- Последний пост
- 28 июл.
- Последнее чтение
- 15 авг.
- Постов за неделю
- 0
- Всего постов
- 20
- Тип
- открытый
- Язык
- und
- Категория
- Языки (по похожим)
- В каталоге с
- 13 авг.
- 1/24сутки в ленте
- 44
- 1/48двое суток
- 50
- 1/72трое суток
- 54
Оценка по просмотрам недавних постов: пост набирает почти всё за первые сутки.
Посты
Noloshu waa giddi (totality); uma baahnid inaad wax ku qasabto, uma baahnid inaad qaabayso, uma baahnid inaad siiso qaab, edbin iyo nidaam. Noloshu waxay leedahay nidaam u gaar ah, waxay leedahay edbin u gaar ah. Si fudud ula soco. Ha isku dayin inaad riixdo biyaha webiga. Webigu wuu socdaa; noqo mid la socda, wabiguna wuxuu ku geyn doonaa badda. Ahmed Qaydare
قال رسول الله ﷺ: "مَن صَلَّى عَلَيَّ صَلَاةً وَاحِدَةً، صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ بِهَا عَشْرًا." اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد ♥️
Waayo-aragnimadu shanlo ay noloshu siiso nin bidaar leh. Waa hadiyadda ugu jees-jeeska badan ee noloshu bixiso; waxay ku siisaa jawaabaha marka su'aalihii dhammaadeen, sida in lagu siiyay shanlo goor ay timihii kaa daateen. Waa goor aad gabowday, waxaad markaas si cad u aragtaa khaladaadkii, waddooyinkii saxnaa iyo wixii ay ahayd inaad samayso, balse aragtidaas iyo waayo aragnimadaasi waxay timaaddaa xilli aan dib loogu noqon karin halkii laga soo maray, anfacaadna aysan lahayn. Reer xamarku waxa ay dhahaan "adoo sugayay ku qadinee, adoo samrayna way ku siinee". Waa runtood. Mohamed Dafle.
Aabahay dhihi jiray:waxkasta oo aad qabanaysid u qabo si 100% ah. Kolka ay shaqo tahay,shaqee, Kolka aad qoslaysid,qosol Marka aad wax cunaysidna cun sidii oo ay tahay markaagii kuugu dambaysay.
I’m telling myself, don’t stop, don’t give up. I don’t care if it takes time I will achieve my dreams. "Naftaydaan la hadlayaa,Ha joogsan,Ha isdhiibin,Waxba igama galin haddii ay wakhti qaadanayso waan gaadhi doona riyooyinkayga.
"Saacaddu waxay ina tustaa wakhtiga, Wakhtiguna wuxu ina tusaa dadka".
Kaftan. Wuxu yidhi: Roob xoogan baa da'ayey kadib inan qurxoon baa daad dhexgashay waliba way qaylinaysay Anna hindigaan badsan jiray yaraantii oo intaan soo cararay baan damcay in aan badbaadiyo Markii aan gaadhay bay i tidhi ha taaban waryaa!,yaa ku dalbaday? Dadkii meesha joogay oo ciyaal u badnaana qosol bay la daateen xataa qaar baa i duubayey😁 Alla ileen ciil looma dhinto.
Pov: Anigu- Markaan soo raaco motto dhuglay uu mid saaxiibkaygaa wado.
Kala weecad keenii Wadnahaygu kari waa Wal wal iyi dhib badan maray Waleecaaday awgaa Ku wareegay meelihii Waagii bartii uu Wacadkeenu ka unkamay Weheshaday xasuusii Wakhtigii samaa tabay. 2/8/2024
Ciid mubaarak asxaabta qiimaha badan ee goobtan.
Noqo mid naxariista xataa haduu san qofna kuu jeedin.
Qofkasta oo diyaarada saarani waxa uu xambaarsan yahay qiso aynaan ujeedin. Mid waa dulimaadkiisii koowaad:wuu shoogsan yahay. Midkood sanado badan kadib ayuu kusoo laabtay dalkiisii hooyo(home). Mid waxa uu u baxay safar ganacsi ama waxbarasho. Midkale qof uu u xiisay ayuu ka fogaanaya ama la kulmaya. Kuwo kalena riyooyin ayey eryanayaan si ay u rumeeyaan. Waligaa dhimirsanow ma ogid qofna wax u gaar ah nolosha aduunkuna waa tabtaas.
