tgindex
Cabdullahi M. Faradar

Cabdullahi M. Faradar

Статистика

Halkan waxaad ka heli doontaa macluumaad ku xiisa galiyo sida sheekooyinka, qormooyin iyo soo koobida buugaagta aan akhriyo.

Последний пост
10 апр. 2025 г.
Последнее чтение
15 авг.
Постов за неделю
0
Всего постов
20
Тип
открытый
Язык
so
Категория
Книги (по похожим)
В каталоге с
15 авг.
Подписчики
719
0 за 1 дн.
Сутки
0
0,00%
Неделя
 
Месяц
 
Просмотров на пост
656
20 постов
Вовлечённость
91,2%
к подписчикам
Постов в день
0,0
всего 20
Упоминаний
0
каналов
Охват размещения
оценка
1/24сутки в ленте
1/48двое суток
1/72трое суток

Оценка по просмотрам недавних постов: пост набирает почти всё за первые сутки.

Посты

  • Galabka Jimcaha waxaa inoo bilaabanaya micneenta kitaabka Xisnul Muslim oo ah kitaab ugu yaraan qof walba oo naga mid ah uu guriga u yaalo ama teelkiisa uu ku sito. Kitaabka oo micnihiisu yahay "Dhufayska ruuxa muslimka ah" waxaa lagusoo aruuriyay adkaarihi iyo ducooyinki uu nabiga ﷺ akhrisan jiray. Cashirada link'yada hoose ee Telegram iyo WhatsApp ayaan soo dhigi doonaa haddii Allaha awooda badan uu raali ka noqdo. F.G: Telegram'ka sidoo kale waxaa ku jira cashirada kitaabki horay noogu dhamaaday ee Arbaciin Nawawi. Telegram Channel: https://t.me/BarashadaDiinta2 WhatsAppGroup:https://chat.whatsapp.com/G5zMPNg8GSaCFngwCsY5To

  • Dhamaantiin waxaan idiin kugu hambalyeenaa dhalashada bisha barakeesan ee Ramadaan. Waa nimco wayn in uu Illaahay Subxaanahu Watacaalaa caafimaad nagusoo gaarsiiyay. Bishaan u qaado in ay tahay tii ugu danbeesay ee aad soonto oo ha'isku arkin in aad wali waqti heesato. Waayo in badan oo naga mid ah oo sanadki hore nala soomay hadda way naga hooseeyaan. Dhamaanteen acmaasha wanaagsan ee uu Rabigeen Cazza Wajalla raaliga ka yahay hana waafajiyo, hana nagu daro kumanaanka uu habeen walba cadaabka ka xoreeyo. تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال وغفر الله لنا ولكم ولجميع المسلمين والمسلمات الأحياء منهم والأموات.

  • Waxaa jira hal wax oo ay ogyihiin kuweena qabriyada ku jira balse aysan sameen karin. Isla waxaas innaga waan sameen karnaa balse xaqiiqadiisa ma'ogin. Kuweena qabriyada ku jiray waxa ay garanayaan qiimaha ay leedahay hal salaad oo la tukado ama hal SubxanaAllah oo la dhaho balse ma'awoodaan in ay sameeyaan. Innaga waan awoodnaa in aan ku salaadood tukano ama adkaar badan akhrisano balse si dhab ah uma ma'ogin qiimaha ay leeyihiin, waana sababta aan waqtigeena ugu badan ugu bixino adeegsiga Baraha Bulshada (Social Media).

  • Masaajid aan inta badan habeenka jimcaha soo galayso ku tugado salaadda Cishe ayaa waxaa tacliiq kooban ka jeediyo wadaad tabliiq ah. Waxa uuna kaga hadlaa fadliga laga helo badinta saliga nabiga ﷺ habeenka jimcaha iyo maalinteedaba. Jameecada intaas ugama tago ee isla markaas ayuu dhahaa bal horta aan hadda 10 jeer ku wada salino. Markaas ayaa Jameecada oo dhan kan ugu yar iyo kan ugu waynba ay ku wada saliyaan. Waa arin aad u wanaagsan waayo dadka iyagoo og fadligaas wayn ayay haddana sameenin. Qof kasta oo qoraalkan akhriyay sidaas si lamid ah ayaan usoo jeedinayaa, yacnii in ugu yaraan uu 10 jeer suubanaha ﷺ ku saliyo. Dhamaanteen waan ugsoonahay in qofkii hal mar oo kaliya Rasuulka ﷺ ku saliyo uu isagana 10 jeer Alle ku salinayo yacnii u naxariisanayo.

