tgindex
AQOON AROOR

𝐇𝐚𝐥𝐤𝐚𝐧 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐝 𝐤𝐚 𝐡𝐞𝐥𝐚𝐲𝐬𝐚𝐚 𝐐𝐨𝐫𝐚𝐚𝐥𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐝𝐮𝐰𝐚𝐧 𝐬𝐢𝐝𝐚 :- 💠 Tallooyin 🕊 💠 Xikmado 🌿 💠 Dhiiri-g𝐚lin ⚡️ 💠 Qisooyin 📚 💠 Iyo waliba Aqoon Guud 💙 "ɪɢᴀʟᴀ sᴏᴏ xɪʀɪɪʀ:👉 @Abdinasir_Ali_yusuf

Последний пост
14 авг.
Последнее чтение
13 авг.
Постов за неделю
2
Всего постов
21
Тип
открытый
Язык
so
В каталоге с
13 авг.
Подписчики
6 872
−24 за 4 дн.
Сутки
−9
−0,13%
Неделя
 
Месяц
 
Просмотров на пост
350
21 постов
Вовлечённость
5,1%
к подписчикам
Постов в день
0,3
всего 21
Упоминаний
44
каналов
Охват размещения
оценка
1/24сутки в ленте
106
1/48двое суток
121
1/72трое суток
131

Оценка по просмотрам недавних постов: пост набирает почти всё за первые сутки.

Посты

  • без подписи

  • 𝐈𝐛𝐧𝐮 𝐣𝐚𝐰𝐳𝐢 𝐢𝐥𝐚𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐡𝐚 𝐮𝐧𝐚𝐱𝐫𝐢𝐢𝐬𝐭𝐞𝐞 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐮𝐮 𝐲𝐢𝐫𝐢 : ‏طُوبى لعبدٍ أنار قبره قبل أن يدخله ‏وأرضى ربَّه قبل أن يلقاه ‏وصلّى قبل أن يُصلّى عليه ! Waxaa nasiib leh addoonkii qabrigiisa iftiimiyay ka hor inta uusan gelin, Rabbigiisana raalli geliyay ka hor inta uusan la kulmin, Salaaddana tukaday ka hor inta aan salaad janaaso lagu tukan!

  • 10 авг.96из team_ixsaan

    𒊹︎︎︎KOOXDA ixsaan♾ Halkaan Waxaa Kuugu Diyaar ah Channello Ku Anfici Doona Aadna Wax Badan Ka Faa,idi Doontid Insha Allah, Kusoo Biir Waxaana Kuu Rajeynaa Iney Ku Anfici Doonaan ilaahey idinkiisa.🖤📚😍         @qanaatul_axaadiith @oldwriter1 @xidigta_habenki @smile_digital @Rasaailul_Amal @sabarka143 @public_234 @tiktok_boosts @OGAANSHAHANOLASHA67 @xabsijacayl12 @XIKMAD_MURTI_CHANNEL @nimcothoughts @Quraan_242 @kobci_maskaxdaada1 @XOGMAAL20 @SamiirIsmail @webcraftacademy97 @Daaruxikma @qisoyin_xikmado @QANAATMUBAARAK @Alihsan_channel @Rajo_channel @furaha_qalbiga @TALOOYINKANOLOSHA24 @salfiyah11 @Suaalo_jawaab1 @Rakaadmedia @Erayojacayl1 @dahsoon1 @DHAL_CASHAQ @Qalbitabat @himilo_books @dhaawacaqalbiga @Darenka_dahsoon1 @Daaci_muhamett @Balaashaan @xidigtiimalayka @bintumohammed12 @abuu_muxsin2 @GURIGAXIGMADA @Faafinta_Diinta_islamka @siyaadbooks @sh_cabdiqadir_tawxiid @muhiim_garaad @ORAAHDAHADALKA24 @garashochannel @AQOON_AROOR @diwaanka_suugaanta 📚𝗗𝗵𝗮𝗺𝗺𝗮𝗮𝗻𝘁𝗼𝗼𝗱 𝗸𝘂 𝗯𝗶𝗶𝗿📚

  • 8 авг.239102

    “Dad qofkii wax kugu tara, Daacad kuugu hagar baxay, Kaaga doonay meel adag, Wuxuu galay wax doorsada, Si ka diiran ugu celi. Hadduu diido waayuhu, Noqo ruux ku dayn baxa, Dibnihiyo afkiisoo, Duco ugu abaal-gudda”            .