Intani waa turjumaad tiraabaysan oo aan ku sameeyay gabayga “Meeyay Saaxiibkay Xasan? - أين صاحبي حسن؟” ee gabyaaga reer Ciraaq ee Axmed Madar. ** Madaxweynihii talada lagu aaminay ayaa gartay in uu soo gaadho degmooyin dalka ka tirsan. Kolkii uu noo yimi wuxuu nagaga naxsaday annaga oo didsan: “Sheegta cabashadiinna oo tirsan, runtana ku mitida korna u dhaha baahiyihiinna oo fidsan. Hana biqina, waa la dhaafay xilligii cabsida e.” Saaxiibkay Xasan baa dhiirraday. “Mudane,” ayuu isla taagay, “roodhi iyo caano ma haynno. Oo cidna guri ku ma hoynno. Wax shaqo ah maba haynno. Masaakiintayaduna dawada ma goynno. Maxaa xal ah, mudane, intaa midna ma haynno?” Madaxweynihii murugaa saaqday. Inta uu madoobaaday oo is cuncunay ayuu ku taahay, “Ilaahow god igu rid haddaan ogaa! Ma waxaas oo dhan baa iga hoos oognaa! Waad ku mahadsan tahay baraarujintaa. Berriba kimistu way idin la joogtaa.” ** Sannad baa la kala maqnaa. Waa in uu soo noqdaa. Markii uu yimiba isla intii ayuu na yidhi annagoo sidii hore ka jilicsan: “Sheegta cabashadiinna oo tirsan, runtana ku mitida korna u dhaha baahiyihiinna oo fidsan. Hana biqina, waa la dhaafay xilligii cabsida e.” Cid cabataa la waayay. Dabadeed anigaa istaagay. Hareerahaan eegay oo aan su’aalay, “meeye roodhidii iyo caanihii? Meeye guryihii? Meeday shaqadii maqnayd? Oo meeday dawadii jabnayd? Waxaas oo dhan ka horra, meeyay saaxiibkay Xasan?” W/T Aw Guudcadde.
Qoomaamo. 3aad. Ubax waxaa naftaydii la tagay feker waxay iska qoomamaysa marwalba sababta ay uga hayn wayday macluumaad intaa ka badan oo ay kala xiriirto. Intaas aad wada socoteen miyaanad marqudha ehelkiisa ama gurigooda midna arkin? Waa su'aasha ugu badan ee ay waydiiyaan dad intii isu taqaanay. Ayaduna wax jawaab ah uma hayso. Dhanka kale Faysal oo ahaa wiil qoys u wayn reerkoodu wuxu ahaa danyar aanan waxba haysan Aabbe isaga oo yar ayuu furay hooyadii dibna ulama soo xidhiidhin Waxa ay ka koobnaayeen saddex qof. Waa isaga Hooyadii iyo gabadh walaashiis ah oo kasii yar. Intaas uu wax baranayey waxa u shaqayn jirtay hooyadii oo guryaha reeraha usoo nadiifin jirtay si ay ugu deberto nolol maalmoodkooda,waxbarashadooda,iyo aradkooda oo dhan. Ugu danbayn hooyadii way xanuunsatay isaga ayaana shaqadeedii bilaabay. Faysal noloshiisu waxay ka bilaamaysay salaadda subax oo uu shaqo u baxo iyo 10:00habeenimo oo uu kasoo baxo. Wuxu ka qoomameeyey in uu hore u sameeyey xiriir bilaa qorshe ah. Taas oo aanu u ahayn dhaqaale iyo wakhti toona. Waxa uu mid mid uga qoomameeyey erayadii ahaa dugsiga kadib baan ku guursanayaa iyo hadalkasta oo uu u sheegay Ubax. Maanta waa jimce waana maalinta uu galinka hore fasaxa yahay. Wuxu go'aan ku gaadhay in uu Ubax raadiyo oo runta u sheego. Balse markii uu soo anbabaxay intii aanu gaadhinba gurigii Ubax ayey kasoo horbaxday Ubax iyo walaasheed Run ahaantii way isku naxeen ayaduna way ku qaylisay Balse ugu danbayntii runta ayuu u sheegay oo si cad ayuu ugu qanciyey xidhiidhka bilaa qorshaha ah ee uu la sameeyey. Mid walibana dhinac ayuu u dhaqaaqay isagaa oo aad uga qoomamaynaya waxwalba oo ay isla soo mareen. Gebo-gebo. Dulucda sheekada. Waligaa ha sameyn xidhiidh bilaa qorshe ah ama balan ha qaadin aanad hubin dhamaadkeeda. Dhamaad..
