tgindex
Kobci Naftaada ๐Ÿš€๐Ÿ“–

๐Ÿ’กWแด€xแด€แด€ษด แด‹แด€แด€ แด„แด€แด€แดกษชษดแด€สแด€แด€ ษชษดแด€แด€แด… สœแดส€แดœแดแด€ส€ษชsแด ษดแด€า“แด›แด€แด€แด…แด€ ษชสแด sสœแด€แด‹สœsษชสแด€แด…แด€แด€แด…แด€ , แดกแด€xแด€แด€ษด แด‹แด€แด€ แด„แด€แด€แดกษชษดแด€สแด€แด€ ษชษดแด€แด€แด… า“แด€สœแด€ษดแด›แด ษดแด€า“แด›แด€แด€แด…แด€ แดแด แด€แด€แด… สœแดส€แดœแดแด€ส€ษชsแด แด„ษชสŸแด€แด€วซแด€แด€แด…แด‹แด€แด€ษขแด€ sษช แด€แด€แด… แดœษขแดœ ษดแดแดสŸแด€แด€แด›แด ษดแดสŸแดสŸ า“แด€ส€xแด€แด… สŸแด‡สœ แดแด ษขแดœแดœสŸ สŸแด‡สœ.. สŸแด€ xษชส€ษชส€: @Mohydeen

ะŸะพัะปะตะดะฝะธะน ะฟะพัั‚
7 ะฐะฒะณ.
ะŸะพัะปะตะดะฝะตะต ั‡ั‚ะตะฝะธะต
15 ะฐะฒะณ.
ะŸะพัั‚ะพะฒ ะทะฐ ะฝะตะดะตะปัŽ
0
ะ’ัะตะณะพ ะฟะพัั‚ะพะฒ
20
ะขะธะฟ
ะพั‚ะบั€ั‹ั‚ั‹ะน
ะฏะทั‹ะบ
om
ะšะฐั‚ะตะณะพั€ะธั
ะšะฝะธะณะธ (ะฟะพ ะฟะพั…ะพะถะธะผ)
ะ’ ะบะฐั‚ะฐะปะพะณะต ั
14 ะฐะฒะณ.
ะŸะพะดะฟะธัั‡ะธะบะธ
6ย 312
โˆ’20 ะทะฐ 4 ะดะฝ.
ะกัƒั‚ะบะธ
โˆ’5
โˆ’0,08%
ะะตะดะตะปั
โ€”
ย 
ะœะตััั†
โ€”
ย 
ะŸั€ะพัะผะพั‚ั€ะพะฒ ะฝะฐ ะฟะพัั‚
304
20 ะฟะพัั‚ะพะฒ
ะ’ะพะฒะปะตั‡ั‘ะฝะฝะพัั‚ัŒ
4,8%
ะบ ะฟะพะดะฟะธัั‡ะธะบะฐะผ
ะŸะพัั‚ะพะฒ ะฒ ะดะตะฝัŒ
0,0
ะฒัะตะณะพ 20
ะฃะฟะพะผะธะฝะฐะฝะธะน
0
ะบะฐะฝะฐะปะพะฒ
ะžั…ะฒะฐั‚ ั€ะฐะทะผะตั‰ะตะฝะธั
ะพั†ะตะฝะบะฐ
1/24ััƒั‚ะบะธ ะฒ ะปะตะฝั‚ะต
10
1/48ะดะฒะพะต ััƒั‚ะพะบ
11
1/72ั‚ั€ะพะต ััƒั‚ะพะบ
12

ะžั†ะตะฝะบะฐ ะฟะพ ะฟั€ะพัะผะพั‚ั€ะฐะผ ะฝะตะดะฐะฒะฝะธั… ะฟะพัั‚ะพะฒ: ะฟะพัั‚ ะฝะฐะฑะธั€ะฐะตั‚ ะฟะพั‡ั‚ะธ ะฒัั‘ ะทะฐ ะฟะตั€ะฒั‹ะต ััƒั‚ะบะธ.

ะŸะพัั‚ั‹

  • ๐— ๐—ฎ ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—ท๐—ผ๐—ผ๐—ด๐˜๐—ฒ๐˜† ๐—”๐—ฎ๐—น๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜๐—ฒ๐—น๐—ฒ๐—ด๐—ฟ๐—ฎ๐—บ ๐—ผ๐—ผ ๐˜„๐—ฎ๐—พ๐˜๐—ถ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐—บ๐—ฎ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐—ฏ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐˜† ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ๐—ป๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ผ ๐—ณ๐—ฎ๐—ฎ๐—ถ๐—ฑ๐—ผ ๐—จ'๐—น๐—ฒ๐—ต ๐—ป๐—ผ๐—น๐—ผ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ, ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ป ๐—ต๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐˜‚๐˜‚ ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐˜…๐˜‚๐—น๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—น, ๐—ธ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜‚๐—ด๐˜‚ ๐—ณ๐—ฎ๐—ฎ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐˜๐—ฒ๐—น๐—ฒ๐—ด๐—ฟ๐—ฎ๐—บ ๐—ผ๐—ผ ๐—ป๐—ผ๐—ผ๐—ฐ ๐—ธ๐—ฎ๐˜€๐˜๐—ฎ ๐—น๐—ฒ๐—ต, ๐Ÿ’ฏ ๐—ฆ๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ณ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ผ, ๐—ก๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐—ฏ๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—”๐—พ๐—ฟ๐—ถ๐˜€๐˜๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ฑ ๐—ป๐—ผ๐—พ๐—ผ ๐—ฏ๐˜‚๐—น๐˜€๐—ต๐—ผ ๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ป๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐˜…๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป ๐Ÿ‘‡ @jaceylqore @Enjoy_boy1 @Cilmu_nafsi_10 @HoygaShekoyinka @Saxiibka_Nolosha @HOYGAJACAYLKA @Aqoonta_kaa_maqan @Xikmadoiyodhiirigalin Adminย - @Zaxiibka_nolosha https://whatsapp.com/channel/0029VbBOipoEquiVwbpZGE1Z

