Albaani ²⁴™| قناةالألباني
СтатистикаCid libinta kaa xigto ma jirto🏃 Sacabna sacabkaaga kagama horeeyo👏Aamin in waxaasi suurogal yihn, Qiimaheeda bixi👊 °#BARNAAMIJYADA_ka_baxa_Kanaalka²⁴° ■Xikmado dahabi ah ■ CASIRIYADA JIMCAHA ■ SHEEKO TAXANE ■SUAALAHA JIMCAHA IWM. SOO DHAWOOW WLLKA✌
- Последний пост
- 14 авг.
- Последнее чтение
- 13 авг.
- Постов за неделю
- 3
- Всего постов
- 27
- Тип
- открытый
- Язык
- so
- В каталоге с
- 13 авг.
- 1/24сутки в ленте
- 181
- 1/48двое суток
- 207
- 1/72трое суток
- 223
Оценка по просмотрам недавних постов: пост набирает почти всё за первые сутки.
Посты
без подписи
без подписи
Noloshu waxay bilaabataa marka ay cabsidu dhammaato. Cabsiduna waxay dhammaataa marka aad qaadato go’aan dhab ah oo aad naftaada ku hoggaaminayso. Sanadkan oo sii dhammaanaya, ha u ogolaan waqtigu inu kaa tago adigoo aan isbeddel sameyn. U kac, u dhaqaaq, oo u beddel noloshaada jihada aad hiigsanayso. Maanta qaado tallaabadaas yar ee berri kuu noqon doonta guul weyn. Hadafkaaga waa suurtagal, haddii aad adigu naftaada rumaysato.
━━━━ 1️⃣ 🌙 Diinta & Duunyada 🌙 15k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 20k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 16k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 18k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 20k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 19k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 17k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 26k 👉 👉 Taabo halkan ━━━━━━━━━━━ 2️⃣ ✨ Aqoon & Xikmado 🚺🅰️ ✨ 18k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 20k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 26k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 18k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 42k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 16k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 20k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 19k 👉 👉 Taabo halkan ━━━━━━━━━━━━ 3️⃣ 📚 Buugaag & Akhris 📖 76k 👉 👉 Taabo halkan 📖 160k 👉 👉 Taabo halkan ━━━━━━━━━━━━━ 🎯 13k 👉 👉 Taabo halkan 🛠 27k 👉 👉 Taabo halkan 🇬🇧 15k 👉 👉 Taabo halkan 🎓 28k 👉 👉 Taabo halkan 🇸🇦 11k 👉 👉 Taabo halkan ❓❓❓❓ 📭 Powered by: 👉 Taabo halkan 📵ku hel Buugaagta Emailkaaga
مالي أراك حزينًا؟ أحرمتَ الجنةَ أم بُشِّرتَ بالنار؟ هوِّن عليك، فما هي إلا دنيا. “Maxaan kuu arkaa adigoo murugaysan? Jannada ma lagaa reebay, mise Naarta ayaa laguu bishaareyay? Is deji oo naftaada u fududee, waayo adduunyadu waa nolol ku-meel-gaar ah.”
وراء كل اهتمام مفاجئ مصلحة فلا تقع في الفخ
إذا قدمت كل شيء ولم يكن كافيا فقدم غيابك
𝐉𝐈𝐌𝐂𝐎 𝐖𝐀𝐍𝐀𝐀𝐆𝐒𝐀𝐍 🕌 Maalinta Jimcaha waa maalin fadli iyo kheyr badan. Aan ka faa’idaysano maalintan barakaysan, oo aan badinno camallada wanaagsan: 📖 Akhrinta Suuratul Kahf 🤲 Ducada iyo Alle baryidda 🕌 Saliga Nabiga ﷺ 📿 Dikri, tasbiix iyo istighfaar 💝 Sadaqo iyo samafalka Alle ha inaga dhigo kuwa ka faa’iidaysta fadliga iyo kheyrka maalinta Jimcaha, qalbiyadeennana ha ku asturo iimaan, caafimaad iyo barako 🤲
𝐄𝐞𝐛𝐞 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐮𝐮 𝐲𝐢𝐫𝐢 : "Waxaan ku dhaartay waaberiga marka uu iftiimo." Ilaahay wuxuu ku dhaartay waaberiga marka uu iftiinkiisu soo baxo, si uu u muujiyo awooddiisa iyo quruxda abuurkiisa. Aayaddani waxay ina xasuusinaysaa in mugdi kasta uu leeyahay dhammaad, iftiin iyo rajo ayaana imanaya marka uu waagu beryo.
Wax aadan ku qanacsaneyn cidna haku qancin.
𝐇𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐀𝐥-𝐁𝐚𝐬𝐫𝐢 Ilaahay ha u naxariistee wuxuu yiri: "المُؤْمِنُ مِرْآةُ أَخِيهِ المُؤْمِنِ" Mu’minku waa muraayada walaalkiis wuxuu tusaa khaladkiisa si daacadnimo iyo naxariis leh. Sheekhu wuxuu tilmaamayaa in mu’minka dhabta ah uusan qarin khaladka walaalkiis marka uu arkayo, sidoo kalena uusan ku faafin dadka dhexdooda. Wuxuu si degan, xushmad iyo daacadnimo leh ugu sheegaa khaladkiisa, isaga oo ujeedadiisu tahay inuu hagaago, ee aanay ahayn inuu ceebtiisa soo bandhigo.
