tgindex
Xikmado️ 💎

Xikmado️ 💎

Статистика

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Последний пост
15 авг.
Последнее чтение
15 авг.
Постов за неделю
8
Всего постов
26
Тип
открытый
Язык
so
Категория
Языки (по похожим)
В каталоге с
13 авг.
Подписчики
39 302
−56 за 4 дн.
Сутки
−33
−0,08%
Неделя
 
Месяц
 
Просмотров на пост
921
26 постов
Вовлечённость
2,3%
к подписчикам
Постов в день
1,1
всего 26
Упоминаний
29
каналов
Охват размещения
оценка
1/24сутки в ленте
596
1/48двое суток
683
1/72трое суток
736

Оценка по просмотрам недавних постов: пост набирает почти всё за первые сутки.

Посты

  • без подписи

  • без подписи

  • Sheekadii Lama Filaan Qeybta 11aad Adna iyo Cimran waxay qorsheeyeen inay dalxiis u baxaan, balse Adna waxay ka xishootay hadalka dadka maadaama meherkoodu dhowaan dhacay. Waxay ku adkaysatay in Warda ay raacdo, inkastoo Warda markii hore diiday, maadaama ay qalbigeeda ku hayso jacaylka ay Cimran u qabto. Ugu dambayn Warda way ogolaatay, waxayna safarkii kula raacday Adna iyo Cimran iyadoo isku dayaysa inay qariso xanuunka ay ka dareemayso inay hortooda ku aragto iyagoo faraxsan. Safarkii kadib, Adna waxay ka tagtay shaqadeedii waxayna bilowday nolol cusub. Shan bilood kadib, iyada iyo Cimran waxay u guureen gurigooda cusub, halkaas oo ay ku wada noolaayeen nolol farxad leh. Cimran wuxuu Adna u sheegay inuu laba toddobaad kadib dib ugu laabanayo waddankii uu ka yimid, taasina waxay Adna ku abuurtay dareen cidlo ah. Sidaas darteed waxay Warda ka codsatay inay guriga ula soo degto oo ay wehel u noqoto inta Cimran maqan yahay. Warda fursaddaas waxay u aragtay jaanis weyn oo ay muddo sugaysay. Iyadoo qalbigeeda ku jirta jacaylka Cimran, waxay rumaysatay in joogitaanka guriga uu siin doono fursad ay ugu dhowaato ninka ay jeceshahay, waxaana maskaxdeeda ka dhashay qorshe weyn oo ay ku doonayso inay Cimran gacanta ku dhigto. Adna, oo aan waxba ka filayn qorshaha qarsoon ee saaxiibteed, waxay si farxad leh u soo dhaweysay Warda. Hase yeeshee, waxa Adna niyadeeda ku jira iyo waxa dhab ahaan dhici doona waxay u muuqdaan laba arrimood oo aad u kala duwan. Qeybtaan oo dhamaystiran waxaad ka aqrisan kartaa https://www.uukow.com/2026/08/14/sheekadii-lama-filaan-qeybta-11aad/ ama lasoo dag Appka Uukow Media oo halkaas kaa caawinayso in ai kula falgalo oo uu kusoo koobo ama kusii faahfaahiyo halkaan kala dag si aad aqrisato dhammaan Qormooyinka iyo sheekooyinkii hore https://play.google.com/store/apps/details?id=com.uukowtech.uukowmedia

  • Waddanka Masar ayaa wadda qorshe weyn oo ay ku doonayso inay 2027-ka dib ugu soo celiso wax-soo-saarkeedii gaaska dabiiciga, iyadoo qorshuhu yahay inay gaadhsiiso ilaa 6.6 bilyan cubic feet maalintii. Ujeeddadu waa in dalka uu mar kale isku filnaan ka gaadho dhinaca tamarta, isla markaana uu ka mid noqdo waddamadii gaasta dhoofin jiray. Qorshahan ayaa soconaya muddo shan sano ah iyadoo qiimaha uu ku kacayo uu dhan yahay ilaa $5.7 bilyan, waxaana la qorsheynayaa in la qodo ku dhawaad 500 ceel oo ah ceelal gaas cusub laga soo saaro. Sidoo kale dalkani ayaa dhowaan sameeyay sahamin xoogan oo ku aaday goobo ay ku tuhusanayd khayraadkan, gaar ahaan Badda Mediterranean-ka iyo Saxaraha Galbeed. Waxayna sahamintaa ay samaysay ku heshay goobo waaweyn oo la filayo inay ka caawiyaan in dalkani uu si dhakhso ah u kordhiyo wax-soo-saarka gaasta. Sultan Sitiin