  • ๐— ๐—ฎ ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—ท๐—ผ๐—ผ๐—ด๐˜๐—ฒ๐˜† ๐—”๐—ฎ๐—น๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜๐—ฒ๐—น๐—ฒ๐—ด๐—ฟ๐—ฎ๐—บ ๐—ผ๐—ผ ๐˜„๐—ฎ๐—พ๐˜๐—ถ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐—บ๐—ฎ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐—ฏ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐˜† ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ๐—ป๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ผ ๐—ณ๐—ฎ๐—ฎ๐—ถ๐—ฑ๐—ผ ๐—จ'๐—น๐—ฒ๐—ต ๐—ป๐—ผ๐—น๐—ผ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ, ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ป ๐—ต๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐˜‚๐˜‚ ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐˜…๐˜‚๐—น๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—น, ๐—ธ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜‚๐—ด๐˜‚ ๐—ณ๐—ฎ๐—ฎ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐˜๐—ฒ๐—น๐—ฒ๐—ด๐—ฟ๐—ฎ๐—บ ๐—ผ๐—ผ ๐—ป๐—ผ๐—ผ๐—ฐ ๐—ธ๐—ฎ๐˜€๐˜๐—ฎ ๐—น๐—ฒ๐—ต, ๐Ÿ’ฏ ๐—ฆ๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ณ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ผ, ๐—ก๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐—ฏ๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—”๐—พ๐—ฟ๐—ถ๐˜€๐˜๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ฑ ๐—ป๐—ผ๐—พ๐—ผ ๐—ฏ๐˜‚๐—น๐˜€๐—ต๐—ผ ๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ป๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐˜…๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป ๐Ÿ‘‡ @jaceylqore @Enjoy_boy1 @Cilmu_nafsi_10 @HoygaShekoyinka @Saxiibka_Nolosha @HOYGAJACAYLKA @Aqoonta_kaa_maqan @Xikmadoiyodhiirigalin Adminย - @Zaxiibka_nolosha https://whatsapp.com/channel/0029VbBOipoEquiVwbpZGE1Z

  • Haddaba, akhriste, haddii aynu ka soo qaadno in aad adigu tahay wankaa Lib-keene ah, ma kula tahay in ay ku anfici doonto waanooyinkaa la siiyay wankaa si uu uga soo kabto niyad jabkii lasoo gudboonaaday, si aad adna uga soo bugsatid dib u dhac kugu yimi? Bal aynu isku dayno inaynu qodobadii afarta ahaa ee wanka la siiyay adigana ku siinno: 1: Niyaddaada ka saar in uu waqtigu ku hayo, in ay kaa dhammaadeen jaanisyadii aad isku beddeli lahayd, habeenba ma isagaa kaa tegay, illeen adigu qaddarka isuma hayside ha goโ€™aansan in waqtigu kaa buuxsamay kaana idlaadeen fursadihii. 2: Ha ogolaan in aad iska sii candhaadhid kobtii aad ku kuftay, godkii lagaa qaniinay in aad ku sugtid maantana in mar labaad lagaa qaniino. Ogsoonoowna in haddii aad bartan iska sii fadhidid oo aad uga ruqaansan waydid goob ka dhas iyo dhib yar, in hanfigu ku leefi doono, tabta wankaana ay isugu kaa biiri doonaan qodxaha xerada iyo xanuunka qorraxdu. 3: Waad kacaa-kufi doontaa, sibiibaxa iyo silbashaduna way kugu badan doonaan, turaanturro iyo kufniin isdaba joog ahbaad la kulmi doontaa, nafta ayaa isugu kaa iman doonta, dadka ayaa in ku dayrisa iyo in kugu digata u kala qaybsami doona, cidhiidhi dhaqameed baad la kulmi doontaa, balse waxaas oo dhan iyo wixii ku lammaanba waad ka gudbi doontaa, waad soo kaban doontaa, dibna waad uga arrimin doontaa kaalintaadii, balse waa keliya haddii aad adigu quudhid tamarta aad ku istaadhaysid safarkaa, waa haddii aad inta oo aad sababtii la timaadid Allena talada u daysid. 4: Waqti bay kugu qaadan doontaa inaad dib u dhacaa kasoo kacdid oo aad kasoo miirawdid, balse haddii aad dhabar adayg la timaadid waxaa hubaal ah inaad dib usoo hanan doontid buuxinta booskaagii banaanaa. Akhriste, haddaba, waa ku kaase goโ€™aanso inaad qaadatid taladaa wanka la siiyey iyo inaad iska daysid. Dulucda aan sheekadan mala awaalka ah ka lahaana waa uun dhiirrigelin aan kugu guubaabinayo hanashada hankaaga sarreeya eed leedahay, iyo tusid aan ku tusayo inaad noqon kartid Lib-keenaheenna. Waarsiinoโ€”Kaydka qoraayada soomaaliyeed.

