miro jaceyl
СтатистикаMiro jaceyl kala soco Fariimo jaceyl oo qiiro leh Dhambaalo macaan Oraah yo cajiiba Shekoyin I.w m
- Последний пост
- 4 июл.
- Последнее чтение
- 13 авг.
- Постов за неделю
- 0
- Всего постов
- 21
- Тип
- открытый
- Язык
- so
- В каталоге с
- 13 авг.
- 1/24сутки в ленте
- —
- 1/48двое суток
- —
- 1/72трое суток
- —
Оценка по просмотрам недавних постов: пост набирает почти всё за первые сутки.
Посты
Xalay waxaan fadhiistay meel badda u dhow, dad badan ayaa hareerahayga joogay, music-na hawada ayuu ka socday. Dadku way qoslayeen, way sheekaysanayeen, qaarna si farxad leh ayay u cawaysnaayeen… laakiin aniga qalbigaygu meel kale ayuu ku maqnaa. Heesaha qaaciga ah markay hawada qabsadeen, waxaan dareemay sidii in eray kasta uu qalbigayga si toos ah u taabanayo. Mararka qaar dadka qayladooda iyo dhawaaqa music-ka ma maqlayn, sababtoo ah waxaan ku dhex lumay fikir iyo xusuus iga xoog badatay. Waxa ugu badan ee maskaxdayda ku soo noqnoqonayay wuxuu ahaa wajigeedii quruxda badnaa… iyo xilliyadii aan laabteeda ku jiray anigoo dareemaya deganaan aan maanta ka maqanahay. Kadibna waxaa la qaaday heestii Lafoole… “Annu baa lalabayoo Caashaqu ilulayee Shoo jacaylka laabtiyo Lubigaba kumaad hayn…” Markii erayadaas hawada galeen, qalbigayga wax baa si dhab ah u gilgilmay. Waxaan dareemay sidii in heestu iga hadlayso, sidii in murugada aan qarinayay ay cod yeelatay. Ilmadii ayaan markaas sii ceshan waayay. “Kalgaylka leebkiyo Ila laacay hoodadu Annu buu iluudshaye Shoo dhankaaga leeriyo Leexaba kumuu kicin…” Waxaan xusuustay sida aan qalbigayga oo dhan ugu dhiibay jacayl aan moodayay inuu weligiis sii jiri doono. Waxaan xusuustay habeenno badan oo aan dareemayay inaan qofka ugu nasiibka badan dunida ahay markaan agteeda joogo… laakiin xalay waxaan ahaa qof kali ah oo music dhex fadhiya, qalbigiisuna si tartiib ah u burburayo. “Annu baa laliitoo Ladi waaye jiifkee Shoo adu ladnaan baa Raaxada ku lulataa…” Erayadaas waxay igu rideen murugo aan sharaxaad lahayn. Waxaan is waydiiyay: ma aniga keliya ayaa xanuunkan sida? Ma iyadu si degan ayay nolosheeda u sii wadataa halka anigu aan habeenkii hurdo la’aan iyo xusuus la jiifo? Qalbigayga waxaa ugu dambayn si dhab ah u dhaawacay qaybtii lahayd: “Qalbigii lacibkii Ee kugu lamaana Maad lexa-jecleynine Lumisaye ha raacdayn…” Xalay waxaan ogaaday in murugada ugu adag aysan ahayn qaylo ama oohin… balse ay tahay marka qofku aamuso, dadka dhex joogo, music dhagaysanayo, haddana gudaha qalbigiisu si tartiib ah u gubanayo. Waxaan eegayay badda mugdiga ah… laakiin runta ayaa ahayd in mugdiga ugu weyn uu qalbigayga gudihiisa ku jiray.
Waqtiyada aan kula joogo ma rabo in ay dhammaadaan. waxaan rabaa in daqiiqadaha aan wada joogno weligood aanay dhaqaaqin.
