ILA QOSOL
СтатистикаKanalka ILA QOSOL waa kanaal aad ka heli doonto Sheekooyin 🤣ila qosol ah🤣 😂JOIN DHEH👉 https://t.me/ilaqosol22
- Последний пост
- 4 дек.
- Последнее чтение
- 15 авг.
- Постов за неделю
- 0
- Всего постов
- 20
- Тип
- открытый
- Язык
- so
- Категория
- Книги (по похожим)
- В каталоге с
- 15 авг.
- 1/24сутки в ленте
- —
- 1/48двое суток
- —
- 1/72трое суток
- —
Оценка по просмотрам недавних постов: пост набирает почти всё за первые сутки.
Посты
Mala nabad qabaa
Nin ayaa xaaskiisa uga shakiyay in ay xaafadaha wareegto marka uu isagu shaqada jiro. Moobeelka ayaa uu ka soo wacay. Ninkii: Qaali xagee joogtaa? Xaaska: Gurigaan joogaa xaaji Ninkii: Ma hubtaa? Xaaskii: Haaa Ninkii: Bal mashiinka cabitaanka lagu shiido daar aan ogaadee inaad joogto xaafada Xaaskii: Mashiinka ayay shidaysaa kurugkurugkrrrrrr Ninkii: Haye qaali kheyr badan nabad galyo. Maalin kale ayaa uu soo wacay: Ninkii: Ku aaway xagee joogtaa? Xaaskii: dee Guriga Ninkii: Ma iga hubtaa? Xaaskii: Haa Ninkii: Haye bal daar mashiinka cabitaanka lagu shiido Xaaskii: Waxay shidaysaa mashiinkii asagana sameecada ayuu ka dhagaysanayaa kikrrrrrkkk Ninkii: Nabad galyoo qaali Maalin kale wuxuu go’aansaday iyada oo aan ogeyn in uu guriga tago… Kadib waxa uu arkay wiil yar uu dhalay oo guriga hortiisa fadhiyo wuxuuna waydiiyay: Aabo aaway hooyo? Wiilkii wuxuu dhahay: Ma ogi iyadoo mashiinka cabitaanka lagu shiido wadato ayay baxday😂 Ninkii Halkii buu ku suuxay😂😂😂
Nin ayaa guursaday. Habeenkii aqal-galka ayuu soo galay guriga, markaas ayuu ku arkay 3 koofiyadood oo miis korkiisa saarnaa. Wuxuu weydiiyay: "Maxay yihiin koofiyadahaan?!" Waxay ugu jawaabtay: "Koofiyadaas waxaa ka dhintay ninkeygii koowaad oo la iga diley; tan labaadna waxaa ka dhintay ninkeygii labaad oo shil gaari ku dhintay; koofiyada saddexaadna waxaa ka dhintay ninkeygii saddexaad oo xanuun u geeriyooday." Markaas ayuu, inta uu siibay koofiyaddii madaxa ugu jirtay oo ag dhigay koofiyadihii kale, ku yiri: "Koofiyadanna waxaad ku dhahdaa qofkii ku weydiiya: ‘Waxaa iska lahaa ninkeygii afraad oo lafihiisa la cararay.’" ╰┈➤ Share & Emojis [🤩😁🤣]
Nin baa maalin dakhtar u tegey isagoo u sheegay dakhtarka inuu xanuunsanayo. Dakhtarkii ayaa ninkii baadhitaan ku sameeyey, su’aalana weydiiyey si uu u ogaado ninkan cudurka haya iyo noociisa. Dakhtarkiise wuxuu dareemay in ninkan uu hayo wax la yiraahdo cuqdad nafsi ee uusan cudur kale hayn. Wuxuu dakhtarkii ninkii ku yiri: “Waxaan kugula talinayaa inaad iska dhaadhicisid inaadan xanuunsanayn, markaas ayaad bogsan doontaa.” Ninkii ayaa yidhi: “Waa hagaag, dakhtaroow.” Oo intuu tagay isku dayey, markaas baa dakhtarkii yidhi: “War ninyahoow, lacagtii baadhitaanka isii.” Ninkii baa yidhi: “Dakhtaroow, adiguna iska dhaadhici inaan ku siiyay.” ╭┈───────────────── ╰┈➤ Share & Emojis [🤩😁🤣]
Xalka Haweeney Maaalin Kasta La Garaaco. Nin baa naagtiisa garaaca marka uu shaqada ka soo noqdo fiidkii maalin kasta. Waxay arrintii uga dacwootay walaalkeed, markaasaa walaalkeed ku yidhi, bal ii keen dhalo biyo ah. Markii ay u keentay ayuu intuu cabbaar eegay biyihii, ayuu ku yidhi: Marka uu ninkaada soo galo kabasho biyo ah cab, hana liqin (dhunjinin) ilaa uu ka dhar badasho, uu qaxwo cabo, sariirtiisana uu ku seexdo si uu u nasto. Intay sidaas samaysay ayay la yaabtay in ninkeedu aanu sidii hore u garaacin, balse dhaladii biyaha ay ka dhammaanaysay. Intay u soo laabatay walaalkeed ayay ku tidhi, “Waxaan rabaa dhalo kale, ee bal ii sheeg waxa aad biyaha ku dartay..??!! Walaalkeed ayaa ku yirii: waxba ma aanan ku darin, bis adiga waxaa lagaa rabaa inaad afka xirato marka uu maqribkii shaqada ka soo noqdo ninkaada..!!! . 😂 👉Mushkilada Waa Dumarka Qaar In Ay Iyagu Dhaliyaan Dhibta Guriga Ka Dibna Aynan Isu Arkeynin Dhibaata-Wadayaal!!!
