tgindex
Aisha Bintu Ahmed 💜✨

Aisha Bintu Ahmed 💜✨

Статистика

"Aqoon, Hal abuur iyo Hogaamin bulsho!" Waxa aasaasnay channelkan 23.july.2021 WIXII FIKRAD 👉 @Aishabintuahmed

Последний пост
15 авг.
Последнее чтение
15 авг.
Постов за неделю
1
Всего постов
24
Тип
открытый
Язык
so
Категория
Языки (по похожим)
В каталоге с
13 авг.
Подписчики
17 275
−57 за 5 дн.
Сутки
−24
−0,14%
Неделя
 
Месяц
 
Просмотров на пост
1 666
24 постов
Вовлечённость
9,6%
к подписчикам
Постов в день
0,1
всего 24
Упоминаний
29
каналов
Охват размещения
оценка
1/24сутки в ленте
80
1/48двое суток
91
1/72трое суток
98

Оценка по просмотрам недавних постов: пост набирает почти всё за первые сутки.

Посты

  • без подписи

  • ━━━━ 1️⃣ 🌙 Diinta & Duunyada 🌙 15k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 20k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 16k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 18k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 20k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 19k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 17k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 26k 👉 👉 Taabo halkan ━━━━━━━━━━━ 2️⃣ ✨ Aqoon & Xikmado 🚺🅰️ ✨ 18k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 20k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 26k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 18k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 42k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 16k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 20k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 19k 👉 👉 Taabo halkan ━━━━━━━━━━━━ 3️⃣ 📚 Buugaag & Akhris 📖 76k 👉 👉 Taabo halkan 📖 160k 👉 👉 Taabo halkan ━━━━━━━━━━━━━ 🎯 13k 👉 👉 Taabo halkan 🛠 27k 👉 👉 Taabo halkan 🇬🇧 15k 👉 👉 Taabo halkan 🎓 28k 👉 👉 Taabo halkan 🇸🇦 11k 👉 👉 Taabo halkan ❓❓❓❓ 📭 Powered by: 👉 Taabo halkan 📵ku hel Buugaagta Emailkaaga

  • 26 июл.1 205112

    Xasuusin Bari Wxa bilabanayo Soonka Saddexda Maalmood Ee Ayaamul Biidka. 🌖 Isniin  27/7/2026M 🌖 Talaado   28/7/2026M 🌖 Arbaco 29/7/2026M          Kafaaideyso Waa 3Maalmood Oo 30 Maalmod Udhigna Xaga Ajarka Siduu Sheegay Rasuulkeena Mohamed Sallalahu Calayhi Wasalam #AdoontiiRabbi

  • 23 июл.1 256121

    «إلهي وسيدي وعزتك وجلالك لئن طالبتني بذنوبي لأطالبنك بعفوك، ولئن طالبتني بلؤمي لأطالبنك بكرمك، ولئن أدخلتني النار لأخبرن أهل النار بحبي لك». "Haddii aad dambiyadayda iigu qabsato (oo aad igu xisaabiso), waxaan aniguna ku weydiisan doonaa cafiskaaga, Haddii aad iigu qabsato bakhaylnimadayda (ama xumaantayda iyo masiibadayda), waxaan aniguna ku weydiisan doonaa deeqsinimadaada iyo deeqdaada (Karamkaaga), Haddii aad Naarta i geliso, waxaan u sheegi lahaa dadka Naarta ku jira jaceylka aan kuu qabo. #AdoontiiRabbi

  • 17 июл.1 5511

    🔥 Immisa ayuu marayaa Streak-gaaga Akhriska? 📚 Cusboonaysiinta cusub ee Uukow Media waa timid! Waxaan ku soo kordhinay features waaweyn, design casri ah, xawaare sare, AI, iyo khibrad akhris oo aad uga wanaagsan sidii hore. 📲 Hadda soo deji update-ka: Ka raadi "Uukow Media" gudaha Google Play Store ama ka soo deg link-ga hoose. https://play.google.com/store/apps/details?id=com.uukowtech.uukowmedia Ha ka harin horumarka – sii wad Streak-gaaga akhriska maanta! 🚀

