tgindex
Hal-Abuur cishqaawi🥰

Hal-Abuur cishqaawi🥰

Статистика

Dhayeel uma baroortoo Beydadkeeda maansada Ciyaar uma bayaanshee Boholyoowgu daranaa!

Последний пост
8 авг.
Последнее чтение
15 авг.
Постов за неделю
0
Всего постов
20
Тип
открытый
Язык
so
Категория
Книги (по похожим)
В каталоге с
15 авг.
Подписчики
833
мало замеров
Замеров пока мало
Сутки
0
0,00%
Неделя
 
Месяц
 
Просмотров на пост
7 077
20 постов
Вовлечённость
849,6%
к подписчикам
Постов в день
0,0
всего 20
Упоминаний
0
каналов
Охват размещения
оценка
1/24сутки в ленте
86
1/48двое суток
98
1/72трое суток
106

Оценка по просмотрам недавних постов: пост набирает почти всё за первые сутки.

Посты

  • без подписи

  • 28 янв.1 5008

    без подписи

  • без подписи

  • без подписи

  • Dareen igu qasbaa Tixda iga quboo Qalbigaa i jabay Qiso aan la qorin Ayaa igu qarsoon Oon la geli qabriga Dadkoo lala qosliyo Farxad leeyga qadi Qofna lama hadloo Qolka murugadaa Leygu soo qufulay. Hal-Abuur Cishqaawi

  • Waxey hoday muuqa dumar Waxey maray maanka galay Murugo iyo caashaq mida Hurdada kama helo macaan Sidaan ahay mahayammoog Masuul kama ahi qalbiga Waxaa maamulo qof kale Misana lama ahi heshiis Go'aankaan meel dhigaan Haddana furfuraa markale Waxaan shalay maanacaan Maqsuud ku noqdaa markale Maxbuus nafta aan u ahay Jacayl marti iiga dhigay In ay muddo ii kordhiso Mooyee ima siiso fasax. Hal-Abuur Cishqaawi

  • Wacadkii dhantaalmiyo Axdi dhaaxa soo jiray Miyaan dhowrayaa weli? Hablahaba dhammaantood Yartaan uga dhawaa jiray Weli ma u dhawaaqaa? Dhambaallada jacaylkiyo Dhaantada dareenka leh Weli ma u dhigaayaa? .................. Ma i dhuuxay caashaqu? Dhiigga mayga miirtoo Ma i dheefsadaa weli? Adiguna dhigaalkaan Facebook-ga soo dhigo Ma dhageeysataa weli? Haddii aan la kala dhiman Hadba la isma dhaafee Ka warhaay jacayl dhaba. Ma dhageysataa= ma aqrisataa. Hal-Abuur Cishqaawi @cishqaawi143

  • Qalbi jabay baa Qaadan waa iyo Quus dareemoo Qiiq ka baxayaa. Hal-Abuur Cishqaawi

  • Naftu muusannoowgiyo Dey weyday muhashada Adna mayada joogtaa Markastaba ma deyside Qalbi murugo heeysaad Meermeerineeysaa.😭 Hal-Abuur Cishqaawi

  • Haddii aan awoodoo Ku illoobi karo adi Aramida jacaylkaan U adkeysan karinoo Uurkiyo qalbiga baa Hadya jeer i ololaya Sidee loo illoobaa Ama loo inkiriyaa Ruux aan la'aantiis La ahaa kareeynoo Agjooggiisa mooyee Maqnaantiisu adagtahay Adduunyada asaaggaa Eeynigaaga gabar ahi Haddey hooyo umushoo Aabbe soo barbaariyay Sow maan arkeenoo Adi kuma iloobeen😓 Inkastoon adoo kale Ama inan ku gaaree Arki doonin idileey Eebbaan baryaa oo Ayaankiyo nasiibkaa Na kulmaayo ammin kale Asluub badan ammaan badan Iftiin badan ileys dumar Akhlaaq badan indheergarad Aqli badan aqoon badan Udgoon badan ugbaadey Ilxun eebbe kuma tuso.❣ Hal-Abuur cishqaawi https://t.me/cishqaawi143

  • Xajin waayay caashaqa oo Xujo waa dareenka jacayl Xiisahaagi waa batayoo Xiska kaama saari karoo Xusuustaadu wey i dhibtaa Hal-Abuur Cishqaawi 👉https://t.me/cishqi143

