- Последний пост
- 24 нояб.
- Последнее чтение
- 15 авг.
- Постов за неделю
- 0
- Всего постов
- 21
- Тип
- открытый
- Язык
- so
- Категория
- Книги (по похожим)
- В каталоге с
- 15 авг.
- 1/24сутки в ленте
- —
- 1/48двое суток
- —
- 1/72трое суток
- —
Оценка по просмотрам недавних постов: пост набирает почти всё за первые сутки.
Посты
видео или голосовое, без подписи
видео или голосовое, без подписи
видео или голосовое, без подписи
видео или голосовое, без подписи
видео или голосовое, без подписи
видео или голосовое, без подписи
видео или голосовое, без подписи
Ciidanka xooga dalka Soomaliyeed gaar ahaan Ururka 252-aad Guutada 25-aad Qeybta 27-aad CXDS ayaa maanta howlgalo kasameeyay dhulka howdka ah ee hoosyimaada deganada sabiid caanole Bariire tisxiile iyo waraabole ee gobolka shabellaha hose. Howlgalkan ayaa lagu xaqiijinayay amaanka deeganada iyo dhulka miiyiga ah oo ay kooxda khawaariijta alshabaab si dhuumaaleysi ah ugu dhibaateeynayeen dadka shacabka ah ayagoo miinooyin wadada u galiya xoolaha iyo dadka reer guuraga ah. Ciidamada xooga dalka waa kuwa utaagan caawinta dadka shacabka ah iyo kahortagida dhagarta kooxdaan khawaariijta ah. Taliyaha ururka 252-aad guutada 25-aad CXDS Maxamed xasan abuukar dhala dheere oo hogaaminayay howlgalka ayaa sheegay inta ay Koxda khawaarijta alshabaab kusugantahay taako kamida dhulka somalia 🇸🇴 ah ineysan ka caajiseeynin baacsiga khawaariijta alshabaab
видео или голосовое, без подписи
видео или голосовое, без подписи
видео или голосовое, без подписи
видео или голосовое, без подписи
Hawlgal uu hogaaminayay Taliyaha Ururka 251-aad Guutada 25-aad Qeybta 27-aad CXDS Maxamed xasan abuukar dhala dheere Ayaa Laga Sameeyey deegaano Hoos yimaada Degmoyinka afgooye iyo owdhegle ee Gobalka shabellaha hose Hawlgalka Ayaa si gooniya uga dhacay deegaanada shabeleey cismaan dure Boolo doonka bangaleey waan daasha Oo ay khawaarijta ku lahayeen Goobo Ay ku dhibateeyaan Shacabka, Taliye dhala dheere Ayaa sheegay in Hawlgalka u jeedkiisu aHaa Burburinta Goobaha gabaadka u ah Khawaarijta isagoona Shacabka Ka Codsaday in ay la Shaqeeyaan Ciidanka Si Xidida Loogu Siibo Kooxdan Gabalkeedu Dhacay.
Muqdisho, 27 Oktoobar 2025 – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya saaxiibbada caalamka ayaa duqeyn qorshaysan oo ka dhacday 26-ka Oktoobar 2025 magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta, kaas oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdi Xaamud, kuna magac dheeraa Jacfar Gurey. Dhagarqabe Jacfar Gurey wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii Khawaarijta, isagoo saaxiib dhow la ahaa horjoogayaashii isaga ka dambeeyay hoggaanka Khawaarijta, Axmed Cabdi Godane iyo Axmed Diiriye, kuwaas oo uu muddo dheer la soo shaqeeyay. Wuxuu hore u soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen, Madaxa Amniga Dibadda, Madaxa Amniga Madaxda Khawaarijta, iyo Madaxa Dabagalka, dhammaan xilalkaas oo la xiriiray hawlaha sirdoonka, qorsheynta weerarrada, iyo dilalka arxan darrada ah ee Khawaarijta. Dhagarqabahan ayaa door muuqda ku lahaa maalgelintii iyo dhismahii hore ee Khawaarijta, isagoo qayb ka ahaa lacag laga soo dhacay shirkad Itoobiyaan ah oo uu la socday horjoogihii hore ee kooxda, Axmed Cabdi Godane, taas oo lagu maalgeliyay aasaaskii ururka Khawaarijta. Howlgalka guuleystay ee lagu khaarijiyay dhagarqabe Jacfar Gurey wuxuu ka tarjumayaa wada-shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamka ee ku aaddan la dagaallanka Khawaarijta, si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida, iyo nabadda shacabka Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliya waxay mar kale u xaqiijinaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed in howlgallada qorsheysan ee ka dhanka ah Khawaarijta ay sii socon doonaan ilaa dalka laga xoreeyo haraadiga kooxaha argagixisada, si shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nabad, xasillooni, iyo horumar waara.
Ciidanka Kumaandooska Danab oo Khudbadda Jimcaha Ka Jeediyay Masaajidka Magaalada Awdheegle, una Jeediyay Baaq Wacyigelin iyo Wadajir Bulsho #Danab #hiilka#shacabka
видео или голосовое, без подписи
Ciidamada geesiyaasha ah ee Degaanka Gobolka Hiiraan ayaa caawa howlgal qorsheysan ku dilay horjoogihii Khawaarijta ee lagu magacaabi jiray Cali Axmed Guure, oo loo yaqiin Cali Qoyane, kaasoo lagu beegsaday deegaanka Mabaax ee hoos taga degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan. Horjooge Cali Qoyane ayaa ahaa horjooge muhiim ah oo ka tirsan kooxda Khawaarijta, wuxuuna ka masuul ahaa falalka gubista gaadiidka shacabka iyo dhibaateynta dadka rayidka ah ee ku nool degaannada Gobolka Hiiraan arrintaas oo keentay in shacabka gobolkaasi ay kacdoon adag kaga hortagaan Khawaarijta. Sidoo kale, Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa horey xukun dil ah ugu ridday Cali Qoyane isagoo maqane ah, kaddib markii la helay caddaymo muujinayay doorkiisii tooska ahaa ee falal argagaxiso oo lagu beegsaday shacab iyo masuuliyiin. Howlgalka caawa lagu dilay horjoogahan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay Ciidamada Degaanka iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka wadaan Gobolka Hiiraan, si loo ciribtiro haraadiga Khawaarijta iyo cadowga shacabka Soomaaliyeed.
видео или голосовое, без подписи
видео или голосовое, без подписи
видео или голосовое, без подписи