tgindex
SIYAAD 🎭❤️

SIYAAD 🎭❤️

Статистика

𝗞𝗮𝗻𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮𝗻 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗱 𝗸𝗮 𝗵𝗲𝗹𝗶 𝗱𝗼𝗼𝗻𝘁𝗮 𝗫𝗶𝗴𝗺𝗮𝗱𝗼 𝗗𝗵𝗶𝗿𝗶𝗴𝗮𝗹𝗶𝗻 𝗡𝗶𝘆𝗮𝗱 𝗱𝗵𝗶𝘀 𝗝𝗮𝗰𝗮𝘆𝗹 𝗺𝗮𝗿 𝗺𝗮𝗿 𝗦𝘂'𝗮𝗹𝗼 𝗱𝗶𝗶𝗻𝗶 𝗮𝗵 𝗡𝗮𝗴𝘂 𝘀𝗼 𝗯𝗶𝗶𝗿 👇👇❤️❣️ ﷺ https://t.me/xabsijacayl12

Последний пост
14 авг.
Последнее чтение
15 авг.
Постов за неделю
6
Всего постов
25
Тип
открытый
Язык
so
Категория
Книги (по похожим)
В каталоге с
13 авг.
Подписчики
10 520
−16 за 6 дн.
Сутки
+9
+0,09%
Неделя
 
Месяц
 
Просмотров на пост
370
24 постов
Вовлечённость
3,5%
к подписчикам
Постов в день
0,9
всего 25
Упоминаний
79
каналов
Охват размещения
оценка
1/24сутки в ленте
161
1/48двое суток
184
1/72трое суток
198

Оценка по просмотрам недавних постов: пост набирает почти всё за первые сутки.

Посты

  • Saxibayaal emojing kala nooca saara writerka intaas anagana dhiiri gelin bay no tahay ❤️🫶🏻

  • Waa kuma “المطففون” (kuwa wax nusqeeya)? Alle wuxuu yiri: ﴿الَّذِينَ إِذَا اكْتَالُوا عَلَى النَّاسِ يَسْتَوْفُونَ ۝ وَإِذَا كَالُوهُمْ أَو وَّزَنُوهُمْ يُخْسِرُونَ﴾ Macnaha:“Waa kuwa marka ay dadka wax ka qaadanayaan si buuxda u qaata xaqooda, laakiin marka ay dadka wax siinayaan ama u miisaamayaan, wax bay ka dhimaan oo xuquuqdooda way nusqeeyaan.” Macnaha aayaddani kuma koobna oo keliya ganacsatada, ee waa mid aad uga ballaaran. Qofka wax nusqeeya (المطفف) wuxuu noqon karaa: Nin doonaya in xaaskiisu si buuxda u gudato dhammaan xuquuqdiisa, laakiin isagu aan siin xuquuqdeeda, dulmina iyo dhaawacna u geysta. Macallin dhammaadka bisha qaata mushaharkiisa oo dhan, laakiin aan ardayda si wanaagsan wax u barin, daryeelkoodana dayaca, isagoo danaynaya oo keliya kuwa bixiya duruusta gaarka ah. Dhakhtar qaata mushaharkiisa iyo gunnooyinkiisa, balse ka taga bukaannada saboolka ah inta uu shaqada joogo, si uu ugu shaqeeyo rugtiisa gaarka ah dadka lacagta badan bixiya. Qof raba in ehelkiisu had iyo jeer soo booqdaan oo war ka hayaan, halka isagu uu xiriirka qaraabada gooyo. Masuul dadka u qaybiya badeeco liidata, halka tan wanaagsan uu u qoondeeyo dadka uu dano gaar ah kala dhexeeyo. Shaqaale dowladeed dib u dhiga danaha dadka caadiga ah, balse adeegga si fudud ugu qabta dadka leh qaraabo ama saaxiibo awood leh. Loo-shaqeeye siiya fursado iyo gunnooyin dad gaar ah, isagoo ka reebaya shaqaalaha kale dano isaga u gaar ah awgood. Kafiil ka qaata qofka uu kafaala qaaday wax ka badan xaqiisa, ama ka dhima mushaharkiisa, ama gebi ahaanba u diida. Maamule, garsoore ama bare jaamacadeed shaqada u magacaaba wiilkiisa ama ehelkiisa, isagoo ka hor marinaya qof ka karti iyo aqoon badan. Aayadahani waxay qof kasta oo caqli leh ku baraarujinayaan inuu naftiisa dib u eego. Macnaha waxay taabanaysaa dhinacyo badan oo nolosheenna ka mid ah: Ma daacad baan ugu shaqaynaa shaqadeenna? Ma caddaalad baan ku nahay nolosheenna? Ma xaq baan u ilaalinnaa dadka aan la macaamilno? Mise waxaan jecelnahay in annaga naloo dhammeeyo xuquuqdeenna, halka aan ka nusqeyno xuquuqda dadka kale? Alle wuxuu yiri: ﴿وَيْلٌ لِّلْمُطَفِّفِينَ ۝ الَّذِينَ إِذَا اكْتَالُوا عَلَى النَّاسِ يَسْتَوْفُونَ ۝ وَإِذَا كَالُوهُمْ أَو وَّزَنُوهُمْ يُخْسِرُونَ﴾ Macnaha:“Hoog waxaa leh kuwa wax nusqeeya; kuwa marka ay dadka wax ka qaadanayaan si buuxda u qaata, laakiin marka ay dadka wax siinayaan ama u miisaamayaan, wax bay ka dhimaan.” (Suuradda Al-Muṭaffifīn: 1–3)

