- Последний пост
- 6 авг.
- Последнее чтение
- 15 авг.
- Постов за неделю
- 0
- Всего постов
- 20
- Тип
- открытый
- Язык
- арабский
- Категория
- Книги (по похожим)
- В каталоге с
- 15 авг.
- 1/24сутки в ленте
- 34
- 1/48двое суток
- 38
- 1/72трое суток
- 42
Оценка по просмотрам недавних постов: пост набирает почти всё за первые сутки.
Посты
https://cabiraxiinciideed.substack.com/p/isku-milanka-wadaadka-iyo-siyaasiga?
Waxa aan wax yar ka qoray sida wadaadka Soomaaliyeed iyo siyaasigu iskugu xidhan yihiin, iyo waxyaabo kale oo ay kamid yihiin lafalgelidda fikradaha cusub, iyo sida uu wadaadku markiiba ereybixinta ula degdego. Waxa kale oo aan ku daray waxa uu iila muuqdo mixraab xor ah waxaan idhi; ta kale, waa in mixraabku noqdaa meel bulshada laga saxo, looga raadiyo caddaallad, laguna nooleeyo damiirkooda, waa in dhacdooyinka isbuuclahaa ee bulshada ka dhex dhacaya kuwooda mudan in dadka laga waaniyo khudbadda Jimcaha dadka loogu soo qaato. Haddii gef dhaco, ama gabadh la kufsado waa in aan odayaasha loo ogolaan in ay kufsigaas ka dhigan wax labo reer ka dhaxeeya, dadkana ay fahansiiyaan in kufsigu yahay dambi bulsho oo ay tahay in lagasoo saaro ciqaab dadweyne oo la mariyo dadka gaysta kufsigaas, balse taas iskadaa ee wadaaddo badani waxayba kufsiga u haystaan in uu lamid yahay sinada oo kale, taasina waa halka ay sartu ka qudhuntay. . Akhris wanaagsan, qoraalkaygan faallayn iyo falanqaynba ka furan.
без подписи
“Haku waayin ruux goba Erey aanu kaa geyin.” Waayahan iyo waqtigan wax kastaba maadaysiga laga baadhayo waxaa fiican in qof kastaaba beydadkan naftiisa ku xakameeyo, wax badan oo siyaasaddu kamid tahay dad gaara uunbaa quudan doona, qof aad is hurateen, oo aad waqti iyo waayo wada marteen odhaah aad si fudud u tidhi ha isku waayina. Sidaas daradeed qof wax badan xeerinaya noqo.
Dulxijah 8, 1447 May 25, 2025 Alloow waxa aan nahay addoomahaagii, naga yeel kuwa aad huwiso jalaalkaaga, ka yeesho dad xora oo u nool adiga uun, Alloow nooga miciin inaan noqono hawo caabud. Udxiyadu waxa ay kamid tahay sannadle xuseedyada diimeed ee uu Alle SWT Islaamka ku waajibiyay, ujeedka udxiyadu kaliya maaha in xoolo la qalo oo maalmahaas hilib laysa siiyo balse wey ka macno balaadhan tahay, mar waa arrin nafta lagu dahirayo oo Alle dartii wax loo gowracayo, mar kale waa xasuus dib inoogu celinaysa qisadii dhex martay Khaliilkii Alle ee Nebi Ibraahim CS iyo wiilkiisii Nebi Ismaaciil CS. Labadoodaba waxaa lagu imtixaanay in aabbuhu wiilka gowraco, wiilkuna adkaysto, waxa ayna ahayd imtixaan adag oo labadoodaba loogu diyaarinayay in ay noqdaan awliyo Alle, imtixaan lagu hubinayay in ay yihiin dad ay dhab ka tahay baahida ay u qabaan jalaalka Alle iyo la saaxiibkiisu (Maqam al-Xubbi wal-Khillah). Si gaara waxa uu imtixaanku ugu socday aabbaha, markii uu qoorta wiilkiisii middida saaray, Allena SWT ogaaday in middidu jartay xadhkihii anaaniyada (ego), makhluuq jacaylka, amardiiddada Alle, iyo kunka cudur ee hawada insaanku sababto ayaa wan weyn Alle samada kasoo dejiyay, waxaana aabbiihii loogu