tgindex
Qalbiyada la daayacay.💔😢

Qalbiyada la daayacay.💔😢

Статистика

Chenalkani waa mid public ah oo aanu ugu talo galnay dadka qalbiyadoodu jabeen bal in un inay dhaymo ka helaan.

Последний пост
13 дек.
Последнее чтение
15 авг.
Постов за неделю
0
Всего постов
20
Тип
открытый
Язык
so
В каталоге с
15 авг.
Подписчики
1 279
мало замеров
Замеров пока мало
Сутки
0
0,00%
Неделя
 
Месяц
 
Просмотров на пост
4 261
20 постов
Вовлечённость
333,2%
к подписчикам
Постов в день
0,0
всего 20
Упоминаний
0
каналов
Охват размещения
оценка
1/24сутки в ленте
1/48двое суток
1/72трое суток

Оценка по просмотрам недавних постов: пост набирает почти всё за первые сутки.

Посты

  • Yaa yidhi jacaylka laawa ilaawaa, 4-sanno baa kasoo wareegatay Kala hadhkeenii se hal habeen ma seexan anoon Kaa fikirayn, waan daalay. cidlaan kaligay dhex taagnay, waan awood yareeyay. riyo aan dhamaanayn, rajo aan dhaboobayn. Waxaad ahayd qofkii ugu horeeyay ugunna danbeeyay ee aan si dhaba u jeclaado, inaan ku waayay wax walba oo dunidda saaran way iga fogeeyeen, xidhiidh danbe waan Ka dhaartay. Miyaysan ugu filayn inaan 4-sanno aanan hal gabadh xidhiidh la samayn, adigoo waliba xidhiidhkeenii dhameeyay ayaan Ka xishoodaa inaan dabadaa qof jeclaado. Qalbigii Adiga ku jeclaaday maysagaa qof kale usoo jeesanayaba. Wax walba oon sameeyaa waan Ku ilaawi waayay. Ma awooddo Hadaan karayo sow noloshan kama baxeen. Wax walboo igu dhacay adigaa u sabab ah, dacwo kama ihi oo ilaahay baa ii qoray inaan dhibkan maro, manna awooddo inaan intaas Ku sio jiro. Waan daalay. Waan ogahay inaadan waxba Ka ogayn xaaladayda ma jecli inaan xanuunkayga Cid tuso. Afar-taas sanno habeen aanan ku fekerinin inaan kugu ooyo ma jirto. Se jacaylka aan kuu qabo xataa inaan Kaa oohisiiyo wuu ii quudhi waayaa. Kumanaan goor ayay dhahaan waala ilaawaa, noloshu iyadaa iska soconaysa, Aniga se taydu maba socoto oo wali halkii aad igagatagtay bay taagantahay. "Qayrkaa kama waayin qaaradahee Adaa qarqarada wadnaha qabsadoo Qalbiga magacaagii baan Ku qoree."

  • 30 окт.1 60043

    Naftii aan noolaha oo idil ka doortayeey, in kasta oo waayaha iyo wakhtigu ina kala fogeeyay waxaad ahayd qofkii ugu horeeyay ee aan si dhaba u jeclaaday. Waxaan maqli jiray ninku jacaylkiisa ugu horeeya ee daacadda ah waligii ma ilaawo, been baan moodi jiray se waan xaqiiqsadaa markaan dib isu eego. Dadku Kala dabeecad wanaagsanee waxaad ahayd noole eebbe dadnimo iyo dabeecad isugu daray. Ma ogtahay inaan heestan adiga uun kaa dhex arko, hees kaliya xagayga kama aha ee waa mid kamidda hadyaddaha aad iiga tagtay. Colaad kuuma qaadi karo. Waa qadar oo inay wax walibba dhamaadaan eebbe ayaa qoray, khaladna waa dhacaa oo iinsaan baynu unahay, xidhiidhna waa burburaa ma jeclayn inaynu Kala dheeraanno se danbaa sidaa tidhi. Waligay kuma fikirin subax baad soo kici doontaa aadan fariinteeddii quruxda badnayd aysan kuusoo dirin. Ma ilaawo oo wanaagaagii wax la ilaawi karo maaha, waan uxiisay daryeelkaagii oo nin raga ood daryeeshay way adagtahay inuu Ka ahaaddo, waan u boholyoobay oo codkaagii nabaradda dawayn jiray, xanuuno baddan buu dabadaa la darisay dhakhtaraddu dawayn kari la'yihiin. "Ogsoonoow ciiltiraay Qalbigii kuu ciidmaybaa Amaan kuu curinayoo Carabku goor iyo ayaan  Xusbuu kuu cimaamadaa." İn kastoo ay raganimadda Ka mid tahay inaad qofkaad jeclayd wanaag lala jeclaado, carabku goor iyo ayaan wanaagaaga ayuu tiriyaa, kama daalo inaan dadka u sharaxo shaqsiyadaadii qiimaha badnayd. Waaba dhacaa oo khalad waa jiraye naftii sidda daacadda ahayd kuu jeclayd way kuu quudhi wayday inay xumaan Kaa tirsato. İlaahay ayaa qadaray se waan jeclaan lahaa inaynu noqonno sidii aynu ahayn..... Ogowsoonow oo naftii sidda bilaa shuruudda ah kuu jeclayd wali may goyn jacaylkaagii, weli may tirin abaal kaagii weli may Ka xiiso dhicin codkaagii debecsanaa, ogoow oo naftii dartaa dumar oo dhan uga go'day quruxdaaddii may ilaawin. Ogoow oo haddii kumanaan goor xumaan lagaaga sheego naftii Ku jeclayd wanaagaagii Laga tirtiri waa. Calool samidaad ogayd  Cadhaan sal fudaydinayn Cid baan igu Kaa dirayn Hadduu soo dumo cirkuna Wallee cisigaad mudnayd Annaan kugu caasiyayn...

