Janno Doonayaal. 🌿
СтатистикаSirta liibaanta labada daar waa ku xirnaanshaha allaha iska leh oo abuuray labada daar❤️🩹🫀.
- Последний пост
- 25 июл.
- Последнее чтение
- 15 авг.
- Постов за неделю
- 0
- Всего постов
- 20
- Тип
- открытый
- Язык
- so
- Категория
- Книги (по похожим)
- В каталоге с
- 13 авг.
- 1/24сутки в ленте
- 141
- 1/48двое суток
- 161
- 1/72трое суток
- 174
Оценка по просмотрам недавних постов: пост набирает почти всё за первые сутки.
Посты
видео или голосовое, без подписи
Waxay tiri..... Salaadda subax waa salaad qalbigayga ku wayn maalinka aanan wakhtigeeda tukanin waxay ii tahay maalin aanan xasilooni dareemayn inay wax iga dhiman yihiina aan dareemayo kuma gaarin heerkaas inaa ahay qof wanaagsan ama mu'minad laga yaabay inaa ahay maya waxaan ku gaaray towfiiqda alle ka sokow biyihii qaboobaa ee la igu shubi jiray haddaan hore u kici waayo barigii aan yaraa iyo qayladii la igu qaylin jiray sabab la xiriirta inaan ahaa qof hurdo culus si fududna aan ku kicin ugu danbayn waan la qabsaday.... Markii aan waynaaday oo safaro u baxay kuna noolaaday guri aan ahayn gurigii salaada subax ay ka ahyd shayga ugu muhiimsan ee nolosha gurigaas aan sinaba loo dhaafi karin waxa aan dareemay inaan wax weyn tabayo waxa aan noqday anigu qofka u kiciya dadka salaad subax aniga oo la yaabban sababta loo wada hurdo xiligaas qayladii iyo albaab garaacii iyo jabaqdii weesada aan u maqli la'ahay .... Waxaan yaqiinsaday in lagu guulaystay barbaarintaydii aniga iyo qofkasta oo guriga ku noolaa qofkasta wuxuu dhex gali doonaa bulsho wuxuu asaasi doonaa guri wuxuuna ka fulin doonaa cibaadadiii wanaagsanayd ee nalaku soo barbaariyay.... Mahdsanidiin barbaariyayaashayadiiyow waad gudateen xilkiinii maalinta wayn ayaan alle hortii idiinka markhaati kici doonaa inaad kasoo baxdeen mas'uuliyadaas janada allah ha idinku sharfo❤️👑
Salliga nabiga oo aad badiso ilaahay oo aad barido adigoo qalbiga ka hadlaya ayaa ah xalka dhibta ku haysta....shaydaanka waswaasyadisa ayay kamid tahay inu ku dhoho ado danbi badan ilaahay ma baryi kartid ilaahay baa habeen iyo maalin ku sugaya xilligaa usoo laaban lahayd...cadowgaagu waa shaydaanka xiliguu kugu dhowyahayna waa xiligaa dhibaataysan tahay ama murug ay ku haysato....la jihaad oo ka guulayso❤️❤️❤️
Salaatul fajri / salaadda subax...🌿 Halbeegga lagu qiyaaso heerka iimaanka qofka , haddaad rabtid inaad ogaatid heerka iimaankaagu marayo fiiri xiriirka idinka dhexeeya adiga iyo salaad subax 🤍🪴
Kadib dagaal dheer aniga iyo shaydaan na dhex maray dagaalkaaso aniga aan dareensanayn oo la iiga adkaanayay dareensanaan la'aantaas darteed , waxaan ogaaday wanaag farista iyo xumaan reebistu inay tahay camal aad u wayn waan sii raadiyay waxaanba xasuustay in ilaahay uu quraanka noogu sheegay umadda nabi muxamada calayhi salatu wasalaam inay yihiin umad lasoo saaray umaddii ugu khayrka badnayd sababtoo ah waaa ummad ku sifaysan wanaag faris iyo xumo reebid.....waanuna soo laabannay ee ducada nagu kaaba noona sii share gareeya page-kan oo sannadkiisi 6aad socda tiro yarina ku jirto , xasuuso qofka dadka khayrka la wadaaga qofkasta oo ku dhaqma khayrkaa uu faafiyay ajar ayuu ku leeyahay bal miyaanay camal wayn ahayn😍 @lidacwa