bishaareeyay in uu ka run sheegay iraadadiisii. Waa qiso ina tusinaysa in wax walba oo aynu jecelnahay Alle dartii uga tagno si gaara marka doonisteenna iyo ta Alle iska horyimaadaan, maalmahan waa in aan qisadan dhuuxnaa oo nafteenna ku tarbiyeeynaa sidii ay wax walba uga doorbidi lahayd la rafiiqa Alle. Sida aynu u gowracno xoolaha udxiyada ayaa loo rabaa inaan u gawracno cuddurrada kunkaa ee nafta ku dhaca, sida kibirkaa, quudhi waaga, ficiltanka, iqk, dhammaantood waxaa la rabaa inaan gowracno oo aynu wax walba uga hurno in aynu la rafiiqno Khaaliqa, inaga oo ka xadhig furanayna wax walba oo inaga dhigaya addoon hawo caabuda, oo makhluuqa sumcad iyo magac ka doonaya, ama addoon kale jirritaankiisa ka xun, ku yasaya oo neceb. Waa in aynu ku sabirnaa jidka adag oo aynu u marayno ku dhex baaba’ jalaalka Alle (Fanaa fil Baaqii) si aynu ruuxdeenna uga yeelno mid u diyaarsan addeeca Alle iyo caabudkiisa, waana marka ay macaanka cibaadadu inoo bilaabmayso, waana marka aynu si dhaba u fahmayno in jacaylka Alle uu wax kasta ka horreeyo, waa amminta iimaanku kaamiloobo ee dhadhankiisa la helo. Marka wax walba oo kale aynu kasoo xadhig furano una noolaano kaliya Alle waa marka dhib kastaaba dhamaanayso ee aynu gaadhayno martabadda ku dhex baaba’ jalaalka Alle iyo jacaylkiisa. Jalaalkaaga iyo jacaylkaaga hanaga qadin Raxmaanoow❤️ https://www.facebook.com/share/16jLXJzpz4/?mibextid=wwXIfr
Samankan haddii aadan aqoon sida Garaad Gacmeedka (Artificial Intelligence) loo isticmaalo ama aadan ku guda jirin barashadiisa waxa aad lamid tahay sida qof dal cusub tagay oo afkiisii aan baran, baro sida tilmaam (prompt) wacan loo siiyo GG, hag oo baro sida xogtiisa loo shiilo wax macno lehna loogasoo saaro, kaliya inaad sawir ku samayso kaliya ha isticmaalin, tobanaan wax oo ku anfacaya ayaad ku samayn kartaa; maqaal baad ku gorfeyn kartaa, buug baad kusoo koobi kartaa, muuqaallo ayaad qoraal kooban ugu badalan kartaa, cashar lagusoo dhigay oo kuu bixi waayay ayaad ku fahmi kartaa Iqk. GG ayaad dhankiisa loo socdaa ee gadaal haku hadhin, safarka qayb ka noqo oo dalkaa cusub afkiisa baro. https://www.facebook.com/share/p/1anvBF3ts1/?mibextid=wwXIfr
Samankan haddii aadan aqoon sida Garaad Gacmeedka (Artificial Intelligence) loo isticmaalo ama aadan ku guda jirin barashadiisa waxa aad lamid tahay sida qof dal cusub tagay oo afkiisii aan baran, baro sida tilmaam (prompt) wacan loo siiyo GG, hag oo baro sida xogtiisa loo shiilo wax macno lehna loogasoo saaro, kaliya inaad sawir ku samayso kaliya ha isticmaalin, tobanaan wax oo ku anfacaya ayaad ku samayn kartaa; maqaal baad ku gorfeyn kartaa, buug baad kusoo koobi kartaa, muuqaallo ayaad qoraal kooban ugu badalan kartaa, cashar lagusoo dhigay oo kuu bixi waayay ayaad ku fahmi kartaa Iqk. GG ayaad dhankiisa loo socdaa ee gadaal haku hadhin, safarka qayb ka noqo oo dalkaa cusub afkiisa baro. https://www.facebook.com/share/p/1anvBF3ts1/?mibextid=wwXIfr
https://youtu.be/SSoKnPEjfdU?si=_iGibq_JvtWWiRsc