  • Lib-Keene! W/Q: Aw Guudcadde, February 6, 2015 Mooge wuxuu danbaabaa jees ka kooban xaaskiisa, Maryama, iyo sagaal ubad ah oo ay u hayso, curradna uu u yahay Mawliid. Qoysku wuxuu wax bar xoolaad sheegta ka hayaa xayn adhi ah oo aan sinnaba toban u dhaafsiisnayn. Adhiga waxaa ku jira wan galaalan oo laba guโ€™ baarka ka jaray. Wankaas ayuu Mooge aad ugu dhaataa kuna indha kuushaa. Wankaasi wuxuu uga dhigan yahay uguna jiraa kaalinta uu baarqabku ugu jiro ninka geela leh. Wanku idaha, oo adhigu u badnaa, ayuu abaahin jiray. Xayntana isagaa hoggaamiye u ahaa, oo hagi jiray laguna hallayn jiray. Malahaygana waaba sababta uu Mooge u saanyaday wankan. Wuxuuna Mooge wankii u baxshay Lib-keene; isagoo malaha u aanaynaya idahaa uu saarto ee uu tarankooda uu sababta u yahay. Wax ay sidaa ahaataba, subax subxaha ka mid ah ayuu Mooge isha ku dhuftay Lib-keene oo mooradii ku hadhay, si ay ishu diidaysana u candhaadha. Adhigiina waa ay foofeen ammin horeba oo barqo dheer baaba la taagan yahay. Mooge wuxuu isku deyay inuu wanka kiciyo oo uu xoolihii ka daba geeyo. Laakiinse Lib-keene wuuba laangadhaynayaa! Ma garanayo wax ku dhacay laakiinse waa uun wax u diiday inuu xoolihii raaco, muuqaal ahaan nusqaan ma laha, haddana wuu laangadhaynayaa! Miskaha kama uu jabinโ€™e maskaxduu ka jabay! Wankii isaga ahaa wuxuu isu arkay inuu adhiga u daโ€™wayn yahay isla kolkaana ay adagtahay inuu ka dhex qalaado koox ka wada daโ€™yar oo ay saanta wadaagaan. Wuxuu iska dhaadhiciyay in maanta laga bilaabo aanay ahayn in lagu dhex arko isagoo dhex botarinaya xoolaha ee waa in xerada loogu soo hagaagaa! Mooge warkaa ma hayee wuxuu isku deyay inuu wanka kiciyo, xoog iyo xeeladba wuu xalaashaday inuu u adeegsado. Sidii uu sidaa u ahaa ee uu la tacaalayay wankii ayuunbuu mar keliya maqlay dhawaaq cod ah oo dhanka wankii ka imanaya. Wuu yar jabaq-joojiyey si uu u hubiyo, saa cidda la hadlaysaa waaba Lib-keene oo kusoo tuuray kelmad nuxurkeedu ahaa โ€œIi kaadi, ii kaadiโ€! Mooge waa ka anfariiray, ee dhaqaaq-joogsaday, ee naxnaxay marna nuuxnuuxsaday. Isagoon eray warcelin ah bixin ayuu haddana wankii soo ganay erayo kale oo uu kaga dalbanayay in uu bal siiyo fursad uu ugu waaya warramo. Ninkiibaa inta uu isku deyay inuu is dejiyo ka aqbalay codsigii, dibna inta uu uga gurtay fool-ka-fool usoo abbaaray. Lib-keene: โ€œWaad iska kay maagaysaaye maad is waydiisay sababta aan uga hadhay asxaabtaydii?โ€ Mooge: โ€œKibir uun baan u arkaa, ee maxaad kalood ku daraysaa?โ€ Lib-keene: โ€œKibir ka dheer haddaba ee xaaladdu waa kalsooni darro!โ€ฆ (Wuxuu dabada uga galay sababihii aynu kor kusoo xusnay oo nuxurku ahaa in uu wankii is dhiibay)โ€ Mooge: โ€œWankaygiiyoow maxaa keenay in aad kalsoonidii beeshid? Maxaad diiday? Sideed u niyad jabi kartaa adigoo Lib-keena ah?โ€ Lib-keene: โ€œAniga bes, way iga dhan tahay!โ€ (Mooge ayaa bilaabay markaa inuu u mariyo waano wan la siin lahaa sidii uu ugu soo noqon lahaa wankii Lib-keene ahaa ee keligii ahaa) Mooge: โ€œLib-keenoow i dhegayso, haddii aad dareentid dareenkan didmada ah ee inaad qoqobnaatid ku dhaxalsiinaya, waxaan dardaaran ahaan kuu siinayaa qodobbo haddii aad sida ay yihiin ugu dhaqantid aan doonyo-qaad kaaga noqon karo inaad kalsoonidaadii hore iyo tuโ€™ ka waynba dib usoo hanatid noqotidna wanka dunida ugu qiimaha badan. Isla jeerkaasna ka xorrowdid qoqobnaantaas: 1: Niyaddaada ka saar in aad gabawday, ma adigaa koowba taagan. 2: Ha u ogolaan inuu jidhkaagaa quruxda leh ee lagu majeeranayaa iska dhex fadhiyo kuna uskagoowo boodhka xerada isla markaana ay ugu biirto milicda barqada joogtaa. 3: Waad sii luudi doontaa, dacaydana waad laadlaadin doontaa, laakiinse aakhirka waad gaadhi doontaa xayntii aad ka tirsanayd. Waase haddii aad la timaadid amarka ah inaad xeradan iskaga kacdid tallaabada koowaadna aad qaadid. 4: Waqtibay kugu qaadan doontaa inaad hoggaamintii xoolaha dib usoo hantidid, balse haddaad ku mintidid waa hubaal inaad hanan doontid.โ€ Wankii Lib-keene ahaa wuu qaatay taladii, tubtiina wuu qaaday, taladiina wuu soo ceshaday.