Qoomamo. Q2aad. Bil ayaa kasoo wareegtay is aragoodii walina Ubax ma garanayso meel ay ka raadiso ninkii Faysal ahaa. Isbedel muuqda ayaa ku dhacay ubax. Habeen walba hurdo badan ma seexato,cuntada si nafis ah uma cunto feker iyo werwer ayaana jidhkeedii bedelay. Qofkasta oo ay garanaysay way waydiisay,barihiisii bulshada ee ay kuwada xidhiidhi jireen daqiiqadii walba waa ay soo booqataa oo raad ayey ka badisay. Maalmaha qaar inta ay iska baxdo ayey u dhaqaaqdaa dhankii uu aadi jiray iyadoo xaafadaha,waddooyinka iyo meheradaha shaaha ka dhex baadha sidii qof soo lumay oo kale. Isla galabta baafintiisa ayey kujirtaa. Duhurkii ayaa wiil ay isaga asxaab ahaayeen meel ugu tilmaamay. Aaggii loogu sheegay ayey iskusoo toosisay. Kolka ay cabaar wareegtay waxa ay aragtay wiil joog dheer oo qaabkiisii leh kaas oo meel durugsan sii socda. Intii ay awoodaysay ayey kadaba oroday. Mudadii ay jidka kusoo jirtay ayuu kaga dhex lumay meel saxmad ah oo dadkuna ku badan yihiin. Hareerteeda midig bay jaleecday mise boqolaal dad ah baa isdaba maraya hadana dhinaca kale ayey u jeesatay kumanaan kale ayaa isdhex qaadaya. Markale si kadis ah ayey horteeda uga aragtay ninkii Faysal u eeg'kaa. Ayada oo aan waxba hubsan ayey qaylo intii ay awoodaysay dhawaaqday. Faysal!! Faysal!! Faysal!! Dadkii oo dhan oo uu ninkii ay ku qaylinaysay kujiro dhankeeda ayey soo wada eegeen. Nasiib daro ma uu noqon Faysal. Kolkii ay aragtay in aanu isagii ahayn si yax-yax iyo xishood ka muuqdo ayey dib ugusoo laabatay.
هسامح، لكن مش هنسى . I will forgive, but I will not forget. Waan cafin doonaa Se ma ilaawi doono.
Sheekooyinka taxanaha ah ee waaqiciga ah intiina danaysa halkan isku muujiya idinka oo love saaraya. Sidoo kale waxan bilaabi doonaa dhawaan sheekooyin qaaska ah qofkii haya ama ay isaga ku dhacday in aan baahino oo aad halkan noogusoo gudbisaan anagoo qarinayna wixi khusuusiyaad ah. Mahadsanidiin.
Qoomamo.. Q1aad. Maalinba maalinka ka danbeeya jaceylkoodu waa uu sii koraayey. Ardayda ay isku dugsiga yihiin iyo macalimiintuba way isku barteen. Qof waliba aragti gooni ah buu ka haystay xidhiidhkooda. Waxaa jiray barayaasha qaar oo uu kamid ahaa macalinka maadada suugaanta waa uu soo dhaweeyey da'yarkan is caashaqay kuna dhiirigalin jiray hamigooda. Kuwa kale oo uu kamid yahay wadaadka tarbiyada islaamka dhigaa aad buu uga diiri jiray, dhaqan xumo ayaanu ku tilmaami jiray ciyaalkan yar yar ee had iyo goor garbaha is haysta. Labadooduba waa koray ama "teenager" Ubax,waa gabadh dheer midab maariin ah waji qorqoran oo qurux u dhalatay. Da'ahaan waa 16 laakiin,muuq ahaan inay intaas ka wayntahay baa la moodaa. Jaceylkeeda Faysal qudhiisu waa nin lafdheeri iyo qaab samaan ku darsaday codkarnimo sidoo kale qurxaani ah. Halsano ayuu ka wayn yahay ubax. Garaad badnaan iyo fahmo badni ayaa uu caan ku yahay oo saaid ayuu waxbarashada u fiican yahay. Qoyska Ubax jaar ayey dugsiga la yihiin sidoo kale way og yihiin xidhiidhka inantooda kala dhaxeeya Faysal. Laakiin isaga gurigoodu aad ayaa uu u fog yahay Maba jiro hal qof oo yaqaana halka uu dagan. Maanta todobaad baa laga jooga subaxii ay galeen maadaadii ugu danbeysay ee imtixaankii fasalka afraad. Isla maalinkaas wixii ka danbeeyey dib looma arag Faysal. Asxaabtiisa,gacaladiisa iyo dhamaanba intii ay is yaqaaneen hal mar ayey iswada waydiiyeen. Mid meel ku sheegana la waayey. Ubax ayey aheyd qofka ay arintaasi warwarka ugu badan ku abuurtay. Maadama ay jaceylkeedii wayday. Habeen iyo maalin warwar ayey seexan wayday. Dhamaan barihiisii bulshadana waa laga waayey. Mida layaabka iyo amakaaga kusii noqday waxay aheyd in laba waayey qof kali ah oo taqaana halka uu dagan yahay.
Dhulka waxa aan ka bartay in aamusku uusan ka dhignayn dareen la'aan. Hawada waxa aan ka bartay in aadan u baahnayn muuqasho si aad u yeelato saamayn. Biyaha waxa aan ka bartay in dabacsanidu aysan ka dhignayn daciifnimo. Dabka waxa aan ka bartay in baaba' iyo gubasho walba aysan ahayn dhammaad balse ay tahay bilow cusub. -Dafle
Hadday qaar ku raadshaan Qaar ku ruufayaa nool, Nin haddaad la tahay rixin Nin kalaad la tahay raran, Waana xeer Rabbaaniya Inaan ruuxna aadmiga Wada raalli gelin karin. Weedhsame.