Markasta oo aad baadhid ama aad wax ka ogaatid nafteenna, jidhkeenna gudihiisa iyo shaqooyinka ka dhex dhaca waa markasta oo aad si dhaba u yaqiinsanaysid una rumaynaysid aayadda (51:21) uu Alle SWT ku sheegay in nafteenna ay aayad yaqiineedi ku sugnaatay. Hadda haddii aad hal shaqo oo jidhkaaga ka dhex dhaca eegto waad yaabaysaa sida wax kastaaba u yihiin warshad yar oo qabanaysa shaqo warshadaha Aadamaha shaqo iyo shaqaale boqolaal ah ka qaadata. Matalanba bal eeg hurdada iyo sida jidhka, iyo maskaxduba waqtigaas u shaqo galaan, iyaga oo qabta waxyaabo aysan suuroobayn in la qabto qofka oo soojeeda, waxaa kamida; in wixii maskaxdu kaydiso la kala shaandheeyo oo qayb xasuusta dheer loo diro si hadhow loo manafacaadsado, waana waxa ay muhimka u tahay qofka ardaygaa ee wax diyaarinayaa in uu helo hurdo fiican habeenkii. Kama gayoon karno aayadaha inaga dhex jira ee Alle SWT yidhi fiiriya oo ku waantooba. https://www.facebook.com/share/1UMaY9o4xe/?mibextid=wwXIfr
https://youtu.be/P1Aj_lr034A?si=QkoWom3iGE3sblUJ
https://youtu.be/eYK1u8Vg5No?si=APtHTjdr8cZEYCCQ
"Iinsaanka waxaa laga abuuray degdeg." (Al-Anbiyaa: 37) Markasta oo aynu wax cusub bilowno badideen waxaan jeclaysanaa inaan aragno maxsuul degdeg ah, matalanba haddii aynu ducaysano waxa aynu markiiba filanaa in aan aragno ducadii oo la aqbalay, ama marka aynu bilowno xirfad cusub sida luuqad barasho ama wax nashqdaynba, isla jeerkiiba waxaynu eegnaa in aynu isku qaadno qoraallo luuqaddaas ah ama muuqaallo tijaabinana in aynu aragno natiijada wixii aynu baranaynay. Sidoo kale marka aan labo wiig aynu jiimka aadno isla markiiba waxaynu iska fiirinnaa in muruqyo inagu soo kordheen. Waxaas oo idil waa dabeecad iyo abuur inagu dhex uunkan balse ogoow, wax kasta oo aad bilowdaa natiijadeedi masoo degdegto, waana wax u baahan joogtayn iyo yaryaraysi, xirfad aad toban maalmood aad shan saacadood baraaktiis garaysay waxaa ka macno iyo natiijo fiican mid aad lix daqiiqo baraaktiis garaysay hal sano, haa xiisadda aad diyaarinayso ujeedkeedu maaha in aad waxa la dhigay wada akhrido ee waa inaad fahanto sidaas daradeed waa in aad maalin walba waqti aad xiisadahaaga ku dabogasho heshaa xataa toban daqiiqo ha noqotee. Luuqadda cusub ee aad bilowday ujeedkeedu maaha in aad naxwaha, ereyada, qoraalka, akhriska iyo dhagaysigaba si degdeg ah iskaga dhistee waa in aad yeelato kaadsimo aad ku baraaktiis garayso. Iyana sidoo kale naqshad barasho haddaad bilowday markiiba lagama yaabo in aad ku noqoto nashqadeeye faraha ka xidhan balse waa inaan ku kaabtaa dadaalkaaga adiga oo xasuusan xadiiskii Nebiga SCW ee ahaa; "Camalka Ilaahay agtiisa ugu jecel yahay waa kan la joogteeyo, haba yaraado eh." Hal habeen oo aad xamaasatootay oo aad habeenka oo dhan Salaatu Layl u taagnayd waxaa ka khayr badan in aad habeen walba cishaha kadib aad hal rakcad oo Salaatu Layl ah tukato. Buug aad hal maalin ku akhrido waxaa kaaga fiican caadana kuu noqonaysa maalin walba inaad muddo maalin walba toban bog akhridid Wax walba kaadsimaha ayaa ka yeela caado uu qofku leeyahay sidaas daradeed waa inaan nafteenna ku jirrabnaa inaynu barno kaadsiimada.
