tgindex
Dunida Suugaanta✨🥰

Dunida Suugaanta✨🥰

Статистика

"Sida jidhkaaga oo kale ayay maskaxdaaduna u daasha, ee ku nasi odhaahyada xikmada leh" ~Hazrat Ali

Последний пост
14 авг.
Последнее чтение
15 авг.
Постов за неделю
5
Всего постов
24
Тип
открытый
Язык
so
Категория
Языки (по похожим)
В каталоге с
13 авг.
Подписчики
18 700
−6 за 3 дн.
Сутки
−2
−0,01%
Неделя
 
Месяц
 
Просмотров на пост
1 970
22 постов
Вовлечённость
10,5%
к подписчикам
Постов в день
0,7
всего 24
Упоминаний
29
каналов
Охват размещения
оценка
1/24сутки в ленте
389
1/48двое суток
445
1/72трое суток
480

Оценка по просмотрам недавних постов: пост набирает почти всё за первые сутки.

Посты

  • “Isla wakhtigan Qof ayaa ku xukamaya. Qofkalana adiga ayuu dhiiri-gelin kaa qaadayaa. Welina midkood si dhab ah kuuma garanayo.” – Seneca Qof ayaa ku xukumaya isaga oo kugu xukumaya wax uu kaa arkay, kaa maqlay ama lagaaga shekeeyay sida oo kale qof kale ayaa dhiiri-gelin ka qaadaya wax uu kaa maqlay ama wax aan adiga muhiim kula lahayn ood sameysay. Midna ma oga xaqiiqada dhab ah e ka danbaysa ashyaadaas, wax aad soo martay ama wax ka danbeeyay go’aanadaadaas.

  • Soo laabashadeedu kama dhigna inay kuu xiistay !! Ee waxay ku guuldaraysatay Dhammaan fursadihii kale. Digtoonow saaxiibkayow

  • Jirku ma jecla quruxda ee waxa uu jecel yahay shaqada. Marka aad murqahaaga si ula kac ah u dhisto (gym aado), haddii baahidii keentay koritaankooda (jimicsiga iyo culays qaadista) ay meesha ka baxdo, jirku si tartiib ah ayuu u bilaabaa inuu ka takhaluso murqahaas. Sababtuna waa mid fudud: ma aha in aanay jiimka iyo jimicsigu faaiido lahayn, se waa in uusan jidhku murqaha u samaysan una haysan qurux ahaan, balse uu u samaysto una haysto shaqo darteed. Murquhu waa unug tamar badani ku baxdo ilaalintooda. Marka aad si joogto ah culays u saarto, jirku wuxuu horey ka fahmayaa in xoog loo baahan yahay, markaas ayuu samaystaa, ilaashadaa intii hore oo uu sii xoojiyaa. Se marka culayskii yaraado ama joogsado cadaadiskii, nidaamkii jirku waxa uu isu beddelaa: “Uma baahnin murqaha intaas le'eg.” Sidaas darteed ayay murqihii kuu adeegayay ee waawaynaa ee aad quruxda iyo bilicda dhisatay u bilaabaan inay yaraadaan. Jirku ma ilaaliyo waxa aad jeceshahay; wuxuu ilaaliyaa waxa uu u arko in loo baahan yahay. Biology ahaan nidaamkaan waxaa la yiraahdaa "Muscle atrophy". Si aad murqaha aad dhistay u haysato ama u ilaashato, waa inaad si joogto ah u isticmaasho. W/Q Mohamed Dafle

  • https://youtube.com/@akramjibriil?si=GriSvx4ojxxZWhDV Subscribe inoo soo dhaha saxiibayaal