Maxaad Beenta Iigu Sheegtay?💔 Waxaan weli is weydiiyaa… Maxaad beenta iigu sheegtay? Ma waxaad moodaysay in aanan xanuunka runta qaadi karin? Haddii aanad i jeclayn, maxaad indhahayga u eegaysay adigoo leh, “Waligey kuma dayici doono”? Maxaad rajo ii siisay adigoo og inaan maalin uun ka toosi doono run aanan waligay u diyaar garoobin? Mararka qaar beentu kuma dhaawacdo sababtoo ah waa been… Balse waxay ku dhaawacdaa yado lagu dhex aasay kalsooni. Waxaan rumaystay eray kasta oo afkaaga kaso baxay. Waxaan dhisay mustaqbal aan sal lahayn. Waxaan qalbigayga ku beeray qof aan waligiis damacsanayn inuu waraabiyo. Laakiin hal su’aal ayaa weli habeen kasta maskaxdayda ka guuxaysa… Kee baa run ahaa? Eegmadaadi naxriistu ka muuqatay? Dhoolla-caddayntaadii? Ballamihii? Mise dhammaantood waxay ahaayeen wajiyo aad ii xidhatay? Markii aad igu lahayd, “Adiga mooyee qof kale ma lihi,” qalbigaagu ma deganaa isagoo og in afkaagu been sheegayo? May adkayd inaad runta ii sheegta? Mise waxaad ka baqaysay inaad iska lumiso qof kuu jeclaa si daacad ah? Waxaan la yaabaa… Sidee qof u seexan karaa isagoo og inuu qalbi aan waxba galabsan burburinayo? Sidee qof u qosli karaa isagoo og inuu ilmada qof kale sabab u yahay? Waxaan is leeyahay… Miyaan jacaylka ku khaldamay? Mise adigaa daacadnimada qiimaheeda garan waayay? Waxaan ahaa qof kuu duceeya adigoo maqan. Adiguna waxaad ahayd qof iga qariya runta anigoo ku aaminsan. Waxaan kuu noqday hoy. Adiguna waxaad ii noqotay dab qiiqiiisu weli sambabbadayda ku hadhsan yahay. Waxa ugu xanuunka badan ma aha inaad iga tagtay… Waxa ugu xanuunka badan waa inaan hadda garan la’ahay eraygii runta ahaa iyo kii beenta ahaa. Maalintii aad tidhi, “Waan ku jeclahay”… ma run bay ahayd? Maalintii aad tidhi, “Weligey Wan kula joogayaa”… ma been bay ahayd? Mise jacaylkeennii oo dhan wuxuu ahaa sheeko aad adigu qortay, aniguna aan rumaystay? Waan ka bogsan doonaa dhaawaca. Laakiin hal su’aal ayaa laga yaabaa inay ila noolaato inta aan noolahay… Haddii ugu dambayn aad i dhaawicicaysay… maxaad marka hore qalbigayga u dareensisay inuu ammaan ku jiro?
Waan ku soo ceshan lahaa, laakiin sida aan kuugu soo celiyo ma aqaan.💔🥺 Mararka qaar qalbigu wuxuu jecel yahay inuu dib u helo qof uu waayay, laakiin gacmuhu ma helaan jidkii lagu gaadhi lahaa. Waxaa jira dad ka taga nolosheenna, balse xusuustoodu weligeed kama tagto qalbiyadeenna. Ma aha in jacaylku dhammaaday, ee waa in duruufihii isu beddeleen kuwo aan fududayn. Waan ku soo ceshan lahaa haddii aan garan lahaa erayga qalbigaaga mar kale furaya. Waan ku soo ceshan lahaa haddii aan ogaan lahaa waxa kaa fogeeyey iyo waxa kuu soo dhoweyn kara. Laakiin mararka qaar qofku wuxuu istaagaa meel uu garan waayo tallaabada xigta, isagoo qalbigiisu doonayo soo noqoshada, maskaxdiisuna ay ka aamusan tahay jidka. Xusuustaadii weli qalbigayga way ku nool tahay. Maalin kasta waxaan is weydiiyaa: "Haddii aan mar kale kula hadlo, ma ii soo noqon lahayd?" Jawaabta ma hayo, laakiin rajada qalbigu weli ma dhiman. Waxaa laga yaabaa in qof la jeclaado uu dib u soo laaban karo, waxaana laga yaabaa inuusan soo noqon. Laakiin jacaylka dhabta ahi wuxuu ina baraa dulqaad, ixtiraam, iyo in mararka qaar la aqbalo waxa aan awooddeenna ka baxsan. Haddii ay jirto waddo aan kuugu soo celin karo, waan mari lahaa. Haddii ay jirto albaab aan kuugu iman karo, waan garaaci lahaa. Laakiin maanta waxa keliya ee aan hayo waa ducada, xusuusta, iyo rajada ah in haddii qaddarku na mideeyo, aan mar kale is heli doonno. Qofka qalbigaaga galay ma fududa in la illoobo. Haddii uu kaa fogaadayna, xusuustiisu waxay sii ahaanaysaa qayb ka mid ah sheekada noloshaada. Mararka qaar jacaylka ugu weyn waa kan aamusan, ee aan hadal badan lahayn, balse qalbigu weligiis xambaarsan yahay.
