NUXUR SIDA️
СтатистикаHalkan waxaan kusoo gudbiyaa barnaamijyo wax ku ool ah Nuxur iigu imow ❤️
- Последний пост
- 13 авг.
- Последнее чтение
- 15 авг.
- Постов за неделю
- 1
- Всего постов
- 24
- Тип
- открытый
- Язык
- so
- Категория
- Языки (по похожим)
- В каталоге с
- 13 авг.
- 1/24сутки в ленте
- 130
- 1/48двое суток
- 148
- 1/72трое суток
- 160
Оценка по просмотрам недавних постов: пост набирает почти всё за первые сутки.
Посты
Waaxyaha jidhkiyo Wadnihii dadkaba Wacan ugu jeclaa wali waa sidii Mana wiiqmayee Wiigii kastaba Wuu sii battaa. Abdirisak✒️
قال رسول الله ﷺ: "مَن صَلَّى عَلَيَّ صَلَاةً وَاحِدَةً، صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ بِهَا عَشْرًا." اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد ♥️
Wali waxaan layaaba Wanaagii dhexdeeniyo Sidee buu wacnaantii U bedelay waxyeeladu ? Hadda miyey i wiiqaan Weedhahaagi dhayi jiray Wadnahayga kuu nugul ? Wehelnimada ruuxihii Kalgacal wadaagee Ku rafiiqay wehelnimo Hadda miyey iswaayeen! Miyey kala wareegaan Waaxyihii istabi jiray? Wakhti baa ina doorshee Kala weecadkeenani Ma mid waarayaa abid? Dabadaa wareeroo Hurdo wacan ma seexdee Miyaad ila wadaagtaa? Waadigii i dayrshee Sidee waagu kuu yahay? Waynuhu miyuu adi Kuu dooray ruux wacan? Ma mid kuu wadaadoo Wehelkuu ah baa yimi? -Abdirisak.
Mararka qaar dhibaatooyinka xal karaadi.
"Badanaa wanaag fall,Wuxu kuugu soo laabanaya qaab aanad filananayn. Rumeyso".
Wuxu yidhi: "Waxaan aassay wax badan oo dabcigayga kamid ah si aan unoqdo shakhsigan degan".
ASLI 02 Asalkaba badda iyo dumarku waa isku dabci. Labaduba marka ay kacsan yihiin dhawaaqoodu aragagax buu abuuraa oo qofka aan aqoon u laheyn wuu ku dagmaa. Sidaa oo kale marka ay deganyihiin quruxdoodu way yaab galisaa ruuxii ishaara. Caawa jawiga baddu aad buu u degan yahay si lamid ah sidaada. Samadduna way rooban tahay. Dhibco aan xooganayn baa kor kasoo dhacaysa. Maaha sidii ciidka oo habeenkan waa cidla' Asliyey aragaaga iyo kan badda waxba uma dhaxeeyaan. Farxadaadu waa neecowda sambabadayda iyo laabta sifaysa. Si kasta oo aan daal u dareemayo, markii aan adiga kuu imaado culeyskayga waxaa bedela fudayd,murugtana dhoolacadayn. Asli, kaliya ma tihid meel aan ku nafiso waxaad tahay abuur ashqaraarleh iyo ruux aan ku dhumo marka aan dhugto sida loo abuuray. Waa sababta aan caawa u daartay heesta uu qaado Qamar Suugaani. Markii aan la shaamareeray muuqaaga dayaxa shabbaha iyo jawigan cajiibka ah. "Dhab mooyee halkaan maraayo Ku dhumayee sid loo abuuray, Xiskay dhufataa ku heesay Markuu dhako faarka yaabay Malaha tani waa dhameysee Dhashii nebi aadam maaha Dhabeeshani waa qof gaara Dhigeed kuma uuna kowmka"
