nabad iyo barwaaqo, quluubteenana midee, muslimiintana ka dulqaad dhibaatada kana badbaadi sharta cadowgooda. ALLAHAYOW adiga mahad leh na gaarsiiyay ramadaankaan , mar kale nagu gaarsii annagoo caafimaad, nabad iyo barwaaqo ku sugan, noona fududee inaan sii wadno camalka wanaagsan, na gali Jannatul Firdowsa iyo khaatumo wanaagsan. Aamiin.
Ramadan is leaving 😥💔
Ducada Badbaadada Maalinta Xisaabta ee qiyaamaha رَبَّنَا اغْفِرْ لِي وَلِوَالِدَيَّ وَلِلْمُؤْمِنِينَ يَوْمَ يَقُومُ الْحِسَابُ Macnaha: Rabiyow ii dambi dhaaf, sidoo kale waalidkay iyo mu'miniinta u danbi dhaaf Maalinka qiyaamaha ee laysxisaabinaayo
Ducada Ka Magangalka Walwalka, Caajiska iyo Deynta اللهم إني أعوذ بك من الهم والحزن وأعوذ بك من العجز والكسل وأعوذ بك من غلبة الدين وقهر الرجال. Macnaha: Ilaahayow, waxaan kaa magan galay walwalka iyo murugada, waxaan kaa magan galay tabar-darro iyo caajis, waxaan kaa magan galay culayska deynta iyo in la idulmiyo
اللهم إنك عفوٌ كريمٌ تُحب العفوَ فاعفُ عنا 🤲✨ Allah ha ina waafajiyo habeenka qiimaha badan ee Laylatul Qadr 🌙⭐
DUCADII NABI IBRAAHIM (CS) رَبِّ هَبْ لِي حُكْمًا وَأَلْحِقْنِي بِالصَّالِحِينَ Rabiyow isii xigmad iyo garasho igana mid dhig wanaagsan
DUCADII NABI MUSA (CS) رَبِّ إِنِّي لِمَآ أَنزَلۡتَ إِلَيَّ مِنۡ خَيۡرٖ فَقِيرٞ Rabiyow aniga waxaan u baahanahay kheyrka iyo nimcada aad igu soo dejisay
DUCADII NABI YUUNUS لَا إِلَٰهَ إِلَّا أَنتَ سُبْحَانَكَ إِنِّي كُنتُ مِنَ الظَّالِمِينَ Ilaahow adiga mooye alle kale majiro adiga ayaana ka nasahan xumaan, aniga runtii waxaan ka mid ahay kuwa dulmiga sameeyay
DUCADA NABI ADAM & XAWA رَبَّنَا ظَلَمْنَا أَنفُسَنَا وَإِن لَّمْ تَغْفِرْ لَنَا وَتَرْحَمْنَا لَنَكُونَنَّ مِنَ الْخَاسِرِينَ Rabbiyow annaga ayaa nafafkeena dulminay. hadii aadan noo dambi dhaafin oo aadan naxariisan, waxaan ka mid noqoneynaa kuwa khasaaray