Waa qof ku dhintay dagaal oo mobilekiisii la helay. Hooyadii ayaa intaas oo jeer soo wacday! Dareenka hooyonimo waa mid gaar ah
Gabadhan yar ee reer Falastiin saaka waxay macsalaameysay aabaheed oo shahiid ah, Mahmoud Taroush, maadaama ay kaligeed tahay qofka kaliya ee ka badbaaday qoyskeeda. Sannad ka hor, gurigooda ayaa la bartilmaameedsaday, iyadoo la dilay hooyadeed iyo walaalaheed, iyada iyo aabaheed oo keliya ayaana ka badbaaday. Shalay, aabaheed ayaa sidoo kale la bartilmaameedsaday oo la dilay, iyadoo kaligeed ah ayaa ka nool qoyskeedii oo dhan. Sagootintii ugu dambeysay, aad ayay u ooyaysaa xanuunka musiibada Ilaahay u qadaray, waana dhacdo aad u xanuun badan. Ilaahay ha u naxariisto qoyskeeda, iyadana ha siiyo samir iyo iimaan kaamil ah. X. Abdikarim Digaalle
𝐈𝐛𝐧𝐮 𝐊𝐡𝐚𝐥𝐝𝐮𝐮𝐧 𝐢𝐥𝐚𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐡𝐚 𝐮𝐧𝐚𝐱𝐫𝐢𝐢𝐬𝐭𝐞𝐞 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐮𝐮 𝐲𝐢𝐫𝐢 ; "الناس على دين ملوكهم." "Dadku badanaa waxay ku daydaan hoggaamiyayaashooda iyo hab-dhaqankooda" Oraahdani waxay tilmaamaysaa in hogaamiyuhu saameyn weyn ku leeyahay bulshada. Haddii uu noqdo qof caddaalad, daacadnimo, iyo akhlaaq wanaagsan leh, dad badani way ku daydaan. Haddii uu yeesho dhaqan xun, bulshada inteeda badan waxay u nuglaataa inay raacdo jidkaas. Sidaa darteed, hoggaamiyaha wanaagsan wuxuu gacan ka geystaa wanaagga bulshada.
"ولاحزن يدوم ولا سرور ولا بؤس عليك ولا رخاء إذا ماكنت ذا قلب قنوع فأنت ومالك الدنيا سواء" Majirto murugo joogto kuu ahaanaysa iyo sidoo kle Farxad joogto kuu ahaanaysa Mana jirto dhibaato iyo faqri ku joogtaynaya Haddii aad leedahay qalbi qanaaco leh Adiga iyo ka taajirke aduunka haystaa wad simantihiin 𝗜𝗺𝗮𝗮𝗺𝘂 𝘀𝗵𝗮𝗮𝗳𝗶𝗰𝗶
Cigaal shidaad ma nin jiruu aha mise sheeko khayaali
Noloshu waxay bilaabataa marka ay cabsidu dhammaato. Cabsiduna waxay dhammaataa marka aad qaadato go’aan dhab ah oo aad naftaada ku hoggaaminayso. Sanadkan oo sii dhammaanaya, ha u ogolaan waqtigu inu kaa tago adigoo aan isbeddel sameyn. U kac, u dhaqaaq, oo u beddel noloshaada jihada aad hiigsanayso. Maanta qaado tallaabadaas yar ee berri kuu noqon doonta guul weyn. Hadafkaaga waa suurtagal, haddii aad adigu naftaada rumaysato.
𝐄𝐞𝐛𝐞 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐮𝐮 𝐲𝐢𝐫𝐢 ; "وَسَارِعُوا إِلَىٰ مَغْفِرَةٍ مِّن رَّبِّكُمْ وَجَنَّةٍ عَرْضُهَا السَّمَاوَاتُ وَالْأَرْضُ أُعِدَّتْ لِلْمُتَّقِينَ" "U tartama dambi-dhaafka Eebihiin iyo Janno ballaceedu la egyahay samooyinka iyo dhulka, loona diyaariyey kuwa Alle ka cabsada." Aayadan waxay ku boorinaysaa Muslimiinta inay ku dadaalaan camalka wanaagsan iyo towbada si ay u helaan Jannada weyn ee Alle u diyaariyey dadka taqwada leh. Galab wanaagsan
This is true knowledge. Qur'aanku waxa uu bixiyaa mabaadi'da lagu saxo qalbiga, lagu hagaajiyo akhlaaqda, laguna dhiso bulsho wanaagsan oo caafimaad qabta dhinac walba. Waxa uu si toos ah qofka u baraa halka ay ku jirto dantiisu labada daaroodba ,sida oo kale waxa uu ka badbaadiyaa waxkasta oo dhibaatayn kara qofka noloshiisa. "فَمَنِ اتَّبَعَ هُدَايَ فَلَا يَضِلُّ وَلَا يَشْقَى" "Qofkii raaca hanuunkayga ma luminayo mana dhibaatoonayo." (Suurah Taa-Haa 20:123) Hambalyo ardayda dhammaysatay barashada Tafsiirka Qur'aanka Kariimka. Ilaahay ha ka dhigo kuwo ku camal fala wixii ay barteen, cilmigoodana uga faa'iideeyaan naftooda iyo ummaddaba. Aamiin.
Xusitaanka sanadka cusub soomaaliya Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku xustay bilowga sannadka 1117 ee taariikhda dhaqanka Soomaaliyeed ee loo yaqaan Dabshid, iyadoo ay ka qayb galeen mas'uuliyiin, aqoonyahanno iyo fanaaniin. Qabanqaabiyeyaasha munaasabadda ayaa sheegay in ujeeddadu tahay in la dhiirrigeliyo isticmaalka taariikhda dhaqanka Soomaaliyeed iyo ilaalinta hidaha iyo dhaqanka dalka. Taariikhda Dabshid waxaa taariikh ahaan isticmaali jiray beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada si ay ugu gartaan xilliyada sanadka, roobabka iyo hawlaha beeraha, welina waxaa laga adeegsadaa meelo ka mid ah dalka arrimo dhaqan iyo beeraha la xiriira.