tgindex
QORMO
@Q0RM0Книгиарабский

"‏لا تتكلم عما قرأت بل تكلم عما فهمت." البداية كانت ٢٠٢٢/٣/٢٥ 🖤

Последний пост
14 авг.
Последнее чтение
15 авг.
Постов за неделю
3
Всего постов
21
Тип
открытый
Язык
арабский
Категория
Книги (по похожим)
В каталоге с
13 авг.
Подписчики
5 280
+8 за 3 дн.
Сутки
+5
+0,09%
Неделя
 
Месяц
 
Просмотров на пост
312
21 постов
Вовлечённость
5,9%
к подписчикам
Постов в день
0,4
всего 21
Упоминаний
32
каналов
Охват размещения
оценка
1/24сутки в ленте
234
1/48двое суток
268
1/72трое суток
289

Оценка по просмотрам недавних постов: пост набирает почти всё за первые сутки.

Посты

  • مَّ صَلِّ وَسَلَّمْ عَلَى نَبِيِّنَا مُحَمَّدٍ وَعَلَى آلِ مُحَّمَد🤍.

  • Sixir aan ogayn! 001 Soo koobida Buugaagta. Dunidii aan cududeeda lahayn ,maamulkeeduna inoo taxna qarniyo , xataa daruurteeda aan ku lahayn "أَمْطِرِي حَيْثُ شِئْتِ، فَسَيَأْتِينِي خَرَاجُكِ "Meeshii aad doonto ku dhibic (ku da' ), way ii iman doontaa canshuurteeda iyo khayraadkeeguba"   ma sixir aan ogaynbaa yimid?, halkee lanooga yimid?, yaa noo yimid? sidee lanoogu yimid? Maxaa muslimiinta dib dhigay? , maxaase horrow mariyay qayrkood? لماذا تأخر مسلمون؟ ولماذا تقدم غيرهم؟ Hal minute gudaheed ayaan ku sheegi karnaa 1milyan oodhibaato , taasna waxa ay ku tusaysaa dhibta jirta baaxadeeda! 1. Waxa uhoreeya ee dib dhigay muslimiinta waa jahli taas oy ku wareereen kala saarida khamriga iyo khalka! ,jaahilnimada dhabta ah ee qofku ka arradanyahay waxwali waxa ka dhib badan jaahilnimada nuska ah , waayo qofka jaahilka ah ilaahay marka uu usoo diro qof caalim ah oo hagga wuu adeeca, laakiin qofka jaahilnimo-nuseedka ahi ma oga in uu wax ka dhimanyahay , mana aqbalo in uu yidhaah xaqiiqda ah "ma aqaan" , Inlagugu fidneeyo qof wada waalan ayaa ka khayr roon in lagugu fidneeyo qof nus waalan ,.   2. Buun-Buuninta Madaxda iyo is hoosaysiinta culimada, Madaxda qaarkood oo marray hillin wixii ay doonayaan waafajiya diinta , una dhexmara culimada iyaga oo fatwoonaya , cidii ka hor imatana ladilayo ama xabsi guntii la dhigayo , culimadii qaarna waxa ay mareen wadadaas liidata oy noqdeen "link" dhexdhexaadiye sidda hadaladii madaxda , una tanaasula madaxda halka uu islaamku u igmaday culimada in ay toosiyaan madaxda iyo amiirada , barisamaadkii waxa ay utaagnaayeen culimadu sida ay maanta madaxdu utaaganyihiin baarlamaanka casriga ah ; waxa ay hagayeen umadda; waxa ay xakamaynayeen talaabooyinka boqorka; waxa ay kor uqaadi jireen marka ay Dawladu ku xadgudubto sharciga , kamana biqi jirrin in ay walwal galiyaan madaxda!   3. Quusta iyo Baqdinta balaadhan ee gudaha muslimiin badan ku baahday! Fullaynimada iyo Quustu waa laba cudur oo aad uxunxun , waxaana dhashay muslimiin umaleeya una arka yurubiyaanka kuwa kasareeya lagana guulaysan karrin marwali , una haysta iska caabin wali oolagula kaco gaalada ay tahay mid ku danbaynaysa dhicisow , wayna addag tahay in ay guulaystaan dad horaanba aaminsan in ay kasarrayn karrin qayrkood, waxa aana cudurdaar ka dhiganaa in ay iman doonto maalin ka wacan sidan!.   4.  Muslimiintu waxa ay lumiyeen sababtii ay ku hantidayeen hoggaanka kuwii ka horreeyay , waxa ay yimaden dhulkii oo asnaab iyo jahli qarqiyay 50 sano gudaheenda waxa ay qabsadeen kala nus dunida . Hadii aan si dhab ah ubaarnana waxa aan ogaanaynaa waxaas halkaas gaadhsiiyay in uu maanta maqanyahay si magac uyaal ah haba iskaga yaalee ,. Waxa ay ku odhanayaan sawka alle swt yidhi   " waxa uu ahaaday xaq in aan ugargaarno mu'umininta"  وكان حقا علينا نصر المؤمنين aaway haye gargaarkii?  Hadii alle swt uyidhi aayada shuruud la'aan oo ka baxsan in ay noqdeen muslimiin waxa ay noqon lahayd yaab dullaysigan maanta umada ku habsaday , laakiin aayadaha Qur'aanka ku jira ma aha kuwo iska hor imanaya, Ilaahna ma ahha mid baajiyay ballankiisii, Qur'aankuna ma beddelmin se Muslimiinta laftooda ayaa ah kuwa isbeddelay, maxayna noqon kartaa ugargaarida dad aan shuriidiiba buuxin.Waxa aan ku gunaanadi hadalkii ibnu sucuud "Waxa aan ka cabsanayo ma aha dadka shisheeyaha ah, ee waxa aan ka cabsanayo waa Muslimiinta laftooda."

