tgindex
Xulka xikmadaha ,sheekooyinka iyo qoraalo

Xulka xikmadaha ,sheekooyinka iyo qoraalo

Статистика

KanaalkaXulka xikmada waa kanaal aad ka heli karto Qoraalo maalinle ah xikmadaha iyo dhiiragalinta Iyo qisooyinka

Последний пост
20 февр.
Последнее чтение
15 авг.
Постов за неделю
0
Всего постов
20
Тип
открытый
Язык
so
В каталоге с
15 авг.
Подписчики
698
0 за 1 дн.
Сутки
0
0,00%
Неделя
 
Месяц
 
Просмотров на пост
1 976
18 постов
Вовлечённость
283,1%
к подписчикам
Постов в день
0,0
всего 20
Упоминаний
0
каналов
Охват размещения
оценка
1/24сутки в ленте
1/48двое суток
1/72трое суток

Оценка по просмотрам недавних постов: пост набирает почти всё за первые сутки.

Посты

  • 20 февр.598из IshraqCenter

    без подписи

  • GALLADDA ASTURNAANTA! Nin aan subax kasta ka iibsan jiray jaraa'id ayaa maalin i baray cashar muhiim ah oo aan waligii ka bixi doonin xusuustayda! Maalin baan weyddiiyay: iiga warran xaalkaaga? Wuxuu igu yidhi: Alle ayaan ku dhaartay ee galladda asturnaanta ayaan hadhsanayaa. Aniga oo la yaabban jawaabtiisa, ayaan weyddiiyay: maxaad si gaar ah ugu xustay asturnaanta? Wuxuu iigu jawaabay: dhankaad fiirisaba waan ka asturanahay. Aniga oo la kaftamaya ayaan ku idhi: maxay tahay asturnaanta aad ka hadlaysaa, noocan baad tahay oo maradii baa kugu dul jeexjeexantaye. Wuxuu igu yidhi: wiilkaygiyow, asturnaantu way qaybo badan tahay: 1. Haddii aad bukootay oo aad wali ku socoto labadaada lugood, dulliga xanuunka ayaad ka asturan tahay! 2. Haddii aad awooddo inaad akhrisato jaraa'idkan ku hor yaalla, dulliga jahliga ayaad ka asturan tahay! 3. Haddii aad haysato shilimmo yar oo aad siisato jab roodhiya, waxaad ka asturan tahay dulliga gaajada. 4. Haddii aad haysato maryo haba baaliyoobaane, waxaad ka asturan tahay dulliga dhaxanta. 5. Kolka aad qosli karto adiga oo murugaysan, waxaad ka asturan tahay dulliga guuldarrada. 6. Kolka aad awooddo inaad waqti kasta la xidhiidho ehelkaaga si aad iskugu xasishaan, waxaad ka asturan tahay dulliga kelinimada! 7. Marka aad haysato shaqo ama xirfad xitaa haddii aad iibiso jaraa'id, taas oo kuu diidaysa inaad cid wax weyddiisato, waxaad ka asturan tahay dulliga dawarsiga! 8. Kolka uu Alle kuu barakeeyo ubadkaaga iyo ooridaada ee ay haystaan waxbarasho iyo caafimaad, waxaad ka asturan tahay dulliga saboolnimada! 9. Haddii aad haysato oori wanaagsan oo kuugu dulqaadata duruufaha noloshan, dulliga hanjabka ayaad ka asturan tahay! Xusuusnow inaad haysato nimco ay jeclaan lahaayeen inay helaan kumannaan qof! Waa tan asturnaantii aan kuu sheegayay! Mana aha inaad haysato lacag, balse waa inay asturan yihiin nafuhu. – Dr Mustafe Maxamuud

  • Maxaa ay nafta aadamuhu u baahan tahay? ☑️Waxa ay u baahan tahay in lagu toosiyo tawxiidka. ☑️Waxa ay u baahan tahay in hogaanka loo hayo la na kobciyo, oo la barbaariyo. ☑️Waxa ay u baahan tahey in lagu ilaaliyo dhaqanka iyo akhlaaqada wanaagsan. ☑️Waxa ay u baahan tahay in laga dhowro xanuunnada qalbiga iyo kuwa ruuxda ku dhaca. ☑️Waa in nafta laga dhowro dulmi iyo xadgub in loo geysto ama ba iyadu geysato. ☑️Waa in laga ilaaliyo wax kasta oo ilaahay ka fogaynaya: sida gaalnimada, shirkiga, dulmiga, nifaaqa, xaaranta, istusnimada, cunidda ribada, maamuus iyo magac-raadinta khaldan. — Naftu in ay muuqato waa ay jeceshahay oo la tilmaamo, haddii se ay dhacdo oo ilaahay kor u qaado magacaaga oo ku maamuso noqo qof is-duldhig leh oo Alle yaqaan ah.