Xasuus daxalaysatiyo Xannuunka daris nahay 🥹✋️
1437 Sano kahor maanta oo kale salaadii casar kadib isla saacadahan hada aynu ku jirno ayaa alle diinta islaamka dhamays tirey. Nebi mohamed scw wuxu taagnaa buurta carafa isagoo bixinaya talooyin iyo dardaarano waawayn. In badanoo saxaabada kamid ahina ay ilmaynayaan iyagoo yaqiinsadey in geerida nebigu scw ay soo dhowaatey.
Kelmad jacaylka xiriir la leh.
https://youtu.be/A280K7BuxKU?si=gp7dzAShUrHUb0mP
Aad baan u jeclaa inaan ku daryeelo, ku siiyo jacayl xad dhaaf ah; marwalba garabkaaga ahaado. Waxaan jeclaa dhib iyo dheef inaan kula qaybsado, ku ilaashado. Murugada kaa dhawro ku siiyo danayn xad dhaaf ah, laakin waxaad noqotey ruux danihiisa ka fikira agtaadana aanan ka helayn wax muhiimad ah. Waxaad isiisey xanuun iyo dhawac aad u daran, sidaadas ooy tahay weli waxaad tahay qayb ka mida wadnahayga; magacaagu wuxuu ku qoran yahay qalbigayga oo si farshaxan keh ayuu ugu daabacan yahay. Waxaan jeclaa inaan noqdo wershadda farxaddaad adigu se waxaad ii arkaysay dhaawacaga. weli waxaan kuu rejaynaya nolol wanaagsan farxad iyo inaad noqoto qof guuleysta inkastoon anigu jeclaa inaan noqdo qofka ka danbeeya guulahaaga, laakiin may dhicin ugu danbeyn i faraxsanow qofkii aan jeclaayow.
Waligay ma ilaawi doono sidaad iigu faraxday, mana ilaawi doono xanuunkaad ii keentay, markaad macasalaamaysay noloshayda. Waxaan kuu rejaynayaa qofkii iga fiicnaa ee aad dartii iiga dhaqaaqday, inuu ku wanaajiyo. Waxaan kuu rejaynayaa noloshii aan ku siiyay ee aad dhibsatay, mid kasii wanaag badan in aad hesho. Waxaan kuu rejaynayaa sidii aan sharaftaada u ilaalin jiray ee aan ixtiraamka badan kuu siinayay in laguu ilaaliyo, laguuna siiyo mid aad u wayn. Waxba kuuma qabo qalbiga; Eebbe ha ku ilaaliyo.
Yaan badin warkee Maxaa noo ballana!. ❤️
Waxan doonaya nolol daacadiyo isku duubnidee. Door baan bidee ama ila dedaal ama haba degtee doonida burburi. omg!! H'O. Omer Dhuule🌊
"caqligu waa kaygii ee haka dhex raadin afkaarahaaga". ~fyodor dostoevsky .....
Gadhlow awr kala guurtay La arkee mar kaleeto In ay ool ku kulmaane Haddii uur kala guuro Saw ummuur culus maaha! ~Gaaariye.
Kalfadhiyada aad yeelanaysid waxa macnaha salka dheer leh uyeelaya ma aha goobaha iyo jawiyadaas degan'ee indho daraadarka ah, ee waa cida fadhigaas kugu wehel yeelaysa lajirkeeda. H'orah. 🙌❤️
Dareennada qaar waa kuwo aanay naftu fasiri karin, si kasta oo ay u ahaadaan holac, gudaha ruuxda ka baxaya. Isdiidooyinka noloshuna waa kuwa dabraya rajooyinka aad leedahay. Go’aannada qaarna waxa gaadhaysa nolosha, iyada oo aan dheg u dhigayn jiritaankaaga. Doonistaaduna, marar badan ayay kuu jirsanaysaa inta uu dayaxu kuu jiro. Isla daqiiqadahaasna waxa cidlada wehel kaaga noqonaya dayaxa dushaada ka ifaya; isaga oo markale ku galinaya rejo iyo yididiilo aad mustaqbalka ku waajahdo, si aad u kasbato jiritaan. Isla kaas oo aanad hubin in uu sii jiri doono. ............. Xigasho.