  • "Sidaan kuugu nugulahay Dhibta kuula necebahay İiguma naxayside. Anoo adi ku naawilay Oo noole kuu jecel Niyad sami ha joogtee Nasteexaad Ka dhigataa Nabar ani igaadhee"😰

  • "Nalka daara noloshiyo Ilays dunina nuurshoo Doojin jiray naftaydoo Dugsoon ii ahaydeey Inkastoon ku doortoon Nafta aad daryeeshoo Dadka kaa jeclaadoon Dumar geenyadood tahay In kastood ahayd dayr Nacabkayga didin jiray Inkastood ahayd dabar Ku xidhnaa dantaydood Iidadaalay Waa badan. Dantu seeto weeyaan Lamana diidi karayoo Xaqa lagama doodoo Haddaad goysay dabarkii Waan dulqaadan karayaa. Dubaaqaygu adiguu Daganeey ku tabay oo Kuma dayn karaayee Haddaad durugtay caawaba Nabsi kulama doonee Samir baan dugsanayaa. Ducaan kuu hibeeyee Dumar ugu saree abid Degan farax ku waaroo Quruxdaadu yay damin. Dadka kaad jeclaatee Dookhaagu raacee Damacaagu kuu galo Mid ku dila ayuu noqon Doqon iyo nin liitaha Eebbe wayne kaa dayr" 🥺💔 Sakariye-akabe.

  • "Jacaylki qabyoobayoow Nasiib qadar baajiyoow Qiimaad ku lahayd agtayda!"

  • Naftii aan noolaha oo idil ka doortayeey, in kasta oo waayaha iyo wakhtigu ina kala fogeeyay waxaad ahayd qofkii ugu horeeyay ee aan si dhaba u jeclaaday. Waxaan maqli jiray ninku jacaylkiisa ugu horeeya ee daacadda ah waligii ma ilaawo, been baan moodi jiray se waan xaqiiqsadaa markaan dib isu eego. Dadku Kala dabeecad wanaagsanee waxaad ahayd noole eebbe dadnimo iyo dabeecad isugu daray. Ma ogtahay inaan heestan adiga uun kaa dhex arko, hees kaliya xagayga kama aha ee waa mid kamidda hadyaddaha aad iiga tagtay. Colaad kuuma qaadi karo. Waa qadar oo inay wax walibba dhamaadaan eebbe ayaa qoray, khaladna waa dhacaa oo iinsaan baynu unahay, xidhiidhna waa burburaa ma jeclayn inaynu Kala dheeraanno se danbaa sidaa tidhi. Waligay kuma fikirin subax baad soo kici doontaa aadan fariinteeddii quruxda badnayd aysan kuusoo dirin. Ma ilaawo oo wanaagaagii wax la ilaawi karo maaha, waan uxiisay daryeelkaagii oo nin raga ood daryeeshay way adagtahay inuu Ka ahaaddo, waan u boholyoobay oo codkaagii nabaradda dawayn jiray, xanuuno baddan buu dabadaa la darisay dhakhtaraddu dawayn kari la'yihiin. "Ogsoonoow ciiltiraay Qalbigii kuu ciidmaybaa Amaan kuu curinayoo Carabku goor iyo ayaan  Xusbuu kuu cimaamadaa."