  • ━━━━ 1️⃣ 🌙 Diinta & Duunyada 🌙 15k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 20k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 16k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 18k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 20k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 19k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 17k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 26k 👉 👉 Taabo halkan ━━━━━━━━━━━ 2️⃣ ✨ Aqoon & Xikmado 🚺🅰️ ✨ 18k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 20k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 26k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 18k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 42k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 16k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 20k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 19k 👉 👉 Taabo halkan ━━━━━━━━━━━━ 3️⃣ 📚 Buugaag & Akhris 📖 76k 👉 👉 Taabo halkan 📖 160k 👉 👉 Taabo halkan ━━━━━━━━━━━━━ 🎯 13k 👉 👉 Taabo halkan 🛠 27k 👉 👉 Taabo halkan 🇬🇧 15k 👉 👉 Taabo halkan 🎓 28k 👉 👉 Taabo halkan 🇸🇦 11k 👉 👉 Taabo halkan ❓❓❓❓ 📭 Powered by: 👉 Taabo halkan 📵ku hel Buugaagta Emailkaaga

  • 8 авг.948132

    NABADGELYO PRAGUE! Waxaa la gaaray xilligii aan Prague nabadgelyeyn lahaa oo meel kale isku dayi lahaa. Nasiibdarro, waa xilligii aan kali ah ka fekeri lahaa meelaynta noloshayda yarta ah. Qalinjebintaydu waxay ku soo beegantay xilli welwel weyni iga hayo aayaha noloshayda iyo tan dalkaygaba. Waxay ku soo beegantay xilli aan dib u liqay naalladii ku noqoshada dalkayga, aniga oo wax soo bartay. Waxaa la gaaray xilligii aan gurdanraac noqon lahaa oo ku biiri lahaa Soomaalida badan ee galbeed u haajirka ah. Waxaa dhammaaday noloshaydii ardaynimada, waxaana ii bilowday tu hor leh oo aan sugnayn. Tu aan la saadaalin karin meel ay ku dambayn karto iyo waxa ay la ay kulmi doonto midna. Ma garan karo meel aan aado iyo waxa aan ka fili karo socodkayga, waxaanse ku khasbanahay in aan dhaqaaqo, ilaa aan la kulmo meel aan guri ka dhigto. Waxaan ku khasbanahay in aan isu diyaariyo barashada afka iyo dhaqanka dal kale oo igu cusub; in aan mar kale nolosha qurbaha kow ka bilaabo oo isu diyaariyo turunturrooyin iyo lamafilaano hor leh. Ma waxaan noqon doonaa geed-abaareed lagu beeray dhul qabow oo qoyan dabadeedna ku dhada cimmilada deegaanka cusub, mase waxaan noqon doonaa geed meel kasta iyo xilli kasta ku bixi kara oo xay iyo caleemo dhalin kara? Taasi waa su'aal aan laga jawaabi karin maanta oo u baahan in waqti iyo baxnaano la siiyo. Dhinaca kale, marka noloshayda laga eego, waxaan ahay nin nasiib badan. Waxaan ahay nin nasiib badan, marka la ii eego Soomaali badan oo iga liidata oo aan xataa iyagu heli karin meel ay nafta u la cararaan. Waxa aad iiga liita kuwa ku jira xeryaha qaxootiga Afrika oo aan ka fekeri karin wax ka durugsan nololmaalmeedka joogtada ah. Waxa aad iiga liita kuwa wali ku dhex jira dagaalka sokeeye ee dalkooda aafeeyay ee aan garan karin goor ay xabbadi haleeli doonto. Waxa aad iiga liita kuwa ehelka iyo sokeeyaha ku waayey dirirta micnadarro ee dadkooda dhex taal. Waxaa aad iiga liita gabdhaha iyo hooyooyinka la faraxumeeyey ee sharaftoodii iyo dadnimadoodii meel looga dhacay. Waxaa aad iiga liita kuwa ku riyoonaya in ay qaxaan oo bal mar uun soo galaan qurbaha aan ka cabanayo. Shaki la’aan, waxaa aad iiga liita kuwa yaryar ee aan waxbarashada fursadda u helin ee aayahoodii dayacmay. Waxaan oran karaa, dhab ahaan, waxaa aad iiga liita badanaaba Soomaalida maanta ku nool dalkaygii hooyo. Murugo kasta iyo welwel kasta oo aan qabo, waxaan ka mid ahay dadka ugu nasiibka badan danyarta Soomaalida maanta. Su’aasha ugu adag ee la i wayddiiyaa waxay tahay, ”horta maxaa dadkiinu isu laynayaa? Maxaa sababay dirirta iyo is gumaadka intaas le’eg ee idin kala hantaawilifiyey?” Waxaa kale oo la i wayddiiyaa sababta dheeraysay heshiis la’aanta. Sababta fogeysay is afgarashada iyo gunaanadka colaadda sokeeye? Waa su’aalo aanan wali jawaab dadka qancisa u helin. Run ahaan, waa su’aalo aan aniga ruuxaygu – Buuga Qab iyo Quursi

  • Hard now, easy later. Easy now, hard forever.