  • Qofka garaadka badani wuxuu ka fikiraa maalin siddeedaad! โ€Ž โ€ŽWax la hubo wed baa jira. Adigagaagan akhrinaya qoraalkan, waad dhiman doontaa. Anniga oo ah ka qorey waan geeriyoon doonaa! โ€ŽGaraadkeennu wuxuu garanayaa geeri inay lama huraan tahay. Taasi waa xaqiiq. โ€ŽHaddaba, qofka garaadka badani kama fikiro toddobada ayaamood: Sabti, Axad, Isniin... Balse wuxuu ka fikiraa maalin siddeedaad! โ€ŽMaxay tahay maalintaasi? Waa maalin daran . Waa maalin weyn. Waa maalin arrinuhu adag yihiin. Aan ku idhaahdo waa MAALINTA QIYAAMAHA. โ€ŽAfka marka laga leeyahay: Maalin Qiyaame, way iska fududdahay , laakiin sida aad moodday maaha, waa wax aan laga sheekeyn karin dhibaatadeeda. โ€ŽMarka laga hadlaayo ee la leeyahay: Qiyaame ayaa dhacaya, waxaynu moodnaa maalin fog. Dhabtii maaha maalin kaa fog; Qiyaamahaagu waa maalinta aad dhimato! โ€ŽHaddaba, qofka garaadka badani ( intelligence) kama fikiro maalmo kale, wuxuu ka fikiraa Maalinta Qiyaame. Wuu kasii tabaabushaystaa. Wuxuu ka fikiraa sida uu u gudbilahaa oo u guuleysan lahaa. โ€ŽAlloow na badbaadi. โ€ŽMaxamed Haybe Axmed

  • ๐— ๐—ฎ ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—ท๐—ผ๐—ผ๐—ด๐˜๐—ฒ๐˜† ๐—”๐—ฎ๐—น๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜๐—ฒ๐—น๐—ฒ๐—ด๐—ฟ๐—ฎ๐—บ ๐—ผ๐—ผ ๐˜„๐—ฎ๐—พ๐˜๐—ถ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐—บ๐—ฎ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐—ฏ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐˜† ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ๐—ป๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ผ ๐—ณ๐—ฎ๐—ฎ๐—ถ๐—ฑ๐—ผ ๐—จ'๐—น๐—ฒ๐—ต ๐—ป๐—ผ๐—น๐—ผ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ, ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ป ๐—ต๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐˜‚๐˜‚ ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐˜…๐˜‚๐—น๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—น, ๐—ธ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜‚๐—ด๐˜‚ ๐—ณ๐—ฎ๐—ฎ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐˜๐—ฒ๐—น๐—ฒ๐—ด๐—ฟ๐—ฎ๐—บ ๐—ผ๐—ผ ๐—ป๐—ผ๐—ผ๐—ฐ ๐—ธ๐—ฎ๐˜€๐˜๐—ฎ ๐—น๐—ฒ๐—ต, ๐Ÿ’ฏ ๐—ฆ๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ณ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ผ, ๐—ก๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐—ฏ๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—”๐—พ๐—ฟ๐—ถ๐˜€๐˜๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ฑ ๐—ป๐—ผ๐—พ๐—ผ ๐—ฏ๐˜‚๐—น๐˜€๐—ต๐—ผ ๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ป๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐˜…๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป ๐Ÿ‘‡ @jaceylqore @Enjoy_boy1 @Cilmu_nafsi_10 @HoygaShekoyinka @Saxiibka_Nolosha @HOYGAJACAYLKA @Aqoonta_kaa_maqan @Xikmadoiyodhiirigalin Adminย - @Zaxiibka_nolosha https://whatsapp.com/channel/0029VbBOipoEquiVwbpZGE1Z