  • без подписи

  • Cadceedo—Nuur Ileeye, 10.Aug.2025 Cadceeddaan kugu salaamay Caddada waan kaa waraystay Ciiddana waan kugu saxiixay! Cindiga waan kaa dugaalay Carriga waan kaaga heesay Cirkana waan kaa baxnaanshay! Caqliga waan kugu xurmeeyey Quruxda waan kugu ciseeyey Carfina waan kugu majeertay! Cillaan waan kugu xariiray Caleen waan kugu hadheeyey Curadna waan kugu ammaanay! Cawada waan kugu rajeeyey Calafka waan kugu sugaalay Caruusna waan kuu asteeyey! Cidlada waan kaala joogay Hiddaha waan kula cayaaray Farxadna waan kula caweeyey! Xumaha waan kaala caagay Cudurka waan kaa xijaabay Ceebtana waan kaa fogeeyey! Cadarka waan kula dalxiisay Cosobka waan kaaga foodhyey Colkana waan kaa ilaashay! Caashaqa waan kuu hibeeyey Camalka waan kuu wanaajay Calanna waan kuu hagoogay! Cidaha waan kaa dhawaystay Caanaha waan kula wadaagay Cimrina waan kula dhammaystay!

  • Awdal laga keenyey Ololog dheerey Il bari lagaga oriyey; Geesi geel keeniyo Gaari xirataa Galool lagu daahyay Geedba geedka u dheer Laga garaacyeey Galool muray mullaaxdiisey; Waa hees-hawleed.

  • 𝗠𝗮 𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗷𝗼𝗼𝗴𝘁𝗲𝘆 𝗔𝗮𝗹𝗹𝗮𝗱𝗮 𝘁𝗲𝗹𝗲𝗴𝗿𝗮𝗺 𝗼𝗼 𝘄𝗮𝗾𝘁𝗶 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗺𝗮𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 𝗯𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗿𝗮𝗮𝗱𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗮𝗻𝗻𝗮𝗮𝗹𝗼 𝗳𝗮𝗮𝗶𝗱𝗼 𝗨'𝗹𝗲𝗵 𝗻𝗼𝗹𝗼𝘀𝗵𝗮𝗮𝗱𝗮, 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗻 𝗵𝗮𝗹𝗸𝗮𝗻 𝗸𝘂𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝘅𝘂𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗹𝗮𝗹, 𝗸𝗮𝗻𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮 𝘂𝗴𝘂 𝗳𝗮𝗮𝗶𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝘁𝗲𝗹𝗲𝗴𝗿𝗮𝗺 𝗼𝗼 𝗻𝗼𝗼𝗰 𝗸𝗮𝘀𝘁𝗮 𝗹𝗲𝗵, 💯 𝗦𝗵𝗮𝗿𝗮𝗳 𝗶𝘆𝗼 𝗸𝗮𝗿𝗮𝗮𝗺𝗼, 𝗡𝗮𝗴𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗶𝗶𝗿 𝗔𝗾𝗿𝗶𝘀𝘁𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮𝗺𝗶𝗱 𝗻𝗼𝗾𝗼 𝗯𝘂𝗹𝘀𝗵𝗼 𝘄𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗻𝗮𝗴𝘂 𝘅𝗶𝗿𝗮𝗻 👇 @dhiiriye @Enjoy_boy1 @wadnojacayl @LAMAANe24h @Cilmu_nafsi_10 @HoygaShekoyinka @Saxiibka_Nolosha @udhawoow_allaah @HOYGAJACAYLKA @Aqoonta_kaa_maqan @Xikmadoiyodhiirigalin @Jowharadi_qalbiga143 Admin - @Zaxiibka_nolosha https://whatsapp.com/channel/0029VbBOipoEquiVwbpZGE1Z