Waan kala arragti duwanahay sidaas ay tahay waxa aan nahay kuwo iskaga kalgacal badan kuwa isku midka ah,. Waxa ay na yidhaahdeen dadka intooda badani "Bini aadamka xadhiga isku xidhaayi waa Danta" laakiin isku Daruuf, Dan iyo Dalba ma nihin, qodobkaasna waxa uu ka yahay agteena dhalanteed. Dhul poqortooyo, H'orah.❤️✨
𝐈𝐬𝐛𝐞𝐝𝐝𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐃𝐡𝐚𝐥𝐢𝐧𝐲𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚: 𝐒𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚. Waayadii hore, bulshada Soomaaliyeed waxay lahayd dhaqan sugan oo ku dhisan wadajir, is-aamin iyo fudayd ku aaddan arrimaha guurka. Masaajidadu waxay ahaayeen goobaha cibaadada iyo barashada diinta, balse ma ahayn meel si joogto ah looga maqlo codsiyo duco oo ku saabsan guur-doon. Maanta se, waxaa si muuqata u kordhay dhalinyarada—rag iyo dumarba leh—ee sida joogtada ah u dalbanaya ducooyin ku saabsan helidda lammaane, gaar ahaan bisha barakaysan ee Ramadaan. Arrintani waxay dhalinaysaa su’aal muhiim ah: maxaa is beddelay? Marka hore, isbeddelka dhaqaale ayaa door weyn ka ciyaaray. Nolosha casriga ah ayaa noqotay mid qaali ah, taas oo keentay in guurku noqdo hawl culus oo u baahan awood dhaqaale oo badan. Dhalinyaraduna waxay la tacaalayaan shaqo la’aan, mushahar yar, iyo culaysyo nololeed oo badan, taasoo dib u dhigaysa ama xitaa ka hor istaagta inay guur ka fikiraan. Marka labaad, waxaa is beddelay filashooyinkii bulshada. Hore, guurku wuxuu u ahaa mid fudud oo ku dhisan isfahan iyo qoys wadajir ah. Maanta, waxaa kordhay shuruudo adag sida meher qaali ah, xaflado waaweyn, iyo nolol heer sare ah oo mararka qaar aan la gaari karin. Tani waxay dhalinyarada ku ridday culays maskaxeed iyo mid dhaqaale oo weyn. Sidoo kale, saameynta warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa si weyn u kordhisay rabitaanka nolol kaamil ah. Sawirrada iyo muuqaallada lagu faafiyo internetka ayaa dhalinyarada ku abuuray fikrado aan mararka qaar waaqici ahayn, taasoo ka dhigaysa guurka mid ay adagtahay in la gaaro haddii aan la helin heer nololeed gaar ah. Waxaa kale oo jira arrin si qoto dheer u saameysay qalbiga iyo maskaxda dhalinyarada: is-daawashada joogtada ah ee ragga iyo dumarka ee baraha bulshada iyo suuqyada. Marka indhuhu si xor ah u daawadaan qof kasta oo jinsiga kale ah, rabitaankii dabiiciga ahaa ee guurka ayaa si tartiib tartiib ah u daciifa. Qofku wuxuu la qabsadaa jaleeco iyo ku qanacsanaan ku meel gaar ah, taasoo ka dhigaysa inuu dib u dhigo raadinta lammaane xalaal ah. Dhalinyaro badan ayaa la nool xaaladdan iyaga oo aan dareensanayn, ilaa ay mar uun soo baraarugaan oo ay bilaabaan inay si degdeg ah xal u raadiyaan—iyagoo masaajidada u geeya codsiyo duco. Dhanka kale, caadooyinka sida siigada iyo daawashada aflaanta galmada waxay si toos ah u wiiqaan rabitaanka guurka. Waxay qofka ka qaadaan dhiirrigelintii uu u lahaa dhisidda qoys iyo nolol wadajir ah. Marka maskaxda lagu mashquuliyo waxyaabo been abuur ah oo sahlan, waxaa yaraada dareenkii masuuliyadda iyo rabitaankii dhabta ahaa ee guurka. Tani waxay sidoo kale saameyn ku yeelataa awoodda qofka ee yeelashada xiriir dhab ah, taasoo sii fogeysa himiladii qoys-dhisidda. Dhanka kale, waxaa yaraaday kaalintii qoyska iyo bulshada ee fududeynta guurka. Hore, waalidiinta iyo ehelku waxay door firfircoon ka qaadan jireen isku xirka lammaanaha iyo taageeridda guurka. Maanta, arrintaas way yaraatay, dhalinyaraduna waxay dareemayaan