Naag Baa Ninkeedii Ku Tiri "Xaaji Ninka Dariska Ah Ayaa Adi Kaa Fiican Markaas Buu Kuyiri "Sidee Buu iiga Fiican Yahay " Markaas Beey Tiri "Masaajid Buu intuu Dhisay Ayuu Ugu Magac Daray Xaaskiisa Oo Dhimatay." Kulahaa" Xaajiyo Lacagta Masaajidka Aan Ku Dhisi Lahaa Waan Hayaa Laakiin Adigaaba Dhiman La."
Timajaraha haddaad u tagtid, dhulka timaa daadsan. Makaanigga haddaad u tagtid, saliid iyo bool baa dhulka yaalla. Laakiin, bangiga markaan tago, waxba ma yaallaan. Xataa qalinkii meel bay ku xidheen! Bakhaylnimo heer kale ah 😂😂
Sheeko Gaaban oo Qosol Badan: “Aabbe iyo Wiilkiisii Farsamada Yaqaanka ahaa” Wiil baa maalin guriga keenay laptop uu "repair" u keenay, wuxuuna u dhiibay aabbihiis oo tuulo ku noolaa. Wiilkii: Aabbe, laptop-kaygan wuu xumaaday, boot kuma samaynayo, faylalkii dhammaan wey iga lumiyeen, hard disk-kuna error buu leeyahay. Aabihii oo afka qoys u fahamsan: Aabbe: Hoo, wiilkeygiyow, anigu boot iyo error ma aqaano, laakiin xalay dameerkeennii ayaa “boot-ka” cunay, isna “error” buu galay, hadda wuxuu la jiifaa guriga danbe. Laakiin haddii aad rabto waan u akhriyi karaa “Qulhu” iyo “Yaa Seen” ee Ilaahay ha kuu fududeeyo. 😂😂😂 Wiilkii ayaa qosol ku dhintay... Aabbihiina wali wuxuu moodayaa inuu laptop-ka daaweynayo ruux ahaan.
без подписи
Bishaaro🎉 Waxaa bilaabantay is diiwaan gelinta Dawrada Fiqhiga ee shiikh maxamed iimaan (ibnu labuun) Halkan iska diiwaan geli: https://forms.gle/MDR7XCosVnrv1xeR8 Kadib ku biir kanaalkaan: https://t.me/ibnulabuun2025 #dawarada_fiqhiga@ibnulabuun2025
📚Dhambaalada jimcaha' Buugga "Dhambaalka Jimcaha" waa buug qurux badan oo uu qoray qoraa Muxammad Yuusuf, oo ka kooban 40 xalqadood oo ku qoran 782 bog. Buuggan waxaa lagu qoray laba sannadood oo udhaxeysay Maajo 2020 iyo Nofeembar 2021. Waxa uu ka hadlayaa mawduucyo kala duwan oo ay ka mid yihiin diinta, siyaasadda, taariikhda, iyo fikradaha wadaagga. Haddii aad xiisaynayso mawduucyadaas, buuggan waa mid qiimo leh oo kuu fidiya aragtiyo iyo fikrado cusub. Waxaad ka heli kartaa faa'iidooyin badan oo ku saabsan diinta iyo dhaqanka, iyo sidoo kale siyaasadda iyo taariikhda. Haddii aad jeceshahay inaad akhrido buugag tayo leh oo qeexaya fikradaha iyo aragtiyada bulshada, buuggan waa mid aan kugula talin lahayn inaad ka fogato.