ASLI. 01 Ma xasuusataa goortii ugu horeysay ee aan kulanay Asliyey? Miyaan kuu sheegay se inay aheyd habeenkii koowaad ee aan booqdo xeebta. Inkasta oo aan waligayba deganaa magaalada hadana maalin mooyiye ma jeclayn xilliyada kale aadista badda. Waa tii aheyd habeenkii labaad ee ciidda fidriga. Anigoo caajis dareemaya jawiguna iga qasan yahay ayaan iskaga dhaqaaqay dhanka badda. Laakiin farxad iyo rayn-rayn aanan waligay dareemin baan kala soo laabtay. Dad badan oo ciiddaa ka badan baa meel walba taagna. Koox koox ayey uwada socdeen qaar kalena qoys-qoys kuwa ugu qurxoon waxay ahaayeen lamaanayaal dhalinyaro ah. Se markii aan adiga ku arkay ayey waxwaliba isbedeleen. Waxaad xidhnayd toob cad iyo shalmad madaw khafiifa. Way kuu fadhiday dhanka labiska run ahaantii. Joogaaga dheer,dhexdaada taakada ah iyo talaabadaada indhahaygii baad sixratay. Anigu abuur kula mid ah hore umaanan arag. "Waaw oo ileen waa kaligeed!"ayaan u idhi qaab aanan illaa hadda hubin in ay qaylo aheyd iyo inkale. Kolay adigu waad maqashay,misna indho ay cabsi ka muuqato baad igusoo eegtahay. laftaydu waan cabsanaayey oo hadalkaba dhawr jeer baan ku margaday. Horta eraygii u horeeyey ee aan ku idhi ma xasuusto. Waynu kala baqaynay,laakiin ugu danbeyntii, Haddii aanay dhoolacadayntaadu ii miciini laheyn qajilaadu igama ba'deen, haasaawuhuna muu bilaabmeen. Intaa kadib waynagii u wada sheekaysanay sidii labo waligood isyaqaanay. Ma xasuusataa markii uu dayaxu kasoo baxay dhanka badda Ee aad tidhi "Alla dayaxii meel fog buu kasoo bidhaamay"! Anna aan ku idhi "maya ee wuu dhawyahay". Dayax aan kaas i horfadhiya aheyni iima muuqan. Waa runtay oo kaliya adiga ayaa ii iftiimayey. W/Q Abdirisak. 25/3/2026.
Rabbi daacad u ahow Dadaalkaaga fara badi Dad wanaagsan kuxidhnow Dibindaabyo guudiyo Iyo waayi maysid diiqadee Dulqaadkana ha moogaan
Marka aan dib u akhriyo message yadii aan qoray kolkii aan xidhiidhka kujiray😁
Ka faaaidaysta
"Waad bedeli kartaa waxad falayso,se marna ma bedeli kartid wixii rabitaankaaga ah".
Barigii hore waxa la dhihi jiray ruuxu afarta ama shanta qof ee uu la saaxiibka yahay ayuun buu la qaab noqdaa. Maahmaah caam ah baa aheyd "Intusi saaxiibkaa waxan kuu sheegaya qofka aad tahay". Iminka waxaan cad inay midaasi si caadi ah isula dhalan bedeshay dunida digitalka. Miyeynaan dhihu karin ii keen shanta qof ee aad barahooda ku xidhan tahay waxaan ku tusayaa cidda aad tahay. Ama intus afarta plateform ee aad ku badan tahay. Naqshadda -Abdirahman Dool.