  • без подписи

  • без подписи

  • без подписи

  • Haddaad doonayso in ay cadhadaadu yaraato, dadka ku wajah oo ula dhaqan sida ay yihiin, ha ula dhaqmin sida aad adigu jeceshay inay kuu ahaadaan. Haddii kale, wuxuun baad waligaa ku jiri cadho joogta ah oo aan misna cidi kuu ogayn. Sidoo kale, haddaad doonayso inaad naftaada raaxo kula noolaato, naftaada ku wajah sida ay tahay oo ha ula dhaqmin sida aad adigu jeceshay iney kuu ahaato. Maxaan uga jeedaa? Dadku badi waxay naftooda ugu cadhoodaan inay hesho waxaanay hayn, iney noqoto qof aanay ahayn iyo in uu isu arko in uu gaadhay heer aanu gaadhsiisnayn. Dabadeedna, qofku markuu heli waayo wixii uu filanayay ama isu arkaayay, wuxu dareemaa hoosayn. Sidoo kale, wuxuu dareemaa madhnaan (emptiness) iyo kelinimo (loneliness). Sida aad adigu jeceshay iyo halka aad hiigsanayso waa halkeeda, waxaa se ku hor yaala inaad eegto sida aad hadda tahay iyo marxaladda nololeed ee aad maanta ku sugan tahay. Garo qaddarka naftaada, kuna wajah hadba sida ay tahay, dabadeedna waxaad ogaanaysaa heerka awooddaada qofnimo iyo waxa kaa dhiman ee aad u baahan tahay inaad ku kordhiso. ~ Mubarak Hadi

  • Ma jirto cid dananaysa halganka iyo dagaalka aad ku jirto, sababtoo ah wax kasta oo aad qabanaysaa adiga ayaa ay khaas kuu yihiin. Adigu shido shamacaaga, ma jirto cid kuu shidaysa. Waxa jira laba su’aalood oo ay tahay in aad ka jawaabto; > Maxaa ay tahay waxa adiga gaarka kuu ah ee dadka kaa soocaaya? > Maxaa ay tahay waxa khasbaaya in dadku ku daneeyaan?

  • без подписи

  • إقرأ في الشهر كتابين على الأقل أحدهما عام (ثقافة)والأخر في تخصصك. Waa in wax la aqriyo bishii 2 kitaab ugu yaraan midkood yahay aqoon guud kan kale Takhasuskaaga Xigasho

  • Dhambaalka 16'aad Waxa aad xasuusnaataa Mar walba adduunyo jacaylku in uu yahay furaha danbi walba, qofku marka uu adduunka jeclaado wax walba jacaylkaas baa kala waynaada. Albaab kastana wuu jabinayaa si uu adduunyo u helo oo kaliya. Dareenkiisu xad ma yeelanayo, gunnimo oo dhanna wuu ku dhacayaa ileen jacaylkaas baa wanaaggii ka indho—tiree. Adduunyadu xoolo iyo magac kaliya ma aha, balse labadaasi waa laba xubnood oo kamida badwaynta adduunyada. Shakhsiga adduunyada u arka meel laga sahay qaadanayo kadibna laga galabcaraabayo waa qofka guulaystay, gunnimadaasna ka badbaaday. Balse qofka jacaylkeedu gaadhsiiyo heer uu qalbigiisu waxba arki waayo iyada maahine waa qof tareenka baadida raacay. Xidhiidhka ka dhaxeeya adduunyada iyo aadanaha waxa uu noqon karaa laba qeybood: 1) Qalbiga oo jeclaada dhaldhalaalkeeda iyo quruxdeeda. 2) Xubnaha jidhka kale oo ku mashquula wanaajinteeda iyo daryeelka ay u baahan tahay. Xidhiidhkaas waxa ka dhasha qofka inay ilawsiiso safarka uu ku jiro iyo meesha uu u socdo. Xidhiidhkaasi waxa uu naftiisa ku beeraa xumaan oo dhan sida: Xasadka, kibirka, nacaybka, qaraabo—goyska, ismahadin iyo xishood la'aan. Adduunyadu dadka way sixirtaa, sixirkaas cidda ka badbaadana waa dadka qalbigooda jacaylka Alle ku xardhay. Adduunyada dhammaanteed wax xun miyaa oo in aan ka xammaasho ma xumaan baa miyaan iska dhaafaa dhammaanteed? Waa waydiin qalbigeenu iswaydiin karo. Warcelintuna waxa ay tahay maya. Sababto ah addoonku waxa uu safar ugu jiraa daarta aakhiro, gaadiidka uu saaran yahay waa naftiisa, gaadiidkaasi waxa uu rabaa shidaal lagu shubo iyo ilaalintiisa. Shidaalna lacag la'aan lama helo. Sidaa darteed waa laga maarmaan in aad ku dadaasho kasbashada xoolo xalaal ah. Adduun jacaylka iyo xoolo badnidu iskuma xidhna, balse xoolahaasi ma habboona in ay sabab u noqdaan samaynta xumaanta iyo macaasida, sidoo kale ka dheeranshaha xuska Alle iyo naxariisashada makhluuqa yayna kaa xijaabin. Xidhiidhka habboon ee qofku la yeelan karo adduunyada waa kan uu inoo tilmaamay suubanuhu NNKH isaga oo dhahay "Adduunka ku dhax saahid" "إزهد في الدنيا" Hana ilaawin xammaalka aad naftaada, caruurtaada iyo waalidkaa aad u shaqaynayso haddii aad niyad wanaagsan ku darto in uu yahay cibaado Alle loogu dhawaado. Qalinkii Cabdixakiin Aadan