  • 5 авг.1 239173

    Jacaylka iyo dareenka galmadu waa laba ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee kaxeeya dabeecadda iyo ficillada bini’aadamka. Maku raacsanatahay fikradaas Sigmund Freud uu yiri. wuxuu aaminsanaa in dadka waxa ay sameeyaan badankood ay u saameeyaan rabitaanno gudaha ku qarsoon

  • видео или голосовое, без подписи

  • 27 июл.2 237223

    Waxaa ku soo mari doona ayaamo ay adkaan doonto inaad warisid (kasheekaysid)*. ~Zaki bootaan

  • 26 июл.2 236141

    Waayadan Maxaa ku xiiso geliya?

  • 23 июл.2 617269

    "Garo Naftaada kaddib waad ku guulaysanaysaa dhammaan goobaha dagaalka." 🌍⚔️ – Sun Tzu

  • 22 июл.2 71121

    ❤️

  • 14 июл.3 174193

    Waxa ay ka soo jeedeen qoys xoogsato ah, aabahood waxa uu ahaa soo galooti talyaaniga ka soo haajiray oo kabaha leatherka ah sanceeya. Hooyadoodna waa Yahuudi Maraykan maktabadaha dadweynaha naqshadaysa. Dario Amodei isagu waxa uu bartay culuumta Sayniska gaar ahaan Physics oo ku gaaray Ph.D. halka ay Daniella iyadu u dhaqaaqday barashada suugaanta, waxa ay diyaarisay suugaanta luuqadda Englishka. Labadoodu iyaga oo laba field oo kala duwan soo bartay waxa ay isugu yimaadeen shaqooyin kale kadib gudaha AI, waxa ayna ka hawlgaleen Open AI. Dario waxa uu ka ahaa madaxweyne ku xigeenka qaybta cilmi baarista, halka ay Daniella ahayd madaxweyne ku xigeenka qaybta safety and policy-ga. 2021 ayay isaga tageen Open AI maadama la isku khilaafay jihada uu aadayo caqliga macmalka ah ee ay shirkadani hormuudka u tahay. Waxa ay dhidibada u taageen iyaga iyo shan cilmi baare oo kale shirkad cusub oo AI-ga ka shaqaysa, waa Anthropic, hormuudka AI-ga dunida ee maanta. Waa shirkadda naqshadaysay ee soosaartay garaadka macmalka ah ee Claude. Maanta waxaa Anthropic lagu qiimeeyaa $965Billion, waa lacag hal trillion ku dhow. Waliba suuqa ma soo galin oo public lagama dhigin. Waxaa la rajaynayaa in sannadkan dhammaadkiisa ay suuqyada caalamka kasoo muuqato oo saamiyadeeda la gato. Waxa ay dhiseen shirkad ka saranartay tii ay shaqaalaha ka ahaayeen ee Open AI. Dario waa CEO-ga Anthropic halka ay Daniella tahay madaxweynaha shirkadda. Hantidooda midkiiba maanta waxa ay dhan tahay $15Billion oo waa saamiyo is le'eg. Daniella waa haweenayda labaad ee ugu hodansan dunida marka ay joogto haweenka iyagu hantidooda tabcaday (self-made women). Daniella malaha aqoon iyo waxbarasho la xiririta sayniska iyo caqliga macmalka ah, laakiin sidaas oo ag tahay waxa ay dhistay shirkadda ugu qiimaha badan AI ka shaqaysa. Xigasho Mohamud Dahir

  • 9 июл.2 978174

    “You become what you give your attention to.” — Epictetus

  • 4 июл.3 655194

    “Change will not come if we wait for some other person or some other time.” — Barack Obama Real change begins when we take responsibility instead of waiting for someone else to act. If everyone waits for the “right time” or for another person to solve the problem, nothing will ever improve. Progress comes from people who are willing to take the first step.