  • Annagoo yaryar waxaan maqli jirnay aayadda Alle ee leh: ﴿وَيْلٌ لِّلْمُطَفِّفِينَ﴾ Waxaana naloo sharxi jiray inay ka hadlayso ganacsadaha ku shuba miisaanka, dadka siiya wax ka yar xaqooda. Laakiin ma taas oo keliya ayay aayaddu ka hadlayso? Maxayse dhab ahaantii ka dhigan tahay erayga “المطففين” Ereyga “تطفيف” wuxuu ka yimid wax yar oo la dhimo ama la nusqeeyo, wax ay dadku u arkaan “wax aan weynayn”. Tusaale ahaan, ganacsade wuxuu ka dhimaa 50 garaam dhowr kiilo oo alaab ah. Waa wax yar marka la eego tirada oo dhan, laakiin Alle arrintaas wuxuu uga dejiyey suurad gaar ah oo Qur’aanka ka mid ah. Qaar ka mid ah culimada tafsiirka waxay sheegeen in “ويل” (Wayl) uu yahay magac loo bixiyey tog ama meel cadaabta ku taal oo aad u daran. Alle ayaana ka magan galnee.

  • Dadka ku cusub halkaan waxaan idin leeyahay kusoo dhawaada hoyga degenaanta 🫶 https://awzaacimohamoudabdullaahi.substack.com

  • Halkan waxaa ku midoobay bahda qoraayaasha iyo akhristayaasha… si guud aqoonyahano ama dadkii cilmiga u saaxibka ahaa. Kani waa app-ka ugu deggan, ugu akhlaaqda badan, isla markaana laga kororsan karo aqoon, fikir iyo garaad inta Soomaalidu isticmaasho. Waa meel ay ku kulmaan qalinka iyo aqoonta, qoraalka iyo akhriska, fikirka iyo hal-abuurka. https://awzaacimohamoudabdullaahi.substack.com

  • Waxbarashada uu ilmuhu u baahan yahay waxay ka kooban tahay dhowr dhinac: Diin: Qur’aan, salaad, akhlaaq iyo barashada waxa saxda iyo khaladka ah. Aqoon aasaasi ah: Akhris, qoraal, xisaab iyo fahamka deegaanka. Akhlaaq iyo edeb: Ixtiraamka waalidka, macallimiinta iyo dadka kale. Xirfadaha nolosha: Isgaarsiin, fikir wanaagsan, xalinta dhibaatooyinka iyo masuuliyadda. Aqoonta bulshada: Sida loola dhaqmo dadka iyo sida loo noqdo qof bulshada waxtar u leh. Hibo iyo hal-abuur: In la ogaado waxa uu ilmuhu ku fiican yahay lana horumariyo. Marka la soo koobo: Ilmuhu wuxuu u baahan yahay waxbarasho dhista diintiisa, maskaxdiisa, akhlaaqdiisa iyo xirfaddiisa nololeed.❤️📌📚 #siyaad #siyaadbooks #qanaatul_axaadith #quraan_242 #mohamed_miskiinow