  • NOLOSHA DHALANTEEDKA AH! ---------------------------------------' Dhalinyar badani maanta waxay ku hoos nool yihiin cadaadisyo aan cidna u muuqan. Cadaadiska isbarbardhigga joogtada ah, filashooyinka sarreeya iyo sawirrada quruxda badan ee maalin walba la soo bandhigayo, kuwaas oo u muuqda nolol dabiici ah iyo xaqiiqo dhab. Dabadeetana qofkii dhalinyarta ahaa wuxuu is arkayaa isaga oo danaynaya in uu degdeg u guulaysto, in uu muddo kooban ku hirgeliyo waxqabadyo waaweyn, in uu bato dakhligiisu iyo in uu ku dhex xasilo noloshan oo uu keliya wada helo baahiyihiisa. Noloshan, waxaad mooddaa tartan leh bardhammaad keliya oo ruuxii ka habsaamaa uu khasaaray, hase yeeshee dhabtu waa in qayb weyn oo ka mid ah cadaadiskani aanu ka dhalan waaqica ee uu yahay humaagyo ay samaysatay bulshadu amaba ay buunbuuniyeen baraha bulshadu. Dadku keliya waxay arkaan natiijada, balse uma muuqdo hayaankii aynu u soo galnay. Guusha ayay daalacdaan ee ma arkaan sannadihii daalka iyo diifta watay ee ka horreeyay. Libinta ay gaadheen dadka kale ayaa u muuqata ee ma tixgeliyaan duruufihii kala duduwanaa ee loo soo maray. Sidaas awgeed, ayay dhalinyar badani u dulmiyayaan nafahooda marka ay noloshooda ku halbeegayaan halbeegyo aan ku munaasib ahayn duruufahooda, ama ay bilawga noloshooda ku dhereriyaan shakhsiyaad ka da' iyo duruufaba duwan. Bislaanshaha dhabta ahi wuxuu bilaabmayaa kolka uu insaanku ogaado in uu leeyahay marin gaar ah iyo in aan qiimihiisa lagu qiyaasayn waxqabad degdeg ah balse uu ku jiro tayada dedaalka iyo joogtaynta koboca. Gar ma aha in ay dadku isku wada mid noqdaan oo ay da' keliya ku wada hirgeliyaan hadafyadooda, laakiin qof walbaa duruufo, caqabado, fursado iyo goor u gaar ah ayuu leeyahay. Qofka dhalinyarta ahina maanta uma baahna cadaadis dheeraad ah, balse waa in uu kalsooni buuxda ku qabaa dhismaha dhabtii in uu u baahan yahay waqti iyo in horumarka deggani uu ka khayr badan yahay eryadka aan jihada lahayn ee filashooyinka dadka kale, sababta oo ah noloshan dhexdeeda, cidna kulama jirno tartan ee waa hayaan aynu ku daahfaydayno awoodaha uu Alle siiyay insaanka iyo weliba ka shaqaynta kobcintooda iyo korintooda degdeg la'aan. Ruuxii intaas fahmaa wuxuu ka xoroobayaa cadaadisyo badan oo aan loo baahnayn maanta, docda kalena wuxuu bilaabayaa in uu tamartiisa ku bixiyo keliya shaygii uu ka beddeli karo naftiisa, aqoontiisa, shaqadiisa iyo mustaqbalkiisa. Prof. Bakaar

  • Wacyiga: Saldhigga Xorriyadda Maanka Wacyigu waa iftiinka gudaha ee qofka ka caawiya in uu naftiisa, dunida, iyo jihada noloshiisa si qotadheer u fahmo. Qofka aan wacyiga lahayni waxa uu la mid yahay markab badda dhexdeeda sabbaynaya oo aan lahayn jiheeye, oo kolba dhinac u dhaqaaqaya, meel uu u socdana aan garanayn. Koboca maanku kuma yimaaddo da'da qofku jiro, balse waxa uu ku yimaaddaa heerka uu qofku baraarug u leedahay, fikirkiisa, ficilladiisa, iyo ujeeddooyinkiisa. Wacyigu waa awoodda shakhsigu uu isku qiimeeyo, isku shaybaadho, kuna saxo jidka saxda ah. Qofku marka uu iswayddiiyo wayddiimo sida: "Yaan ahay?", "Maxaan doonayaa?", "Maxaa iga qaldan?", ama "Sidee qof wanaagsan u noqdaa?", waxa uu bilaabayaa safarkiisa koboca maanka. Wayddiimayani ma aha kuwo warcelin keli ah lagu helo,balse waa albaab qofku kaga baxo nolol uu caadi u arkayey, uguna gudbo nolol uu si miyir leh u maamulo. Doorka wacyigu ka qaato koboca maanku waa mid aad u weyn. Wacyigu waxa uu qofka baraa in uu kala saaro xaqiiqda iyo mala-awaalka, dareenka iyo garashada, iyo rabitaanka degdegga ah iyo danaha fog. Qofka wacyiga leh waxa uu fahmaa in xanaaq kastaa aanu mudnayn jawaab degdeg ah, in guuldarro kastaa tahay cashar, iyo in fikir kasta oo maskaxda ku soo dhacaa aanu run noqon karin. Sidaas darteed, maankiisu waxa uu noqdaa mid deggan, si qotadheer u fekera, oo awood u leh in uu goโ€™aammo miisaan leh qaato. Sidoo kale, koboca maanku waxa uu ku xidhan yahay awoodda qofku u leeyahay in uu aqbalo isbeddelka. Wacyigu waxa uu qofka ka saaraa ad'adaygga fikirka, isaga oo bara in aqoontu korodho marka qofku diyaar u noqdo in uu wax cusub barto. Qofka miyirka leh ma rumaysto in uu wax walba yaqaan; waxa uu ogyahay in maskaxdu korto marka ay suโ€™aalo dhaliso, dhegaysato, oo ay qaladkeeda saxdo. Ugu dambayn, wacyigu waa saldhigga xorriyadda maanka. Qofka baraarugsan ma noqdo addoon ay kaxeeyaan caadooyin, cabsi, ama fikir uu bulshada ka soo guuriyay isaga oo aan falanqayn; waxa uu noqdaa qof si miyir leh u doorta waxa uu rumaysan yahay, waxa uu samaynayo, iyo qofka uu doonayo in uu noqdo. Sidaas darteed, koboca maanku ma aha keli ah in maskaxdu xog badan urursato, balse waa in qofku yeesho wacyi ka dhigaya aqoontiisa mid noloshiisa iyo dadnimadiisa iftiimisa.