  • Dhambaalka 15'aad Dabeecadda aadanaha Alle—sarreeye—ku abuuray waxa kamida ammaan–jacaylka. Qofku marka uu naftiisa xakamayn kari waayo heer waxa uu gaadhaa wax walba oo uu qabanayo u sameeyo dadka kale raaligalintooda iyo sheeg—sheegistooda. Waana nooc kamida liidashada nafta. Qofka maxaa u sababi kara in uu jeclaado dadku inay isaga ka sheekeeyaan oo ay ammaanaan? Imaamku waxa uu leeyahay: Aadanuhu waxa uu macaansadaa dareenkiisa ku aadan gaadhitaanka dhammaystiranka, balse dhammaystiranku waa tilmaamaha Ilaahay. Taas waxa ay gayaysiinaysaa Mar walba oo aadanaha lagu sheego wax wanaagsan in ay naftiisu jeclaato oo ay dhammaystiran dareento. Intaa waxa u weheliya waxa uu dareemayaa qofkan isaga ammaanaya in uu qalbigiisa hantay sharafna agtiisa ku yeeshay, waliba sharaftaas iyo magaciisa uu kor u qaadi doono. Dareenkaas waxa uu burburayaa marka aadanaha si hoose loo ammaano. Bal aynu nafteena su'aalno maxaynu sharafta iyo magaca dadka agtooda uga raadinnaa? Laakiin: Sharaf walba in aynu raadinno ma dhaqan xun baa mise sharafta qaarkeed in la raadiyo waa wanaag? "Bulshadu in ay qalbiga kaa jeclaato, carabkana kugu ammaanto, xubnahooduna adiga kuu shaqeeyaan, danta aad ka leedahay bulshada ay kuu fududaato, soo dhawayn iyo maamuus agtooda aad ku yeelato" Macnahaasi waa qeexitaanka sharafta ee aadanahu raadiyo. Laakiin halkee aynu ka raadinnaa? Dadku laba qeybood bay u qaybsamaan. Koox sharafta iyo maamuuska ka raadiya dadka agtooda wax walbana (Xumaan iyo wanaag) kolba kii ay awoodaan u sameeya darajadaas sidii ay ku gaadhi lahaayeen. Iyo koox sharafta iyo maamuuska Eebe agtiisa ka raadiya. Kooxda koowaad waxa ay doorteen sharaf iyo maamuus aadanaha ku kooban oo shaki la'aan dhammaanaysa. Waxa ay go'aansadeen in ay qaataan sharaf xadidan oo ismoodsiis ah. Sharaf uuna qofku ku dareemayn xoriyad iyo nolol farxad leh, sidee buu u dareemi waa qof Mar walba ka fikiraya dadka kale raaligalintooda e. Waxa ay galeen xabsiga dadka kale. Marka ay geeridu u timaadana noloshii dhalanteedku way dhammaanaysaa. Balse kooxda labaad waxa ay doorteen sharaf iyo maamuus aan dhammaad lahayn. Kaliya waxa ay ka fikiraan raaligalinta Eebe iyo u dhawaanshihiisa. Waxa ay doorteen nolosha xoriyadda iyo cilmiga. Noloshooda waxa halbeeg u ah raaligalinta Alle iyo samaynta waxa wanaagsan. Bal U fiirso waxa jira tusaale cajiib ah oo uu Imaamku inoo sheegay; Waxa aad suuraysataa qof adduunka figta sare ka gaadhay, sharafta iyo maamuuska ay dadku u yahaan heer waxa uu gaadhay dadka iyo xayawaanka dhulka ku nool oo dhan ay u sujuudaan, noloshaas dhalanteedka ah waa hubaal in ay dhammaan, ka dib waxba la'aan baa xigta. Qof kaste oo maan leh wuu garan karaa noloshaas dhalanteedka ah in ayna habboonayn in lagu badasho nolol farxad iyo barwaaqo daa'in ah. Qalinkii Cabdixakiin Aadan