  • Wuxuu ka hadlayaa caddaaladda, garsoorka, maamulka iyo sida xaqa loo ilaaliyo. 23. السياسة الشرعية — ابن تيمية Wuxuu ka hadlayaa maamulka Islaamka, mas’uuliyadda hoggaamiyaha iyo caddaaladda bulshada. 24. اقتضاء الصراط المستقيم — ابن تيمية Wuxuu ka hadlayaa aqoonsiga Muslimka, dhaqanka iyo ka fogaanshaha waxyaabaha dhaawacaya qiyamka Islaamka. 25. حجة الله البالغة — شاه ولي الله الدهلوي Wuxuu ka hadlayaa xikmadaha ku jira shareecada, sababta amarrada Alle iyo nidaamka bulshada. ‎26. الموافقات — الشاطبي Wuxuu ka hadlayaa ujeeddooyinka waaweyn ee shareecada: ilaalinta diinta, nafta, caqliga, nasabka iyo hantida. ‎27. الرعاية لحقوق الله — المحاسبي Wuxuu ka hadlayaa sida qofku u ilaaliyo xiriirka uu la leeyahay Alle iyo nadiifinta niyadda. ‎27. تلبيس إبليس — ابن الجوزي Wuxuu ka hadlayaa khiyaanooyinka Shaydaanka, sida dadka loogu marin habaabiyo diinta iyo adduunka. ‎29. الفصل في الملل والأهواء والنحل — ابن حزم Wuxuu ka hadlayaa diimaha, fikradaha iyo الفرق (aragtiyada kala duwan) isagoo adeegsanaya dood iyo cilmi. #siyaad #siyaadbooks #qanaatul_axaadith #quraan_242

