tgindex
MUFAKAR

╭══♡════════ღ❦ღ══╮                     WAX-AKHRISKU                            WAA                      HAB NOLOLEED                          القراءة منهج حٌاة ╰══ღ❦ღ════════♡══╯ Kala soco  Qormooyin sugan, afkaar, falsafad,  iyo xikmado.

Последний пост
11 авг.
Последнее чтение
13 авг.
Постов за неделю
2
Всего постов
22
Тип
открытый
Язык
so
Категория
Книги (по похожим)
В каталоге с
13 авг.
Подписчики
6 214
−11 за 2 дн.
Сутки
0
0,00%
Неделя
 
Месяц
 
Просмотров на пост
749
22 постов
Вовлечённость
12,1%
к подписчикам
Постов в день
0,3
всего 22
Упоминаний
2
каналов
Охват размещения
оценка
1/24сутки в ленте
80
1/48двое суток
91
1/72трое суток
98

Оценка по просмотрам недавних постов: пост набирает почти всё за первые сутки.

Посты

  • Sixir aan ogayn! 001 Soo koobida Buugaagta. Dunidii aan cududeeda lahayn ,maamulkeeduna inoo taxna qarniyo , xataa daruurteeda aan ku lahayn "أَمْطِرِي حَيْثُ شِئْتِ، فَسَيَأْتِينِي خَرَاجُكِ "Meeshii aad doonto ku dhibic (ku da' ), way ii iman doontaa canshuurteeda iyo khayraadkeeguba"   ma sixir aan ogaynbaa yimid?, halkee lanooga yimid?, yaa noo yimid? sidee lanoogu yimid? Maxaa muslimiinta dib dhigay? , maxaase horrow mariyay qayrkood? لماذا تأخر مسلمون؟ ولماذا تقدم غيرهم؟ Hal minute gudaheed ayaan ku sheegi karnaa 1milyan oodhibaato , taasna waxa ay ku tusaysaa dhibta jirta baaxadeeda! 1. Waxa uhoreeya ee dib dhigay muslimiinta waa jahli taas oy ku wareereen kala saarida khamriga iyo khalka! ,jaahilnimada dhabta ah ee qofku ka arradanyahay waxwali waxa ka dhib badan jaahilnimada nuska ah , waayo qofka jaahilka ah ilaahay marka uu usoo diro qof caalim ah oo hagga wuu adeeca, laakiin qofka jaahilnimo-nuseedka ahi ma oga in uu wax ka dhimanyahay , mana aqbalo in uu yidhaah xaqiiqda ah "ma aqaan" , Inlagugu fidneeyo qof wada waalan ayaa ka khayr roon in lagugu fidneeyo qof nus waalan ,.   2. Buun-Buuninta Madaxda iyo is hoosaysiinta culimada, Madaxda qaarkood oo marray hillin wixii ay doonayaan waafajiya diinta , una dhexmara culimada iyaga oo fatwoonaya , cidii ka hor imatana ladilayo ama xabsi guntii la dhigayo , culimadii qaarna waxa ay mareen wadadaas liidata oy noqdeen "link" dhexdhexaadiye sidda hadaladii madaxda , una tanaasula madaxda halka uu islaamku u igmaday culimada in ay toosiyaan madaxda iyo amiirada , barisamaadkii waxa ay utaagnaayeen culimadu sida ay maanta madaxdu utaaganyihiin baarlamaanka casriga ah ; waxa ay hagayeen umadda; waxa ay xakamaynayeen talaabooyinka boqorka; waxa ay kor uqaadi jireen marka ay Dawladu ku xadgudubto sharciga , kamana biqi jirrin in ay walwal galiyaan madaxda!   3. Quusta iyo Baqdinta balaadhan ee gudaha muslimiin badan ku baahday! Fullaynimada iyo Quustu waa laba cudur oo aad uxunxun , waxaana dhashay muslimiin umaleeya una arka yurubiyaanka kuwa kasareeya lagana guulaysan karrin marwali , una haysta iska caabin wali oolagula kaco gaalada ay tahay mid ku danbaynaysa dhicisow , wayna addag tahay in ay guulaystaan dad horaanba aaminsan in ay kasarrayn karrin qayrkood, waxa aana cudurdaar ka dhiganaa in ay iman doonto maalin ka wacan sidan!.   4.  Muslimiintu waxa ay lumiyeen sababtii ay ku hantidayeen hoggaanka kuwii ka horreeyay , waxa ay yimaden dhulkii oo asnaab iyo jahli qarqiyay 50 sano gudaheenda waxa ay qabsadeen kala nus dunida . Hadii aan si dhab ah ubaarnana waxa aan ogaanaynaa waxaas halkaas gaadhsiiyay in uu maanta maqanyahay si magac uyaal ah haba iskaga yaalee ,. Waxa ay ku odhanayaan sawka alle swt yidhi   " waxa uu ahaaday xaq in aan ugargaarno mu'umininta"  وكان حقا علينا نصر المؤمنين aaway haye gargaarkii?  Hadii alle swt uyidhi aayada shuruud la'aan oo ka baxsan in ay noqdeen muslimiin waxa ay noqon lahayd yaab dullaysigan maanta umada ku habsaday , laakiin aayadaha Qur'aanka ku jira ma aha kuwo iska hor imanaya, Ilaahna ma ahha mid baajiyay ballankiisii, Qur'aankuna ma beddelmin se Muslimiinta laftooda ayaa ah kuwa isbeddelay, maxayna noqon kartaa ugargaarida dad aan shuriidiiba buuxin.Waxa aan ku gunaanadi hadalkii ibnu sucuud "Waxa aan ka cabsanayo ma aha dadka shisheeyaha ah, ee waxa aan ka cabsanayo waa Muslimiinta laftooda."