  • 15 июл.1 0832из XikmadoSom

    Appka Uukow Media dadka U Dagsan waxaan ugu bishaareyneynaa in qormooyin gaagaaban aan halkaan kusoo kordhinay oo si daily ah u aqrisan karaan hadaba hadii aan hore kuugu dagsanayn Appka kala so dag Playstore-ka qor Uukow Media Ama Linkgaan hooose kala dag https://play.google.com/store/apps/details?id=com.uukowtech.uukowmedia

  • 13 июл.1 31916

    إلهي لست أعجب من حبي لك وأنا عبد فقير، وإنما أعجب من حبك لي وأنت ملك قدير. Abuu yaziid al basdhamii: wxu dhhy; Ilahayo aniga lama yabayo inaan ku jeclaade ano adoon daciif ah, lkn jaceylka aad adiga ijeceshahy anigo adoon dhaciif ah taasa cajiib ah. Yaa kariiim #AdoontiiRabbi

  • 23 июн.2 316162

    Bari wxa bilabanayo soonka taasuca iyo cashuura. Taasuca (9-ka Muxarram): Waa sunno uu Nabigu (NNKH) ujeediyay in la soomo si loo khilaafo Yuhuudda. ​Caashura (10-ka Muxarram): Waa maalintii uu Alle badbaadiyay Nabi Muuse (CS), soomisteedana waxaa lagu dhaafaa dunuubta hal sano oo horay u soo martay. ​ *Axadana wxa bilabanayo insha allah soonka ayaamul biidka.* ##AdoontiiRabbi

  • 9 июн.2 536

    🌙☪️ Hambalyo! Team Somali 🧕🌙 ━━━━━ 1️⃣ 🌙 Diinta & Duunyada 🌙 15k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 20k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 16k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 18k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 20k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 19k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 17k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 26k 👉 👉 Taabo halkan ━━━━━━━━━━━ 2️⃣ ✨ Aqoon & Xikmado 🚺🅰️ ✨ 18k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 20k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 26k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 18k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 42k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 16k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 20k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 19k 👉 👉 Taabo halkan ━━━━━━━━━━━━ 3️⃣ 📚 Buugaag & Akhris 📖 76k 👉 👉 Taabo halkan 📖 160k 👉 👉 Taabo halkan ━━━━━━━━━━━━━ 🎯 13k 👉 👉 Taabo halkan 🛠 27k 👉 👉 Taabo halkan 🇬🇧 15k 👉 👉 Taabo halkan 🎓 28k 👉 👉 Taabo halkan 🇸🇦 11k 👉 👉 Taabo halkan ❓❓❓❓ 📭 Powered by: 👉 Taabo halkan 📵ku hel Buugaagta Emailkaaga