  • Soo jeedin: Guryahaha iyo goobaha meelaha umada ku kulanto in goob makatab free ah loo sameeyo si dhanka akhriska u jeesano inago miisankayna ka dhigeeno diinta,sidoo kale inaan caruurteena ka dhigno kuwa cilmi hadla inagoo oga’gooleh inaan badalno dhaqankaan qarniyada soo jiray ee ah inaan afka wax isugu gudbino sida gabayada iwm inteena badan mid wax qoray kuma jiri waa dhif iyo nadir intaad aragta mid wax qorau badankood cilmigooda waa ladhintaan maanta Af wax isugu gudbintii dhibaato wayn bay naguhaysaa waxayna qayb ka tahay burburka bulshadeena waad aragtaan maanta kuwa wax soo gudbiyo marka waa inaan badalnaa dhaqankaa dhanka buuga wax isugu gudbina waxa inaan u jeesana waxaan soo jeedinaya in helno gudi buugata turjuma kuwaa aan noo soo turmin kaliyah kuwa aristotle waxaan baahanahay kuwa bugaagtana soo turjama. 1. الإسلام بين الشرق والغرب — علي عزت بيغوفيتش Wuxuu ka hadlayaa xiriirka u dhexeeya Islaamka iyo ilbaxnimada casriga ah; sida ruuxda iyo maaddadu isu dheellitiraan, iyo in horumarka aan akhlaaq lahayn uu qofka lumin karo. 2. الفوائد — ابن القيم Wuxuu ka hadlayaa qalbiga, nafta, jacaylka Alle, khiyaanada adduunka, iyo sida qofku u hagaajin karo gudaha naftiisa. 3. مدارج السالكين — ابن القيم Wuxuu sharxayaa safarka qofka Muslimka ah ee Alle loogu dhowaanayo; tawbada, sabirka, tawakkulka, jacaylka Alle iyo heerarka iimaanka. 4. العبودية — ابن تيمية Wuxuu ka hadlayaa macnaha dhabta ah ee cibaadada; in addoonnimada Alle ay ku jirto nolosha oo dhan, ma aha cibaadooyin gaar ah oo keliya. 5. إحياء علوم الدين — الإمام الغزالي Wuxuu ka hadlayaa akhlaaqda, qalbiga, cibaadada, cudurrada nafta, iyo sida qofku u helo nadiifnimo gudaha ah. 6. الرعاية لحقوق الله — الحارث المحاسبي Wuxuu ka hadlayaa la xisaabtanka nafta, ilaalinta xuquuqda Alle, iyo sida qofku u kormeero camalkiisa. 7. صيد الخاطر — ابن الجوزي Wuxuu ka hadlayaa waayo-aragnimada nolosha, khaladaadka dadka, fikirka, akhlaaqda iyo baraarugga qalbiga. 8. مقدمة ابن خلدون — ابن خلدون Wuxuu ka hadlayaa sida bulshooyinku u dhashaan una dhacaan, dhaqaalaha, siyaasadda, dhaqanka iyo sababaha awoodda ummadaha. 9. الأموال — أبو عبيد القاسم بن سلام Wuxuu ka hadlayaa hantida Islaamka, zakada, dhaqaalaha bulshada iyo mas’uuliyadda maalqabeenka. 10. الخراج — أبو يوسف Wuxuu ka hadlayaa maamulka dhaqaalaha, canshuurta, caddaaladda dowladda iyo xuquuqda shacabka. 11. الداء والدواء — ابن القيم Wuxuu ka hadlayaa cudurrada qalbiga, dembiyada, rabitaanka nafta iyo daawooyinka ruuxiga ah. 12. طريق الهجرتين وباب السعادتين — ابن القيم Wuxuu ka hadlayaa socdaalka qalbiga ee Alle loo socdo iyo sababaha farxadda dhabta ah. 13. الوابل الصيب — ابن القيم Wuxuu ka hadlayaa xuska Alle (dikriga), saameyntiisa qalbiga iyo nolosha qofka. 14. خلق المسلم — محمد الغزالي Wuxuu ka hadlayaa akhlaaqda Muslimka, sida qofku ula dhaqmo Alle, naftiisa iyo dadka kale. 15. جدد حياتك — محمد الغزالي Wuxuu ka hadlayaa dib-u-habaynta nolosha, fikirka wanaagsan iyo ka faa’iidaysiga waqtiga. 16. معالم في الطريق — سيد قطب Wuxuu ka hadlayaa aragtida Islaamka ee bulshada, hanuunka, iyo dhibaatada marka dadku ka fogaadaan qiyamka Alle. 17. في ظلال القرآن — سيد قطب Wuxuu ka hadlayaa fahamka Qur’aanka, saamaynta uu ku leeyahay qofka iyo dhismaha bulshada. 18. الرسالة المحمدية — محمد أبو زهرة Wuxuu ka hadlayaa nolosha Nebiga ﷺ, fariintiisa, iyo sida uu u dhisay ummad. 19. خاتم النبيين — محمد أبو زهرة Wuxuu ka hadlayaa taariikhda Nebiga ﷺ iyo marxaladihii dacwada. 20. الرحيق المختوم — صفي الرحمن المباركفوري Wuxuu ka hadlayaa siirada Nebiga ﷺ, dagaalladii, dacwadii iyo dhismaha bulshada Muslimka. 21. زاد المعاد — ابن القيم Wuxuu ka hadlayaa hanuunka Nebiga ﷺ ee cibaadada, caafimaadka, qoyska, dagaalka iyo maamulka. 22. الطرق الحكمية — ابن القيم