  • видео или голосовое, без подписи

  • "Waa been hadduu ruux idhaho waan ku dhayayaaye Dhakhtarkaygi baad tahay hadaad dhaayo leedahaye Dhaawacayga aadmiga ka qari way i dhibayaane"💔

  • "Anoo ku caleemo saartay Anoo caashaqa dhankayga Mar qudha calankiisa liicin Anoo ku ciseeya huunno Adaa cidla iga dhaqaaqay. Naftayda addaa ciqaabay Adaa casharadda jacaylka Caqliga iyo baray xiskayga Badeedna cadaab marsiiyay."

  • "Naftan lala jiciirtee Aan joogin dunidaan Kaa joojin waayee. Sidaad tahay jiidhkaygiyo Jeex wadnaha kuyaalaa Laykaa jaxaasee Nacabkay ha ii jabin"💔🥺 -Saynab Cigge.

  • Hanbalyo dhamaantiin, caawa waxaynu gaadhnay Hal Kun oo qof, waan idiin mahadcelinayaa Dhamaantiin saaxiibayaal, guusha aynu caawa gaadhnay idinka ayaa u sabab ah.

  • видео или голосовое, без подписи

  • "Haka shalaynin qof aad jeclaatay oo ku gooyay ee kashalaay qof ku jeclaaday oo aad goysay."💔🥺

  • Maxaa ka qadhaadh hadallada sagootinta ah, Maxaa ka qadhaadh bilowga colaadaha, Maxaa ka qadhaadh geerida ugu timiday kediso ruux aad jeclayd, Maxaa ka qadhaadh hilowga aad u hilowgid qof aanad dib u heli karin, intaas oo dhan waa qadhaadh waxa ayna ka qadhaadh yihiin wax kasta oo qadhaadh. - Sekerie Haldoor

  • Waan ku tabay oo waan kui xiisay dushayda waad ka aragtaa isbaddalka nololeed ee la'aantaa aan la darsay. "Haddaan idhi bidhaantaada Uma xiisin waa beene Ma anaa qof booskaaga Heli karaya ii buuxsha? Ma anaan u boholyoobin Kulankiyo bilkheyrtaada? Waxa igu bannaanaatay Halkii aad ku beegnayde Sida eeg bal muuqayga U bedelay iswaageenu Kaalay arag buseelkaagu Siduu iiga dhigay beylah. Illintaydu baaq weeye Bog ku jeceli hayn waayay, I dareen bal ii fiirso Oo billaahi way guule Ii fur buugga naxariista! "_Aamiin Samaddoon Fu'aad Xaruur