  • 2 июн.2 21831

    Ifraax Iyo Ayuub Qeybtii u dambeysey ee 11aad Habeenkii dambe ayaa inta Laba tooreey soo iibsaday, ayuu guntiga soo gashaday, waxa uuna, soo fadhiistay, Hotelkii uu deggenaa Ninkii ilyaas ahaa ee Naagtiisa kala wareegay, balse wuu ka guuray, oo Hotel kale ayuu u guuray oo degay, Ugu dambeyntiina wuxuu raadiyo Hotelkaasi, wuu soo helay Hotelka uu deggen yahay Ilyaas. Xilli fiidnimo ah, isaga oo ilyaas banaanka iska fadhiya, laakiin feejigan, oo ay Amran u digtay, ayuu soo gaaday, dhabarka intuu kaga imaaday ayuu Naaska korkiisa Tooreydii kala dhacay, Shuq, Shuq, Cabaad iyo qeylo ayuu isku daray, isaga oo leh, Dhimo, Dhimo, dadkii meesha joogay ayaa soo yaacay oo ka qabtay. Ilyaas oo dhawr meelood Tooreyda laga geliyay, ayaa Hospitaalka loola Cararay, isla markiiba waxaa meesha soo gaaray Booliskii, Ayuub inta la jir dilay oo la jeebeeyay ayaa Xabsiga loo taxaabay. Ayuub Xabsiga ayaa loo taxaabay, waxaana lagu soo oogay, Kiis isku day dil ah, Ilyaasna wuu ka diiday Odayaashii Hanad xaggiisa ka socday in Hawsha Xeer iyo dhaqan lagu dhameeyo. Ugu dambeytiina Ayuub waxaa lagu xukumay 15 sano oo Xabsi ah, ilaa iyo maantana Xabsigii ayuu ku jiraa, Amranna maxkamadda ayaa ka Fasaqday, maadaama ay Nafteeda uga Cabsatay Ayuub, Aakhirkiina waxaa Amran guursaday, Saaxiibkeedii ay aadka u jecleyd Ilyaas. Gabadhii Sharafta iyo Maamuuska badneyd ee Ifraaxna Ganacsigeeda ayuu Alle u barakeeyay, Nolasheeda iyo tii Qoyskeedana way ku filnaatay, Ugu dambeytiina waxey u guurtay oo ay degtay Dalka Masar, gaar ahaan Qaahira, si ay uga reysato, Af-xumadii iyo dhega hadalkii joogtada aheyd ee ay Dadka kala kulameysay, Haddaba, muddo dabadeed oo Baqdin aad u weyn ka qabta jaceylka, isla markaana aaney jirin Cid ay ku Amini karto nafteeda, ayaa waxa jaceyl u soo bandhigtay, Wiil ay Axsaab ahaayeen, oo la yiraahdo Anwar, balse kama eysan Aqbalin oo wey la yaabtay, maxaa yeelay Ereyga jaceylka la yiraahdo ayey Sas ka qaaday. halkaan hoose ka aqriso Link-ga qeybtaan oo dhamaystiran https://uukow.com/2026/06/02/ifraax-iyo-ayuub-qeybta-11aad/ ama lasoo dag Appka Uukow Media oo halkaas kaa caawinayso in ai kula falgalo oo uu kusoo koobo ama kusii faahfaahiyo halkaan kala dag si aad aqrisato dhammaan sheekooyinkii hore https://play.google.com/store/apps/details?id=com.uukowtech.uukowmedia