  • 𒊹︎︎︎KOOXDA ixsaan♾ Halkaan Waxaa Kuugu Diyaar ah Channello Ku Anfici Doona Aadna Wax Badan Ka Faa,idi Doontid Insha Allah, Kusoo Biir Waxaana Kuu Rajeynaa Iney Ku Anfici Doonaan ilaahey idinkiisa.🖤📚😍         @qanaatul_axaadiith @oldwriter1 @xidigta_habenki @smile_digital @Rasaailul_Amal @sabarka143 @public_234 @tiktok_boosts @OGAANSHAHANOLASHA67 @xabsijacayl12 @XIKMAD_MURTI_CHANNEL @nimcothoughts @Quraan_242 @kobci_maskaxdaada1 @XOGMAAL20 @SamiirIsmail @webcraftacademy97 @Daaruxikma @qisoyin_xikmado @QANAATMUBAARAK @Alihsan_channel @Rajo_channel @furaha_qalbiga @TALOOYINKANOLOSHA24 @salfiyah11 @Suaalo_jawaab1 @Rakaadmedia @Erayojacayl1 @dahsoon1 @DHAL_CASHAQ @Qalbitabat @himilo_books @dhaawacaqalbiga @Darenka_dahsoon1 @Daaci_muhamett @Balaashaan @xidigtiimalayka @bintumohammed12 @abuu_muxsin2 @GURIGAXIGMADA @Faafinta_Diinta_islamka @siyaadbooks @sh_cabdiqadir_tawxiid @muhiim_garaad @ORAAHDAHADALKA24 @garashochannel @AQOON_AROOR @diwaanka_suugaanta 📚𝗗𝗵𝗮𝗺𝗺𝗮𝗮𝗻𝘁𝗼𝗼𝗱 𝗸𝘂 𝗯𝗶𝗶𝗿📚

  • Saxibayaal emojing kala nooca saara writerka intaas anagana dhiiri gelin bay no tahay ❤️🫶🏻💐

  • أُوْلَٰئِكَ الَّذِينَ هَدَى اللَّهُ فَبِهُدَاهُمُ اقْتَدِهْ…. "Kuwaa, llaahay ayaa hanuuniyay e adiguna ku dayo hanuunkooda"💙❣💕 ancam. #mohamed_miskiinow #mohamed_caatos👻💀

  • "Maxaan maanta samayn karaa si aan berri u noqdo qof ka wanaagsan kii shalay?" #qanaatul_axaadiith #xabsijacyl12 #siyaadbooks #madasha_siyaadbooks #mohamed_miskiinow #team_ixsaan