  • Sida Si Kalsooni Leh Loogu Hadlo. Qormadani waxay ka hadlaysaa sida qofku hadalkiisa uga dhigi karo mid cad, kalsooni leh oo dadka soo jiita. Mararka qaar qofku wuxuu haystaa fikrad wanaagsan, balse codkiisa, xawaaraha hadalka, xishoodka ama habka uu fikradda u gudbinayo ayaa ka hor istaagi kara in si wanaagsan loo fahmo. Xirfadda hadalkuna ma aha wax qofku ku dhasho oo keliya, balse waa xirfad la baran karo lana horumarin karo. Mid ka mid ah tallaabooyinka ugu muhiimsan waa inaad is dhageysato oo is barato. Isku duub adigoo hadlaya, kadibna eeg codkaaga, xawaarahaaga, erayada aad ku celceliso, muuqaalka jirka iyo sida aad dadka u eegto. Sidoo kale, xishoodka si tartiib ah ayaa looga gudbi karaa iyadoo laga bilaabayo hadalka qof aad taqaan, kadib koox yar, ilaa aad kalsooni ka hesho. Cod xoogganina ma aha qaylo, balse waa cod cad, deggan oo si fudud loo fahmi karo. Ugu dambayn, hadal wanaagsan micnihiisu ma aha inaad noqoto qof aanad ahayn. Haddii aad tahay qof deggan, waxaad baran kartaa inaad si cad oo kalsooni leh u cabbirto fikirkaaga adigoon beddelin shakhsiyaddaada. Hakad yar, cod deggan, dhegaysi iyo tababar joogto ah waxay kaa caawin karaan in fikradahaaga loo dhageysto oo si wanaagsan loo fahmo. Si aad u akhrisato qormada oo intaan ka faahfaahsan, halkaan hoose ka akhriso. https://www.uukow.com/2026/08/12/sida-si-kalsooni-leh-loo-hadlo/ ama lasoo dag Appka Uukow Media oo halkaas kaa caawinayso in ai kula falgalo oo uu kusoo koobo ama kusii faahfaahiyo halkaan kala dag si aad aqrisato dhammaan Qormooyinka iyo sheekooyinkii hore https://play.google.com/store/apps/details?id=com.uukowtech.uukowmedia

  • Sheekadii Lama Filaan Qeybta 10aad Qeybtan waxay ku bilaabanaysaa Cimraan iyo Adna oo si qoto dheer uga wada hadlaya jacaylkooda, iyadoo Cimraan u ballanqaadayo inuusan waligiis cidlayn ama khiyaanayn. Dhanka kale, Warda waxay la halgamaysaa dareenkeeda qarsoon ee Cimraan, iyadoo murugo ku jirta haddana nafteeda u ballanqaadaysa inay maalin uun heli doonto qofka ay jeceshahay. Maalinta meherka Adna iyo Cimraan ayaa ugu dambayn timid. Guriga Adna waxaa ka muuqday farxad iyo diyaar-garow, waxaana meherkii si sharaf leh loogu kala baxay. Warda inkastoo qalbigeedu xanuunsanaa, haddana waxay si buuxda uga qayb qaadatay farxadda saaxiibteed, iyadoo martida soo dhowaysay, xafladdana garab taagnayd. Habeenkaas waxaa la qabtay xaflad weyn oo lagu dabaaldegayo lamaanaha cusub, iyadoo farxad, sawirro, muusig iyo dabaaldeg lagu soo gebagebeeyay. Subaxdii xigtay, Adna waxay Warda uga mahadcelisay garab istaaggeeda iyo kaalintii weynayd ee ay ka qaadatay maalinta farxadda. Hooyada Adna iyaduna waxay ammaantay Warda, taasoo Adna ku tilmaantay inay tahay walaasheed iyo qofka ugu dhow ee ay nolosheeda ku leedahay. Inkastoo Warda gudaha ka siddo dareen aan weli dhammaan, haddana waxay sii waddaa inay saaxiibteed Adna garab istaagto. Qeybtaan oo dhamaystiran waxaad ka aqrisan kartaa https://www.uukow.com/2026/08/12/sheekadii-lama-filaan-qeybta-10aad/ ama lasoo dag Appka Uukow Media oo halkaas kaa caawinayso in ai kula falgalo oo uu kusoo koobo ama kusii faahfaahiyo halkaan kala dag si aad aqrisato dhammaan Qormooyinka iyo sheekooyinkii hore https://play.google.com/store/apps/details?id=com.uukowtech.uukowmedia