  • Live stream finished (38 seconds)

  • Live stream started

  • Ilaahay (swt) ula sheekayso hab iyo hannaan ay ku dheehan yihiin deganaan iyo xasillooni; waayo, waxa aad u dhowdahay boqorka iska leh cirarka iyo dhulalka. Codsigaaga u bandhigo Ilaahay (swt); waayo, waxa aad haysataa fursad mar la arag ah oo mudan in laga faa'iidaysto. Sujuudda ha ka toosin adiga oo aan Rabbigaa gacmaha hoos hoorsan, baahiyahaagana u bandhigan. Ma ogtahay, Nebigu (NNKH) wakhtiga sujuudda waxa uu badin jiray baryada isaga oo leh: "Allahayoow, adiga ayaa ka hufan xumaan oo dhan. Allahayoow, ii dambi dhaaf. Allahayoow, adiga ayaan kuu sujuuday, adiga ayaan ku rumeeyay, adiga ayaan kuu sujuuday, adiga ayaan ku rumeeyay, adiga ayaan kuu hoggaansamay. Foolkaygu, waxa uu u sujuuday Allaha abuuray, gaabeeyay ee sidoo kalena jeexay maqalkiisa iyo araggiisa. Waxa barako batay ka ugu wanaagsan kuwa wax abuura" Dheegasho:Salaad baa I dhaaftay Indha_caad

  • Sidaa darteed, haddii aynu doonno tilmaamidda qof tukanaya oo hoganaya, xaalkiisu sidee ayuu noqonayaa? Saw xasilloonidu buuxin mayso? Dhaqdhaqaaqyadiisu miyaanay ahaanayn kuwo deggan oo isku dheellitiran? Qur'aanka kariimka ah; miyaanu u akhriyayn hannaan deggan oo ka dheer degdegsiimo? Rukuucda, taagnida iyo sujuudda saw ma dheeraynayo? Miyaynaan arkayn isaga oo wakhti dheer ku qaadanaya fadhiga u dhexeeya labada sujuudood? Hogashadu, waxa ay leedahay astaamo ka muuqda korkeenna marka aynu la nimaadno, intaa kadibna waxa hoggaansamaya dareenka gudaha, salaaddana waxa aynu ka baxaynaa innaga oo dareemayna xasillooni iyo deganaan. Waxyaabaha keena Hogashada Sababaha keena khushuucda waxa ka mid ah: dhadhaqaaqa gacmaha oo la yareeyo laga bilaabo xidhashada salaadda, macnaha ereyga (Ilaahay, ayaa ugu weyn) oo la dhuuxo marka lagu dhawaaqayo, akhris deggan oo aad la timaaddo inta karaankaaga ah iyo dhuuxista macnaha ayaadaha Qur'aanka ah; waayo, adigu kuma jirtid tartan aad ku soo bandhigayso awooddaada qaybiseed ee Qur'aanka kariimka ah. Bal hadda tijaabi in aad ula hadasho dadka qaabka aad u akhrido faataxada. Dhab ahaantii, qofna waxba kaa fahmi maayo. Ogsoonow, cidda aad la sheekaysanaysaa waa boqorkii boqorrada. Suubanaha (NNKH), waxa laga soo wariyaa in Ilaahay (swt) leevahay: "salaadda, laba is leeg avaan ugu gaybivay aniga iyo addoonkeyga. Addoonka: "mahad oo dhan waxa iska leh Eebbaha abuuray caalamka oo dhan" Ilaahay: "addoonkaygii waa uu i mahadiyay" Addoonka: "Ilaahay (swt), waa ka naxarista naxariis guud iyo midda gaarka ahba" Ilaahay: "addoonkaygu, waa uu i ammaanay" Ilaahav: "addoonkavou waa ni sharfay" Halkan ku qor si aad u raadiso Addoonka: "Ilaahay (swt), waa boqorka maalinka xisaabta" Ilaahay: "addoonkaygu, waa uu i sharfay" Addoonka: "adiga uun baanu u caabudaynaa, kuna talo saaranaynaa" Ilaahay: "kani waa waxa noo dhexeeya aniga iyo addoonkayga, isaguna waxa uu iska leehay wixii uu i weydiisto" Addoonka: "Allahayoow, nagu hanuuni jidka toosan. Jadka ay mareen kuwa aad u nimcaysay ee aan ahayn Yuhuudda iyo Kiristaanka" Ilaahay: "kan addoonkayga ayaa iska leh, isaguna waxa uu leeyahay wixii uu i weydiisto" Ma ogtahay in uu nebi Muxammad (NNKH) salaadihiisa ku furfuran jiray: "Allahayoow noo kala fogee aniga iyo gefafkayga sida aad u kala durkisay gorrax ka soo baxa iyo qorrax ka dhaca, gefafkaygana iiga nadiifi sida marada cad looga nadiifiyo wasakhda.Allahayoow, gefafkayga igaga maydh biyo, baraf iyo biyo qabaw" Mar kasta oo aad si wanaagsan ugu jeediso laabtaada dhanka qiblada, hortaadana fiiriso; waa xilli walba oo ay korodho khushuucdaadu. Mar walba oo aad akhrinayso ducada rukuucda, muuji xasillooni, ereyadana dhaadheeree adiga oo leh: "xumaan oo idil waxa dheer Rabbigayga weynida badan" Seddex jeer oo keliya ayaad akhrinaysaa ducadan ee u akhri hab iyo hannaan degan oo la fahni karo. Sidoo kale, marka aad ka soo toosto rukuucda, si wanaagsan u istaag adiga oo si degan u leh: "Rabbigayoow adigaa iska leh mahad" Ma ogtahay in uu Nebi Muxammad (NNKH) kordhin jiray jaadadka wardiyada uu akhriyo rukuucda dhexdeeda, odhanna jiray: "Ilaahay (swt), waa xumaan ka dheere dahiran, waana Rabbiga malaa'igta iyo ruuxa (Jibriil cs). Allahayoow, waxa kuu khushuucay araggayga, maqalkayga, maskaxdayda, lafahayga iyo seedahayga" Ma ogtahay, in Nebi Muxammad (NNKH), odhan jiray amminta uu ka soo kacayo rukuucda: "Rabbigayoow, ammaan iyo mahad ayaa kuu sugnaaday. Ammaan badan oo wanaagsan oo la barakeeyay. Waxa aad mahadsan tahay mugga cirka, ka dhulka, inta u dhexeysa labadooda iyo mugga intii aad doonto"Wakhtiga aad sujuudayso waxa waajib ah; in aad is xakamayso oo noqoto qof deggan oo xasilloon. Bal hadda sawiro adiga oo Ilaahay (swt) ka hufaya xumaan oo dhan, dareenkaagu siduu noqonayaa?. Ereyadan SOO socda u akhri hannaan deggan adiga oo jiidjiidaya: "xumaan oo dhan waxa ka dheer Rabbigayga sarraynta badan" Xusuusnow, xilliga uu addoonku ugu dhowyahay Rabbigii, waa marka uu sujuudsan yahay.