  • Ku salliya Nabiga ﷺ, lagayaaba in ku salligiisu noqdo sabab lagaaga faydo walbahaarka, laguna qaado dhibaatada. صلّوا على النبي ﷺ، لعلّها تكون سببًا في تفريج الهموم ورفع البلاء ❤️ اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

  • Murugada, walwalka iyo qalbiga oon xasilneyn waa waxa ugu xanuunka badan oo qofka ka tira farxada iyo macaanka nolosha, waa waxa qofka ku keena in uusan arkin waxyaabaha badan uu heysto kaliyana uu kafikiro waxaas dhibta kuhaaya Waxaa jira qof nolol sare ku nool hadane ciriiri iyo welwel kunool iyo qof nolol dhexdhexaad ah ama hooseysa ku nool oo qanacsanaan iyo farxad heysta.Waxa ugu badan ee walwalka sababa waa kafikiridda iyo saadaalinta wax aan waqtigooda la gaarin hadana kaa saameeya xaalada aad hadda kujirto oo ah mid wanaagsan, waxaa dhacda in adiga oo wax aad uga murugsanaa marka waqtigeeda lagaaro ay sifudud kugu dhaafaan oo aad dib iska dhahdo ma intaan ayey waxaas oo murugo ah kuu haayeen Majiro aduunkaan wax mudan in lagasii cabsado oo mustaqbalka ah aan ka ahayn cadaabta maalinta qiyaamo taasoo been been la isku moodsiin karin, sidaas darteed waqtigaaga badankiis uga faa'ideyso aaqiro si aad ugu noolaato farxad iyo qanaaco dhan walba ah..!! — sadaad |

  • Dabeecadu waxa ay inna siisaa farxad bilaash ah marka loo eego waxa inagu hareeraysan!. 🌿🌱

  • Marar badan somaalinimadu waa nacayb dhiilo iyo siifad isbiirsaday, qabiilo xagxagad koogu bilow iyo dhamaad toona lahayn, jaahilnimo dhuux ruug ah, isreeraysi wax ku ool ahayn, caqli macangag ah, itaal aan wax qabadbad lahayn, kas iridda reekooga soo dhaafayn, hiilin xaqa meerin karin oo meel dhawraya, damiir abkiisa uun xaq soorka ka dheehda, aaadame duudsiga ku mudhxay, dad qolfoofku uun ka baaqi yahay, dadnimo duugawday, isa soor laabahooga daxaleeyay. Waa micnaha soomalinimo ee loo badheedhin miyaynu ugaryeelanaynaa inaan muslinnimo ku faano iyagoo xaqiiqoyin nuucasa dhaxdeena wadhan yihiin. Hebel muxuu ku dhintay wax aan la garanayn gar iyo gawrac gardaro ka uu ahaa ma rabno inaan cidhifkaas wax iskaga iftiimino se waa waxa aan nahay.!!! Qalinka :- Dowsah