  • Hadal-jeedinta iyo saamayntiisa. Had iyo jeer salaada makhrib waxaan ku tukadaa masjid ka fog aaga xaafadda, masjidka waxan ku arkay oday waayeel ah oo Marka la tukado dadka waaniya. Xaqiiqatan, waanada odaygaas waxay si toos ah u taabataa qalbiga qofka, waxayna ku reebtaa raad wanaagsan. Dhanka kale, haddii mid ka mid ah culimada  ahi isku dayo inuu dadka waaniyo, mararka qaarkood waxaa dhacda in dadku kala yaacaan ama ay iska tagaan. Waxaan ka fahmay arrintan in qof kastaa uu jeedin karo waano, balse in Eebbe dadka quluubtooda geliyo oo ay saamayn ku yeelato waa deeq iyo fadli uu Alle bixiyo.

  • Markaad hawsha kuu taal Iyo taada maamusho Maareynta hawl kale Miciinkeeda aad oo Adooy kaa maroor tahay Mid kaleeto sixiddeed Ha ku maagin aadmiga Haddaan moobil soo dhicin Kaar kuu muhiimiyo Marti-qaadna kuu iman Qiimigaa ku maydhmee Meel aan lagaa wacan Ka dhex muuqo hays odhan Si kasduu maarriin iyo Midab loo riyaaqiyo Muuq wacan u leeyahay Hadduu maanka garashada Qofku caydh kayahay madhan Wax kastood u mudatiyo Maamuus aad siisaa Waa hal meel bacaadliyo Lagu maalay boodhkee Milgahaaga ruux tiray Adna maxabo haw qabin Madal aad ka maqantahay Magacaaga ruuxii Difaacee adoo moog Samahaaga muujiyay Adiguna mudnaan iyo Mansabkiisa sii oo Yaan agtaada lagu miran Qof malyuun wanaag falay Haddii uu mar iyo laba Murmo oo gef kaa galo Malag maahee waa bashar Margan kara ayaamee Mixnad iyo calool xumo Adoon miisan oon lumin Maslaxadda dantiina ah Murti iyo ku kaab xeel. .

  • “Sidee farxad iyo nolol sareedo leh ku helaysaa adiga oo salaadii ka tegey ama aan xilba iska saarayn ilaalinteeda ?“ Farxadda iyo cibaadadu waa laba isku lammaan, waayo farxaddu waa wax ruux ahaan loo dareemo; ruuxdana waxa daaweeya ee deganaanta siiyaa waa cibaadad iyo xuska Alle. Subax wanaagsan ☕️📿

  • XIDHIIDHKA ALLE ADKEE Waa Asalka Guul Kasta Wax kasta oo aad raadiso waxay ka bilaabmaan xidhiidhka aad la leedahay Rabbigaa. Aqoonta aan Alle kuu hoggaaminin waxay noqon kartaa culays, halka aqoonta barakaysan ay qofka kor u qaaddo adduun iyo aakhiraba. Alle wuxuu yiri: وَمَن يَتَّقِ اللَّهَ يَجْعَل لَّهُ مَخْرَجًا. وَيَرْزُقْهُ مِنْ حَيْثُ لَا يَحْتَسِبُ “Qofkii Alle ka cabsada, wuxuu u yeelayaa meel uu ka baxo, wuxuuna ka arsaaqayaa meel uusan filayn.” Salaadda ilaali, Qur'aanka maalinkasta wax ka akhri, towbadkeenka badso, ducadana badi. Barakada waqtiga, fahamka iyo guushu waxay ka yimaadaan Alle.