  • 🌿 Yaa Ka Mas'uul Ah Noloshaada? السلام عليكم ورحمة الله وبركاته Waxaan taxanaheenna qaybtiisii labaad ku soo barannay in isbeddelku uu ka bilaabmo nafta, sidoo kalena waxa aanu soo fahannay sababta ay dad badani uga baqaan isbeddelka. Maanta waxaanu dul istaagaynaa su'aal ka mid ah su'aalaha ugu waaweyn ee beddeli kara nolosha qofka. Yaa ka mas'uul ah noloshaada? Su'aashani way fududahay in la akhriyo, laakiin way adag tahay in si daacad ah looga jawaabo. Dad badan marka ay dhibaato la kulmaan waxay si degdeg ah u raadiyaan cid ay eedda dusha ka saaraan. Waxayna yiraahdaan: "Waalidkay baa sabab u ah." "Bulshadu fursad ima siin." "Saaxiibbaday baa i khalday." "Qof hebel ah ayaa noloshayda burburiyay." Waxaa laga yaabaa in qaar ka mid ah arrimahaas ay dhab yihiin. Waxaa laga yaabaa inaad la kulantay caddaalad-darro. Waxaa laga yaabaa in lagu dhaawacay. Waxaa laga yaabaa in lagaa qaatay xuquuq aad lahayd. Laakiin waxaa jirta su'aal ka muhiimsan dhammaan kuwii hore: Maxaad adigu samaynaysaa maanta si aad berri uga fiicnaato sida aad maanta tahay? Sababtoo ah qofka sii noolaanaya isagoo ku mashquulsan eedeynta dadka kale, wuxuu si tartiib ah u wareejinayaa awooddii uu ku beddeli lahaa noloshiisa. Mas'uuliyaddu ma aha inaad sababayso wax kasta oo kugu dhacay. Mas'uuliyaddu waa inaad doorato sida aad uga jawaabayso waxa kugu dhacay. Waxaa jira waxyaabo aadan dooran Sida: 🌼Qoyska aad ka dhalatay. 🌼Dhibaatooyinka qaarkood ee ku soo maray. 🌼Dadka qaar sida ay kuula dhaqmeen. Laakiin waxaad dooran kartaa: 🍂Qofka aad noqonayso. 🍂Sida aad u fikirayso. 🍂Sida aad u hadlayso. 🍂Cidda aad la saaxiibayso. 🍂Waxa aad maanta baranayso. 🍂Go'aamada aad qaadanayso. Qofka qaangaarka ahi waa in uu ogaadaa in mustaqbalkiisa aanu dhismin isagoo tirinaya khaladaadkii dadka kale ay ka galeen , balse uu ku dhismo go'aamada uu maanta qaato. Alle Subxaanahu watacaalaa wuxuu yiri: «وأن ليس للإنسان إلا ما سعى وأن سعيه سوف يرى» "Inaan qofku lahayn wax aan ahayn wixii uu ku dadaalay, dadaalkiisana waa mid la arki doono. Bal ka fiirso aayaddan. Alle naguma xidhin natiijada oo keliya. Wuxuu qiimeeyay dadaalka. Taas macnaheedu waa in qofka Muslimka ahi aanu sugin mucjiso halmar noloshiisa wad bedesha, ee waa in uu istaago, dadaalo, Alle talo saarto, kadibna ku qanco qadarka Alle. Sidoo kale Alle wuxuu yiri: «إن الله لا يغير ما بقوم حتى يغيروا ما بأنفسهم» "Alle ma beddelo xaaladda qoom ilaa ay iyagu beddelaan waxa naftooda ku jira. Aayaddani waxay ina xusuusinaysaa in isbeddel kasta uu ka bilaabmo gudaha qofka. Nabigeenna Muxammad ﷺ wuxuu yiri: «احرص على ما ينفعك، واستعن بالله، ولا تعجز.» "Ku dadaal waxa ku anfacaya, Alle kaalmo weydiiso, hana caajisin." Xadiithkani wuxuu ina barayaa saddex qodob oo nolosheena beddeli kara: 🌿 Raadso waxa ku anfaca. 🌿 Alle talo saaro. 🌿 Hana is dhiibin. Waxaa jira laba nooc oo dad ah. Nooca koowaad wuxuu leeyahay: "Waxba ma qaban karo." Nooca labaad wuxuu leeyahay: "Wax yar ayaan maanta qaban karaa." Farqiga u dhexeeya labadan qof ma aha karti. Waa aragti. Maskaxda qofka mar kasta ku celcelisa: "Anigu ma awoodo." Waxay xirtaa albaab kasta oo fursad ah. Laakiin maskaxda tiraahda: "Waan isku dayayaa." Waxay furtaa albaabo aysan markii hore arki jirin. Culimada cilmi-nafsigu waxay tilmaamaan in dadka qaata mas'uuliyadda go'aamadooda ay inta badan yeeshaan adkaysi iyo awood ay uga soo kabtaan dhibaatooyinka, halka qofka mar kasta wax walba dusha ka saara dadka kale uu dareemo awood la'aan iyo niyad-jab. Muslimkuna wuxuu ka faa'iidaysanayaa fahamkan isagoo ku lammaaninaya tawakkul iyo ku-tiirsanaanta Alle. Waxaa la yidhi: "Qofka marmarsiinyo badan haysta, horumar yar ayuu sameeyaa." Waxaa kaloo la yidhi: "Ma beddeli kartid wixii shalay dhacay, laakiin waxaad beddeli kartaa waxa berri dhici doona adigoo maanta beddelaya naftaada." 🌿 Gunaanadka mawduuceena caawa Ha noqon qof noloshiisa ku lumiyo isagoo raadinaya cid uu eedeeyo. Noqo qof naftiisa waydiiya:

  • SIYAAD 🎭❤️ pinned a photo

  • السلام عليكم ورحمة الله وبركاته الحمد لله الذي بنعمته تتم الصالحات، وبفضله تتنزل الخيرات والبركات، أحمده سبحانه وأشكره، وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له، شهادةً أرجو بها النجاة يوم الدين، وأشهد أن سيدنا ونبينا محمدًا عبده ورسوله، المبعوث رحمةً للعالمين، صلى الله وسلم وبارك عليه، وعلى آله وأصحابه، ومن تبعهم... أما بعد: 𝗗𝗵𝗮𝘄𝗮𝗮𝗻 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗹𝗮𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗮𝗻𝗱𝗵𝗶𝗴𝗮𝘆, 2𝗱𝗮𝘆𝘀 𝗸𝗮 𝗵𝗼𝗿.... Bandhigga Saddexleyda Kutubta Fiqhiga oo ay qabatay Jaamacadda Islaamiga ee Soomaaliya ee uu qoray Prof. Dr. Xasan Cismaan Axmed (Dr. Xasan Mahdi), Hormuudka Kulliyadda Daraasaadka Sare iyo Cilmi-baarista, kana tirsan maamulka iyo bahda macallimiinta Jaamacadda. Bandhiggan waxaa lagu soo bandhigay saddex buug oo cilmiyeed oo muhiim u ah cilmiga Fiqhiga, kuwaas oo kala ah 📖 فقه الجنايات 📖 أحكام الحدود، دراسة فقهية مقارنة 📖 التفريق القضائي بين الزوجين، دراسة فقهية مقارنة Bandhiggan wuxuu noqday madal ay isugu yimaadaan culimada, garsoorayaasha, bahda aqoonta, ardayda daraasaadka sare, cilmi baarayaasha iyo dhammaan daneeyayaasha cilmiga.

  • Dawo maleh doqonki jacayl aha ee yuusan daciif ka dhigin qalbi adeego marbuu naxriista dhamaaye😃🥀

  • Soo dhawoow wll 💻🌷📚 WhatsApp:- +252619340210

  • 𒊹︎︎︎KOOXDA ixsaan♾ Halkaan Waxaa Kuugu Diyaar ah Channello Ku Anfici Doona Aadna Wax Badan Ka Faa,idi Doontid Insha Allah, Kusoo Biir Waxaana Kuu Rajeynaa Iney Ku Anfici Doonaan ilaahey idinkiisa.🖤📚😍         @qanaatul_axaadiith @oldwriter1 @xidigta_habenki @smile_digital @Rasaailul_Amal @sabarka143 @public_234 @tiktok_boosts @OGAANSHAHANOLASHA67 @xabsijacayl12 @XIKMAD_MURTI_CHANNEL @nimcothoughts @Quraan_242 @kobci_maskaxdaada1 @XOGMAAL20 @SamiirIsmail @webcraftacademy97 @Daaruxikma @qisoyin_xikmado @QANAATMUBAARAK @Alihsan_channel @Rajo_channel @furaha_qalbiga @TALOOYINKANOLOSHA24 @salfiyah11 @Suaalo_jawaab1 @Rakaadmedia @Erayojacayl1 @dahsoon1 @DHAL_CASHAQ @Qalbitabat @himilo_books @dhaawacaqalbiga @Darenka_dahsoon1 @Daaci_muhamett @Balaashaan @xidigtiimalayka @bintumohammed12 @abuu_muxsin2 @GURIGAXIGMADA @Faafinta_Diinta_islamka @siyaadbooks @sh_cabdiqadir_tawxiid @muhiim_garaad @ORAAHDAHADALKA24 @garashochannel @AQOON_AROOR @diwaanka_suugaanta 📚𝗗𝗵𝗮𝗺𝗺𝗮𝗮𝗻𝘁𝗼𝗼𝗱 𝗸𝘂 𝗯𝗶𝗶𝗿📚

  • Waxaan ubaahnahy 50 arday oo aan xifdisiiyo Qur'aanka kariimka, fadlan hadaad daneyneyso ila Soo xariir❤️📌 Number Whatsapp +252619340210 Ama luuqa:- @Markazul_ixsan

  • https://chat.whatsapp.com/Bfz7JUfqhGt6RUGlbewz6V?s=cl&p=a&ilr=4