  • 11 авг.1 00751

    Sida Taleefanka iyo Baraha Bulshadu U Xadaan Hurdadeenna Telefoonka gacanta iyo baraha bulshadu waxay si weyn u beddeleen habka aynu u noolnahay, gaar ahaan waqtiga aynu nasanayno. Dad badan ayaa habeenkii sariirta gala iyagoo leh “wax yar ayaan eegayaa,” balse hal muuqaal iyo hal fariin ayaa isu beddela saacado, taas oo si tartiib ah uga xadaysa hurdadii iyo nasashadii ay u baahnaayeen. Hurdadu ma aha waqti lumis, balse waa qayb muhiim ah oo ka mid ah caafimaadka maskaxda iyo jirka. Iftiinka shaashadaha, qulqulka joogtada ah ee muuqaalada iyo wararka, iyo cabsida ah in wax laga haro (FOMO) waxay maskaxda ku hayaan xaalad firfircooni, taas oo adkayn karta in qofku si wanaagsan u nasto. Arrintani waxay si gaar ah u saamayn kartaa dhalinyarada ku nool nolol dijitaal ah oo joogto ah. Ugu dambayn, dhibaatadu ma aha tiknoolajiyadda lafteeda, balse waa sida aynu u isticmaalno iyo cidda maamusha waqtigeenna. Taleefanku wuxuu inoo keeni karaa aqoon, xiriir iyo fursado badan, laakiin haddii aynaan xad u samayn, wuxuu naga qaadi karaa waqtiga, hurdada iyo degganaanshaha. Su’aasha muhiimka ahi waa: Adigaa maamula telefoonkaaga, mise telefoonkaaga ayaa maamula waqtigaaga? Haddii aad rabto inaad si faahfaahsan u ogaato sida telefoonka iyo baraha bulshadu u saameeyaan hurdada, maskaxda iyo hab-nololeedkeenna, qormada oo dhammaystiran ka akhri link-ga hoose. https://www.uukow.com/2026/08/11/sida-taleefanka-iyo-baraha-bulshadu-u-xadaan-hurdadeenna/ ama lasoo dag Appka Uukow Media oo halkaas kaa caawinayso in ai kula falgalo oo uu kusoo koobo ama kusii faahfaahiyo halkaan kala dag si aad aqrisato dhammaan Qormooyinka iyo sheekooyinkii hore https://play.google.com/store/apps/details?id=com.uukowtech.uukowmedia

  • Sheekadii Lama Filaan Qeybta 9aad Warda markay qolkedii timid ayaa waxaa ku soo xaadiray xasuustii Caawa kolba Hadalkiisa mar Qosolkiisa iyo siduu Alle u Abuuray Wiilka, iyadoo leh waqtiga yaa dib u celiya si aad uga bogato aragtida Cimran, waxay marba marka ka xiga sii nacaysaa Saaxiibteed Adna oo ay ka aamintay inay iyadu ka hor taagan tahay Qofka ay rabto, habeenkii oo dhan fikir ayay ku jirtay iyo Qorshaha ay Cimran gacanta ugu dhigi lahayd. Maalin kale oo qurux badan ayaa bilaabmay, Adna fasax bey shaqada ka tahay, guriga ayay joogtaa, ka dib waxay fariin u qortay Saaxiibteed Warda ilaa ay la hadasho ma joogi karto, sababta oo ah aad ayay u jeceshahay, Warda Fariintii wey aragtay, laakiin Wax jawaab ah umay soo dirin, Qadkana way ku jirtaa. Adna waxay is waydiisay Qofta maxaa helay beryahan si caadiya ilama dhaqantee wey wacday, laakiin kama qaban Cod ayay u dubtay iyada oo leh, Warda maxa jira ee fariinta iyo Callka midna uga soo hadli la'dahay ii sheeg waxa jira saaxiib, Warda hadana ma rabto in la dareemo ismana xakamayn karto, Markii dambe ayay iyaduna cod u duubtay ay leedahay Saaxiib hadaan kaa qaban waayo micnaheedu maaha inuu dhib jiro, waad ogtahay guriga kaligay inaan ka shaqeeyo markaa lama deg-dego. Qeybtaan oo dhamaystiran waxaad ka aqrisan kartaa https://www.uukow.com/2026/08/09/sheekadii-lama-filaan-qeybta-8aad/ ama lasoo dag Appka Uukow Media oo halkaas kaa caawinayso in ai kula falgalo oo uu kusoo koobo ama kusii faahfaahiyo halkaan kala dag si aad aqrisato dhammaan Qormooyinka iyo sheekooyinkii hore https://play.google.com/store/apps/details?id=com.uukowtech.uukowmedia