  • видео или голосовое, без подписи

  • Ku salliya Nabiga ﷺ, lagayaaba in ku salligiisu noqdo sabab lagaaga faydk walbahaarka, laguna qaado dhibaatada. صلّوا على النبي ﷺ، لعلّها تكون سببًا في تفريج الهموم ورفع البلاء ❤️ اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

  • Ilaa hadda ma jirro wax si dhaba ukhaldan, sidaas ay tahayna ma jirro wax si rasmiya usaxan!! Dhextaal! 💨🩶

  • 10 июл.1 44457

    Mararka qaar qof ayaad si lama filaan ah isu barataan. Wadahadalladii ayaa noqda kuwo qalbiga taabta, waxaana dhexdiinna ka dhasha ballan ah in maalin la kulmi doono. Laakiin noloshu mar walba ma raacdo qorshaha dadka. Qofkii wuxuu u safraa magaalo fog, masaafaduna waxay kala dhex dhigtaa jid dheer. Ballantii la sugayay dib bay u dhacdaa, maalmo ayaa isu beddela toddobaadyo, toddobaadyana bilo. Inkasta oo wakhtigu dheeraado, rajadu ma dhamaato. Farriin kasta iyo xusuus kasta waxay sii hurisaa rajadii ahayd in maalin uu la kulmi doono. Waxaa la yidhaahdaa: "Masaafadu waxay kala fogeysaa jidhka, balse haddii qalbiyadu is doonayaan, ballantu way timaaddaa xitaa haddii ay raagto." Kayd. ❤️✨

  • Ma halkii dharaartii Casar himamow xiga Dad Hargeysa soo maray Hadyada iigu dhiibaa? Ma hillaacii karantaa Boorama ku hooroo Hoobaan caleenliyo Dhirta ubax hadoodilay! Ma hibaaq udgoon iyo Manka heega saaroo Ka hirayaa kaymaha!” Ma haarihii kalgacalkaan Hibashada xasuustoo Anigoon hadlayn bay Naftu hees I leedahay!! (Maxamed Cali Kaariye iyo Axmed Cali Cigaal; Dad Hargeysa soo maray).

  • Hungo malehe haasaawihii lagu heshiiyaaye. Axdigii la hubiyaa saw mar uun hirgali maayo?!. ❤️🤍

  • Aqoonyahanka , mufakirka iyo wax galka somaliga ahi waa ku dayacan yahay isla soomalida dhexdeeda si quman hadaad ugu fiirsato waad ogaan midaan wanna wax aan fiicnayn !. Eebe ha u naxariisto Birof siciid saalax in Gaara uunbaa tabi wax tarkaggiii inta aad aduunka joogtay!

  • Haddii aadan habeenkii marka aad sariirta tegeyso si dabiici ah u daallaanayn subaxiina si dhab ah ugu farxin in aad kacdo, waxay u badan tahay in aadan helin wax macno leh oo aad ka shaqayso. Hadafka saxda ahi waxuu beddelaa sida aad waqtiga u aragto. Waxaad joojinaysaa tirinta saacadaha, waxaadna billowdaa tirinta horumarka. Daalka waxuu noqdaa mid aad ku qanacsan tahay, sababtoo ah waad kasbatay, kicista subaxduna waxay noqonaysaa mid xiiso leh, maxaa yeelay waxay ku siinayaa fursad kale oo aad ku dhisto wax qiimo leh. Xigasho

  • Waxa ay kuu imanayaan adiga oo badqaba ,sida dhabtaa aanan ka dalban waxba , waakuwaas goorta aad laabta ufurtana umuuqda kuwa raba sagootin , bal maxay inoo baranayeen haday ka dhab ahayn , maxay laabta inoo fur ulahaayeen hadayna dhawrayn, maxay,maxay ? Mooji wlhi!.

  • Alle way ufududahay Mar inaynu kulanee Sidii baan ayaan-kiyo Calafka usawiraayaa Rabigay ma eexdee Sidii baan amaanada Eebe ugu kalsoonahay Naxariis korkooda ha ahaato Inta xuduudi kala dhextaalo. ~Lafoole

  • Ciidii waa timid , lakiin qof walba uma dabaal dagayo !. Qaarbaa xanuun uga hadhaya , qaarbaa noloshu aanay iskugu toosnayn , qaarba waalidkood iyo wallaaladood la'aantood aanay ciid u ahayn , kuwa qaarba jeclaysan lahaa in kuwa ay jecelyihiin la ciidan ,adu wad lakiin qaarba xaaladoodu ay wareer tahay "way cafimaad qabaan , waalid iyo wallaal waa garab joogaan lakiin way ka maqan tahay faraxii ciidu waxa Laga yaaba in sanado uusan ciid ku farxin sobobtuna waa in ay islaayihiin". Eebe garabkooda ha galo !.