Ma aragteen ragga u badan da'da waayeelka ee masaajiddada ku xiran ee salaadda subax inta aan la gaarinba masaajidka sii aada iyagoo firfircoon oo tooshkooda wata caraftoodana wadada dhan ay is qabsanayso.... Markii ay yaraayeen ayay salaaddaas ilaaliyeen ilaahayna markay waynaadeen ayuu sugay oo waafajiyay...cumrigaas marka la gaaro si lama filaana laguma noqdo qof cibaado badana se qofba siduu ku yaraa ayuu la waynaadaa dhalinyarooy maanta nafta aan dhibno waynaanta aan cibaadada ku raaxaysannee waa haddiiba ilaahay cumri noo qoray haddii kale anagoo dadaalayna aan ilaahay la kulanno🤍🤍🤍. Halgan cibaado💐
видео или голосовое, без подписи
Yaa saaxibii salaaddi subax ayaa la gaadhay kac aynu tukanee wakhtigeeda waayo waxaan maqlay in fadli badan iyo faaidooyin aan la koobi karin laga helo adduun iyo aakhiraba fadliga u wayni uu yahay in ALLAH subxaanahu wa tacaala aynu jannada ku arki doonno , Yaa saaxibii yaanu shaydaanku inaku kadinin hurdada macno maleh raaxada adduunka taalla waa in yar oo dhamaanaysa aan u shaqaysanno nimcada aan dhamaadka lahayn ee jannada dhex taalla.🤍🤍🤍🌿
Ku salliya nabigii ay kasoo wareegtay hijradiisa 1448 sannadood sallalaahu calayhi wasallam🤍🌸 Waxan idinku hambalyaynayaa curashada sannadka islaamiga ee cusub waxaan alle waydiisanynaa inuu nooga dhigo mid ka khayr badan sannadadii hore isbedellada cusub dhanka nolosha iyo dhanka aakhirona noogu kaalmeeyo inaa noqono kuwo la jaanqaada oo sidii ay ahaayeen uun sii ahaanine isu beddela si kasii wanaagsan aamiin🤍. Wakhtigu waa socdaa aan ka faaidaysanno⏳
"Salaad mu'miniinta ayuu kacaa hebel" yacni aroorta hore ayuu kacaa. Waa hal-hays soomaaliyeed oo cajiiba oo waafaqaya xadiith uu xabiibkeenu sheegay "salaadda ugu culus munaafiqa waa salaada cishe iyo salaadda subax " oo macneheedu yahay waxaa tukada oo kaliya qofka mu'minka ah hal-hayskaa soomaliyeedna wuxuu leeyahay (salaad mu'miniinka) yacni salaada mu'miniintu tukadaan. Ilahy inta tukata haku sugo intan tukanina hakuso hanuunsho🤎🌾.
xilliyadii fadliga badnaa way dhammaadeen; Ramadaan, tobanka dambe, Laylatul Qadr, Ciidul Fidriga, tobanka Dul-Xijjah, Carafah iyo Ciidul Adxaa way tageen. Laakiin cibaadadu ma dhammaan: Qur’aanka, salaadda, ducada iyo daacadnimada Alle la jirkeeda way sii jiraan. Ha noqon qof Alle caabuda xilliyo gaar ah oo keliya; ku sugnaaw cibaadada mar walba. Ugu dambayn, waxa kuu hadhay waa Alle oo keliya. 🤍 Xigasho.
Ilaahayow nooga dhig farxadda labo farxadda ciidda , iyo farxadda ajiibidda ducooyonkeenii😍🌸. Ciid wanaagsan janno doonayaal shacaairta ilaahay oo la wayneeyo waa quluubta alle ka cabsigeeda sida ilaahay yiri hala wayneeyo hala farxo hala baashaalo si ilaahay raalli ka yahay❤️🎉
Fursaddii cumriga afkaaga yuu ku ciilin sidaa madaxweyne adun hadi fursad lagu siyo aa u farxi lahayd kabadan u farax boqorki adunka oo dhan ayaa soo dagi doona adiga uun ha iska qadinin baryada😍
Aad ilaahay uga bari inuu kugu daro list ga dadka laga xoreeyay naarta , waydiiso aakhiro qurxan kabadan intaa waydiisan lahayd duunyo qurux badan. Waxba hala harin waxa is dhahysid xitaa surtogal maha ilahay waydiiso afkaaga yuu ku ciilin.