  • ━━━━ 1️⃣ 🌙 Diinta & Duunyada 🌙 15k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 20k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 16k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 18k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 20k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 19k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 17k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 26k 👉 👉 Taabo halkan ━━━━━━━━━━━ 2️⃣ ✨ Aqoon & Xikmado 🚺🅰️ ✨ 18k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 20k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 26k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 18k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 42k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 16k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 20k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 19k 👉 👉 Taabo halkan ━━━━━━━━━━━━ 3️⃣ 📚 Buugaag & Akhris 📖 76k 👉 👉 Taabo halkan 📖 160k 👉 👉 Taabo halkan ━━━━━━━━━━━━━ 🎯 13k 👉 👉 Taabo halkan 🛠 27k 👉 👉 Taabo halkan 🇬🇧 15k 👉 👉 Taabo halkan 🎓 28k 👉 👉 Taabo halkan 🇸🇦 11k 👉 👉 Taabo halkan ❓❓❓❓ 📭 Powered by: 👉 Taabo halkan 📵ku hel Buugaagta Emailkaaga

  • 10 авг.1 02081

    Chris Hani Baragwanath Hospital, waa mid ka mida isbitaallada ugu weyn dunida iyo guud ahaan ka ugu weyn Afrika. Waxa uu ku yaallaa Soweto, Johannesburg ee waddanka Koonfur Afrika Isbitaalkani wuxuu ku fadhiyo dhul baaxaddiisu tahay ku dhowaad 70 hektar (700,000 m²), waa cabir ka badan 100 garoon oo kuwa kubadda cagta ah. Isbitaalkani waxa uu ka kooban yahay in ka badan 400 dhisme, waxaana dhex yaal qiyaastii 3,200–3,400 sariir, waxaana ka shaqeeya in ka badan 6,700 shaqaale. Dhinaca kale waa isbitaal waxbarasho oo xidhiidh la leh jaamacadaha dalkaasi ee soo saara xirfadlayaasha caafimaadka, waxaana lagu sameeyaa cilmi-baadhisyada. Sannadkii, waxaa soo booqda in ka badan 592,000 bukaan, halka qaybta gargaarka degdegga ah ee isbitaalkani uu qaabilo in ka badan 350 bukaan maalintii. Talow Soomaalida dhexdeeda istibaalkee ugu weyn? Sultan Sitiin

  • 9 авг.1 200179

    Daganaantayda maad ii daysid, hadaad kolba mid dooranayso.

  • 9 авг.1 2283

    Sheekadii Lama Filaan Qeybta 8aad Lama Filaan (Qeybta 8aad) waxay ku bilaabanaysaa Adna oo farxad weyn ku jirta kadib markii ay Cimraan dib ula kulantay. Waxay Warda la wadaagaysaa jacaylka iyo farxadda ay dareemayso, iyadoo aaminsan in Cimraan yahay qofkii ay waligeed ku riyoonaysay. Warda, inkastoo ay saaxiibteed farxaddeeda la wadaagayso, gudaha ayay ka dareemaysaa wax kale, waxayna si dadban ugu digaysaa Adna inay qofka ay jeceshahay ilaaliso, maadaama ay ogtahay in noloshu mararka qaar wax lama filaan ah keento. Maalintii xigtay, Cimraan wuxuu Adna ugu yimid goobteeda shaqada isagoo ubax sita, waxaana ka muuqday jacayl iyo farxad labada dhinac ah. Fiidkii, Adna iyo Cimraan waxay qorsheeyeen inay banaanka u baxaan, balse Warda ayaa ku biirtay. Warda oo muddo sugaysay inay Cimraan aragto waxay si weyn ula dhacday quruxdiisa, iyadoo isku dayaysa inay dareenkeeda qariso. Saddexdooduba waxay wada qaateen waqti wanaagsan oo kaftan iyo sheeko ah, halka Adna ay Warda kula talisay inay iyaduna hesho qof ay nolosha la wadaagto. Habeenkaas, dareenka qarsoon ee Warda uu u qabo Cimraan ayaa sii xoogaystay. Inkastoo ay hadalladeeda si dadban u dhigaysay oo aysan si cad u muujin waxa qalbigeeda ka socda, indhaheeda iyo hab-dhaqankeeda ayaa muujinayay inay Cimraan si gaar ah ula dhacsan tahay. Markii ay kala tageen, Warda waxay gurigeeda ugu laabatay iyadoo weli ka fikiraysa Cimraan, taasoo ka dhigan in sheekadu yeelan karto isbeddel lama filaan ah qaybaha soo socda. Qeybtaan oo dhamaystiran waxaad ka aqrisan kartaa https://www.uukow.com/2026/08/09/sheekadii-lama-filaan-qeybta-8aad/ ama lasoo dag Appka Uukow Media oo halkaas kaa caawinayso in ai kula falgalo oo uu kusoo koobo ama kusii faahfaahiyo halkaan kala dag si aad aqrisato dhammaan Qormooyinka iyo sheekooyinkii hore https://play.google.com/store/apps/details?id=com.uukowtech.uukowmedia