  • Hogashadu (Khusuucdu) waa hilinka xasilloonida Salaadaha oo lagu dhex hogto, waxa laga dhaxlaa xasillooni ku dhiirigelisa qofka in uu u boholyoobo tukashadeed. Khushuucdu, waa dawada lagu hanto xasilloonida, hanashadeeduna salaadaha waxa ay ka dhigtaa cibaado mar kasta soo cusboonaanaysa, taas oo aan ahayn caado soo laalaabata. Dad badani sida ay ugu aamminsan yihiin kuwa ilaaliya salaaduhu in ay leeyihiin awoodo bayolaji oo u gaar ah iyo hibooyin uga yimaadda xagga sare; ayay duul kalena ugu haystaan khushuucdu in ay tahay arrin ka timaadda samada oo Ilaahay (swt) siiyo cidda uu cugto. Dad badan ayaa is weydiinaya: aaway khushuucdii? Amminta aannu tukanayno maxaanu u dareemi laanahay khushuuc? Si aad u fahanto halka ay salaaddu ka xidhmi laadahay, ii ogolow aan tilmaamo ka bixiyo xaaladaha ay ku sugan yihiin dadka qaar. Tusaale; haddii aan doono in aan kuu tilmaamo xaaladda qof faraxsan, waxa aan ku leeyahay: "hebel waa uu dhoollacadaynayaa, foolkiisu waa uu ifayaa. Sidoo kale, waa uu xammaasadaysan yahay, haddaad la hadashana hiraraka codkiisu, waxa ay tilmaamayaan farxad' Mar kale, haddii aan tilmaan ka bixiyo qof qalbi jabsan, waxa aan ku odhanayaa: "hebel foolkiisa murugo ayaa ka muuqata, madaxana hoos ayuu u dhigayaa. Sidoo kale, haddaad la hadasho hirarka codkiisa waxa laga dheehanayaa murugo iyo astaamo kale oo badan"Waxa aad daawatay koox dad ah. Waxa aan kaa codsaday in aad warbixin iga siiso kooga guulaystay, ka guuldarraystay, ka firfrcoon iyo ka rafaadsan. Dhab ahaantii, adiga oo aan la sheekaysan qofna ayaad si fudud u tilmaami kartaa mid walba iyo xalaadda uu ku sugan yahay. Hadalkan, macnihiisu waxa uu yahay; xaaladaha xubnuhu sida badan waxa ay tilmaan ka bixiyaan dareenka gudaha ee qofka. Haddii aad tahay guulayste (dareen-gudeed) xubnahaaga, ayaa laga akhrisanayaa farxadda iyo faantastiyaha ku jira uurkaaga. Sidoo kale, marka aad baqanayso, korkaaga ayaa laga dheehanayaa, waana qodob aanay laba cali ku muransanayn. Aqoonyahannada ku takhasusay calmufasigu, waxa ay xusaan war liddi ku ah kii aynu hore u soo sheegnay. Hadalka haddaynu si kale u dhigno, adigu haddii aad beddesho xaaladda xubnahaaga muuqda, waxa ay liddi ku tahay dareenkaaga gudaha. Metelan, waa aad murugaysan tahay, waxa suuragal ah isbeddelka xubnahaaga ka muuqdaa in uu baabi'iyo dareenka murugada. Beddelidda hab istaagaaga, hannaan fadhigaaga, tilmaamaha foolkaaga ka muuqda iyo hirarka codkaagu, waxa ay saamayn xooggan ku leeyihiin xaaladdaada caadiga ah iyo maskaxdaada. Sidaa aawadeed, ayay waajib ku tahay in badan oo ka mid ah; madaxda caalamka iyo qolyaha haya xilalka muhiimka ah ee keensanaya la hadalka dad weynaha in ay qaataan tababarro ku saabsan habka loo maareeyo luuqadda jidhka; waayo, arrintani waxa ay ka caawinaysaa in ay muujiyaan dareen togan, ku kalsoonaadaan nafahooda iyo sidoo kale in ay jeediyaan khudbado saamayn ku yeesha dhegaystayaasha. Waxa la soo wariyaa maalin maalmaha ka mid ah, in uu Cumar binu Khaddaab (rc) arkay nin soconaya oo isu yeelaya tuur; sababtuna waxa ay tahay in uu muujiyo adduun nacayb iyo dhawrsoonaan. D Dadkii la joogay ayuu weydiiyay: "kan sidan u socdaa muxuu ahaa?" Isqalqalloocinta iyo isbahdilka miyaa cibaado ah!! Ninkii ayuu ku yidhi: "diintayadii ayaa dishay Alle ku dilye. Si hagaagsan u soco oo sharafta islaamka muuji Mar kale, dadkii goobta joogay inta uu soo jalleecay ayuu ku yidhi: "Ka warrama duulal xaalkooda?! Adduun nacaybkii ayay u maleeyeen isliidid, cibaadadiina waxa ay u qaateen isqalqalloocin. Midkood marka uu sheekaynayo, waa uu gaagaabsadaa, goorta uu socdana tuur ayuu isku yeelaa" Cumar binu Khaddaab (rc), waxa uu ka warqabay saamaynta ay xubnaha muuqdaa ku leeyihiin dareenka gudaha; sidaa aawadeed, ayuu ugu lahaa ninkii: "socodkaaga toosi", (xaalad muuqata), "sharafta islaamkana muuji" (dareen gudeed)