  • 4 авг.2871из Q0RM0

    Meesha uwayn ee jidhka laga xukumaa waxay noqonaysa ''Qalbiga'' , kaaso isagna ka baxsan dedaalkeena se waa mid ku jira gacanta rabigeen , nabiguna marwali waxa uu ku ducaysan jiray يا *مقلب القلوب ثبت قلبي على دينك*,. Mar kale waa kii ina lahaa أَلَا وَإِنَّ فِي الْجَسَدِ مُضْغَةً، إِذَا صَلَحَتْ صَلَحَ الْجَسَدُ كُلُّهُ، وَإِذَا فَسَدَتْ فَسَدَ الْجَسَدُ كُلُّهُ، أَلَا وَهِيَ الْقَلْبُ " -Jidhkeena waxa ahaatay waslad, hadii ay hagaagto jidhkoo dhan ayaa hagaaga (toosnaada) , hadii ay xumaatana jidhka oo dhan ayaa xumaanaya ( qaloocsnaya) Hooyee taasi waa Qalbiga,. Hadiiba Qalbigu noqday midka gadh wadeenka ka ah jidhka intiisa kale , isagna uu ku jiro gacanta rabi, waa in aan ka ag dhawaana rabigeen si uu noogu toosiyo xubinkaas xukunka jidhka haya ,ugu danbayna inoo jiheeyo rabigeen. Ramadan muparak. ❤️🤍

  • Xabbad caleen ah oo geed ku taal xidhiidh ma la lee dahay caleemaha kale? Marka ay go'do geedku ma tabaa, iyadu se geedka ma tawdaa? Miyay ka raysataa mise waa ay u darsataa, mise waa ay macno beeshaa oo luntaa? Hore macno ma u lahayd? Haddii aad indho beeshid arag la'aantu miyaa ay tahay in ay dunidu mugdi noqotay? Haddii se aad dhego beeshid aamusku miyuu yahay in ay sanqadhu go'day? Dhegoole onkod ma yaqaan, indhoole se hillaac? Labadaas xaaladood ee ay mid waliba ka kale xaqiiqadiisa ka baxsan tahay ka indhaha iyo dhegaha qaba sow xaqiiqadiisa ku ma wada jiraan? Sidaas sow garashu ku noqon mayso hirar ka la shisheeya oo marba hirka muuqdaa yahay waxa sugan, wixii kale oo dhamina male male iyo hummaag? Ma jirtaa xaqiiqo ka baxsan aragga, maqalka, dhadhanka, urinta iyo taabashadu? Riyada, mala'awaalka, farshaxanka iyo afshaxanku, tusaale ahaan, xaqiiqada ma ku lid baa mise waa hirarkeeda fogfog oo dirqi ku muuuda? Buuga: Aanadii Nageeye Ibraahim-Hawd.

  • Mararka qaar Ilaahay wuxuu dib kuu dhigaa wax aad rabto si uu waqtiga ugu habboon kuugu siiyo. ❤️✨

  • هُوَ الَّذِي يُرِيكُمُ الْبَرْقَ خَوْفًا وَطَمَعًا وَيُنْشِئُ السَّحَابَ الثِّقَالَ ﴿ Waa aayad aad ucajiib badan , waxa ay xanbaarsantahay micno aad uwayn. Waa dareen hal ilbidiqsi gudihiisa dhacaya mar waxa aan ka baqaynaa odkodkaas iyo hilaacaas gurxaamaya annaga oo rabna roobka iyo neecawdiisa,. Cabsidaas iyo Rajadaasna waa mashiinka dhaqaajinaya qofka mu'minka, haddaynu ugo'no rajo kaliya waxa aan ku dhiiranaynaa dunuub idelkeed , lidikeed hadaan ku noolaano cabsidaas waxa aan ku noolaanaynaa nolol cidhiidhi ah oo aan naxariis alle ka fillanayn, asalka iyo micnuhuna waa isku dhafkaas!. Alle mahadii Dir-Dhaba oo rooban. ✨💦🩵

  • Cadceeda haddaad ka waydo Cirkiyo samaday ku taalay Adoon caddibayn naftaada Dayaxa la cawee markiisa Cidhiidhigu wuu jiraaye Cutubka noloshaa dhigaaya Inaad murugada casuunto Cishana farxad aad ciyaarto Cidlada jawigaad dareento Marbay dhaantaa cawayska Qofaan ku cisayn la joogto Cindiga adigoon ku eegin Culayskiyo arrimihiisa Marbaa lays caawiyaaye Cabasho weligaa ha muujin Hadda eeg. ~Yool-Sare.