  • 9 авг.1 13493

    Qofka ugu adag ee aad nolosha ku baran doonto ma aha qof kale. Waa naftaada. Carruurnimada waxaa laguu sheegay cidda aad tahay. Waxaa laguu sheegay waxa saxan iyo waxa khaldan. Muddo dheer waxaad rumaysataa sheekooyin ay dad kale kaa qoreen. Laakiin waxaa timaadda maalin aamusnaan leh oo aad ogaato in su'aasha ugu weyn aysan ahayn waxa ay dadka kaa filayaan. Waa waxa aad adigu naftaada ka filayso. Falsafadda Existentialism waxay ku dooddaa in qofku uu masuul ka yahay doorashooyinkiisa, isla markaana uu noloshiisa ku dhiso ficilladiisa. Islaamkuna wuxuu qirayaa in bani'aadamku leeyahay ikhtiyaar, laakiin wuxuu xusuusinayaa in xorriyaddaas ay la socoto hanuunka Eebbe iyo isla xisaabtan. Sidaas awgeed, xorriyaddu ma aha mid ka madax bannaan Alle, ee waa nimco lagu imtixaamayo qofka. Waxyaabo badan ayaa laga yaabaa inaad lumiso inta aad jidka ku jirto. Shaqo, fursad, ama xitaa dad aad jeclayd. Laakiin waxa ugu khatarta badan ee qofku waayi karo waa naftiisa isaga oo aan dareemin. Noloshu mararka qaar ma weydiiso waxaad haysato. Waxay ku weydiisaa qofka aad noqotay. Waxaa laga yaabaa in guusha ugu weyn aysan ahayn inaad gaadho meel sare, balse ay tahay inaad maalin uun istaagto adigoo ku qanacsan qofka muraayadda kaa soo eegaya.

