English to Somali
Статистика- Последний пост
- 13 дек.
- Последнее чтение
- 15 авг.
- Постов за неделю
- 0
- Всего постов
- 20
- Тип
- открытый
- Язык
- so
- Категория
- Языки
- В каталоге с
- 15 авг.
- 1/24сутки в ленте
- —
- 1/48двое суток
- —
- 1/72трое суток
- —
Оценка по просмотрам недавних постов: пост набирает почти всё за первые сутки.
Посты
Kaliyaata adigu sug, maalmaha wacan way soo socdaan. -Haka niyadjabin, joogtee, waqtiyada wanaagsan wadada ayay kusoo jiraan.
' ubaxu ma baxo biyo(roob) la'aan, qofku na ma koro oo ma guulaysto xanuun iyo guurdarro la'aan'
' Marka qof iska kaa indhatiro, ha tuugsan in lagu daneeyo, ee sharafkaaga ilaasho'
"Hantiiluhu markii uu xanuunsado, saboolku wuu soo booqdaa si uu ugu muujiyo in uusan ku faraxsanayn jirradiisa, isagoo u rejeeya soo kabasho degdeg ah. Taas cagsigeeda, saboolku hadduu xanuunsado, wuxuu sugaa in uu iska bogsado, dabadeedna waxa uu aadaa taajirka, si uu ugu sheego in uu xanuunsaday" @Oraahyo1
"Aqoontu waa awooda aad ku dhagaysan karto wax walba, adiga oo aan luminayn iskaantaroonlkaaga ama kalsoonida naftaada". @Oraahyo1
"Waxa jira dad aqoon ahaan kaa hooseeya, kuwaas oo haya shaqadii aad jeclayd inaad qabato, sababta ay halkaas ku gaadheenna waa in ay go'aansadeen in ay ficil sameeyaan."
"Marka camalkaaga wanaagsani ku faraxgaliyo,camalka xuni na ku murug galiyo,waxaad tahay mu'min" @Oraahyo1
"Qofka imminka aanan qofna aaminin,waxa jirtay waqti uu qof si aad ah u aaminay-qofkiina qiyaanay-" @Oraahyo
"Guushu kun aabbe ayay leedahay, se guuldarradu waa agoon" -Marka la guulaysto dad badan baa sheegta, se marka la guuldaraysto cid walba waa iska bariyeeshaa.
"Jacaylku waa sida cunug-yar; waana in loola dhaqmaa si jilicsan oo dabacsan"
"Hantida hadaad isticmaasho way dhammaan,se aqoonta haddaad isticmaasho way kobcaysaa"
"Guusha waxaanad ka baran baad guuldarada ka barataa"
"Dabeecadda wanaagsani kuma samaysanto ascuub iyo bil toona, waxay ku samaysantaa si tartiib tartiib ah(maalinba maalinta xigta ah) jaagtaynta iyo dulqaadkuna waa lagama maarmaan"
Qof kasta oo guulaysta waxa uu leeyahay sheeko xanuun iyo dhib badan, sheeko kasta oo xanuun badan waxay leedahay ama ku dhammaataa guul. Sidaa darteed, sheekada xanuunka badan aqbal, guul na u diyaar garaw.
'Haddii aad dhibaatada si sax u xaqiiqsato, waxay u badan tahay inaad xalka gaadhaysid'
Caawa kahor inta aan seexan: Xasuusnoow.. Maskaxdaadu dhaawaca ay kuu gaysan karto, ma jiro wax kale oo kuu gaysan kara. Jooji ka walwalka wax aanad waxba ka qaban karin, aanad xakamayn karin. Neef qaado, Maskaxdaada daji. Wax walba way hagaagi doonnaan, waa ballan! -Alle na ku xidhnow. @oraahyo1
'Waxaan ahay addoonkaagii' W/Q: Cumar Al Cawdah W/T: Muxammad Cabdi faarax. Buuggan wuxuu qoraagu ku xusay aayado si qoto dheer u taabtay, Qur'aanka dhammaantiis waa khayr iyo barako, balse waxa jira aayado qofka istaajiya una muuqda sidii in la soo dejiyay waqti xaadirkaan si ay kuu dajiso oo aad ugu nasato. Buuggan waxaan u qoray si aan u taabto qalbiyada dadka, ma aha tafsiir qoto dheer sida kutubta tafsiirka caadiga ah, balse waa sharax fudud oo ka dhigaya in dhalinyarada maanta ay si sahlan u fahmaaan macnaha aayadaha. Aayadaha aan buuggaan ku xusay waxay igu qasbeen inaan dul istaago, marka aan aayad walba dul istaagana qalbigeyga ayaa jilcayay, markaas ayaan maskaxdeyda ka qoray waxaan dareemay iyo waxyaabaha aan ka faaiiday, Aayadaha Alle waxay bogsiiyen dhaawaceyga, waxay daaweyeen walwalkeyga, "waan ku ajiibay Rabbigeygoow!" @kaydbooks
Nolashaada saddex nooc oo dadka kamid ah ha i laawin: 1.Qofka ku caawiyay waqtiyada adag 2.Qofka kaa tagay waqtiyada adag 3. Iyo kan waqti adag ku dhigay- ama dhibaato kuu gaystay. @oraahyo1
"Haddaanad si fiican u qaban karin,ugu yaraan ka dhig mid si fiican u muuqata"
Ugu yaraan labo sanno oo barbaarin ah waxaa raaca siddeed sanno oo dugsi hoose/dhexe ah. Intaasi markii uu ardaygu kasoo laaco waxa timi in uu dugsi sare galo. Halkana waxaa ku dhaafa afar sanno. Haddana afar ama ugu yaraan saddex sanno oo jaamacad shahaadada heerka 1aad ah baa u raacda. Takhasuska uu jaamacada qaadanayana wax badani ugama baxsanaya (in yar mooyaane). Maxaynu ka dheefnay 16 sanno iyo dheeraad aan ahayn waqti lumis? Dhanka kale waxaa ku abaada maskaxdii la iman lahayd hal abuur cusub. Akhris iyo qoraal waa inoo kordhay, laakiin gabi ahaanba xirfadi inoomay kordhin. ..'Sababaha ka dambeeya hoos u dhaca hanaanka waxbarashada cid qudhi eedda ma laha ee waxaa wadaagi kara: madaxda dalka, maamulka/ barayaasha, waalidka iyo ardaygaba.