kalinimo iyo culays dheeraad ah. Intaas waxaa dheer, wacyiga diineed ee dhalinyarada ayaa kordhay, taasoo keentay inay si toos ah Ilaahay uga baryaan inuu u sahlo guur. Codsiyada duco ee masaajidada lagu arko maanta ma aha oo kaliya calaamad dhibaato, balse sidoo kale waa muujinta rajada iyo ku tiirsanaanta Eebbe. Ugu dambeyn, mushkiladda guurka ee dhalinyarada ma aha mid hal sabab ku kooban, balse waa isku dhaf dhaqaale, dhaqan, nafsi, iyo saameyn tiknoolajiyadeed. Xalka arrintani wuxuu u baahan yahay wacyigelin dhab ah, xakamayn nafeed, fududeyn guur, iyo dib u soo celinta doorkii qoyska iyo bulshada. Haddii aan la fahmin isbeddelladan, dhibaatadu way sii jiri doontaa. Laakiin haddii si miyir leh loo wajaho, waxaa suurtagal ah in dib loo soo celiyo rabitaankii saxda ahaa ee guurka iyo dhismaha qoysas caafimaadka qaba. Ismail Abdirahmaan Ahmed
𝐂𝐚𝐚𝐰𝐚 𝐰𝐚𝐚 𝐥𝐚𝐲𝐥𝐚𝐭𝐮𝐥 𝐪𝐚𝐝𝐫𝐢𝐠𝐢𝐢. Caawa waa habeenkii weynaa ee Laylatul Qadriga, ee ka khayrka badnaa 83 sano oo cibaado. Waa habeenkii Qur’aanka la soo dejiyey, waxaana caawa soo degaya Alaah subxaanahu watacaalaa, Malakul Jibriil iyo malaa’igta oo dhan. Caawa waa habeen aad ducada, Qur’aan akhriska iyo malaha wanaagsan ku beddeli karto jihadii noloshaadu u socotay. Maadaama Boqorkii ina abuurey ee “Alaah” uu caawa dhegaysan doono adoomihiisa oo dhan, dhammaantoodna uu u rumayn doono adoon kasta waxa uu u baahan yahay, waxa inala gudboon inaan hortiisa fadhiisanno, ka hor ooyno, yaqiinta xoojino, oo si dhab ah Alle cabashadeenna ugu gudbino. Sidoo kale Boqorka ina uumay haka ilaawina ka mahadnaqa nimcooyinkii uu inagu arsaaqay sanadadii la soo dhaafay, sida nimcada aragga, maqalka, hadalka, socodka, caafimaadka iwm. Shukran yaa Jabbaar. Ismail Abdirahmaan Ahmed.
𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐤𝐡𝐚𝐲𝐮𝐥𝐤𝐚 (𝐈𝐦𝐚𝐠𝐢𝐧𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧) 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐦𝐚𝐲𝐧𝐭𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐗𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐚𝐝𝐚𝐟𝐲𝐚𝐝𝐚. Takhayulku (Imagination) ma aha oo kaliya mala-awaal; waa awood maskaxeed (mental power) oo muhiim u ah horumarka bini’aadamka. Cilmiga Psychology iyo Neuroscience waxay muujinayaan in maskaxda bini’aadamku mararka qaar si isku mid ah uga falceliso waxa uu qofku dhab ahaan u sameeyo iyo waxa uu si qoto dheer maskaxdiisa ugu sawirto (mental visualization). Guul kasta oo weyn waxay ka bilaabataa aragti maskaxeed (vision). Qofka marka uu maskaxdiisa ku sawiro halka uu doonayo inuu gaaro—ha noqoto waxbarasho, ganacsi, ama horumar nololeed—maskaxdu waxay bilaabaysaa inay dhisto waddadii lagu gaari lahaa. Tani waa waxa ay saynisyahannadu ugu yeeraan Goal Visualization. Marka qofku si joogto ah u sameeyo positive visualization, maskaxdu waxay kordhisaa motivation, kalsoonida nafta (self-confidence), iyo rabitaanka shaqo. Taasina waxay qofka ka caawisaa inuu diiradda saaro hadafkiisa (focus on goals) oo uusan ka leexan jidka uu ku socdo. Sidoo kale, takhayulku wuxuu ka qayb qaataa planning iyo decision making. Qofka leh aragti fog (clear vision) wuxuu si fudud u kala saari karaa waxa muhiimka ah iyo waxa aan muhiimka ahayn. Sidaas awgeed, takhayulku wuxuu noqdaa foundation of success. Marka la soo koobo, Imagination waa aalad awood badan oo dhista innovation, creativity, iyo personal growth. Qofka maskaxdiisa ku sawira mustaqbal wanaagsan, wuxuuna durba bilaabaa qofkaasi safarka guusha.