  • 8 авг.1 06611

    Maxaa dhacaya haddii qof uu leeyahay qalbi xasaasi ah iyo maskax bisil? Maskaxda bisil waa maskax si deggan wax u qiimeysa. Waxay eegtaa waxa faa’iido leh iyo waxa dhib keeni kara, waxayna dadka iyo xaaladaha ku qiimeysaa xaqiiqadooda, ee ma aha sida ay dusha uga muuqdaan. Qofka maskaxda bisil leh wuxuu mararka qaar arki karaa in saaxiib uu dano qarsoon leeyahay, ama in qofka muujinaya jacayl uu leeyahay ujeeddo kale oo qarsoon. Wuxuu kaloo fahamsan yahay in noloshu tahay wax ku meel gaar ah oo aan weligeed sii jirayn. Laakiin qalbiga xasaasiga ah waa qalbi si fudud wax u dareema. Wuxuu si weyn uga falceliyaa hadalka dadka, wuxuuna si fudud uga murugoodaa eray yar ama dhacdo yar. Sida maqaarka jilicsan uu si fudud u dareemo kulaylka, qalbiga xasaasiga ahna si fudud ayuu u dareemaa xanuunka iyo murugada. Marka labadaas—maskax bisil iyo qalbi xasaasi ah—ay ku kulmaan hal qof, waxaa dhacaya xaalad adag. Qofku maskaxdiisa ayuu ku ogaanayaa in qof uu yahay beenaale ama khiyaanoole, laakiin qalbigiisa ayaa u damqaya qofkaas. Wuxuu ogyahay inuu qofkaasi khaldan yahay, haddana wuxuu isku dayayaa inuu cudurdaar u raadiyo oo uu u naxariisto. Waxay noqoneysaa sidii maskaxdu inay tahay garsoore caddaalad ah, halka qalbiguna yahay qareen mar walba isku dayaya inuu qofka difaaco. Qofkuna wuxuu dhexda kaga jiraa dagaal u dhexeeya labadooda. Qofka maskaxda oo keliya ku nool wuxuu noqon karaa qof qallafsan oo aan si fudud u dhaawacmin. Qofka qalbigiisa oo keliya ku noolna wuxuu noqon karaa qof si fudud loo khiyaaneeyo, sababtoo ah xaqiiqada si qoto dheer uma eego. Laakiin qofka leh maskax bisil iyo qalbi xasaasi ah labadaba, wuxuu arkaa xaqiiqada oo dhan, taasina mararka qaar waxay u keentaa xanuun badan. Wuxuu dadka u naxariistaa qalbigiisa, laakiin maskaxdiisa wuxuu ku ogyahay daciifnimadooda iyo khaladaadkooda. Wuxuu dadka ka Ga baqaa maskaxdiisa, laakiin qalbigiisa ayuu weli u xiisaa oo u danaynayaa. Wuxuu ogyahay in qof uu dhaawici karo, haddana qalbigiisu wuxuu rabaa inuu u naxariisto. Sidaas darteed, qofka noocan ah wuxuu u baahan yahay inuu maskaxdiisa uga dhigo difaac qalbigiisa. Waa inuu isticmaalaa bisaylkiisa iyo fahamkiisa si uu uga ilaaliyo qalbigiisa xasaasiga ah dhaawaca nolosha. Ugu dambayn, qoraalku wuxuu leeyahay: qofka ugu wanaagsan waa kan maskaxdiisu naxariis leedahay, qalbigiisuna xigmad leeyahay. Waa inuu barto inuu isku dheellitiro labadooda. Dhibaatadu waxay tahay in dad badan ay yihiin laba nooc midkood: qaar qalbigooda ayaa hoggaamiya oo si fudud wax u rumaysta, halka qaar kalena ay yihiin dad maskaxdoodu hoggaamiso oo aan dareenkooda muujin. Laakiin qofka dheelitirka saxda ah ee qalbi jilicsan iyo maskax bisil wuxuu noqonayaa qof naxariis badan, laakiin aan si fudud loo khiyaanayn; qof wax dareema, laakiin xaqiiqada si cad u arka.

  • 8 авг.1 1615

    Sheekadii Lama Filaan Qeybta 7 Qeybtan 7aad ee “Sheekadii Lama Filaan” waxay ku bilaabanaysaa Axlaam oo weli ka fikiraysa maqnaanshaha Cimraan, balse Muuse ayaa ugu yimid war lama filaan ah oo ah in hadiyaddii Cimraan loo sheegay ay timid. Muuse ayaa Axlaam kaxeeyay, isagoo ku yiri inay is diyaariso, iyada oo aan ogeyn in loo diyaariyay kulan gaar ah oo ay kula kulmeyso Cimraan. Markii ay goobtii gaareen, Axlaam waxay si lama filaan ah indhaheeda ugu qabatay Cimraan, kadib muddo dheer oo ay kala maqnaayeen. Farxad, oohin iyo xusuus badan ayaa isku dhex milmay, labadooduna waxay muujiyeen sida ay isu xiiseen iyo sida kulankoodu u ahaa mid ay muddo sugayeen. Dhanka kale, Warda oo iyaduna ka warwarsanayd xaaladda Cimraan ayaa Axlaam wacday, balse markii ay ogaatay inuu Cimraan yimid, waxaa ku dhacay naxdin, farxad iyo masayr isku dhex jira. Cimraan iyo Axlaam waxay sii wadaagaan waqti farxad leh, iyagoo ka sheekaysanaya jacaylkooda iyo waqtigii ay kala maqnaayeen. Cimraan wuxuu soo jeediyay inay dalxiis wada aadaan, balse Axlaam waxay sheegtay in aabaheed uusan oggolaan doonin. Taas ayaa keentay in Cimraan soo hadal qaado guur, isagoo sheegay in haddii uu guursado uu masuul ka noqon karo. Axlaamna way ka farxisay fikraddaas, waxayna ugu dambayn gurigeeda ku noqotay iyadoo farxad aan la qiyaasi karin qabta. Qeybtaan oo dhamaystiran waxaad ka aqrisan kartaa. https://www.uukow.com/2026/08/08/sheekadii-lama-filaan-qeybta-7aad/ ama lasoo dag Appka Uukow Media oo halkaas kaa caawinayso in ai kula falgalo oo uu kusoo koobo ama kusii faahfaahiyo halkaan kala dag si aad aqrisato dhammaan Qormooyinka iyo sheekooyinkii hore https://play.google.com/store/apps/details?id=com.uukowtech.uukowmedia