  • Dhallinyarnimadu waa marxalad uu qofku leeyahay riyooyin, himilooyin, hammi sare, rabitaan xooggan, iyo abdo/rejo nololeed; sidoo kale waa xilliga ay jiraan jaahwareer, iswaa, qaladaad, iyo raadinta qofnimada dhabta ah. Dadka badankiisu waxa uu arkaa dhallinyarnimada xilliga farxadda iyo xorriyadda, balse xaqiiqadeedu way ka qoto dheertahay taas. Qofka dhallinyarada ahi wuxuu inta badan dhex joogaa laba adduun: mid uu doonayo in uu noqdo, iyo mid bulshadu ka filayso. Halkaas ayuu ka dhashaa dagaalmaskaxeedka ugu weyni. Mararka qaar wuxuu dareemaa in uu wax walba qaban karo, mararka qaarna wuxuu dareemaa cabsi iyo hubantila'aan. Xaqiiqada ugu weyn ee dhallinyarnimadu waa in wakhtigu si degdeg ah u socdo. Maalmaha aad dayacdo, aqoonta aad iska indhatirto, iyo fursadaha aad lumisoโ€”dhammaantood waxa ay noqdaan xasuus ku dabasocota oo maankaaga iyo maskaxdaada mirata. Sidaas darteed, marxaladda dhallinyarnimadu ma aha oo keli ah waqti lagu raaxaysto; waa waqti lagu dhiso mustaqbalka. Warka oo kooban, dhallinyarnimadu waa itixaan qarsoon. Qof kastaa wuu maraa, balse natiijadu way kala duwantahay. Da'yarya qaar waxa ay dhigtaan buundo ay ku gaadhaan mustaqbal wanaagsan oo ifaya, qaar kalena waxay lumiyaan waqtigooda dahabiga ah si ulakac ah. Markaa, dhallinyarnimadu waa hantida qudha ee aad hayso, qiimaheedana waxa garan kara qofka waayeeloobay ee itaalka gabay.

  • Hi, guys, Muxyaddiin waaye! Inaad fiican tihiinaa rajaynaa. โ˜บ๏ธ

  • 8 Mar, 2025: Haddiiba la i waydiisan lahaa waaya'aragnimo nololeed oo aan dhab u dareensanahay, waxaan odhan lahaa: ma jiro wakhti habboon oo iman doona! Haa, ma jiro wakhti ay isa saaran tahay oo aad fuliso qorshayaasha maskaxda kuugu duugan ee ku daaliyay. Qabyadu, saaxiib, waa qayb nolosha ka mid ah, weligeedna 10 ma gaadho. Miyaadan arag in marba marka ka danbaysa aad sii kansho yaraato? Miyaadan kasin in sannad waliba ka hawl, dhibaato iyo hadimmo badan yahay kii ka horreeyay? Haa! Haddaba, maxay tahay maaradu? Maaradu ma aha mucjisooyin aan hadda kuu sheegi karo ama lamafilaan mar uun kuu bixi doona, sida ay maskaxdu kugu maaweeliso, ee waa in aad BILLAWDO! Khalaas.

  • Channel photo updated

  • ๐— ๐—ฎ ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—ท๐—ผ๐—ผ๐—ด๐˜๐—ฒ๐˜† ๐—”๐—ฎ๐—น๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜๐—ฒ๐—น๐—ฒ๐—ด๐—ฟ๐—ฎ๐—บ ๐—ผ๐—ผ ๐˜„๐—ฎ๐—พ๐˜๐—ถ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐—บ๐—ฎ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐—ฏ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐˜† ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ๐—ป๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ผ ๐—ณ๐—ฎ๐—ฎ๐—ถ๐—ฑ๐—ผ ๐—จ'๐—น๐—ฒ๐—ต ๐—ป๐—ผ๐—น๐—ผ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ, ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ป ๐—ต๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐˜‚๐˜‚ ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐˜…๐˜‚๐—น๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—น, ๐—ธ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜‚๐—ด๐˜‚ ๐—ณ๐—ฎ๐—ฎ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐˜๐—ฒ๐—น๐—ฒ๐—ด๐—ฟ๐—ฎ๐—บ ๐—ผ๐—ผ ๐—ป๐—ผ๐—ผ๐—ฐ ๐—ธ๐—ฎ๐˜€๐˜๐—ฎ ๐—น๐—ฒ๐—ต, ๐Ÿ’ฏ ๐—ฆ๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ณ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ผ, ๐—ก๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐—ฏ๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—”๐—พ๐—ฟ๐—ถ๐˜€๐˜๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ฑ ๐—ป๐—ผ๐—พ๐—ผ ๐—ฏ๐˜‚๐—น๐˜€๐—ต๐—ผ ๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ป๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐˜…๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป ๐Ÿ‘‡ @jaceylqore @Enjoy_boy1 @Cilmu_nafsi_10 @HoygaShekoyinka @Saxiibka_Nolosha @HOYGAJACAYLKA @Aqoonta_kaa_maqan @Xikmadoiyodhiirigalin Adminย - @Zaxiibka_nolosha https://whatsapp.com/channel/0029VbBOipoEquiVwbpZGE1Z