  • 25 июл.30342из MUFAKAR1

    Mararka qaar qof ayaad si lama filaan ah isu barataan. Wadahadalladii ayaa noqda kuwo qalbiga taabta, waxaana dhexdiinna ka dhasha ballan ah in maalin la kulmi doono. Laakiin noloshu mar walba ma raacdo qorshaha dadka. Qofkii wuxuu u safraa magaalo fog, masaafaduna waxay kala dhex dhigtaa jid dheer. Ballantii la sugayay dib bay u dhacdaa, maalmo ayaa isu beddela toddobaadyo, toddobaadyana bilo. Inkasta oo wakhtigu dheeraado, rajadu ma dhamaato. Farriin kasta iyo xusuus kasta waxay sii hurisaa rajadii ahayd in maalin uu la kulmi doono. Waxaa la yidhaahdaa: "Masaafadu waxay kala fogeysaa jidhka, balse haddii qalbiyadu is doonayaan, ballantu way timaaddaa xitaa haddii ay raagto." Kayd. ❤️✨

  • Xilli aduunka dhanka kale kasoo rogmayo Gaza na gumaad xun ka socdo, barlamaanka dalka Urdun wuxuu goobjoog u ahaa dhacdo jaceyl oon horey loo arag. أيا نبضي بحبٍ بادليني ***ولطفاً بالفؤاد إذا دعاكِ Xildhibaan ka tirsan barlamaanka ayaa jeclaadey xildhibaanad uu ka dhex bartey barlamaanka taaso qurxdeeda iyo qoodheeda jiif iyo joogba u diidey samaaleylka, ilowsiisey mooshinada iyo sharciyada barlamaanku dajinayey. Wuxuu subax walba usoo kalihi jirey golaha si uu ugu il qabowsado xildhibaanada qalbigiisa degtey ee habeen walba ku galgalato. Wuxu hilmaamey dadkii soo doortey duruufta ay ku sugnaayeen markuu heley wuxuu sanado raadinayey. Markey xildhibaannadu codeenayaan oo la yiraahdo mooshinka yaad u codeeneysaa suu dhahayaa ayada ayada. Majnuunu leyla ayaa la weydiiyey yaa khilaafada u xaq leh: Umawiyiinta mise Cabaasiyiinta. markaasuu ku jawabey Leyla ayaa u xaq leh. ( waa gabadha uu jeclaa) jah. Markey golaha ka dhex hadleysana codkeeda ayuu macaansan jirey taasoo galin jirtey jawi jaceyl oo ilowsiin jirtey duruufaha uu wadanka ku sugan yahey iyo sawaxanka golaha barlamaanka. Jah Ugu dambeyn wuxuu go’aansadey inuu hadyad uga dhigo fargashi oo u ka dalbo guur iyo reeren. Yaaaaa Alllaaaaaah! jaceylku cajiibsanaa. Aduun rogmayo ayuu kuu qurxiyaa. Duruufaha iyo dhibaatooyinka caalamul islaami heystana sidaa ayaa lagu ilaawey Shib dheh hadaadan wax jeclaanin. ~Ibnu sayid

  • без подписи

  • Bal kawaran inaga oo is gacloonay hadaynu midba mid ka kale utanaasuli waayo , innaga oo qalbigeenu gaydhanayo bal kawaran hadaynu afka u diidno in uu tabiyo waxa uu tabanayo , bal maxaynu ka dheefaynaa midaas?, bal kawaran hadii uu iswaageenu kala aamusnaani sabab unoqoto jeerkaas maxaynu noqonaynaa ? Dhankayga doqomo madax adag magaca jaceylna meel uga dhacay!! Bal adna?

  • Awoodahaaga wax ka baxsan hadii aad ku xidho yoolalkaaga ideylkood waxa aad dhex ahaan doonta maalmo ay kamaqanyihiin ideyl ahaanba farxadu, xasiloonidu iyo qanaacaduba. Sida ayna ujirrin madhnaan badhax tiran ayayna ujirrin dhamaystirnaan nolosha ah , waxa aan ka dhaxlaynaa raadinteedana isku yaac maskaxeed iyo walbahaar laabeed. Inta aan hantinay buuni aynu ka noqono , inta maqana aan udadaalno iyadoon naga qasayn maalmaheena!. ✨❤️