  • 8 авг.1 1193

    9 Qodob Oo Ay Ahayd Inaan Mar Hore Barano Bulshada dhexdeeda, hab-dhaqanka wanaagsan iyo edebtu waxay door weyn ka ciyaaraan sida dadka loo fahmo, loo ixtiraamo, loona qiimeeyo. Qormadani waxay ka hadlaysaa dhaqammo fudud oo qof walba uu ku muujin karo qadarin iyo ilbaxnimo, sida in si edeb leh wax loo codsado, qofka lala hadlayo si dhab ah loo dhagaysto, aan la dhexgelin laba qof oo wada hadlaya, iyo in la tixgeliyo waqtiga iyo dareenka dadka kale. Sidoo kale, waxaa muhiim ah in qofku fahmo xaaladda dadka uu la macaamilayo. In aan dadka lagu dhibin buuq, in fariin la diro ka hor inta aan qof la wicin, in la fahmo wajiga iyo dareenka qofka, in loo cudurdaarto dadka marka ay wax ka dib dhacaan, iyo in aan laga caroon marka codsi la diido waa dhammaan astaamo muujinaya bisayl, dulqaad iyo xushmad. Mararka qaar waxa qofka kale u baahan yahay ma aha talo ama jawaab, balse waa in si dhab ah loo dhagaysto. Haddaba, edebtu ma aha oo keliya erayo wanaagsan, balse waa habka aan ula dhaqanno dadka marka aan guriga ka baxno oo aan bulshada dhex galno. Qofka dadka tixgeliya, dhagaysta, fahma xaaladdooda, kana fogaada waxyaabaha dhibaya wuxuu dhistaa xiriir wanaagsan iyo sumcad la ixtiraamo. Si aad u akhrisato qormada oo intaan ka faahfaahsan, halkaan hoose ka akhriso. https://www.uukow.com/2026/08/08/9-qodob-oo-ay-ahayd-inaan-mar-hore-barano/ ama lasoo dag Appka Uukow Media oo halkaas kaa caawinayso in ai kula falgalo oo uu kusoo koobo ama kusii faahfaahiyo halkaan kala dag si aad aqrisato dhammaan Qormooyinka iyo sheekooyinkii hore https://play.google.com/store/apps/details?id=com.uukowtech.uukowmedia