  • 1 июн.1 68611

    Ifraax Iyo Ayuub Qeybta 10aad Ayuub isaga oo Waalan raba, oo oohin iyo Qeylo isku daraaya, ayaa inta la jeebeeyay, Xabsiga loo qaaday, Waqtiga markii uu madoobaaday ee uu Gabbalku dhacay ayey Amran inta aayar iska soo baxday ayey aaday gurigeeda. Habeenkaas cabsi daran ayaa heysay, in kasta oy ogeyd in Ayuub la xiray oo xabsiga loo taxaabay, haddana waxey ogtahay wax walba inuu dhici karo. Markuu waagii baryay, ayaa loo ogoladay inuu Reerkiisa wacdo, wuxuuna ogeysiiyay inuu xabsiga ku jiro. Odayaashi iyo waxgaradkii uu ka soo jeeday ayaa Xabsigii ugu yimaadeen, iyaga oo taliyahii Xabsiga weydiiyay sababta loo soo xiray Wiilkooda, wuxuuna u sheegay taliyihii in Ayuub isaga oo Saqraan ah uu xalay Hotel weeraray, sidaasna loo soo xiray. Odayaashii yaab ayay ku noqotay, oo hadalkii baa ku dhegay, Isla maalintaas ayeyna damiin ku soo daayeen, balse wuxuu soo baxay isaga oo Bushinta cunaayo oo leh, Dhiig ayaan geli oo wax baan Dili. Odayaashii yaab ayaa ka soo haray, waxey ku yiraahdeen War maxaa jira?, Bal noo waran sidee bey Wax u jiraan?, wuxuuna u sheegay Arrintu sida ay tahay, iyo sidey wax u jiraan, isagoo leh:- Naagteydii Nin kale ayaa qabo, Ninkaasna waan dili, iyadana waan Dili. (ayuu hadalkii ugu soo koobay). Odayaashii oo ka baqaayo, inuu Ninku dhiig galo, oo gabadha dilo, ayaa Xafadiisii geeyay, Markii Xaafadiisa la geeyay, ayuu Amran ku booday, balse waa la Qab-qabtay, Caay iyo Aflagaado oo dhan waxba ma reeban. Amran meeshaas ayay Oohin ka qabsatay, waxeyna ku tiri Odayaashii, Anigu xaafada kama baxo, cid iigu timaadana ma jirto, maalin walba Ceebtaas iyo waa lagu qabaa ayuu ila Daba taagan yahay, Aniga ayaa ka xishooda oo ka aamusan, waana Alle mahadii haddii aad ogaateen Maanta, ee Ninkan Warqadeydii iga siiya, lama noolaan karo, oo Nafteydaba kuma Amini karo. halkaan hoose ka aqriso Link-ga qeybtaan oo dhamaystiran https://uukow.com/2026/06/01/ifraax-iyo-ayuub-qeybta-10aad/ ama lasoo dag Appka Uukow Media oo halkaas kaa caawinayso in ai kula falgalo oo uu kusoo koobo ama kusii faahfaahiyo halkaan kala dag si aad aqrisato dhammaan sheekooyinkii hore https://play.google.com/store/apps/details?id=com.uukowtech.uukowmedia

  • 30 мая1 47291

    ... Qofkaagan heesayow codkaaga hoos u dhig, miyaadan ogsoonayn in heeskaagu sii danqinayo boogo aan wali lahayn dawadooda? Ma ogsoonid miyaa in erayada afkaaga kasoo baxaya ay la mid yihiin fallaaro ibtoodu holcayso? Waxay dhibayaan erayadaadu kuwo uu calolyowgu ku qasbay in ay barkimahoodu ilmadu buuxiso, kuwo kolka ay bannaanka joogaan afka baarkiisa ka qoslaya balse laabahoodu uu ka shidan yahay dhimbilaha cishqiga ay la kaliyaabeen. ... Qofkaagan codkiisa ku qaadaya miraha ay buuxiyeen catowga iyo dansheegashada aan jawaabta lahaynow, codkaaga hoos u dhig, waxaad dhibaysaa kuwa aan haysan cid ay u sheegtaan dareenkooda, kowa doorbiday in ay kaligood qolka isku soo xiraan si aysan cidna u ogaan culayska haysta, markasta oo aad dhawaaqdo waxaa isla heesaya gidaarrada guriga oo dhan, codkaaga hoos u dhig ha kicin dareennada hurda. ... Qofkaagan heesayow, dhibbaanta aad milixda ku shubayso u mahaysid dawee, laxankan beerka gubaya hoos u dhig, u nax qalbiyada uu dillooday hilowga, u nax ruuxdan kaliga ku ah xanuunka, u nax ilmadooda ku qarinaya dhibicda roobka, oohintana kaliga kula ah xeelliga badda, si ay jabaqdooda ugu qadiyaan dhawaqa hirarka, u nax dadkan ku dhuuntay maktabadaha si ay nafis uga helaan culayskan haysta, u nax kuwa kolka ay maqlaan dhawaqa miraha afkaaga kasoo baxay miyir-daboolma, u nax kuwa isku mashuuliyana shaqada si uusan daroonkooda u murjin, u nax kuwa dhulyaalka la ah xanuunka aan dawada lahayn "Caashaqa", qofkaan heesayow, ugu yaraan heeskaaga laxankan beer taabadka ah ka daa, ha nastaan dadkan uurkoodu uu gubayo caloolyowga ee haddana keliga ku ah. Abdimaalik Sheekhow.

