WALAAL❤️
СтатистикаWaxaanu soo gudbinaa : xikmado,sheekooyin iyo fariimo wacyi gelin ah, nagu soo biir walaal kana mid noqo walaalaha qalbiga wanaagsan ee madashani kulmisay mahadsanid.😇
- Последний пост
- 31 дек.
- Последнее чтение
- 13 авг.
- Постов за неделю
- 0
- Всего постов
- 20
- Тип
- открытый
- Язык
- so
- В каталоге с
- 13 авг.
- 1/24сутки в ленте
- —
- 1/48двое суток
- —
- 1/72трое суток
- —
Оценка по просмотрам недавних постов: пост набирает почти всё за первые сутки.
Посты
Qorraxdii saaka kasoo baxday dhanka bari, sidoo kale barri subax waxay kasoo bixi doontaa isla halkii ay saaka kasoo baxday. Sanadka cusub ee 2026 waxba ma bedeli doono. Adiga ayaa gacanta ku haya is bedelkaaga Ficil samee si maalmahaagu uga duwanaadaan maalmihii lasoo dhaafay. Nolol qurux baan kuu rajaynayaa.❤️
Qalbigaagu wuxuu mudanyahay farxad ! Farxadu maaha riyo iyo wax u baahan gaadhitaan, keliya waa rajayn iyo inaad rabbigaa wax wanaagsan ka filato mar walba, kuna sabarto dhibaato walba oo dhinacaaga taala, adigoo rajaynaya naxariista rabbigaa.❤️
Jacayl ha u qaadin qof waliba oo wanaagsan biloowga horre, maxaa yeelay dhamaantood way wanaagsanyihiin biloowga. Jacayl waxaa muddan qofkii ilaa dhamaadka kuu wanaagsanaada.❤️
albaabada aad ka cabsanayso, gadaashooda waxaa ahaaday nolol u qalanta in lagu noolaado.❤️
Sanadku waa tirro oo keliya noloshana waxba kama bedelo, waxyaabaha maalin laha ee aad qabanayso uun baa noloshaada wax bedeli kara. Maalmo qurux badan baan idiin rajeynayaa saaxiibayaal.❤️
Dunidani maaha nolol rasmi ah, qof weliba si lama filaan ah buu uga tagayaa, waxaa haboon qof walba inaad kula dhaqanto wanaag aan hadhoow qoomamo ka danbayn.🥺❤️ @nuurkah🦋
Waxa ugu wanaagsan ee aabuhu caruurtiisa u qaban karo, waa inuu hooyadood jeclaado.❤️🫂 @nuurkah🦋
Waxaynu ku noolnahay duni is moodsiis ah ! waxaynu aaminsanahay inaynu haysano waqti aynu ku qabano waxyaabo badan oo qalbigeena ka dhex guuxaya, laakiin ma ogid noloshuba inay tahay daqiiqadaas aad dib dhiganayso iyo gaadhitaankeeda inta u dhaxaysa.🙂 @nuurkah🦋
Farxada aan raadiyo marka aad iga maqantahay, iyadaaba isoo raadsata marka aad garabkayga joogto.❤️🥺 @nuurkah🦋
Oo miyaanay kalsooni iyo degenaan ku galayn marka uu xabiibkaaga muxammed(s.c.w) ku leeyahay:" hadii ay dhamaantood isku tagaan si ay kuu dhibaateeyaan waxba kuma yeeli karaan wixii alle kuu qoray mooyaane" Xasili naftaada.❤️ @nuurkah🦋
Dadka kale farxadoodu hadii ay ku farxad galinayso, ilaahay u mahadnaq naf qiimo badan baa kugu jirtee.❤️😍 @nuurkah🦋
Waxaan rabay inaan kuu sheego dhamaantood inay i khiyaameen adiga mooyaane, laakiin adiguna waad ikhiyaantay inta aanan kuu sheeginba.💔 @nuurkah🦋
Wuxuu yiri: farxadu maaha inaa wax walba oo aad u baahantahay hesho, ee waa inaad ku raaxaysato waxa aad haysato.❤️
Caruurnimadu waxay kugu abuuraysaa riyo aanad garanayn inaad gaadhi doonto, waayeelnimaduna waxay kusoo hor dhigaysaa xasuusu kuu sheegaya in waqtigu ka qaalisanaa sidii aad umalaynaysay.💔
Waxaad ogaan doontaa maalin maalmaha kamid ah inaad ku lumisay daqiiqado aad u qaali ah, si aad shakhsiyadaada u tusto indho doonaya in ay arkaan waxa ay u baahanyihiin oo keliya.
Waxaa jira sanado iyo maalmo aad u badan oo aynaan garanayn halka aynu ku luminay, laakiin waxaynu ognahay inaanay weligood dib inoogu soo laaban doonin.💔
Muuqaal ahaan ahoow qof qurux badan si indhaha ku arkaa ay kaaga helaan, Akhlaaq ahaana wanaagsanoow si cidii kula dhaqantaa ay kuu jeclaato.❤️
Waxa ugu muhiimsan nolosha labada qof ee lamaanaha ahi waa samirka/dulqaadka, hade maaha jaceylka ee waa samirka, maxaa yeelay jaceylku masii jirayo hadaan la isku samrin oo aan la isku dulqaadan.❤️
Saaxiib mustaqbalkuba waa maanta oo maalmo lagu daray, ha isku mashquulin timaadada ee joogtada xooga saar.❤️
Noloshuba waa socdaal iyo tijaabo aan laga sal gaadhayn, iyada oo qof weliba wax u gaar ah baadigoobayo ayuun buu waqtigiisu dhamaanayaa.