  • Waxa ugu muhiimsan ee aan noloshan uga baahannahay waa in waqtigeena iyo cimrigeenaba ay inoo barakoobaan, si aan guulo badan u gaarno. Waxaan u baahannahay in aan ka adkaano cadowga ugu wayn nolosha oo ah Shaydaan. Waxaan u baahanahay in aan ka bad baadno dhagarta iyo shirqoolada ay inoo maleegayaan kuwa cadowgooda inoo arko (Isha & Sixirka). Intaas iyo ka badanba waxaan ka heli karnaa inagoo joogteena akhrinta Suuratu Baqara, sida uu inoo sheegay Nabigeena Muxamed ﷺ. Mid kamid ah dadka ugu taajirsan dalka Urdun ayaa la waydiiyay sirta ka daneesa guushiisa waxa uuna ku jawaabay waa akhrinta Suuratu Baqara. 𝐒𝐢𝐝𝐚 𝐮𝐠𝐮 𝐟𝐮𝐝𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐚𝐚𝐝 𝐮 𝐚𝐤𝐡𝐫𝐢𝐧 𝐤𝐚𝐫𝐭𝐨? Suuratu Baqara kaligeed ayaa ka kooban ku dhawaad labo jus iyo bar marka si kale loo dhigana waa shan xisib. Salaad walba markii aad tukato ayaad hal xisib akhrin kartaa, halka xisibka ugu danbeeyana uu yahay xisib labo bog dhiman. Nidaamkan aniga ayaa tijaabiyay in mudo ahna uu dhaqan gal ii yahay. Laga yaabee in maalamaha hore ay kugu adkaato balse ugu danbeen waad dhaqan galin kartaa haddii ay kaa go'antahay. Kaliya salaad walba markii aad tukato kitaabka soo qabso kadibna akhri hal xisib, haddii aad gaari saaran tahay ama wada aad socoto xitaa waad akhrin kartaa hadaad xifdisan tahay ama musxafka taleefanka kugu jiro ayaaba ka akhrisan kartaa. Faa'iidada akhrinta suuradan wayn kaliya waxaa garan kara qofkii akhrinteeda joogteeya.

  • Umunaa Caa'isha Allaha ka raali noqdee ayaa tiri Rasuulka ﷺ ayaa maalin iisoo galay iyadoo ay ila joogto haweenay, markaas ayuu yiri waa tuma? Anigana waxaan ku iri waa heblaayo oo habeenki aan seexan, salaad uun ayay tukataa. Markaas ayaa Rasuulka ﷺ yiri "Acmaasha inta aad awoodaan isku kalifa, Alle ayaan ku dhaartee in uusan Illaahay daaleen, illaa aad adinka ka daashaan" . (عَلَيْكُمْ مِنْ الْعَمَلِ مَا تُطِيقُونَ فَوَاللَّهِ لَا يَمَلُّ اللَّهُ حَتَّى تَمَلُّوا) Yacnii Illaahay Subxaanahu Watacaalaa joojin maayo in acmaasha aad qabanaysaan uu idinka abaal mariyo, illaa aad adinka joojisaan. Acamaal la qabto waxa uu Alle ugu jecel yahay tan la joogteeyo haba yaraatee. "وإنَّ أحبَّ العملِ إلى اللَّهِ أدومُهُ وإن قلَّ"

  • Jacaylki uu nabi Yuusuf aabihiis u qabay waxa uu sabab ugu noqday in walaalihiis ay ceel ku tuuraan. Ceelki lagu tuuray nabi Yuusuf waxa uu sabab ugu noqday in uu tago guri boqortooyo. Gurigi boqortooyo ee uu tagay waxa uu sabab ugu noqday in uu xabsi galo. Xabsigi uu nabi Yuusuf galay waxa uu sabab ugu noqday in uu noqdo Wasiirki Dhaqaalaha iyo Maaliyadda u qaabilsanaa boqorkii Masar. Haddii aad arinkan si fiican ugu fiirsato waxaad arkeesaa in wax walba oo wanaagsan sida Jacaylka waalidka iyo ku noolaashaada guri boqortooyo ay nabi Yuusuf usoo jiideen dhibaato, balse wax walba oo xun sida ceelki lagu tuuray iyo xabsigi la dhigay ay nabi Yuusuf usoo jiideen in uu noqdo nabi Yuusuf. Illaahay Subxaanahu Watacaalaa waxa uu awoodaa in waxa aad khayrka u aragto uu shar kaaga dhigo, halka waxa aad sharta u aragtana uu wanaag kaaga dhigo, sababtoo ah isaga ayaa asbaabta qudheeda maamula. "وعسى ان تكرهوا شيئاً وهو خيرٌ لكم وعسى ان تحبوا شيئاً وهو شرٌ لكم والله يعلم وانتم لاتعلمون"