  • 29 мая1 4491

    ❓❓Most Respected SomaliChannels

  • 29 мая1 4281

    https://t.me/SilsilaGV12 ☝️☝️☝️☝️ So dhawadaada saxiibo yaal, hadey ka go'antada ina wax barato. Hab fudud oo bilaash ah ku baro luqada englishka waliba waqti kooban, una dir walalkaga / walashada sey kula bartan, waxaad kubaran doontaa qaab lacag la'aan ah adigo gurigaada jooga. #AdoontiiRabbi

  • 28 мая1 6887

    "والحفظُ أولى ما مَضى من أُسُسٍ فَادابْ عليهِ في الضحى والغَلَسِ" “Xifdintu (waxaad baratay inaad xafido) waa waxa ugu muhiimsan ee aasaaska ah; sidaas darteed ku dadaal oo joogtee (ku celceli) subaxdii hore iyo habeenkii dambe.” #AdoontiiRabbi

  • 26 мая1 849121

    Maalintaadan ku qurxi digriga Alle, akhriska Quraanka, salliga nebiga ﷺ iyo akhriska buugga Laabxaarni, oo kaa saacidaya hagaajinta qalbiga iyo ku dayashada dadkii wanaagsanaa..

  • 23 мая5 78162

    Ifraax Iyo Ayuub Qeybta 9aad Maalintaas wey casuuntay, isna Hadiyadii ayuu u keenay, Waqti badan la isuma helin, oo Ayuub ayaa la joogay, markuu sii baxaayay, ayey ku tiri: Qalbiga iga Cafi, isna Haye huuno waan ku Cafiyay ayuu ku yiri. Maalintaas inta ka dambaysa, waxay ahaayeen Dad si fiican u wada xiriira. Haddaba, maalin kale ayay Xaafadda ku balamisay, xilli uu Ninkeeda Ayuub Xaafadda ka maqnaa, si fiican ayaa loo sheekeystay, waxaana la iska waraystay, jaceylkii soo dhex maray iyo Waqtigii la soo wada qaatay. Lama kala fogeyn oo dhinaca ayaa la isku hayay, Taabasho jilicsan iyo Dhunkasho Romantic wadata, ayaa bilaabatay, oo sida barafkii oo kale ayaana la isku dhalaalay. Maalintaas hawsha sidii loogu tala galay ayey ku dhamaatay, Cabsi ilaahna ma jirin, wax kale lagama baqeynin, waayo Nin ayaad leedahay, Cid ku dareemeysana ma jirto ayaa la is leeyahay. Ninkii oo inta wejiga biyo yar isaga dhaqay ayuu Albaabka Guriga ka sii baxay, isaga oo Suunka Xiranaaya ayey iska horyimaadeen, Ninkii Ayuub ahaa ee Amran qabay. Salaan ay Shaki iyo Cuqdad ku jirto, ayaa leys salaamay. Isaga oo yaaban, oo is leh see wax u jiraan Ninka Dharka Xiranaaya ee meesha ka soo baxay muxuu ahaa ayuu Guriga galay, durbadiibana Xaaskiisa ayuu ku yiri:- War heedhe Ninkan Surwaalka sii xiranaaya ee Guriga ka soo baxay muxuu ahaa ?. Ileen Sir naag lama Sal gaaro, intey qosashay ayey ku tiri:- Alla Xabiibi waa Wiilkii maalintii ?, wuu i soo booqday oo Suuliga intuu galay ayuu sii baxay. halkaan hoose ka aqriso Link-ga qeybtaan oo dhamaystiran https://uukow.com/2026/05/23/ifraax-iyo-ayuub-qeybta-9aad/ ama lasoo dag Appka Uukow Media oo halkaas kaa caawinayso in ai kula falgalo oo uu kusoo koobo ama kusii faahfaahiyo halkaan kala dag si aad aqrisato dhammaan sheekooyinkii hore https://play.google.com/store/apps/details?id=com.uukowtech.uukowmedia