Marna ma is weydiisay dad badan oo halkan inala joogay oo hal mar aad arki weyday ama mar kasta wax inala wadaagi jiray oo khadka iska yareeyay, haa in badan waad aragtay balse ma is weydiisay dadkaas maxaa badalay? Haddii aan qiyaaso badi dadkaasi waxa ay awoodda saarayaan sidii ay isku dhisi lahaayeen, waxa ayna garteen oo ay fahmeen in isticmaalka badan ee facebooku uusan wax macno ah lahayn. Qaarkood waxbarasho cusub ayeey bilaaben. Qaarkood xirfado cusub ayeey bartaan. Qaarkood shaqo ayeey bilaabeen. Qaarkoodna waxay go’aansadeen inay noolaadan nolol bilaa buuqa. Haa adna intay goori goor tahay is dabaqabo. Wax akhri. Wax is bar. Wax baadh. Wax qor oo maalin kasta muuqashada iyo wax walba ka hadalka iska yaree. Jacayl iyo fiicnaan ku waara🤍
https://youtu.be/kKvK2foOTJM?si=XmckyjFlGNycqjYF Sidoo kale muuqaalkan aad buu ii caawiyay daawada.
https://youtu.be/kuSr6yTMuC8?si=yAjJuJEMa2E2adFr Ardayda imtixaannada diyaarinaya iyo dadka wax cusub baranaya daawashada muuqaalkan baan kula talinayaa.
https://youtu.be/XQ767LlrDc0?si=vdntZKsITc-j34VY
Ciid wanaagsan saaxiibbayaal idilkiin, ciid qurux badan inaad wada qaadataan ayaan rajeenayaa idinka iyo dhammaan dadka aad jeceshihiin. Ku farxa ciidkiina, waqti la qaata qoysaskiina iyo asxaabtiina. Jacayl, farxad, badhaadhe, same, raynrayn, niyadsami iyo wanaag ku ciida🤍🥀
Ciid wanaagsan farxad dhammaantiin ku ciida🤍
Sagootin bishii barakaysnayd ee Ramadaan. Waa jeclayn in aad nalasii joogto balse sida uu Alle SWT sheegay waxa aad tahay maalmo kooban. Nabaaddiino iyo nooli kulanteed.
Duco 🤍🥀 Alloow waxaan ku weydiisanaynaa jacaylkaaga, awooddaada nagu jeclaysii camal kasta oo aad nagu jeclaanaysid. Na jeclaysid waddo kasta oo jacaylkaaga noo horseedi karta. Alloow qalbigayagu waxa uu u hilloobay jacaylkaaga, waxa uu ku taamayaa in aad jeclaatid si uu xasilo, si ay cibaadadu ugu dhadhanto, si uu Qur’aanku ugu macaanaado, si raacidda awaamirtaadu ugu noqoto indho doogsi. Alloow waan daalnay, waxaan ku daalnay adduun, waxaan filanay in orodkayagu dheef dheeri ah na siinayo balse taasi ma dhicin, yaa Allaah na hodmi, oo risqi barakaysan baan ku weydiisanay. Gefka aadame baan u nahay, dambi walba oo aan galnay waan qiranaynaa balse fudaydsi aan Alloow adiga iyo xuduudahaaga fududaysanayo uma aanan yeelin, balse waxaan sameeyay anaga oo ay ruuxdayda gubayso falka gefkaasi waxaan ku weydiisanayaa inaad gef walba naga dhaaftid, Alle cafis badan baad tahay oo cafiska jecel ee na cafi oo na hanuuni. Alloow waalidkayo, waalidkood iyo dhammaan cid walba oo xaq nagu leh iyo guud ahaan muslimaantaba u danbi dhaaf. 🤍🥀