  • 3 авг.1582из team_ixsaan

    𒊹︎︎︎KOOXDA ixsaan♾ Halkaan Waxaa Kuugu Diyaar ah Channello Ku Anfici Doona Aadna Wax Badan Ka Faa,idi Doontid Insha Allah, Kusoo Biir Waxaana Kuu Rajeynaa Iney Ku Anfici Doonaan ilaahey idinkiisa.🖤📚😍         @qanaatul_axaadiith @oldwriter1 @xidigta_habenki @smile_digital @Rasaailul_Amal @sabarka143 @public_234 @tiktok_boosts @OGAANSHAHANOLASHA67 @xabsijacayl12 @XIKMAD_MURTI_CHANNEL @nimcothoughts @Quraan_242 @kobci_maskaxdaada1 @XOGMAAL20 @SamiirIsmail @webcraftacademy97 @Daaruxikma @qisoyin_xikmado @QANAATMUBAARAK @Alihsan_channel @Rajo_channel @furaha_qalbiga @TALOOYINKANOLOSHA24 @salfiyah11 @Suaalo_jawaab1 @Rakaadmedia @Erayojacayl1 @dahsoon1 @DHAL_CASHAQ @Qalbitabat @himilo_books @dhaawacaqalbiga @Darenka_dahsoon1 @Daaci_muhamett @Balaashaan @xidigtiimalayka @bintumohammed12 @abuu_muxsin2 @GURIGAXIGMADA @Faafinta_Diinta_islamka @siyaadbooks @sh_cabdiqadir_tawxiid @muhiim_garaad @ORAAHDAHADALKA24 @garashochannel @AQOON_AROOR @diwaanka_suugaanta 📚𝗗𝗵𝗮𝗺𝗺𝗮𝗮𝗻𝘁𝗼𝗼𝗱 𝗸𝘂 𝗯𝗶𝗶𝗿📚

  • Maxaa  ka wanaagsan inaad habeen kasta seexato adigoo qalbigaaga ka saaray xiqdiga iyo ciilka qof kasta oo kuu gefayna aad cafiso adigoo ajar ka  rajaynaya Allaah

  • Qiyaamul-Laylku waa miisaanka diinta. - Waa kan lagu ogaado inta ay le'eg tahay jacaylkaaga Alle iyo sida aad habeenkii ugu istaagto dartiis. - Waa kan lagu garto heerka khushuucaaga iyo baryadaada marka aad hortiisa istaagto. - Waa kan lagu dhadhamiyo macaanka iimaanka iyo raaxada cibaadada. - Waa kan lagu ogaado quruxda la faqidda Rabbiga iyo degganaanshaha ducada. - Waa kan lagu dareemo baahida aad Alle u qabto iyo sharafta istaagga hortiisa Boqorka wax walba iska leh. - Qiyaamul-Laylku waa miisaanka lagu kala garto kuwa si dhab ah u yaqaan Alle iyo kuwa aan aqoon dhab ah u lahayn.

  • Nolosha Mu’minka waxay leedahay hal ujeeddo: Raalli-gelinta Alle SWT. ﴿قُلْ إِنَّ صَلَاتِي وَنُسُكِي وَمَحْيَايَ وَمَمَاتِي لِلَّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ﴾ Salaaddayda, cibaadadayda, noloshayda iyo geeridayduba waxay u sugnaadeen Allaah, Rabbiga Caalamka. Ilaahay ha naga yeelo kuwa noloshooda iyo aakhiradoodaba u hibeeya addeeciddiisa. Aamiin. 🤲❤️

  • • Tartan weeye noloshaani • Adna meel ha taagnaan • Tabtii geedka oo kale • Adoo qayrkaa la tartami kara • Yaan tiir laguugu xidhin • Tubta aad sii maraysana • Tusmadeeda sii baro.