  • 21 мая1 55941

    Ifraax Iyo Ayuub Qeybta 8aad Aabaheed ayaa howshii galay, sidii Caadada Soomaalida ahaydna wuxuu u Xaajo dhigtay, Odayaashii kale ee Wiilka Adeerada u ahaa, arrintii ayuuna u sheegay. Odayaashii marka hore arrintii ayey uga tacsiyadeeyeen, ka dibna waxey si habsami ah u wada gorfeeyeen Arrintii. Intaas ka dib waxey u sheegeen inuu Ayuub, Aroos ku jiro, oo arintan waxba ka ogeyn, wuxuu dhihi doonana eysan war u heynin, balse waxey yiraahdeen sidii caadada ahaan jirtay, marka hore Xaal iyo Xumeyn ayaan bixineynaa, Marka xigtana Wiilka iyo Gabadha ayaan isku dareynaa oo aan isku Astureynaa. Tolkii iyo Odayaashi waxey yiraahdeen, anagaa Gabadha biileyna, gurina u dhiseynaa, waa gabadheenii, waa gabar tol, taas kale isaga ha wad-wato. Ifraax Aabaheed arintii ayaa loogu qanciyay, wuuna ogolaaday taladii Odayaasha, Gabadhii Ifraax aheydna waxba uma shegin, oo hadalba iyada uma banaano, xataa haddii la dhaho waa lagu Dili, wey ogoshahay. Ayuuboo markaas Todobaadkii Arooska ka soo baxay, ayey Odayaashii u gogol dhigteen, arintiina u sheegeen. Hadalkii Odayaasha markuu maqlay, aad ayuu isku xanaajiyay, wuxuuna yiri:- Gabadhaas weligeey waxaan Salaan aheyn nama dhex marin, jirkeeda ma taaban wey i nabeysaa, oo sharafteyda ayey igaga ciyaaraysa. Ayuub waxaa kale oo uu sheegay, Ifraax iney tahay Gabar ay dhalinyarada wada yaqaanaan, oo Xumaan lagu xaman jiray. Odayashii markay maqleen hadalkaasi way yaabeen, waxaa kale oo la xumaatay Gabar la wada yaqaano xumaanteeda iney Wiilkooda ku daraan. Wuxuuna yiri isaga oo oohin iska keenaya Gabadhaas i masabidatay garteeda ii gala, oo Maxkamad ii saara, waayo ilmo aanan dhalin ayaa la ii saarayaa. halkaan hoose ka aqriso Link-ga qeybtaan oo dhamaystiran https://uukow.com/2026/05/21/ifraax-iyo-ayuub-qeybta-8aad/ ama lasoo dag Appka Uukow Media oo halkaas kaa caawinayso in ai kula falgalo oo uu kusoo koobo ama kusii faahfaahiyo halkaan kala dag si aad aqrisato dhammaan sheekooyinkii hore https://play.google.com/store/apps/details?id=com.uukowtech.uukowmedia