Waad bogsan doontaa mar labaad nafyahay. Aniga ayaa kuu balan qaadaya midaas. Waan ogahay sidii adkayd ee aad iskugu dayeysay in aad dhakhso u kabato. Waxaa jiray maalmo kuwaas oo aad si daran iskugu dayeysay in aad hore u sii socoto. Se wali sida ugu adag ayaad iskugu dayeysaa si aad usii hore marto. Dhaawaca aad bogga ka dareemaysa waa mid aad u cajiib ah! Hadana wali waxaad isku dayeysaa in aad ka bogsato, Murugada aad maalin walba dareemaysa waxay kugu siyaadinaysaa cabudh ilaa iyo aad waxwalba ka daashid. Laakiin wali waxaad isku dayeysaa in aad naftaada u sheegto in maalin uun waxwaliba hagaagayaan. Habeen walba waxaad aheyd mid ooya/Oyda,Rajeeya in dhibkaagu soo dhamaado.ugu cataaba si qalafsan sariirtaada sidii oo aanu waligaa hal qofna ku fahmin ama ku caawin adiga. Waxaad tahay mid gabi ahaanba murugaysan iminka. Waanan ogahay ilaa hadda in aad isku dayeyso in aad qariso. Waxaan doonaya in aad ogaato-- In aan sameyn doono wax kasta oo aan awoodo si aan kaaga dhigo mid caadi ah maalin uun. Waxaan balan qaadaya in aanan dhiirigalintaada joojinayn xataa haddii qofkasta uu ku dhiirigaliyo adiga. Waan ku jeclaan doona wax badan,maalmaha aad xanuunsanaysid,waxaanan isku dayi doonaa in aan jawiga kuu saxo kolkaad murugsan tahay. Naftayda igu qaaliga aheey kuuma balanqaadayo in ay wax waliba hagaagayaan maanta. Balse waxaan balanqaadaya in aanan garabkaaga ka baxayn ilaa iyo aad ugu danbayn ka bogsato wax kasta oo aad sii dhexmarayso. marwalba waxaan ku xasuusin doona in aad mid adag noqoto xataa marka aad kaligaa tahay,niyad jabsan tahay ama qalbi jaban tahay.waxaan ku siinaya sababo aanad u rejo dhigin,waxaanan ku siin doonaa dhiirigalin aad ku dagaalanto. waxba kaama dhibayso in uu qalbigaagu daciifnimo dareemayo. waxaan kuu balanqaadaya jaceylkayga. Si kasta ha u adkaato waad ku guuleysan doonta dagaalkasta oo aad gasho. Turjumaad.
https://chat.whatsapp.com/JwpDWQWC17O0xhtkTrsMmn?mode=wwt
هَٰذَا مَا تُوعَدُونَ لِكُلِّ أَوَّابٍ حَفِيظ ق: 42 "Kani waa wixii la idiin yaboohay, waxaana iska leh mid kasta oo towbad keen badan, sidoo kalena Ilaaliyay wixii Ilaali la yidhi" Ereyga "الأواب" : af ahaan waa ku talaxtag, qaamuusku wuxu ku macneeyay qofka mar kasta Ilaahay u soo laabta, macnaha aayadduna sidan ayuu u dhigan yahay "qofku haddii aanu danbi badane ahayn, towbad keen badane ma noqdeen" Ka digtoonow danbigu in uu kula weynaado marka la barbardhigo naxariista Alle, sidoo kalena xumaantaadu yaanay kula yaraan amminta lagu beego ciqaabtiisa. Ku noolow filasho iyo firdhasho dhexdooda. Naxariista Alle filo, ciqaabtiisana ka firdho. Shaydaanku yaanu kugu qalqaallin danbiyadaadaa badan ee waxba ha u towbad keenin Rabbigaa. Sababta Alle iskugu bixiyay uu danbidhaaf badane waxa ay tahay, innaga oo mar walba danbaabayna iyo isaga oo innoo dhaafaya. Maalinka haddi aad sibirixooto kun jeer, kun kale Ilaahay danbi dhaaf waydiiso. –📖 Dhambaalada Qur'aanka https://t.me/bahjasooyaalka
Fadliga jimcaha awgii aan kuwada sallino suubanaheena nabi muxamed (Sallalaahu calayhi wasalam.) Rabi dambigiyo dunuunteena ha dhaafo.
без подписи
“Waad baratay ee ma ku camal falaysaan, Rasuulkuna (scw) wuxuu yidhi, “Maalinta qiyaame addoonku ka guuri maayo meesha uu deggan yahay ilaa afar arrimood la weydiiyo.” Mid ka mid ah waxa ka mid ah inta uu ku camal falay cilmigiisa. Indhaha fur. Maxaad ku kordhinaysaan daliilkii Alle ee kugu saabsanaa?!"😔 Baro aqoonta habeenkii. Maxaa yeelay maalintii waxa uu qalbigaaga oo ku mashquuliya welwel adduunyo. Wax badan ayaad baran kartaa marka aad habeenkii degan tahay.🤗🥹
Fursad waxbarasho oo mudo koobaan ah kubaro afar bilood oo kaliya hingaada iskana bixi bishii 3dollar oo kaliya waxaan kudiyaarinay course dhamaystiren oo mudo kooban soconaya haddii aad ubaahantabay nagala soo xiriir. @Jamaad12