  • 30 июн.3 279113

    The worst enemy to creativity is self-doubt” - Sylvia Plath

  • 29 июн.3 36616

    WhatsApp waxa ay sheegtay inay dhawaan soo kordhinayso adeeg “username” ah oo beddelaya isticmaalka lambarka telefoonka, taas oo xoojinaysa asturnaanta xogta iyo amniga isticmaalayaasha. Waa tillaabo fududeynaysa isgaarsiinta, ayada oo ay dhawrrsan yihiin xogaha dadku sida baraha kale ee lagu wada xiriiro. Yacnii lambarkaaga ii sheeg, waxa ay ka dhigan tahay WhatsAppkaaga isii.

  • 29 июн.2 9124

    15. Dadka tignoolajiyadda iyo ganacsiga xiiseeya oo dhami waxa ay kuu yaqaannaan, mid ka mid ah ragga ugu caqliga badan ee dunida ku nool qarnigaan. Weliba, caqli badnaantaadu ma ahan mid xan ah, ee waa mid uu si shaacsane (public) ah u qiray ninka dunidu ku majeerato hal'abuurka iyo hantida, ee Elon Musk. 16. Maaddaama aad sameysid lacag badan, keliya ma tihid qof naftiisa iyo qoyskiisa oo keliya ka fekera, ee waxa aad ku jirtaa ganacsatada ugu sadaqada badan dunida (the world's most generous philanthropy billionaires). Ugu danbeyn, waxa aad maamushaa shirkadda database ee ugu weyn dunida, Oracle. Sidoo kale waxa aad leedahay shirkado kale, oo bilyanis lagu qiimeeyay، oo awoodda saara dhinaca baabuurta, dhismaha, dawooyinka, iyo tignoolajiyadda. Waxa aadna heysataa lacag dhan 200 oo bilyan. Waxa aadna ka mid tahay 5-ta qof ee dunida ugu lacagta badan, oo waxa uu magacaagu ku lifaaqan yahay Elon Musk, Larry Page, Sergey Brin, iyo Jeff Bezos. Cid walbaana waxa ay kugu taqaannaa ad-adeyg, naxariis darro, tartan adag, shaqo wacnaan, qaninnimo, iyo nolol sarreysa. Marka intaas oo dhan laga soo tago, aragtidaada ganacsigu waxa ay waligeed aheyd, welina tahay, "Iguma filna in aan guuleysto oo keliya, dadka kale oo dhami waa in ay guul darreystaan." - Ladane C Xasan