  • “Ninku yiri sinaan meyno “adna diid sareyntiisa” “Sadka waad wadaagtaane” “Ma sagaashanbaa tiisu” —Abwaan Hadrawi

  • 🌿 Farxadda 🌿 Farxadda ayaa mar la weydiiyey: “Xaggee ayaad deggan tahay?” Waxay ku jawaabtay: “Waxaan degganahay quluubta dadka qanacsan.” ❤️ Qof kasta oo inaga mid ahi wuxuu jecel yahay degganaansho iyo farxad waarta, balse dad badan ma oga jidka iyo sirta lagu gaadho. Farxaddu ma aha wax ay dadka kale ku siin karaan; waa dareen adigu naftaada ku abuuri karto. Ku qanacsanaanta nimcooyinka uu Alle ku siiyey iyo mahadnaqidda joogtada ahi waa furaha farxad aan dhammaad lahayn. Sidaa darteed, ku qanac waxa aad haysato, Alle mar walbana ugu mahadnaq. Qalbiga mahadnaqa wuxuu hoy u noqdaa degganaansho, barako iyo farxad. 🤍 “Qalbiga qanacsan waa qalbiga ugu hodansan.” 🌸

  • السلام عليكم

  • Maahmaahyo xarafka (Wa) • Waad baahan tahay bakhtiga looma cuno. • Waa xoolo yarahayna deeq lagagama hadho. •Waa dad yarahayna dagaal lagagama hadho. • Waalida ninkii soo mara laga waraysta • Waari mayside war hakaa hadho. • Waayeel hadalkiisa kaftan buu ku dhameystaa • Waayeel horstiisa caano lagu badhxaa • Wadar iyo waaxid yaa waalan. • Wakhti kaa lumay muruguu reebaa • Wakhti kaa tagey tiigsimaad maleh. • Walaalkaa markhaatiga ku fur magtana labixi. • Walaalo is necebi way xoola yareeyaan wayna xabaalo badiyaan

  • 🍀Nabigeena ﷺ wuxuu yiri: "Akhriya Qur'aanka, waayo wuxuu maalinta Qiyaame  imaan doonaa isagoo u shafeeco qaadaya kuwii akhrin jiray."🌻 Aan ka dhigno Qur'aanka saaxiibkeenna maalin kasta. Xitaa haddii ay tahay dhowr aayadood oo keliya, joogteyntu waxay ka kheyr badan tahay wax badan oo mar keliya la sameeyo. ☘️ Alle ha naga dhigo kuwa Qur'aanka akhriya, ku camal fala, kana mid noqda ehelkiisa. Aamiin. Waa maalin jumco ah, aan badino saliga  nabiga sallallahu caleyhi wasalam. 🌼

  • Wax kasta ha ka hadlin, wax kastana ha ka falcelin ! Baro inaad dhegeysato in ka badan inta aad hadlayso. Maxaa yeelay dhaguhu waa labo halka carabku yahay mid kali ah, Dadka u Ogoloow inay hadlaan, adiguna faham waxa ka dambeeya hadalkooda adigoon ku mashquulin. Ma aha in hadal kasta jawaab loo helo, mana aha in arrin kasta ra'yi laga dhiibto. Qofka bisil wuxuu yaqaan goorta la aamuso iyo goorta la hadlo. Wuxuu maqlaa wax badan, lkn wuxuu ka hadlaa wax yar. Wuxuu ka gudbaa sawaxanka dadka isaga oo aan jidkiisa ka leexan. Aamusnaantu marar badan waa garasho, falcelin la'aantuna waa xakamaynta nafta.

  • Go'aanyar oo aad qaadatay ayaa waxa uu badali karaa dhamaan noloshaadu jahadii ay u socotay. Noloshu waa doorasho, nasiibna ma jiro. Adiga ayaa go’aaminaya doorka aad ka qaadanayso bulshada kugu xeeran iyo qaybta aad ku biiraysaba . Bulshadu dhinac walba way ku kala sarreysaa; dhaqaale ahaan, aqoon ahaan, garasho ahaan, akhlaaq ahaan, iyo saamaynta ay bulshada ku leeyihiin .