  • 20 мая1 3162

    Ifraax Iyo Ayuub Qeybta 7aad Ifraax Argagax iyo Anfariir ayaa la soo deristay, iyadoo gariireysa oo Wadnaheeda garaaciisa banaanka laga maqlaayo ayey taleefankiisii wacday, balse wuu xiran yahay, haddana waxey u wacday Wiil ay saaxiibo yihiin, Salaan ka dib wuxuu ku yiri:- Ifraax saaxiibkaaga wuu guursaday, wuuna Aqal galayaa Caawa Insha Allaah, maalin hore ayuu ii sheegay, inaad kala harteen, wuxuuna igu yiri Gabadhaas Ifraax ah Saaxiibo ayaa nahay Aniga, balse wax jacayl ah managa dhaxeynin, waana gabar aad u fiican oo sharaf iyo Ixtiraam leh, aad ayuu kuu Amaanaayay. Ifraax Hadalkaas markey maqashay, ayaa wadnihii Qarxi gaaray, Garaaca wadnaha ayaa Cirka isku Shareeray, Madaxa intuu wareeray ayey jilbaha dhulka ku dhufatay, markaas ayaa Miyir ugu dambeeyay, dhaqtarka ayaana loola Cararay. Xilli dambe ayey soo baraarugtay, iyada oo dhaqtarka taala ayeyna is aragtay, waxey dib u celisay Xasuusteeda, iyada oo is leh, tolow wixii ma Run bey ahaayeen, mise waa Riyo. Ilaahow Riyo ka dhig ayey qalbiga iska laheyd, marna waxey isleedahay, miyaad waalatay, maxaa kugu dhacay, Maskaxdaadu ma deggena miyaa, Riyo iyo Cadaan miyaad kala garan la’dahay. Ifraax weli baaritaan laguma sameyn oo dhaqtarkii ayaa maqan, balse kuwii gargaarka degdegga ayaa Arrinteeda ku mashquulsan, oo si habsami ah u gudanaayo waajibkooda inta uu dhakhtarku imaanayo. Ayuub Caawa wuxuu isku diyaarinayaa Aroos uu la galo Amran, oo iyaduna soo qiyaantay, Nin ay dhawr sano lacagtiisa ay cuneysay. Mustaqbal ifaaya iyo Qoys jaceyl ku dhisan, ayey arkaan, wax walbana Ciyaar ayuu la yahay, Aroos qurux badana wey diyaarsadeen, habeenkii Arooska ayuu Asxaabtiisa oo dhan ku wada Casuumay Arooska, wuxuu iyadana casuumay gabadhii uu gurigooda deggenaa, markuu dhawaca ahaa ee Ifraax ay ku heysay. Gabadhii la Casuumay wey qaadan weyday, waayo waxey ogayd jacaylka ka dhaxeeyay, Isaga iyo Ifraax, iyo Rafaadka ay la soo martay, markiiba waxey u wacday Ifraax, waxaana loo sheeegay iney Dhaqtarka taalo Intey soo carartay ayeyna dhaqso u timid. Inta sariirti ay ku jiiftay, dhinac kaga fariisatay, ayaa waxay ku tiri:- Huuno jaceylkaagii aad sidaan arkay u soo dhaqaaleysay, ayaa iigu yeeray Arooskiisa, ee see wax u jiraan, ileen Nin Abaal ma leh. Ifraax intaas markay maqashay, ayey inta mar labaad jilbaha dhulka ku dhufatay, Koomo gashay. Dhaqtarkii oo jooga, ayaa baaritaan degdeg ah ku sameeyay, Xaafadu wey ka naxsan yihiin, xanuunka ku soo booday Gabadhooda Ifraax, waayo xaalada lama socdaan. Jawaabtii ayaana la wada sugayaa, isaga oo Ehelkii iyo Asxaabtii oo dhan ay meesha wada fadhiyaan, ayuu dhaqtarkii soo baxay oo yiri:- Hambalyo Gabadha Uur ayey leedahay oo waa Xaamilo, ee ka ilaaliya Murugada iyo Shaqada. halkaan hoose ka aqriso Link-ga qeybtaan oo dhamaystiran https://uukow.com/2026/05/20/ifraax-iyo-ayuub-qeybta-7aad/ ama lasoo dag Appka Uukow Media oo halkaas kaa caawinayso in ai kula falgalo oo uu kusoo koobo ama kusii faahfaahiyo halkaan kala dag si aad aqrisato dhammaan sheekooyinkii hore https://play.google.com/store/apps/details?id=com.uukowtech.uukowmedia

  • 20 мая1 10463

    الاستمرار في الحفظ و لو قليلا سبيلك إلى أن تكون عالما، هيا ارجع وردك اليوم" ​ "Inaad sii waddo xifdiga xitaa haddii ay yartahay waa wadada aad ku noqon lahayd caalim (aqoonyahan). Kac, oo dib ugu laabo si aad u sii wadato casharka kuu qorshaysnaa (werdigaaga)."