  • 29 июн.2 7046

    Maxay ka dhigan tahay in aad tahay Larry Ellison? 1. Waxa aad ku dhalatay New York, deeto adiga oo yar ayuu kugu dhacay xanuun oof-wareen ah, oo ragaadiyay barbaariddaadii, deeto Hooyadaa baa kaa niyadjabtay, waxayna kugu wareejisay lammaane qaraabadeeda ah, si ay kuu korsadaan. 2. Aabbihii ku korsanayay waxa uu noqday, mid naxariis daran, oo aan wax jixinjix ah ku siin, kaasoo weliba ku niyad jabiya, kuuna sheega in aadan waxba noqoneyn. Hooyadii ku korsanaysayna waxa ay dhimatay adiga oo jaamacad ku jira, ilaa heer ay geeridaasi kalliftay in aad waxbarshadii jaamacaddaba ka hartid. 3. Ayaan ka dib, ayaad jaamacad kale bilowday, laakiin simistarkii koowaad ayaad uga hartay, ka dib markii ay waxbarashaduba kuu dhadhami weyday. 4. Waxa aad baratay xirfado kooban oo computer ka ah, markii aad shaqo heshayna, waad guursatay, deeto xaaskaagii ayaa kaaga tagtay ad-adkaan, iyo naxariis darro. 5. Adiga oo shaqaale ah, ayaad ogaatay xogo sheegaya, in ay wacnaan laheyd in la helo barograam xogta dawladda iyo kan gacansiyada isku agaasima, oo xiriirsan (relational database). 6. Deeto adiga iyo saaxiibbadaa ayaa u qalab qaatay in ay shirkad dhisaan. Waxaana aad shirkaddii ku aas-aasteen 2000 oo doolar, oo aad adigu 1200 bixisay. Waxaan aad shirkaddii u bixiseen Software Development Laboratories (SDL), shaqadiinuna waxa ay noqotay dhisidda barograam xogeed xiriirsan (building organized relational database). 7. Nasiib badnaan awgeed, adiga iyo saaxiibbadaa waxa aad heshiiskii shaqo ee u horeeyay la gasheen Hey'adda Sirdoonka Mareykanka ee loogu yeero CIA-da, oo waxa aad u dhisteen barnaamij database ah oo la dhaho, Oracle. 8. Maaddaama barograamkii aad CIA-da u dhisteen uu cajiib ahaa, waxa aad go'aansateen in aad ganacsiyadana u dhistaan database la nooc ah kaas hore, weliba waxa aad soo xaddeen magaca mashruucii aad CIA-da u qabateen, oo waxa aad shirkaddiinii u bixiseen, Oracle System Corporation. 9. Ugu danbeyn shirkaddii Oracle suuqa ayey kuu gashay. Laakiin cadaadis aad saartay shaqaaluhu in ay gaaraan yoolkooda oo sababay is dabo marin, iyo ku xisaabtamidda dakhli ka imaan doona shirkado heshiis lala galay, oo markii danbe ka baxay heshiiskii, iyo qaar ka mid ah wax-soosaarkaagii oo xumaaday, ayaa shirkaddaadii dhulka la lagay, waxaana ay sheekadaadu noqotay mid looga sheekeysto suuqa tignoolajiyadda ee Sillicon Valley, cid walbaana waxa ay kuu aragtay guuldareyste khasaaray. 10. Adiga oo khasaarahaas dhex ceegaaga, oo 80% ay dadku kaa ceshadeen saamiyadoodii, ayaad ka indho adeygtay is-dhiibid, waxaadna shaqada ka ceyrisay 400 oo shaqaale ah, waxaadna shaqaaleysiisay khubaro cusub, waxa aadna dhistay badeeco cusub (Oracle Version 7), si walbana waxa aad iskugu dayday in aad badbaadisid ganacsigaaga, waadna ku guuleysatay aakhirkii. 11. Markii uu ganacsigaagii suuqa ku soo laabtay ka dib, waxa aad eegtay dhammaan shirkadaha kula tartamaya oo dhan, deeto waxaad iibsatay shirkad walba oo culays tartar kugu heysay. Caqli walba oo kaa soo horjeedayna waxa aad ka dhigtay mid kula safan. 12. Sanado halgan ah ka dib, markii ay noloshu kuu kala kacday, oo wax badani kuu shaqeeyeen ayaad guursatay, deeto waxa aad qabkaaga dartiis camera man ahaan u shaqaaleysiisay madaxweynihii shirkadda Apple, Steve Jobs, oo ahaa ninka loogu hadal heynta badan yahay Sillicon Valley, iyo dunida tignoolajiyaddaba. Si aad u quudisid kibirkaaga, xaaskaagana aad ugu sameysid wax ay ku faanto. 13. Imminka magacaagu waa Larry Ellison, waxa aad tahay qof lagu yaqaanno geesinnimo, dhiirranaan, iyo tartan jaceyl, oo marka laga soo tago ganacsiga, waxa aad ka qeybgashaa ciyaaraha adag, ee laga cabsado, sida bushkuleetiga lagu kaxeeyo buuraha, saxiimadaha yaryar ee lagu ciyaarsiiyo hirarka badweynta, tartanka doomaha, iyo wadidda diyaaradaha dagaalka. 14. Xagga ganacsiga, waxa aad tahay nin ganacsigii uu la diriro, suuqa ka saara, oo cadaawaddaadu waxa ay ku gaarsiisay, in aad mararka qaar shaqaaleysiisid dad basaasiin ah, oo kuu soo sheega ceebaha shirkadaha tartanka kugu la jira, si aad uga weerartid dhanka ay ka jilicsan yihiin.