  • 𝗤𝗮𝗮𝗿 𝗸𝗮𝗺𝗶𝗱 𝗮𝗵 𝗺𝘂𝗰𝗷𝗶𝘀𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗤𝘂𝗿'𝗮𝗻𝗸𝗮. Qur'anka ergayga Malag, waxaa lagu sheegay 88 jeer, halka erayga Shaydaan'na sidoo kale lagu sheegay 88 jeer. Erayga nolol Qur'anka waxaa lagu sheegay 145 jeer, halka dhimashana lagu sheegay 145 jeer. Camalka wanaagsan Qur'anka waxaa lagu sheegay 167 jeer, halka camalka xun'na lagu sheegay 167 jeer. Erayga Mu'min Qur'anka waxaa lagu sheegay 17 jeer, halka erayga Kaafirna lagu sheegay 17 jeer. Erayga bil Qur'anka waxaa lagu sheegay 12 jeer oo ah inta ay biluhu ka kooban yihiin, halka erayga maalinna lagu sheegay 365 jeer, oo ah inta ay maalmuhu ka kooban yihiin. #AllahuAkbar Dadka Qur'anka lafa gura waxa ay kasoo saaraan kumanaan mucjiso ah oo muujinaya in Qur'anka uusan ka imaan karin cid aan Alle ahayn. Alle waxa uu isla Qur'ankiisa ku yiri "Waxaa tiraahdaa (Nabi Muxamadow) haddii ay Jinni iyo Insi isku yimaadaan si ay Qur'ankan oo kale ula yimaadaan lama imaan karaan isaga oo kale". "قل لئن اجتمعت الإنس والجن على أن يأتوا بمثل هذا القرآن لا يأتون بمثله" Waa taxadi ama challenge in kabadan 1,400 oo sano la la'yahay cid ku dhiirato. Cabdullahi Maxamed Faradar

  • Qormadi aan dhawaan uga hadlayay sida uu nabiga ﷺ ku guursaday gabadhi Abuu Sufyaan Ramla (Umu Xabiiba), ayaa waxaan soo qaatay qisada uu ninkeedi hore uga geeriyooday taas oo aan rabo in aan labo meelood uga laabto. Tan koowaad magaca saygeedi hore waxaan ku sheegay Cabdullahi Binu Jaxshi (عبد الله بن جحش), balse sida saxda ah waa Cabaydullahi Binu Jaxshi (عبيد الله بن جحش) qalad dhanka qoraalka ayuu ahaa midkaas. Cabdullahi Binu Jaxshi waxa uu ku shahiiday dagaalki Uxud. Tan labaad waa qisada sheegaysa in uu ridooday Cubaydullahi uu Diinta ka baxay taas oo ku taalo inta badan kutubta siirada iyo kuwa taariikhda balse culimada qaarkood ay diidan yihiin sugnaasha arinkaas, iyagoona ku doodaya in Cubaydullahi uusan Diinta ka bixin. Si guud qisada la xariirto in Cubaydullahi isaga iyo xaaskiisi Umu Xabiiba ay dhulka xabashida u hijroodeen, isagana uu halkaasi ku dhintay waa mid sugan, balse halka ay dooda ka taagan tahay ayaa ah in uu Diinta ka baxay iyo in kale. Aniga ujeedka aan qisadan usoo qaatay maaheen arinka Cubaydullahi iyo in uu Diinta ka baxay iyo in kale waayo haddii aan sidaas uga hadlayo waqti ayaan galin lahaa, balse waxa uu ahaa sida uu Abuu Sufyaan uga fal celiyay markii uu maqlay in uu gabadhiisi guursaday nabi Muxamed ﷺ. Qormadaas dib ayaan ugu laabatay oo waxaa ila xoog badnaatay culimada khilaafsan sida ku qoran kutubta siirada iyo kuwa taariikhda ee ku doodayo in Cubaydullahi Binu Jaxshi uusan Diinta ka bixin, sidaas darteed waxaan iskaga gaabsaday in uu xanuun soo wajahay u geeriyooday. Qofkii aan qisadaas akhrin iyadoo aan wax ka badalay link'gan hoose ayuu ka heli karaa. https://www.facebook.com/share/p/js69Th6fU4uLXu3b/?mibextid=oFDknk