  • 14 мая 2025 г.12,2 тыс314

    Kolki aan ku bartaa boholyoow i galoo Bidhaantaada ayey naftu ey u bogtoo Wadnahaad bartankiisa ku taal bilaney Bogsan maayo adoon barbarkeeyga imaan Waan u booyahayaa boqraneey araggaa Qalbi kuu buko baan ilmo baaji kareyn Bilaash looma gabyee beerka bey ololaa Boogo caashaq ayaa hadya jeer belbelaa Beenna maahane baani naftoo u maciin. Hal-Abuur Cishqaawi 👉https://t.me/cishqi143

  • 8 мая 2025 г.12,2 тыс914

    Intaan noolahay adduunka Xusuusta ma daayo uurku Afkuna deyn maa ammaanta Haddaan ifka kuu hiloobay Aakhiro ku illoobi maayo Nasiibkeeygiyo ayaanku Hadduu iga kaa irdheeyay Ogow cidna eedi maahe Ilaah baan talada saartay Usheegtay amuuraheyga.😢 Hal-Abuur Cishqaawi 👉https://t.me/cishqi143

  • 7 мая 2025 г.11,9 тыс213

    Waxey hamidoo naftu heysan Kolkeey hollatoo u hayaanto Kolkuu hiigsigeedu hungoobo Hubaal hurda wey ka hartaaye Maxaan heliddaa u harraaday Oo uu hadafkeeygi hallaabay Hiloowga jacaylka i haayo Hooygiisu halboowlaha waaye Naftaan hadya jeer hinqaneyso Hirwada iyo heesta ka daalin Adaa hantayoo la hoyaaday Habeenya dharaar i hortaagan Hablaha kale waan ka hijrooday Hasaawaha waanba hilmaamay Howraar wixi aan ku hadlaaba Habbooney ayaan ku hadaaqay Hummaaggu adoo huban waaye Heblaan u aqaan hablahoo dhan. Hal-Abuur Cishqaawi https://t.me/cishqi143

  • 9 апр. 2025 г.11,9 тыс118

    Labadeeyda dhaayood Ilmo kama dhammaatoo Dhabannada qoyaanka leh Ma engegin dharaar qura Waxkastoo ku dhalanrogo Ama dhaawac kugu dhigo Mar baa laga dhaqmaahee Caashaqu dhib badanaa!😢 Hal-Abuur Cishqaawi

  • 2 апр. 2025 г.12,9 тыс68

    Waxaan hilin caashaq aan hayo oo Heellada hadya jeer tixoo qoro hees Marbaan hadafkeeygi haabanayaa Marbaan helayaa yartaan hamiyoo Hobboon mar ayaan haleelahayaa Waxan hurdin oon alleeylki hadroo Hareehaha aan ka eego habboon Kolbaan la hurdaa hareerta tegaa Kolbaan la hoyaa habsiinahayaa Oo hoogga jacayl hilmaamahayaa. Hal-Abuur Cishqaawi

  • 1 апр. 2025 г.11,9 тыс64

    Waxaad garowso doontaa Godka goorta aan galo Ama guulle weynuhu Iiga kaa gargaaroo Guri nabada aan dego Inaad iga gardantahay Ama godob xambaartoo Nabsi guudka suratana Waxaa lagu garaayaa Inaad ii garaabeeyn Hal-Abuur Cishqaawi https://t.me/cishqi143

  • Waan ku doortoo Maanka kugu diran Doonistaadii Baa ku daabacan Waad i diiddoo Iima diirnixin Anna ima deyn Diifti caashaqu Deymadii hore Baad i deeqdoo Dayax baad tahay Aan la dayi karin Waan ka dabadhacay Muuqa dahabkaa Oo daraaddaa Diiday dumar kale Daawadeeydaay Goor damboon baxay Heey dareemine Hadda ii dabac 😪 Ka digtoonoow Waa dardaarane Nabsi kugu dego Oo ku daashado ............................. Dar Allee waa Daar adduunyee Doorkastoy tahay Daal maxaa yaal!. Hal-Abuur Cishqaawi

  • 30 янв. 2025 г.12,6 тыс4

    без подписи

  • 28 янв. 2025 г.12,5 тыс67

    Ma tirtiro xusuusaha ku tolan, maanka ku tallaalan Ma tirtiro waxaad ii tartiyo, waxad i taageeertay Ma tirtiro taswiirtaadiyoo, waan ku tebayaa' e Ha i tuurin calafkaa talshoon, laga tallaabseyne. Hal-Abuur Cishqaawi