Nin dhintay baa masjid la keenay markasa mid reer Mudug ah lagu yiri u ducee kulahaa Allow juuq hau dhihin janada sas ku geli😂😂😂
Subaxdii waa fursad cusub oo aad ku bilowdo safarkaaga. Haddii aad si joogto ah ugu dadaasho inaad naftaada horumariso, waxaad gaadhi doontaa hadafyadaada. Mucjisada aroortii ma aha kaliya hab-maamuus subaxnimo, balse waa fursad aad ku hagaajin karto naftaada maalin kasta. Caqabadaha nolosha waa qayb ka mid ah safarka, laakiin adkaysigaaga iyo dadaalkaaga ayaa kaa dhigi doona mid guuleysta. Xusuusnow, guushu waa tallaabooyin yar yar oo aad qaaddo subax kasta.❤️
Xariif reer Mudug ah baa masaajid soo galay imaamkii ba yidhi, meelaha banaan hala buuxiyo markasbu dhahay oo maxa loo buuxinaya imamkiba ku dhahay shaydaankaa soogalaya markasba Intuu xariifkii soo boday buu dhahay iska dhafa hasoo galeen marba haduu shaydanka tukanayo😂
ILEEN QOSOL LOOMA DHINTO Nin waalan ayaa dhakhtar u tagay kuna yidhi Tigtoore;habeenkii ma seexdo, habeen kasta waxaan ku riyoodaa daanyeero kubad igu kor ciyaaraya Dhakhtarkii ayaa yidhi;waxaan ku siinaya daawo Riyada joojisa. Ninkii ayaa yidhi;maya Digtoore caawa ciyaartooda waa "Final,, ee habeen dambe iiga dhig😂
Hada kohor baa nin waardiye qabuuro loogu dhigay kuwo asxaabtiisa ayaa waxay dhaheen odayga cawa aanka nixino waxa ay soo xidheen dhar cadcad oo kafanta oo kale ah; ninkii waardiyaha ahaa markuu arkay budh iyo toorey buu lasoo baxay wuu caydhsaday ku lahaa " cayaar marabee nin waliba qabrigiisa si tartiiba ha ugu laabto" 🤣😅😆😃😂 NAGU SOO BIIR @ilaqosol22
Barri oo khamiis ah waa maalinka carafo. Ma ogtahay Fadliga Soonka Maalinka Carafo. Maalinka Carafo waa Maalin uu Allaah (SW) ku Dhaartay weynideeda Daraadeed, waa maalin uu 🌴Rasuulkeena Muxamad(NNKH) Umada islaamka ku baraarujiyey inay soomaan mar la waydiiyay Wuxuu Dhahay ✅(Soonka Maalinta Carafo waxaa lagu dhaafaa dambiyadq Sanadkii hore iyo Sanadka soo socda). Maalinta carafo waa maalintii la dhamaystiray Diinta iyo Nimcada uu Allaah (SW) ku Maneeystay Muslimiinta, waxaana soo dagay iyadoo carafo la taagan Yahay aayado muslimiinta ugu bishaareynaya in Diintoodii loo dhamaystiray. Maalinta carafo waa maalinka ugu badan ee uu Allah(SW) Naarta dadka ka xoreeyo rabina adoomadiisa ugu dhow yahay,“Bukhaari iyo Muslim waxa ay wariyeen inuu 🌴Nabigeena suuban Muxamad(NNKH) yidhi:- ✅( Ma jirto Maalin ka badan inuu Allah Adoomadiisa ka xoreeyo naarta Maalin Aan Ka Ahayn Maalinta Carafo). Kolka berri aad ugu diyaar garow , oo ka faa'idayso fursadaas qaaliga ah , waayo furasaadan fursad lamid ah in aad heli doonto ma ogidee, ducadana ku dadaal maalinkaas ducada waa la'aqbalaaye, dadka iyo dalkana inaad uducayso garawsanow, si gaar ahna walaalaheen reer falstiin aan u wada ducayno. walaalaha aad kheyrka la jeceshahayna gaarsii farriintaan.
🌍Tobanka maalmood ee Adduunka Si aad u akhrido 2 jeer ku dhufo halkaan 👉 ugu fadli badan..............
: اللَّهُمَّ أَهِلَّهُ علَيْنَا بِالأَمْنِ والإِيمَانِ، وَالسَّلامَةِ والإِسْلامِ، رَبِّي ورَبُّكَ اللَّه، هِلالُ رُشْدٍ وخَيْرٍ FG: Caawa waxaa kow ah oo dhalatay bishii dul xijaha ama bisha Carafo ay soomaalidu u taqaan. Waxa aan nafsadyda iyo idinkaba u dardaarmayaa in aan ka faa'idaysano maalmahaas qaaliga ah ee inoo bilowday waana maalmaha ugu fadli badan maalamaha addunyada, camal wanaagsan oo dhexdooda la wabto waa uu ka fadli badan yahy camalka maalmaha kale la qabto. ILAAHAY SWT Nabad ha inagu gaarsiiyo iida carafo oo ku aadan 10 bisha caawa inoo dhalatay.
iimaam masjid ayaa istaagey salaadda subax ka dib, Wuxuuna yiri: "islaamihii waa laga joogi la'yahay ee ninkii islaantiisa dhib ku heyso ha istaago oo farta ha taagto si aan talo u siiyo." Odayaashii dhan baa istaagey marka laga reebo hal oday iimaamkii ayaa yiri: "bal intaan talo idiin siinin wadaadka fadhiyo islaantiisa aan u duceyno ileen dhib kuma heysee". Odaygii intuu kor u qeyliyey ayuu yiri: "iimaamka la isma weydiinaayo miyaa micnaha aan la aamusey"? iimaamkii baa ku yiri "maxa kugu dhacay" ? 🤔 Odaygii kulahaa "xalay ayey kal xawaaji lugaha iiga garaacdey waan istaagi la'ahay oo masjidka guur guurasho aan ku imid ee talada ha iga reebin😂😅🤣🤣🤣🤣😂🤣🤣🤣 KU SOO BIIR @ilaqosol22