  • Ramla Bintu Abii Sufyaan oo ku magac dheereed Umu Xabiiba waxa ay kamid ahayd asxaabti u hijrootay dhulka Xabashida, iyada iyo saygeedi Cabaydullahi Binu Jaxshi, kaas oo markii danbe xanuun soo wajahay u geeriyooday. Umu Xabiiba markii saygeedi ka dhintay waxaa soo doontay Nabi Muxamed ﷺ isagoona fariin uu iyada ku doonayo u diray boqorkii Xabashida ee muslimiinta soo dhaweeyay Najaashi oo markii dambe qaatay Diinta Islaamka. Arinta xiisaha leh waa in Ramla ama Umu Xabiiba kaad ugu yeertaba uu dhalay "Abuu Sufyaan" oo markaas ah cadowga koowaad ee suubanaha. Waxaa loo sheegay in gabadhiisi uu guur saday nabi Muxamed ﷺ? Isagana waxa uu ku jawaabay oraah ay carabtu adeegsan jirtay oo micnaheedu u dhigmo "Ragga wanaagsan dumarka ma xumeeyaan" (الفحل لا يقدع أنفه). Qofna majiro war uga naxdin badnaan lahaa in uu maqlo gabadhaadi ayaa u gacan gashay ninkii cadowgaada ahaa balse Abuu Sufyaan wuu ku farxay waayo waxa uu ogaa in nabi Muxamed ﷺ uusan xitaa munaafaqiinta hareerihiisa joogto wax yeelin, iskaba dhaaf qof muslim ahe. Qisadan sababteeda ayaa la sheegaa in ay kusoo dagtay Aayadan "Alle waxa uu mudan yahay in adinka (Mu'miniinta) iyo kuwa cadawgiina ah (Gaalada) uu dhax dhigo kal gaceel". "عَسَى اللَّهُ أَن يَجْعَلَ بَيْنَكُمْ وَبَيْنَ الَّذِينَ عَادَيْتُم مِّنْهُم مَّوَدَّةً ۚ Gaalada, nabi Muxamed ﷺ manecbo oo way jecel yihiin hab dhaqankiisa wanaagsan oo illaa iyo maantaba wax badan uga daydaan balse waxa ay diidanyihiin waa Aayaadka Alle سبحانه وتعالى. "فإنهم لا يكذبونك ولكن الظالمين بآيات الله يجحدون" Cabdullahi Maxamed Faradar

  • Nabi Muuse oo dhalinyaro ah ayaa dilay mid kamid ah shaqaalaha Fircoon, waana inta uusan nabiga noqon kahor. Maalmo kadib waxa uu ku qasbanaaday in uu dalka Masar iskaga baxsado. Waxa uu tagay magaalada Madyan oo haatan ku taala waqooyiga galbeed ee Sucuudiga. Waxa uu soo galay xilli barqo ah, iyadoo aysan jirin cid uu magaalada ka garanaayo. Waxa ay indhihiisu qabteen rag ku xoonsan ceel biyo laga dhaansanayo iyo labo gabdhood oo meel gees ah iska taagan. Waxa uu waydiiyay sababta ay halkaas u taagan yihiin? Iyagana waxa ay u sheegeen in aysan awoodin in ceelka ay dhaansadaan illaa ay ragga ka tagayaan. قَالَ مَا خَطْبُكُمَا ۖ قَالَتَا لَا نَسْقِي حَتَّىٰ يُصْدِرَ الرِّعَاءُ ۖ Kadib isaga ayaa u dhaamiyay waxa ayna gabdhihi maalinkaas ceelka ka tageen xilli hore, isagana meel kale uu aado ma'aqoon ee geed hoostiisa inta iska tagay ayuu Alle baryay, waliba duco caajiib ah! Taas oo ah ujeedka qormadayda. Nabi Muuse waxa uu yiri "Illaahow maanta ayaan ugu baahi badanahay wax walba oo khayr ah oo aad iigu tala gashay" (رب إني لما أنزلت إلي من خير فقير) [RABBI INNII LIMAA ANSALTA ILAYYA MIN KHAYRII FAQIIR] Durba waxaa usoo laabatay mid kamid ah labadii gabdhood iyadoona ku tiri "Aabahay ayaa kuu yeeraya si uu kaaga abaal mariyo wanaagi aad noo sameesay". Wixii intaas ka danbeeyayna nabi Muuse waxaa u bilaabatay nolol cusub. Ujeedkayga maaheen in aan ka waramo qisada nabi Muuse oo in badan Qur'anka looga sheekeeyay balse waxa ay ahayd in aan si gaar ah u tilmaamo ducadan qiimaha badan ee uu nabi Muuse ina baray, taas oo lagu baxsado xilliga ay xaaladuhu kugu adkaadaan. Cabdullahi Maxamed Faradar