  • DHAWRIS NABDOON( COLLEAGUE) Kolka la joogo Goobaha shaqo, waxaa la diiwaan Galiyaa dhacdooyin kala duwan, kuwa Bogaadin mudan, iyo kuwa aan la mahadin. Dadka kulma marka la joogo Goobaha shaqo, waxaa Haga qiyam kala duwan, shackhsiyado, iyo ujeedooyin salka ku haya sida la isugu hayn karo dadkaas iyadoo la maareynayo Gedi-socodka, iyo Hamsamida shaqo. Ha noqon qof ukala tarjuma dhacdooyinkaas maamulka iyo shaqaalaha, waxaa badi la arkaa in loo kala warramo madaxda iyo shaqaalahooda taasoo keenta in aad sabab u noqoto in Qof shaqaalaha ka mid ahi uu dartaa shaqada uga ruqseysto(resign), ama loo eryo( fired). Maaha anshax wanaagsan adigoo sixi kara Gafka dhaca inaad dacwad oogto, si hoose u maaree kolka aad aragto ama aad dareento adigoo ku ekaanaya awoodahaaga shaqo. Qofna ha uga xumaan wixii uu helo sida Dhaqaalaha, Mansabka, dalacsiinta, kobcinta xirfadaha, iyo Tababarada. Waxaa jira Qof kasta oo Nool Qadar eebbe u qorey oo axad dhaafin karaa uusan jirin. Dulucda sheekada: Dadka gefkooda ha ukala qaadin ee Maaree adigoo tusmo wacan siinaya oo ka reebaya Gefka. X.g