  • 8 авг.1 09943

    Aqoonta iyo inanta Cilmigu waa hadiyadda ugu weyn ee Eebbe ku karaameeyey bani'aadamka. Qur'aanku wuxuu ku bilaabmay amarka "اقرأ" (Akhri), taasoo muujinaysa in jidka lagu gaadho horumarka adduun iyo kan aakhiro uu ka bilaabmo aqoonta. Islaamku cilmiga uma arko oo keliya aalad lagu helo nolol-maalmeedka, balse wuxuu u arkaa iftiin lagu garto Alle, lagu saxo caqiidada, lagu toosiyo akhlaaqda, laguna dhiso bulsho caddaalad iyo wanaag ku taagan. Eebbe wuxuu yiri: قُلْ هَلْ يَسْتَوِي الَّذِينَ يَعْلَمُونَ وَالَّذِينَ لَا يَعْلَمُون " Ku Dheh; Ma siman yihiin kuwa wax yaqaan iyo kuwa aan wax aqoon?" (Az-Zumar: 9).» Sidoo kale, Nebi Muxammad ﷺ wuxuu yiri: ««طلب العلم فريضة على كل مسلم» "Raadinta cilmigu waa waajib saaran Muslim kasta."» waajibka aqoontu kuma koobna hal jinsi oo keliya, balse wuxuu khuseeyaa haweenka iyo ragga si isku mid ah, iyadoo qof walba laga doonayo inuu barto cilmiga uu ku gudan karo waajibaadkiisa diineed iyo kan nololeed. Sidaas awgeed, cilmigu waa saldhigga horumarka qofka, qoyska iyo ummadda oo dhan. Haddaba waxyaabaha mudnaanta gaarka in la siiya u mudan waxaa ka mid ah waxbarashada gabdhaha, waayo gabadhu waa tiirka bulshada si guud ahan iyo si gaar qoyska. Faham darada in heshay waxaa ka mid ah marka laga hadla mowduuca waxbarashada gabdhaha in dadku u qaataan in ay tahay aragti laga soo waariday meelo kale, waana arin gaf ku ah diinta suuban ee islaamka. Diinta islaamka waxay si toos u xoojinaysa waxbarashada Gabdhaha iyo inay aqoon gundheer u yeeshaan diintooda iyo waxyaabaha muhiimka u ah aduunyadooda.Tira ma leh inta habblood ee muslimka ah ee aqoonta baaca dheer ka gaaray. Waxbarashada gabdha waxa ay ka faa'iidobadan tahay tan wiilka. waayo, gabadhu marka ay wax barato, faa'iidadu kuma eka iyada oo keliya. Waxay gaartaa qoyskeeda, carruurteeda iyo bulshada inteeda kale. Hooyo aqoon leh oo si wanaagsan u fahamsan diinteeda, waxay carruurteeda ku barbaarisaa akhlaaq wanaagsan, waxayna noqotaa tiirka ugu adag ee qoyska iyo guud ahaan bulshada. Waxaa sabab la'aan noqonaysa in la dhiso jaamacaddo iyo iskuullo haddiiba qofkii jiilka ugu horreeyn soo tarbiyayn lahaa laga reebo Waxbarashada. Ilmuhu dugsiga ka hor wuxuu sannado badan la qaataa hooyadii. Sidaas darteed, gurigu waa dugsiga ugu horreeya, hooyaduna waa macallimaddii ugu horraysay ee ababisa aadanaha oo dhan. Kaalinta gabadha iyo inay tahay laf-dhabarta bulshada waxaa si qurux badan u muujiyey gabayaagii weynaa ee reer masar Axmed Shawqi waxa uuna yiri: الأمُّ مدرسةٌ إذا أعددتَها ** أعددتَ شعبًا طيبَ الأعراقِ "Hooyadu waa dugsi; haddii aad si wanaagsan u diyaariso, waxaad diyaarisay shacab leh dun wanaagsan.”

  • 7 авг.1 1326

    Shared from Uukow Media

  • 7 авг.1 1808

    Itoobiya ayaa sannadkan horraantiisa si rasmiya u bilowday dhismaha garoon cusub oo caalamiya oo la yidhaa Bishoftu InternationalAirport, kaas oo la qorsheeyay inuu noqdo garoonka ugu weyn guud ahaan Afrika iyo mid ka mida kuwa ugu waaweyn adduunka. Mashruucan oo ay hormuud ka tahay Ethiopian Airlines ayaa ku kacaya qiimo lacageed oo dhan 12.5 bilyan oo dollar, waxaana laga dhisayaa dhul gaadhaya qiyaastii 35 km², wuxuuna masaafo ahaan u jiraa caasimadda Addis Ababa qiyaastii 40–45 km. Marka si buuxda loo dhammeeyo, garoonkani wuxuu awood u yeelan doonaa inuu qaado ilaa 110 milyan oo rakaab ah sannadkii, halka wejiga koowaad oo kaliyi uu qaadi doono 60 milyan oo rakaab ah. Waxa uu yeelan doonaa afar dhabbo (4 runway) oo ay diyaaraduhu ka kacaan kana soo degaan, meelo ay hal mar istaagi karaan ilaa 270 diyaaradood, iyo terminaallo aad u waaweyn oo ka badan 1.1 milyan m². Sidoo kale, waxaa loo qorsheeyay inuu qaado ilaa 3.7 milyan oo tan oo xamuul ah sannadkii, waxaana la filayaa ilaa 50-70 kun oo shaqaale ahi inay si toos ah uga hawl-geli doonaan marka mashruucani dhammaado. Garoonkan ayaa Itoobiya ka dhigi doona xarunta ugu weyn ee duulimaadyada Afrika, waxaana la rejaynayaa inuu kaalin weyn ka qaadan doono kobaca dhaqaale, ganacsiga iyo dalxiis ee Afrika, isagoo isku xidhi doona qaaradda iyo dunida inteeda kale. Sultan Sitiin

  • 7 авг.1 1542

    без подписи