  • 10'ka bishan Muxaram waxaa lagu dhaafaa dambigi sanadkii tagay. Waana maalinti la bad baadiyay nabi Muuse iyo asxaabtiisi, lana halaagay Fircoon iyo intii la socotay ee awooda is biday. Sanadkii ugu danbeeyay ee uu Rasuulka ﷺ noolaa waxa uu balan qaaday in uu sidoo kale soomi doono maalinta sagaalaad si uu Yahuuda oo iyagana maalintaas soomo u khilaafo. Suubanaha ﷺ ma'uusan gaarin sanadkii xigay oo hortiis ayuu dhintay balse innagaa nool oo nalooga baahan yahay in aan soonno, si aan sunnadiisa u dabaqno. Waxaana xusid mudan in labada maalinba ay sunno yihiin oo aysan waajib ahayn. 10'ka Muxaram (Caashuuraa) waxa ay ku beegantahay maalinta Talaadada 16-July-2024 Halka sagaalka ama Taasuucaana ay tahay maalinka ka horeeyo ee Isniinta 15-July-2024. Dadka intooda badan way moog yihiin fadliga maal mahan ee qof walba inta uu awoodo ehel iyo asxaabba ha xasuusiyo, si uu isagana u helo ajir lamid ah kan ay iyaga helayaan. " من دلّ على خير فله مثل أجر فاعله "

  • Imtixaanka aduunyo ee laguu diray oo dhan waa in aad kasoo adkaato "shahwadaada". Erayga shahwo waa wax walba oo ay naftu jecesha'hay waxaana ugu wayn "Shahwada Caloosha" (شهوة البطن) iyo "Shahwada Farjiga" (شهوة الفرج). Shahwada Caloosha waa wixii jannada kasoo saaray aabaheen Aadam kadib markii uu Shaydaan ku qal qaaliyay in uu cuno geedki loo diiday. Maantana qofka si uu u helo wax uu calooshiisa galiyo dad ayuu u dilaa, u dhacaa ama u aflagaadeeyaa, qaarna dharka ayayba u dhigtaan. Shahwada Farjiga waa imtixaanka ugu adag ee uu qofku wajaho gaar ahaan marka uu dhalinyo yahay. Qofkii shahwadiisa ay hogaamiso wixii uu doonana sameeyo wuu halaagsamaa, halka qofkii isdaba qabtana uu bad baado. Naarta waxa lagu hareereeyay wax kasta oo ay naftu jecesha'hay balse gudaheeda waxaa yaalo cadaab xanuun badan oo cabitaan ahaan la'isku siiyo malaxda iyo curunka dadka Ahlu-naarka ah kasoo baxa. Jannadana waxaa lagu hareereeyay wax kasta oo ay naftu naceb tahay balse gudaheeda waxaa yaalo wax walba oo ay indhuhu ku raaxaystaan oo ay ugu wayn tahay in aad arkeesid Rabigaa Cazza Wajalla, iyo in aad waqtigaa doonto la kulmi karto suubanahaada Muxamed صل الله عليه وسلم. Xilligan casriga ah oo ay fitantu badatay dadka intooda badan waxay ku halaagsameen raacida "shahwaatka nafiga ah" balse waxaa si dhab ah u guulaystay qofka naftiisa la galo jihaad dhab ah. Qofka dagaal ku jirana waxaa iska caadi ah in mar mar dhinaca dhulka loo dhigo balse muhiimadu waa in uusan naf iyo shaydaan isku dhiibin. Cabdullahi Maxamed Faradar