  • Sida qoraagu xusayo waxa muhiim ah in qofku Salaadd Subax ilaaliyo sida salaadaha kale. Sababta Salaadda Subax carrabka loogu adkaynayaa waxa weeyaan xilliga Salaadda subax la tukado waa xilli dadku intooda badan hurdaan, inta tukataana hurdo ka soo kacday. Markaa xilliga hurdada laga kacayo ayaaba hirdan iyo baraarug gaara u baahan. Qofku xilligaas wuxuu la hirdamayaa hurdadii iyo gogosha, wuxuu iswayddiinayaa salaadda ma u kacdaa iyo hurdada ma iska sii wadataa. Dhab ahaantiina maalmaha hore qofka way ku adkaanaysaa in uu tooso, sababta oo ah waxa jira arrimo aan ku talogal ahayn oo qofka ku khasbaya in aad habeenkii soo jeeddo xilli danbe. Haddaba si kasta oo dhacda salaadda subax ha ka tegin, u kac. Sida qoraagu xusayo waxa iyadna wacan in qofku maalintiisa qorsheeyo. Suurtagal maaha in aad salaadda u ilaaliso habka ugu wanaagsan haddii aad ka mid tahay dadka ku baraaruga eedaanka. Waqtigan waxa aad baraarugaysaa adiga oo dhexda kaga jira xaalad kuu diidaysa in aad tukato salaadda waqtigeeda. Qorshee maalinkaaga iyo hawlahaaga, kana yeel xilli ay xukunto salaaddu, halkii ay iyagu ka hagi lahaayeen. Maaree ballamahaaga, kana dhig waqtiyada u dhexeeya salaadaha. Waxyaabaha mucjisada ah waxa ka mid ah waysada Salaadda ka hor la waysaysto. Sida qoraaguna xusayo waqtiga waysada isbeddel wayn baa ku dhaca jidhka. Xilliga ay biyaha qabaw taabtaan jidhka sida gacmaha, lugaha, iyo foolka, waxa yaraada dhiigga dhexmaraya xubnahan, waayo heerkulkooda ayaa hoos u dhaca. Haddaba si uu u bato heerkulka heerkulka guud ee jidhku waxa bata dhiigga qulqulaya xubnahan, arrinkaana waxa ka dhasha in ay badato firfircoonida jidhku. Dareenwadayaashani marka ay xidhiidh la sameeyaan xarunta guud ee maamusha jidhka ee maskaxda insaanku wuxuu dareemaa firfircooni dheeraada waysada ka dib, waayo maskaxda ayaa dareemaysa firfircooni. Waxyaabaha uu qoraagu xusayo ee kale waxa ka mid ah inuu qofku waqtiyada Salaadaha ilaaliyo. Salaadkastaa waqti ayay leedahay, qofku xilliga uu doono ma tukan karo. Waxa jira xilli la tukado iyo xilli aan la tukan. Waa in qofku salaadkasta waqtigeeda tukadaa, oo salaadaha ilaaliyaa. Waxa innagu muhiim ah in aynu ilaalinno Salaadaha, waa in aynu ku fara adaygna salaadaha. Salaaddu waa falka ugu badan ee ku soo laalaabta qofka muslinka ah noloshiisa, Allana waxa uu ka dhigay agab isbeddel. Salaaddu way soo laalaabataa, xikmadda ka danbaysaana waa in la inna baro dhabar’dayga iyo sugnaanta. Ujeeddada laga leeyahay waa sidii loo hirgelin lahaa yoolka ugu qaalisan sooyaalka Iinsaanka oo ah fidinta Islaamka. Gebagebo Buugga "Salaad Baa I Dhaaftay” wuxuu ka warramayaa mawduuc xiiso leh. Weliba waxa cajiib ah qaabka uu dhigayo sheekooyinka iyo mawduucyada. Wuxuu ka hadlayaa mawduuc dhammaanteen inna wada khuseeya oo muhiim ah, waa Salaadda. Salaaddu qofkasta gaarkiisa ayay ugu waajibtay. Salaadda aynu ilaalinno, waqtigeeda aynu tukanno, khushuunka aynu ku tukanno. X/g