  • Channel photo removed

  • Qof kasta wuxuu doonayaa oo rejaynayaa in xakamaha iyo maamulka noloshiisa uu isagu yeesho, qorshayaal dejistana, kaddibna noloshiisu u socoto sida uu isagu u doonayo. Marka noloshu u socoto si uusan qofku doonayn, oo uu la kulmo waxyaalo uusan ku talagelin, wuxuu bilaabaa isku-buuq, walwal badan iyo niyad-jab. Midda aan rabno inaan dhammaanteen xasuusanno waa in aan qorshayn karno mustaqbalkeenna, balse taasi macnaheedu ma aha in wax walba u dhacayaan sida aan rabno ama jecelnahay.Marka nolosha ay wax dhacaan, saddex doorasho ayaad kala dooranaysaa: in ay ku qeexaan, in ay ku burburiyaan, ama in ay ku xoojiyaan. Marka aad doorato inaad u adkaysato dhib kasta oo aad kala kulanto raadintaada nolosha, waxaa hubaal ah inay kuu horseedi doonto waynaan waarta.Marka socodku adkaado, had iyo jeer xasuusnow inaad sii waddo. Wixii ka dambeeya xanuunka, faaโ€™iido ayaa jirta, nabarrada aad dagaalka kala kullantay waa waxa kaa dhigaya xiddig. Intifaaca heliddiisu waa dadaalka oo la xoojiyo. W/Q:Indha_caad #Kobci_Naftaada .

  • Si aad u fahanto nolosha macnaheeda, waa wakhtiga aad leedahay ee aadan haysan. Ninka guul soo hoyn doona, daqiiqadda soo marta ayuu ka faaโ€™iidaystaa. Mar kasta oo aan dadaalkeenna gelinno waxa aan doonayno, waxaan filaynaa inaan guulaysan doonno, hase yeeshee tani mar walba ma dhacdo. Gaaritaanka guusha waa geeddi-socod gaabis ah, waxayna u baahan tahay dadaal, goโ€™aan iyo adkaysi si ay wax u hirgalaan. Haddii aadan dhisan nolol, waxaad dhisi doontaa nolol qof kale. Barashada naftaadu waxay kaa caawinaysaa inaad barato sida aad u hoggaamin lahayd naftaada. I aamin, haddii ay naftu baaqi kugu tahay, waa hubaal inay is beddeli karto xaaladda aad ku jirto; ma aha mid lagu raagayo, waa imtixaan kaliya. Waxa uu kaaga baahan yahay waa inaad fahanto; ma adka, hana isku adkayn. Ma aha wax dhib badan, hana u joojin dhaqdhaqaaqa xanafta yar-yar ee ku soo gaadha inta aad ku jirto halganka. Maanta libinta cidna kama xigto. Si ay noloshu meel qaayo leh uga soo muuqato, waxa ugu wanaagsan waa inaad faham buuxa ka haysato awoodda garashada kaalintaada nololeed. Ka soo ifbaxa kaalinta noloshu waxay kugu hagtaa inaad ka hayaanto galdaloolada noloshu ku horkeeni doonto. Irkig ayay ahaan doontaa noloshu haddii aadan faham dhammaystiran ka haysan. Ka haysashada fahamka noloshu waxay kaa caawinaysaa sida aad u noolaan lahayd. Noloshu waa qiyam, fahamka casharrada ay xardhayaan. Qorrax walba oo soo ifbaxda waxay xanbaarsan tahay casharro kala jaad ah. Ninka aan garan waxa hadda taagan, ma garan doono waxa soo socda. Si aad u fahanto timaadda berri, waxay ku xidhan tahay taaganta maanta inaad qalinka ku duugto.Uma baahnid inaad noqoto kan ugu quruxda badan, ugu aqoonta badan, ugu caqliga badan, ugu xoolaha badan, ugu dadaalka badan, ama ugu fursadaha badan, si aad u noqoto kan ugu tayada badan ee ugu horreeya majaalkiisa. Qofka aan garan sida nolosha loo qeexo, ma garan karo sida nolosha loo fahmo. Ceelka uu qof waliba haysto, oo aanay jirin cid la maamushaa, waa garaadkiisa. Ruuxa aan garaadkiisa adeegsan wuxuu nolosha ku dhammeeyaa eedayn iyo dibjirnimo. Darajo ma aha in la yeesho ahanti nolosha, balse sida saxda ah ee ay darajadu macno u yeelanayso waa inay jirtaa waddo aad bidhaamisay. Mufakarnimada in lagu noolaado darajo u yeeshaa waa wax soo kordhin. Ilaahay wuxuu tilmaamay in caqliga laga shaqaysiiyo. Waa in la heli karaa waxa saldhigga u ah habsami-u-socodka nolosha ee qiimo u yeelanaya. Wax taxliilinta, si ay waxgal u noqoto, waa in garaadkaaga la dhaamiyaa; garaad madhan waxba ma iftiimin karo. Isku daygu waa uu ka wanaagsan yahay bilaa isku day. Dadnimadu waa salaanka nolosha ee la adkeeyo.Sida caadiga ah, in la iska noolaado waxa ka muhiimsan in loo noolaado ujeeddo, kana duwan nolosha qiyaaliga ah. Si loo helo nolol ka baxsan nolosha caadiga ah ee wax-ma-garatada ah, waxa ugu muhiimsan ee la doonayaa waa in la helo qiyam dhisan, kana madhan ujeeddo laโ€™aan. Koritaanka shaqsiyadeed waa sida loo abaabulo hab-fekerka iyo sida wax loo hal-abuuro. Isku daygu wuxuu ka darajo sarreeyaa iska noolaanshaha caadiga ah. Iyadoo boqolaal jeer lagu fashilmo, hal-abuurku wuu ka qurux badan yahay wax-qabad la'aanta. Xaqiiqada fahamka noloshu waa iska xirka irdaha hunguriga uu hoggaanka u hayo. Qofka doonaya in nolosha la gardhigto waa inuu ka xuubsiibtaa in hungurigiisu hoggaamiyo.Waxyar oo la cuno iyo wax badan oo la hawlgalo ayay noloshu macno ku leedahay. Dhuunta wixii aynnu dhaafin lahayn, haddii aynnu ka fekerno waxa lumaya waajibka nolosha innaga saaran. Si loo helo ka jawaabidda waajibka nolosha, waa in la iska xidhaa irdaha dhuuniga hoggaanka u hayyo.