  • "II FUR BUUGGA NAXARIISTA" Waan kuu xiisay. Xiiso ka xeel fog inta aan afka ka leeyahay. Kala dheeraanteennu waxa ay igu abuurtay dhibaato aanan ka soo kabsan karin illaa aad iga kabto mooyaan e. Maalmihii quruxda badnaa miyaanay dabar kuu noqonayn in aad dhinacahayga u soo jalleecdo? Miyaynnu xabaalnaa xidhiidhkii aynnu ku tacab iyo tiirba beelnay ee sannadaha soo taxna? Rejadii aan ka lahaa la jooggaaga iyo la jirkaagaba ma dhado meel ku da'ayda ayaan ka soo qadaa? Naf qaybsigii aan shuruudda lahayn, riyo aan ka toosay miyaan ku xisaabiyaa? Farxaddeenniina miyaan u arkaa waddo aan u soo marayay xanuunka murugtan? Waa su'aalo aanan rabin dhammaantood in aad kaga jawaabto HAA balse u baahan ereyga MAYA. Waan dareemayaa muddada aynnu kala maqnayn in ay badan tahay balse anigu waan yeelan waayay awoodda maaranka. Waa run oo waan maarmi kari wayaay! Dhammaan xusuusaha aad agtayda kaga tagtay midhmidh ayay iigu leeyihiin micno khaas ah. Xusuustu waxa ay ii furtaa dareen anaan ka soo gayoon karin. Daqiiqad walba oo aan u baahdo in aan nolol cusub abuurto waa dabarka i xidha ee aanan ka tallaabsan karin anigu. Haa ma jirto cid aan dunida ka fahmayo oo aan adiga ahayn. Kumannaan qof oo kale ayaa si fudud ugu soo biiray noloshayda, dhammaanse waxa aan saaray halbeegga qofeed ee aad ii dhiibtay adigu. Dabeecadaadii, farxaddaadii iyo dhaqankaagii intaba waan ka raadiyaa, xataa xanaqaagii. Hal sifo oo aad lahayd marka aan ka waayo gabi ahaanba boos iima buuxin karo oo noloshayda daqiiqad kuma sii raago. Aniga ayaan rabinba cid aan adiga ahayn. Sida caadiga dadku way is wayaan, wayna isaseegaan, laakiin kala tageennu wuu ka duwan yahay is waaga dadka kale sababta oo ah jacaylkeennu wuu ka duwanaya ka dadka kale. Adiga ayaa markhaati ka ah noloshii aynnu soo wada qaadanay iyo maalmihii quruxda badnaa ee aynnu wadaagnay. Si aad iigu marag furto qiimaha jacaylkeenna inna mari aan dib kuu celiyo oo aynnu tagno habeenkii Khamiista ahaa ee aynnu joognay magaaladii aynnu kusoo barbaarnay labadeenuba. Waxa aan xasuustaa dharkii aan xidhnaa iyo kuwii aad ku lebbisnayd habeenkaa. Shaadh midab caddaan xigeen ah, iyo surwaal bunni ah waxa ii raacayay jaakeed suudh oo madow. Kabaha midabkooga saxda aqoon fiican uma lihi, laakiin hummaagga madow ayay u muuqdeen. Gacantayda bidix waxa ku jirtay saacaddii aad hadiyadda iigu keentay oo uu ka horreeyo fargalkii xarafka magacaaga ugu horreeya ku xardhanaa. Haa si fiican ayaan u xasuustaa. Xasuus aan marnaba iga go'ayn. Daqiiqado kooban ayaan kugu sugayay halkii aynnu ku ballansanayn. Cirka laguma oga midh daruur ah, umase ciil qabine waxa uu ku xinnaystay safaf ceeryaan ah oo dayaxu narba mid u gudbayo. Xidiguhuna waxa aad moodaysay in ay ka badnaayeen sidii hore. Laydh qabow oo aan dhaxan ahayn jawigana saxaysa ayaa la dareemayay. Miyaad ilowday wadigii kasoo baxay albaabkiinna adiga oo lagu moodo xuuralcayn. Dharka gabigiisuba wada madow ayaad ku labisnayd. Quruxda dabiiciga ah marka lagu daro ta dad sameega ah waa ashqaraar dabiciici ah. Wada jir ayaynnu u tagnay bannaanka magaalada. Kalsoonidaada dheddignimo ee aad igu qabay ayaa sabab u ahayd in aynnu jewi qurux badan qaadanno. Saacadihii iga yaraa daqiiqaduhu waxa ay ku dhammaadeen innaga oo gacmaha wada jir isku haysanna. Kaftan iyo sheeko naxariis goosgoos ahna wadaagayna. "Gacaliye saw weligeen sidaa uma faraxsanaan doonno?" Waaa su'aashii aad i waydiisay ee aan sida kafiirsasho la'aanta ah aan ugaga jawaabay HAA waynnu wada faraxsanaan doonnaa. Laakiin way beenowday ee oo farxad badan innagamay dambayn habeenkaa. Malaha intii innoo dhinnayd habeenkaa ayaynnu laacnay oo aynnu laasannay. May wali rejo weyn ayaan ka qabaa in aynnu markale wax badan wadaagi doonno. Intaasi miyaanay kuugu filnayn si aan u midowno markale? Haa, oo keliya ayaa innaga xigta in aynnu hore u sii dhaqaaqno, oo jacaylka xididkiisa oo qudhi nolol yar haysto aynnu dib u abqaalno, kaddibna aynnu ka dhigno geed midho dhala. Fadlan ila dareen oo si deeqsinimo leh ii qabso gacanta. Buslaylkan iyo xiisahan aan kuu qabo.

  • "Walow Axdigii dhamaaday Walow Dhowr sanno lajoogo Kolkaad wacadkii dhantaashay Dharaar qudha Kuma hilmaamin. Dhibaatadda aan la noolay Xusuuso I dhallan rogaaya Aduunyo Dhir baaxadeedda Qof Dhaawici uusan qaadin Ayay ku dhamaatay Ruuxdu."

  • "Nafkuu boholyow day oo Dartaa u busayshay oo Bukaan kuu noqotay baan Adkaysiga aan baraa"😭💔

  • "Rugtii aad u guurtay Haday raasqabow tahay Ka durduuro raaxada Kaa raali baan ahay. Rajadii aan kuu qabay Iyo rubad go'aagii Ruuneey habeen hore Inta layga raray baa Raadkiina iga lumay Raasamaal aduunyiyo Hadaad raacday xiisaha Rixin goys inaad tahay Inan yahay ra'yiga gali Hana soo rogaal celin Rayn rayn ku nooloow"😭

  • “Ma tihid mid iga fog, si’aan kuu arko. Mana tihid mid ii dhaw, si’aan kuula kulmo. Mana tihid qofkaygii si’aan u xasilo. Mana tihid mid la iga xaraantimeeyay, si’aan kuu ilaawo. Adigu wax kasta waxa aad kaga jirtaa badhtamaha.” -Mahmoud Darwiish💔

Qalbiyada la daayacay.💔😢 — tgindex