  • {وَآتَاكُم مِّن كُلِّ مَا سَأَلْتُمُوهُ} Inshaa Allaah wax wali oo aan alle waydiisannay alle sida ugu quruxda badan hainoogu aqbalo. 🤍

  • Waxaan rabaa dhawaanasho aan xuduud lahayn I jeclow adigoo iska indhatiraya dadka, ka madax-bannaan waxa ay dhihi doonaan. Si xor ah iigu soo dhiiro, Maalinta aad ii ooman tahay ii yeedh, maalinta aad dareento inaad i dhibsanaysana ii sheeg si aan haddana kuugu soo dhawaado si ka duwan tii hore. Aan wadaagno jacayl bilaa xuduud ah, mid ka sarreeya fikirka dadka iyo xanta dunida, mid inaga uun inoo gaar ah. "Waan rabaa inaan kugu daboolo go’ dahabi ah, si aynu dunidan qaylada iyo xanta badan uga dhuumanno. Waxaan rabaa inaan kugu dhex qariyo, si indhaha dadku u arki waayaan halka ay naftaydu ku nasato—aan u dhex galno caalam inaga uun inoo gaar ah, oo aanay jirin wax na soo dhex gala." ~Xigasho..

  • "Haddii fogaantu na kala qaybisay, khayaalku waa inuu na mideeyaa," Intan waxa dhacda in ay agtaada ka tahay isku toos-toosin qoraal, se anniga waa dhabnimadaydii , ugu danbayn! waa tan ku leh:- "Sidaad doontaba iyeel" ___

  • Wehelnimadeenna waxaa leh ruuxa wax badan u sameeya la jirkeenna awgii, dadaal iyo hagar baxba aan waxba la hadhin inta awoodiisa ah. Saaxiibtinimada waxa leh qofka dalabaadkeenna iyo codsiyadeenna uu fulintooda awoodo aan hadal gelin, canaanta soo horraysiin sidoo kalena aan dhayalsi inoola iman. Walaalnimadeenana waxa geya ruuxa wax sheegiisu yahay tudhaale, ku faankiisu yahay daacad, daryeelkiisa iyo ka war hayntiisuna joogto. Isku soo wadda duub oo waxa la jaalideena mudan cidda aan inoola socon keliya inay wax innaga helaan, innaga xumeeyaan balse u jooga inay wax innagu biirriyaan, ahaanshaheenana awood iyo hiil buuxaba ina siiyaan! Mahadsaniid jaalayaal.

  • 19 мая1 83854

    Geeriddaadu waxay imaan doontaa maalin ama habeen iska caadi ah , adigoo u guda Jira qorshayaasha noloshada ee aan dhamaadka lahayn , kadib geeridaada dunidu waa sii socnaysa si iskeed ah ma jirayso wax samayn ah oo ay ku yeelanayso dunida bixitaankaagu , sidaas darteed dunidan adigu ku noolow iyadu kuguma noole xornimana ugu noolow oo cidna ha u daba fadhiisan noloshada !. :-Mahadsanid Jaalle.

  • 14 мая828113

    Ha deyrinina qalbiyo aad ku nugleyseen Jacaylkiina tan dhaafka ah U dhimriya Oo udamqada. ........❤️

  • Yarkaas miskiinkii (Abiye) waxa uu u qaadan laayahay in labadaan O'Day ay sharciyad iyo mulkiyad u haystaan xeeb dhererkeedu dhan yahay 4000 km in ku dhow isaga iyo dadkiisuna ay laayihiin haaf yar oo albaab u noqda !. Ma wax aan la eeginbaa !.

  • Amintu waa galabnimo sii gaba gaba ah oo goorta aynu u naqaan casar liiqa ee qoraxdu sii socoto si mugdigu habeenkii u badalo kolkaas ahaan waxaan u jeeda dhanka qoraxda anigoo la ashqaraarsan quruxda ay la dhacayso qoraxdu kana war warsan mugdiga badali doona ayaa waxaan arkay hadh iga qabsaday dhankii qoraxdu iga xigtay , hadh kaliya ma ahane waxa kaloo I qabsaday udug gaara oo uu hal qof gaar u ahaa kolkiiba maskaxdayda waxaa kusoo dhacay iyaddii , waaniga jalleecay waaba gabadhii aaan jeclaa markiiba waxa I deeqay oo I saaqay dhoola cadaynteeda quruxda badan , waata soo socota wali . Wax uu wadnuhu garaacmaba way timid halkaasuna ku dhamaaday ka war warka habeenka soo galaya sobobtuna waad garan !. Nabadiiino !.

MUFAKAR — tgindex