  • 7 ั„ะตะฒั€.2742ะธะท Faaido_team

    Via @Faaido_team T 1ย ย ย ย ย ย ย  Faaido team waa hoyga kanaalada Telegram ee wax dhisa. Haddii aad raadineyso aqoon, wacyi, horumar iyo faaโ€™iido dhab ah halkan ayaad ka heleysaa. ๐—ฆ๐—ฃ๐—ข๐—ก๐—ฆ๐—ข๐—ฅ๐—˜๐—— ๐Ÿ’Ž @ReadingTheQuraan @Udhawoow_allaah @Saxiibka_Nolosha @Hagaha_nolosha @Cilmu_nafsi_10 @Dhiiragaliye99 @Faalo_jacayl @Akramjibriil @Samiirsign OWNER : @CABDULLAHI_7

  • JIRAHA CUSUB Sida korriinka shakhsiga ahi ina barayo, wahsigu waa ka daran yahay in aad fursad seegto. Sida dhabta ah, sida cilmigani qabo, waa daruuri in fursadda laga faa'idaysto isla marka ay soo ifbaxdo. Haddii kale waxa helaya qof kale oo maskax fiiqan. Qofkaas baa dabadeed u rogaya mashruuc, dabadeed midhihiisa guranaya. Sidaa awgeed, fursadda oo la dayacaa waa khasaare aan laga soo waaqsan karin. Sida xaqiiqada ah, maanhagga keenaya habkan ee ah in fadhindnimada la la doorto marka fursaddan lala kulmo, ayaa ah kan jaangoynaya go'aanka la qadanayo. Darnaanta dhibaatada, kolkaa, halkan baa laga dareemi karaa, taas baana inagu qaadaysa in aynu ku baaqno in cudurkan la cidhibtiro. Noloshu waa hadba jidka la raaco. Hadaf kastaa wuxuu u baahan yahay dhabbe loo maro si loo hanto. Kolka laga soo bilaabo go'aanka kowaad ilaa natiijada ugu danbaysa, marxaladaha dib-u-eegista iyo qorqorista, jidka noocan ah waa in lagu dabbaqo tallaabo kasta oo hawsha ah. Sida cadna tani waa in ay yeelato doorasho, marin iyo bartilmaameed. Habawsanuhu taa darteed wuxuu seegaa fursad kasta maxaa yeelay ma laha dhabaradayg. Aad bay muhiim u tahay in la jeexdo qorshe in badan marar badan laga baraandegay, si uu u noqdo jid qofka ka caawiya in uu nolosha dhex maaxo. Jiraha cusub se dhaxalwareeggiisu-oo xaaladdan lagu sheegi karo-wuxuu ka soo baxaa xaqiqada ah in aanay kaba go'nayn in uu masiirkiisa gacanta ku dhigo. Weligii maankiisa ku ma ay soo dhicin in uu noloshiisa maalinlaha ah ka dhigto mid uu leeyahay, isaga oo mustaqbalkana isha ku haya. #Jiraha_Cusub, bogga: 23

  • Tafsiirkani waa 61 xalqadood waana 30ka jus ee Quraanka Kariimka ah. 1kii saacba waa 1 xisbi. Waad dareemi kartaa hal xisbi oo hal saac lagu tafsiirayo, in uu aad u kooban yahay hadalku. Bishii Shacbaan maaanta kaw ayay ahayd. Waa 60 maalmood illaa maalinta ciidda. Haddaad maanta bilawdo, maalinta ciidda 30ka jus tafsiirkooda oo dhammaystiran ayaad khatimaysaa. Waa mid ka mid ah tafsiirrada ugu fudud uguna gaagaaban ee aanu sheekhu sharraxaad badan gelayn.

  • https://youtu.be/YNrBnm6oVaM?si=IATzKvYUvhmN-ZPW