  • Rasuulka ﷺ waxa uu sheegay in furayaasha gaybka ee Alle (مفاتيح الغيب) ay yihiin shan, Allana uu ku xusay aayada 34'aad ee suuratu Luqmaan oo ah tan ugu danbeeso. Alle aayadaas waxa uu ku yiri "Alle aktiisa waxaa ahaaday saacada qiyaamo, soo dajinta roobka, waxa uu kaligiis ogyahay waxa ahaaday uur ku jirta (Minka ama ilmo galeenka), naf ma'oga waxa ay birri heli doonto (aduun iyo aakhiraba), nafna ma'oga halka ay ku dhiman doonto, Alle waa midka ogaanshaha iyo khibradda badan". إن الله عنده علم الساعة وينزل الغيث ويعلم ما في الأرحام وما تدري نفس ماذا تكسب غداً وما تدري نفس بأي أرض تموت إن الله عليم خبير {لقمان:34}. Intaas kadib waxaa niyadaada kusoo dhici kara qaar kamid ah waxyaabahan in lagu ogaaday tiknoolajiyada casriga ah sida ilmaha uurka ku jiro oo lasii sheegi karo gabar iyo wiil waxa uu yahay. Su'aashan markasta oo aan suuratu Luqmaan akhriyo way igu istaagi jirtay illaa ugu danbeen aan baaritaan ku sameeyay kana qancay, adigana waxaan jeclaystay in aan kula wadaago. Mashiinada casriga ah ee lagu ogaado in cunuga uurka ku jiro uu yahay wiil ama gabar sida "ultrasound" kaliya waxa uu saadaalin karaa marka uu gaaro todobaadka 14'aad illaa 20'aad ama si kale haddii aan u dhigno ku dhawaad afar illaa shan bilood, waana marka uu Alle go'aamiyo ama muujiyo in cunugaasi noqdo gabar ama wiil. Qur'anka iyo sunnadaba waxa ay noo sheegeen kahor inta cunuga caloosha ku jira aan nafta la galin in uu soo maro marxalado dhowr ah sida mar uu yahay candhuuf, xinjir, cad yar oo hilib ah, kadib lafo hilib lasii saaray oo markaas kadib Malag loo diro si uu nafta ugu afuufo. ثُمَّ خَلَقْنَا النُّطْفَةَ عَلَقَةً فَخَلَقْنَا الْعَلَقَةَ مُضْغَةً فَخَلَقْنَا الْمُضْغَةَ عِظَامًا فَكَسَوْنَا الْعِظَامَ لَحْمًا ثُمَّ أَنشَأْنَاهُ خَلْقًا آخَرَ ۚ فَتَبَارَكَ اللَّهُ أَحْسَنُ الْخَالِقِينَ. Marxaladaas ugu danbeeso Malaga loo dirayo waxa uu garanayaa ruuxaasi lab iyo dhadig midka uu yahay, taas oo muujinaysa in gaybki uu Alle meesha ka saaray, sidoo kalana ay suurtagal tahay in tiknoolajiyada casriga lagu ogaan karo. Balse wixii marxaldaas ka horeeyo cid ogaan karto majirto Malag walaa ultrasound midna, waxaana halkaasi ku dhaboobaya hadalka Eebe ee ah "Alle kaliya ayaa og waxa raximka (Minka) ku jiro". (ويعلم ما في الأرحام) Alle wayninkiisa iyo cilmigiisa qotoda dheer ee arinkan ku saabsan waxaa kaaga filan qisada nabi Zakariye oo isagoo waayeel ah Alle waydiisanaya Ilmo, waliba isaga dhankiisa sida uu arinka kaga adag yahay sheegaya in xitaa xaaskiisa aana wax rajo ah laga qabin in ay wax dhasho. Balse Alle subxaanahu watacaalaa uu leeyahay waxa ay kuu dhaleesaa wiil, waliba magaciisa xitaa inagaa usii bixinay oo waa Yaxye, waana magac aan qof isaga ka horeeyay xitaa horay loogu bixin. "يا زكريا إنّا نبشرك بغلامٍ اسمه يحيى لم نجعل له من قبلُ سميا" Cabdullahi Maxamed Faradar