Sidee ayaad ugu guulaysan kartaa maalinta Carafo? Seexo caawa goor hore si aad ugu xoogaysato cibaadada Alle. Kac ka hor fajarka si aad u suxuurato. Ka hor fajarka waqti geli istiqfaarka si laguu qoro kuwa dambi dhaafka weydiista waqtiga saxarka. Tuko salaadda fajarka, kuna fariiso meeshaada salaadda ilaa qorraxdu kasoo baxdo 15 daqiiqo kadib. Bilow takbiirta isla markiiba salaamka kadib. Tuko labada rakcadood ee duxada si laguu siiyo ajarka xaj iyo cumro la jirta Rasuulka ﷺ. Tuko ugu yaraan 4 rakcadood oo salaadda duxada ah. Tuko duhurka, tasbiixso, akhri wax Qur’aan ah, dhegayso khudbadda Carafo. Tuko casar, takbiir dheh, akhri adhkaarta fiidkii. Qiyaastii labo saacadood ka hor maqribka bilow ducada adigoo khushuucsan, kana baryo Alle inuusan qorraxda Carafo dhicin adigoo ka mid ah kuwa laga xoreeyay naarta. Marka maqribku adimo: bilow afurka hana illoobin in ducada qofka sooman aan la celin. Rasuulka Alle ﷺ wuxuu yiri: “Qofkii wanaag tilmaama wuxuu leeyahay ajar la mid ah kan sameeya.” Lasoo guuriyay.
FIKRAD: Kawarama haddii laga bilaabo hada aan qaadano tasbiixda kuna istiqfaarsano ilaa caawa xiliga aan seexanyno si ilaahay dunuubteena uu u dhaafo qalbiyadeenana u jilciyo u diyaariyo maalinka sanadka ugu weyn ee berrito ku beegan😍💐. Maalinka dad badan noloshooda u bedashay siday rabeen iyo ka qurux badan kadib markay ilaahay yaqiin ku baryeen.❤️💐
Mar labaad ma toobad keeni karaa ?! Mar labaad mar saddexaad iyo afaraadba waa toobad keenaynaa illaa aan jannada ka galno❤️🌸
Fursadda ugu qaalisan sannadka dhan dadka yaqaanna qiimeheedana ay sannadka dhan sugi waayaan maalinka ay imanayso......ugu danbayn way imaatay!!😍 10kii maalmood ee ugu fadliga iyo qiimaha badnaa ugu dahabisanaa sannadka oo idil sida xabiibkeeni uu xadiis ku yiri " ma jiraan maalmo uu ilaahay camalka wanaagsan uga jacayl badan yahay maalmahan tobanka ah" Ya salaam! Boqorkeenu maalmahan ayuu ugu jecelyahay camal wanaagsan ee la sameeyo , Intaa hadaa ogaatay maxaa lagaa rabaa inaa samaysid ?! 💐Wuxuu alle jecel yahay samay waxaa jeceshahay janno ugu horreysaa helaysaa❤️❤️ Maalmahan aad ugu dadaal cibaadada , soonka , salaadaha sunnada , dikriga , quraan akhriska , dhammaan camallada wanaagsan waxay kaloo kuu sahlaysaa maalinka ugu wayn sanadka dhan ee carrafa ee ilaahay uu soo dagayo in qalbigaagu u diyaar garoobo baryada boqorka soo dagi doona , kulligood adoomuhu way wada dadaalayaan fursadaan ka faaidaysigeeda waa laysku dhaafayaa , dheereey oo yaan lagaa hormarin janno doonayaal❤️❤️💐.
Hooggaagee ma sidanaa cibaadada dhallinyarnimadaadii?! Maxaa samayn doontaa markaa cirrowdid haddiiba dhalinyarnimadii aad sidaa tahay!! ويحك ! أهذه عبادتك في شبابك ! إذا ماذا أنت فاعل في المشيب؟
Xasuusin waxaynu ku jirnaa bilihii xumada lahaa ee danbiguna laba jibaar noqonayey ajarkuna laba jibaar ka faaidayso khayrka xumaantana ka dheerow qayrkaana xasuusi.