  • Faallada buugga “Salaad Baa I Dhaaftay!” Hordhac Buugga “Salaad Baa I Dhaaftay” waxa qoray Islaam Jamaal. Cinwaan hoosaadkiisu waa: Maxay Dadka Qaarkood u ilaaliyaan Salaadda, kuwa kalana uga tagaan?” Asal ahaan wuxuu ku qornaa luuqadda Af Carabiga. Waxa Af Soomaali ku turjumay Cabdixakiin Maxamed Obsiiye oo ah dhallinyarada ugu cadcad ee Af Soomaali waxku turjunta. Guud ahaan buuggu wuxuu si wacan u qaadaadhigayaa waxyaabaha keena in dadka qaarkood Salaadaha dhayalsadaan oo ayna xil iskaga saarin, halka kuwa kalana uga tagaan salaaddan, sidaasi si la mid ah sababaha dadka qaar ka mid ahina ay salaadaha uga ilaaliyaan. Waxa aan isku dayi doonaa waxyaabaha uu ka warramayo inaan si kooban u sheego, nuxurka guudna tilmaamo. Waa Maxay Nuxurka Buuggu? Qoraagu waxa uu ku bilaabayaa xaaladda qof aan salaadda tukan uu ka werinayo: Waxa aan jeclaa in aan ka mid noqdo kuwa Salaadda tukada. Waxa kale oo aan ogsoonahay marka aan tukado noloshaydu in ay noqonayso mid ay ku ladhantahay liibaan iyo xasillooni. Isla aragtidaas waxa ila qaba dad badan oo aan tukan. Qof ayaa iiga warramay waxa kaliya ee ay noloshiisu la dhutinayso in uu yahay Salaad la’aan. Mid kale ayaa ii sheegay in uu dareensanyahay haddii uu tukado in ay toosnaanayaan waxyaabo badan oo noloshiisa ka mid ahi, balse aanu tukan. Waa arrin yaab leh. Maxaa sababa salaad la’aanta? Qoraagu wuxuu xusayaa in uu raadiyay sababa keenay salaad la’aanta isaga oo kor istaagaya sababaha ugu mudan: Wuxuu xusayaa in qofka aan salaadda tukan uu ku dhex noolyahay caalam la yidhaahdo ‘ Maalin uun’ oo ah in qofka aan tukan aaminsanyahay inuu maalin uun tukan doono, qofkaasi wuxuu sugayaa amar samada uga yimaadda. Dadka aan salaadda tukan waxa ay aaminsanyihiin in ay maalin uun tukan doonaan oo noloshoodu hagaagi doono. Waxa intaa dheeri waa n qofku dhayalsanayo salaadda oo berri ama sahadanbe ayaad tukan ayuu isleeyahay. Dhayalsigaas iyo qofka oo suga in inta noloshiisu isku toosaysaa waxa ay keentaa inuu qofku aanu salaadda tukan. Qofku waa maalin leh, wuxuu leeyahay: Rabadaanta soo socota ayaan bilaabi doonaa Salaadda, maalin uun ayay hagaagi doontaa noloshaydu. Maalin uun! Qoraagu waxa kale oo uu xusayaa in qofku yahay fekradihiisa. Diid ama doon, wadasheekaysiga ka socda maankaagu waa qaabeeyahaaga noloshaada, adiguna waxa aad tahay fekrado isku tagay. Dhammaan hawlaha aad u qabato sida maalinlaha ahi kaliya waa adiga oo fulinaya fekradaha ku xooggan maskaxdaada. Haddaba haddii aad danaynaysid wanaajinta dhinacyada noloshaada waa lamahuraan inaad samaysid fekradaha aad ka haysatid dhan walba oo nolosha ah. Markaa baddel fekradahaaga ku aaddan Salaadda. Ka faa’idayso xasuus ka mid ah xasuusahaagii qurxoonaa ee salaadda, ka dibna ka dhigo xeelad aad ku baddesho hummaaga xun ee ku jira maskaxdaada. Dib u xasuuso maalin aad tukatay salaad khushuuc leh oo xasilloonayd, masjidkuna uu ahaa mid deggan oo bilaa buuqa. Dib u xasuuso dareennadii qalbitaabadka ahaa ee buuxiyay ammintii aad tukanaysay taraawiixda. Markasta oo shaydaanku kuugu sawiro Salaadda shaqo adag, kula halgan naftaada in aad ka saartid hummaagyada sillan, islamaarka u baddelo fekrad togan. Sidaas ayuu qoraagu ku talinayaa. Waxa kale oo qoraagu xusayaa in waqtiyada ugu qaalisan ee dunidu ay tahay inta u dhexaysa Eedaanka iyo u kicidda Salaadda. Haddii aad xilligaas Ilaahay wax wayddiisato wuu ku siini, ama waxa laguu sheegi xikmadda laguugu diiday. Waxa yaab leh in dad badani xilliyadan qaaliga ah moogganyihiin oo ayna ogayn. Ma baahantahay? Hor istaag Alle, oo boqorka wayn baahidaada u bandhigo. Baahidaada ka raadso Ilaaha hodanka ah ee iska leh kaydadka cirka iyo dhulka. Sida qoraagu xusayo waqtiyada Salaadda lagu jiro waxa muhiim ah in khushuucda Salaadda la ilaaliyo, si khushuucda loo ilaaliyana waa in waxyaabo badan la iska ilaaliya sida in la yareeyo dhaqdhaqaajinta gacmaha laga bilaabo xidhashada Salaadda. Macne ahaan waa inuu qofku dhuuxo markasta meesha uu salaadda marayo iyo ficilka uu samaynayo ama hadalka uu odhanayo.