  • Wax ka yar shan maalin ayaa inooga harsan bilashada bisha Dil-Xija oo ay ku jiraan maalmaha ugu khayrka badan sanadka oo dhan. 10'ka maalin ee ugu horeeyo bishan waa maalmaha ugu fadliga badan, Allana ugu jecel yahay gaar ahaan maalinka 9'aad ee Carafo. Qofka Muslimka ah sidiisaba waxaa haboon in uu fursadaha ka faa'iidaysto. Si kasta oo aadan u cibaado badneen waxaa jira maalmo la kaaga baahan yahay in aad dadaasho si aad u dhaafto dad laga yaabo in ay kaa cibaado badan yihiin. Camal la sameeyo maalmahan uu Alle ka jecel yahay majirto. Qofka aan Xajka joogin waxaa loo suneeyaa in sagaalka maalin ee ugu horeeyo bisha uu soomo, gaar ahaan maalinta 9'aad oo lagu dhaafo dambiga sanadkii hore iyo kan soo socda. Xitaa haddii aadan awoodin in sagaalka maalin aad wada soonto inkastoo ay wanaagsantahay, haddana acmaasha kale ee khayriga ayaad badsan kartaa maadaama maalmahan ajirka uu labo jibaar yahay. Kuwii ka faa'iidaysta Allaha naga dhigo. Cabdullahi Maxamed Faradar

  • Cashirka 7'aad ee kitaabka Arbaciin Nawawi. https://youtu.be/ottzRr_tG4I?si=oru1WZ183_nqaigp

  • Cashirka 6'aad ee kitaabka Arbaciin Nawawi. https://youtu.be/QG2WMpIeY5Q?si=VEBIr6E9Wou8Wm2s

  • Rasuulka ﷺ ayaa asxaabtiisa u sheegay in 70,000 oo umadiisa ka mid ah ay Jannadda galayaan xisaab iyo cadaab la'aan, markaas ayaa waxaa istaagay asxaabiga Cukaasha Binu Muxsin oo yiri Rasuulki Allow anigana Alle ii bari in uu igu daro kuwaas, suubanaha waxa uu ugu jawaabay "Waad kamid tahay". Kadib waxaa istaagay asxaabi kale oo isagana dhahay Rasuulki Allow anigana Alle ii bari in uu igu daro kuwaas, kadibna waxa uu ugu jawaabay Cukaasha ayaa kaaga hor maray. Sheekada Cukaasha waxaan ka baran karnaa in fursadda markaas taagan aad ka faa'iidaysato oo aadan dib iskaga dhigin. Haddii aad jecesha'hay in aad Qur'anka xifdiso haddaba xifdi oo waqti kan ka haboon hala sugin, si lamid ah cibaadooyinka kale sida salaad, soon, sadaqo xaj ama cimro. Fursadda aad maanta heesato ee leh caafimaad, waqti iyo xoog waxaa hubaal ah in aad birri sii heesan doonin ee taaganta maanta ka faa'iidayso. Cabdullahi Maxamed Faradar

  • Cashirka 5'aad ee kitaabka Arbaciin Nawawi. https://youtu.be/zQgb2bWwG48?si=SnBWYpNdHTsJiQWV

  • Sanadkii hore anigoo Malaysia joogo ayaa maalin salaadii Jimco kadib waxaan masjidkii aan ku tukaday barxadiisa kore ku arkay oday waayeel ah oo duco xifdinaya. Odayga oo aan filayo in uu wadankaasi u dhashay ayaa xifdinayay duco kooban oo ugu qorneed warqad yar oo uu gacanta ku hayay, waxa ayna ducada ahayd: (اللَّهمَّ اكْفِني بحلالِكَ عَن حَرَامِكَ، وَاغْنِني بِفَضلِكَ عَمَّن سِوَاكَ). DHAWAAQA DUCADA: "ALLAHUMA IKFINII BIXALAALIKA CAN XARAAMIKA, WAGNINII BIFADLIKA CANMAN SIWAAKA". MICNAHA DUCADA: "ILLAAHOW XALAASHAADA IIGA KAAFI WAXA AAD XARIMTAY, FADLIGAADANA IIGA DEEQTOONAYSII WIXII ADIGA KAA SOO HARO". Ducadan oo aad cajiib u ah laga bilaabo maalinki aan ninkaas odayga ah ka maqlay illaa iyo hadda kama tago, haddii aan salaad ku jiro iyo haddii kalaba, faa'iido badanna waan ka helay. Cabdullahi Maxamed Faradar